Yaa ku
dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho?
Ninki sahay ku noolaa Iyo soorta
dhaanshow
Saymaa da’aayee Sidow yeeli
doonaa?!
Tixdaas waxaa la sheegay in asalkeedu ka yimid ,
berigii soomaaliya inteeda badan biyada looga dhibbanaa waxaa jiri jirey
dad burcad ah oo dadka dhaanleyda ama safarka ah jidka u gala, oo dhaca
ama dila. Marka ay roobabku da’aan, waxaa yaraada dhaanka sidaasna waxaa
wax ku waaya dadkii burcadda ahaa ee ku noolaa dhacooda. Taas waxaa u
dhiganta qeylada manta ka yeereysa dadkii dantu kugu jirtay dhibtii
xamar ka taagneyd.
Yaa ku dhibtooday?
Lix iyo tobankii sano ee muqdisho ay wanshaxaabadu
ka taagneyd, waxaa jirey dad tiro yar oo ay u aheyd sannadihii dahabiga
ahaa ee cimrigooda, dad faqri ahaa oo taajirey, dambiilayaal aan xabsi
ka bixi jirin oo helay xorriyad ay mujtamaca kaga aar goostaan iyadoo
aan “yac!” la dhihin, kuwa “raabiya” heysay oo rabay wax ay qaniinaan.
Intii mujtamaca cuqdada ka qabtey oo fursad u heshay inay ciday doonaan
dhibaateeyaan iyagoo marna qabiil ugu mar-marsooda marna sabab la’aan.
Intii ku raaxaysan jirtey taaha iyo balambalka dadka taagta daran. Intii
sida xun u nooleed waxay si xor ah u firdhiyeen suntoodii ilaa markii
dabme mujtamaciiba qabatimeen qaniinyadoodii oo ay wax iska caadi ah
noqotay!
Markii ay maxkamadaha Islaamiga ah (Allah dhowree)
ay gacanta ku dhigeen talada Muqdisho iyo gobolla kale, waxaa cod mid ah
lugu yiri “alxamdu lillaah” allaa mahad leh, allihii naga dul qaaday
kuwii dadka ugu liitey uguna naxariista darnaa, Allihii nicmadiisa nagu
hareeyey, iwm.
Hase yeeshee waxaa jirey codad kale oo aan layska
dhiga tiri karin, soona xoogeysanayay marba marka ka dambaysa, waxaa
afkooda furtay intii danta ku qabtey silicii iyo saxariirtii, waxay ku
dhegaan geedk kasta oo ay isleeyihiin waa idinka reebi karaa daadka,
waxay buun-buuniyaan gef kasta oo ka dhaca maxaakimta iyo dadka la
xiriira, waxay tashwiish geliyaan dadka maan gaabta ah, iyagoo leh
“nabad waa la helay laakiin shaqo la;aan ayaa jirta!!”
Waxaa is weydiiyey shaqooyinka ay maxkamaduhu
joojiyeen waa kuwee?? Ma warshado, wasaarado iyo wakaalado la xirey ayaa
jira? Waxaan ogaaday in kuwa qaylinaayay ay yihiin: kuwii dadka cuni
jirey, kuwi ka hoos qaraaban iyo kuwii kasii hoos qaraaban jirey, kuwii
dadka afduubi jirey, kuwii aflaamta jinsiga shidi jirey maalin cad bisha
Ramadaan, kuwii dadka afduubi jirey, kuwii dadka la afduubayo soo
ilaalayn jirey, kuwii isbaaroyinka ka quudan jirey, kuwii mooryaanta
marna quraamin jirey ama xirsiyada u xiri jirey ama tahliisha cabsiin
jirey, kuwii dadka ku shiish baran jirey, kuwii guryaha islaameed ku
ilma dhalay, kuwii beeraha dadka ka xoolaystay, kuwii dadka dhoofin
jirey, kuwii dakanaha galay ee qabiilka looga baqi jirey, kuwii guryaha
fiiqan jirey, kuwii daroogada ka mushtari jirey, kuwii mukulaal madowga
ahaan jirey, kuwii daawada ama raashinka dhacay waddanka keeni jirey,
kuwii lacaga soo daabaci jirey, kuwii warshadihii qaranka boobay, kuwii
dadka nolosha ku gubi jirey, kuwii, kuwii, kuwii.. ilaa lag iyo
laan-jirideed….
Waxay barteenoo beryahaan la waayay
baafinayaan!
Dad baa waxay rumasan la’yihiin waa la simanyahay,
qof waliba meeshuu doonuu mari karaa, looma ooyaan ma jiro, isbaaro ma
jirto, mukulaal madow majirto, filim dhaqan xumo ah lama shidi karo,
akhlaaq xumo lama oggola, xaqa dadkii iska lahaa haloo celiyo, dad lama
afduubi karo, nin weliba dhidid kiisa ka ku tashado !
Bulshada rayidka ah, hay’adaha samafalka
(NGOs), iyo kuwa xuquuqda.
Waxaa murala-dillaac ah waxa loogu yeeray bulshada
rayidka ah, kuwa loogu yeeray xuquuqul insaanka, NGO-yada, intii
dhacdooyinka u sawiri jirtay sida ay u rabaan kuwa ay lacagta ka helaan,
kuwi u ololayn jirey inay bulshada dhalan rogaan, oo ay xummaanta
“caadi” uga dhigaan. Waxay ka baqayaan in la yiraahdo keena
warbixinnadiinnii aad diri jireteen iyo wax qabadkiinnii, waxay ogyihiin
in haddii la daba galo dhiiqo loo tegaayo.
Anigoo goob jog ah ayaa waxaa la weydiiyay mid ka
mid ah madaxda hey’adaha xuquuda ka warrama isbeddelka dhacay? Wuxuu ku
jawaabay isagoo shaki badani ka muuqdo “kolley nabad waa haysannaa
laakiin waxa ka dambayn doona ma ogi!” waxaa la ogyahay in
qaarkood la siiyey abaalmarinno caalami ah oo la siiyo oo kaliya dadka
dhaqan xumada ku dhiirri geliya waddamada Islaamka ah, waxay u gudbiyaan
maal geliyeyaashooda mashaariic shaki leh oo lacago badanna ku baxayaan.
Kuwaasoo dhami waxay niyadda gashadeen inaan waxba
lays weydiin doonin, waxaa aad ugu adag inay la qabsadaan isbeddelkaan
dhacay waxaa aad u adag in la sharxo wax qabadkooda lana waafajiyo
dhaqan toosan iyo diinta Islaamka, waxaa hubaal ah in kuwa badan ama ay
hawshooda joojin doonaan ama ay saldhiggooda u rari doonaan meelaha aan
maxaakimtu joogin!
Saxaafadda xorta ah!!
Saxaafaddu waxay qarnigan la joogo ka mid tahay
aaladaha ugu khatarsan ee laysu adeegsado, waa seef laba afley oo
dhankii loo isticmaalaba wax u jarta, haddaba saxaafadda soomaaliya
waxay uga duwantahay saxaafadaha kale inay waxa ay doonaan iska
sheegaan, ciddii ay doonaan af-lagaaddeeyaan, been sheegaan,
akhlaaq-xumo faafiyaan, ummadda dhaqan dooriyaan kuna xad-gudbaan.
Saxaafadda soomaalida waxaa ka maqan ujeeddo kasta oo saxaafadeed, nuxur
ama tayo warbaahineed. Waxay u barteen in la kireysto oo ay baahiyaan
warar isburrinaya gelinka hore iyo gelinka dabmbe, hadba gacantii ku
dambaysa. Waxay baqo-maalaan (baadaan) shirkadaha ganacsiga iyagoo
shirkaddii aan xayaysiin siinin ka faafiya warar naxdin leh oo
macaamiishooda khal-khal geliya.
Haddaba waxaa cad inaan idaacada muqdisho ay ku
adagtahay inay ku shaqeeyaan meel kala dambay iyo nidaam jiro, maxaa
yeelay waxay hawshoodu ku socotaa lacagta baadda ah ee ay ka qaadaan
shirkadaha iyo shakhsiyaadka si shartooda looga bad-baado.
Qaad-walayaashi, daroogiisteyaasha, iyo
filimlayda!
Waxaa isbeddelku saameeyay dadka ka ganacsada
qaadka , waxaa hoos u dhacay keenistiisii, ka ganacsigiisii iyo
cunistiisii, waxaaa arkaysaa in dhallinyarada qaarkood ay ka raysteen
xiskoodiina u soo noqday. In kastoo aan ogahay in qoysas badan lagu
biili jirey, haddana waxaa ka badan qoysaska uu sabab u noqday
burburkooda iyo dhibaatadooda.
Waxaa la gubay bundado, jawaanno iyo fuustooyin
daroogo ah, waxaana xabsiga la dhigay waxna la tacsiirey dadka ka
ganacsan jirey ama isticmaali jirey, waxay iyana ku doodayaan in
risaqoodii la jaray iyadoo aan loo samaynin meel ay ka shaqeystaan!!!
Waxaa sannadihii ugu dambeeyey si waalli ah ugu
faafayey magaalada Muqdisho filimaan dhaqan xumo ah, oo qaarkood
af-soomaali loo tarjumay , qaarkoodna laga duubay dad soomaali ah. Mar
ay maxkamaduhu soo bandhigeen cajalado ay qabteen, dadkii lugu casuumay
in la tuso way yaabeen!!, haddaba dadkii waxaas ku shaqeysan jirey waxay
ka mid yihiin dadka isu arka in la inqilaabay xuquudoodiina la
duudsiiyey!!!!
Siyaasi xume , cilmaani iyo wadaad xume!
Waxaan dhihi karaa siyaasiyiinta soomaalida ee aan
aragnay badankoodu waa siyaasi xume, ma aqaanno magac kale oo aan ugu
yeero laakiin waxay ila tahay in ay siyaasadda aflagaado ku tahay in
loogu yeero siyaasiyiin, taariikhada addunka waxay ka galeen baal madow
aakhirana fili mayo inay rajo fiicaniyiin. Waxay la jiifaan cadho,
afkiibaa juuqda gabay, indhiibaa casaaday waxay sugayaan fursad ay ku
aar goostaan!!
Cilmaaniyintu waa dadka aaminsan inaan diintu
nolosha dadka shaqo ku lahayn, kuwii siyaddaas suuq-qeyn jirey waxaa
kuwada kacay dhiiggii iyo sokortii waxayna ku dhawyihiin inay
is-merjiyaan.
Wadaad xume waxaa la yiraahdaa midka diinta ka been
sheega, midka fatwooyinkiisu ay beeca yihiin ee hadba wixii loola
yimaada u qiil-daya. Isbeddelkaanu wuxuu fallaar wadna haleeshay ku
noqday, kuwii iyadoo sheeganaya magac diimeed difaac u noqon jirey wax
kasta oo rabbigeen caro geliya iyadoo ka raadinaya quraac ama qado
maalmeed!
Waddama deriska ah iyo jawaasiistoodii
Waxaan u malaynayaa inaan taasi faallo badan iiga
baahnayn, mar hadii aan arkayno “Melles Zenawi” oo aad mooddo in dhulka
laga qaniinay, oo barqaba meel jilba-jabsanaya si uu adduunka ugu sheego
in somaaliya ay halisi ka soo socot!! Sidoo kale jawaasiistoodii oo iska
xaadiriyey meeshii laga soo direy, iyadoo aan ka murugo yareyn
sayidkoodii!
Beesha Caalamka.
Beesha caalamka oo ah magac ay ku qaraabtaan
mareykan iyo reer galbeedka , ma aysan qarinin wel-welka ay ka qabaan
isbeddelka lama filaanka ah ee ka dhacay Muqdisho, waxay maal geliyeen
in Soomaaliya ay ku sii jirto dhibaatada taasoo ah mid kasoo horjeedka
anshaxa iyo sharafta bani’aadamka. Waxaa yaab leh sababta ay reer
galbeedku waddankeenna u kharribayaan haddana ay aqbalaan kumaan kun oo
qaxooti ah iyagoo sheeganaya inay “axsaan” falayaan? Waxay ku hawalin
yihiin in la fashiliyo isbeddelkaaa, xoog ama xeelad sidii ay ugu
suurta gashaba.
Yaa ku diirsaday?
Waxaa ku diirsaday inta fiyow ee uu ku jiro dareen
dadnimo, danyartii dushoodu lugu noolaan jirey oo shilinka ay soo
xamaalaan laga qaadan jirey ama lala qaybsan jirey oo weliba dil iyo
kufsi loogu dari jirey, dadkii iyadoo xoolo haysta ka baqaayay inay
woxooda ku ganacsadaan, dadkii iyagoo aqoon leh ka baqi jirey inay
aqoontooda ku shaqeystaan, dadkii dabkaayooyinkooda furan waayay ilaa ay
yeeshaan qof “mukulaal madow ah” oo ka masuul ah, dadkii guryohooda
iyadoo arkaaya dhaxanta ka jiifan jirey, dadkii qurbaha u yaacay oo
carruurtoodii ay ku daateen dabinkii kaniisadaha oo marna fiirinayay
waddanka marna msutaqbalka madow ee ubadkooda sidaasna ku qafiifay,
kuwii baaruurtoodii ay garaashyada ku daxalaysatay oo ka quustay inay
shaqeystaan, kuwii la qafaalan jirey, marna lugu shiish baran jirey,
kuwii gabdhohooda iyagoon ka raalli ahayn la guursaday ama iyagoo
arkaaya la fara xumeeyey, intii doonaysa inay si xalaal ah ku
shaqeystaan, inta doonaysa in ubadkoodu ka badbaado akhlaaq xumada, iyo
inta doonaysa in waddankoodu ku soo noqdo waddan sharaf leh oo laga
haysbayso, kuwa doonaya in kelmadda alle ay kor ahaato caddaaladduna ay
dalka cammirto,kuwa, kuwa, kuwa…. Ilaa lag iyo laan jiriddeed..
Haddaba
Waxaa jira tartan xawli ku socda iyo muran lugu
xabeentey oo u dhaxeeya intii ku dhibtootey isbeddelkaas oo ku taamaysa
in sida ugu dhaqsa badan loo dhiciyo (suuliyo) iyo intii ku diirsatay oo
doonaysa in isbeddelkaas uu horey u socdo si inta dhimman loo
dhamaystiro.
Waxaa hubaal ah in waqtigii hadalku dhamaaday, qof
waliba waxaa la gudboon inuu garab istaago meesha uu u arko in
maslaxadda dalka, dadka, iyo diintu ku jirto, uuna ku bixiyo naftiisa,
maalkiisa, waqtitiisa iyo maskaxdiisa, hadba intii uu karo.
Maxaakiimtana waxaa u sheegayaa in ay hawl badani
sugayso, dadka waxaa ka mid ah kuwo xishooda, kuwo alle ka cabsada, kuwo
birta ka cabsanaya, kuwo ishood qaatayaal ah, kuwo canaan u baahan, kuwo
xabsi u baahan, iyo kuwo aan waxba ku qancayn birta xanafteeda mooyee!!!
Waxay ila tahay inaydan ka maarmi doonin in qof walba waxa uu yahay lugu
dhaqmo!!
Wixii aan saxo waxaa I waafajiyey Allaah, wixii aan
khaldana waa naftayda iyo shaydaan.