Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com
Kadib Burburki ku dhacay Dowladi Dhexe ee Soomaaliya, waxa dalka iyo dadkaba soo
wajahay dhibaatooyin baddan ay sababeen dagaaladii sokeeye, kuwaas oo dad aad
iyo aad u tiro baddan, baday inay waddanka dibadda uga baxaan. Xilligi ay jirtay
dowladi dhexe, iyadaa isu soo dumi jirtay dadka iyo dalkaba, iyadaa hogaanka u
haysay majarihi uu dalka ku socday, iyadaa sax iyo khalad ba lagal xiriiri jiray.
Wuxuu ahaa nidaam shaqeynaya, oo dalka oo dhan min Raas Xaafuun illaa iyo Raas
kambiyooni xukunkeeda uu gaaro.
Haddaba maxaa dhacay bur burki kadib? Dad baddan ayaa dibadda soo aaday, kuwo
kaloo baddan waxey u qaxeen waddamadi dariska, kuwo kale waxey qabteen
magaalooyinkii ay asal ahaan ka yimaadeen waddanka gudihiisa, oo ay dantu geysay.
Haddaba qaxaas baaxadda weyn ee ummaddi ku dhacay, labo wajiba wuu lahaa, mid
san iyo mid xunba.
Haddii aanu ku hormarno dhanki samaanta ( Positive ka ), waxaa jiray dad baddan
oo shaqsiyaad ah, oo u kacay waddanka, oo sameeyay horumar aan caadi aheyn, oo
dhinacyo baddan ah, waxa kamid ah, nidaamka xawaaladaha ( Money transfer ) oo
addunkoo dhan ay ka shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida. Waxa ka mid ah
Diyaaradaha laga soo kireystay dowladihi Sofiyeetiga, sida Daalo. Mudan, Jubba,
I.W.M. oo ka shaqeeya magaalooyin baddan oo Soomaaliya ah, una dhoofa dhammaan
wadamada khaliijka iyo Africa. Sidoo kale waxaa ka mid ah, Shirkadaha
taleefoonada oo runti ka hawl gala dhammaan dalka oo dhan, illaa heer tuulo uu
maanta ku jiro taleefoon.
Waxaa ka mid ah wanaaga faraha baddan, horumarka laga sameeyay dhismaha
Magaalooyin fara baddan, oo aan horey u dhisnayn,oo maanta la tartamaya
magaalooyinka waaweyn ee Africa, sida Bosaaso, Burco. Gaalkacayo, Laascaanood,
Garoowe iyo runti qaar kaloo fara baddan, dhanka kale Muqdisho oo iyaduna
sameysantay New Mogadisho. Sidoo kale Horumarka laga sameeyay xagga waxbarashada
oo maanta aad magaalooyinka waaweyn oo idil aad ku arkeyso illaa heer
jaamacadeed. Waxaa taas bar bar socda in qofka Soomaaliga, markaad u fiirsato
horumarka shaqsiyadeed uu ka dhex muuqdo bulshooyinka aynu la noolnahay
waddamadan yurub. Meel walboo aad tagto waad dareemaysaa horumarka ay sameeyaan
dadka Soomaaliyeed xagga shaqsi shaqsiga ( Individual Career ).
Dhanka ( Negative ka ) ama Xumaanta, oo runti ah dhaliisha ugu weyn ayaa waxey
tahay in aanay Soomaalidu ku wanaagsanayn inay si wadajir ah wax u wada
qabsadaan. Ninka Soomaaliga ah wuxuu ka xigaa inaan waxba la qabsan inti uu nin
kasoo jeeda reer Qurac uu arintaasi hor boodi lahaa. Arintaas waa sababta ay
isweydiiyaan waxa kalifay dad baddan oo xiiseeya nolosha Soomaalida. Soomaalidu
waa dad isa soo raadsada, wax wada cuna, si fiican u wada dhaqma, laakiin waa
waxaan dhici karin inay maamul ku heshiiyaan, waaaaaayo? Kalimadan dheer waxaan
u isticmaalay bal inaad ila eegtaan halka dhibtu ka jirto. Waxa dhici karta in
qof uu buuxiyo shuruudihi wax lagu maamuli lahaa, uu kaga wanaagsan yahay dad
baddan uu qofkaa kale la jecel yahay booskaas, oo ay dhici karto xitaa uu ka
heli lahaa wax alla wuxuu xaq u lahaa, oo uusan ka heleen kan dad u xiga,
haddana nasiib daro illaa inta uu yahay nin reer hebel ah, agteen kama soconayo.
Soomaalidu waa halka ay ka tiraahdo inti uu shisheeye cuni lahaa, Cali ha ii
qaato, oo runti ah miisaan khaldan.
Badanaa wax dhaca in dad iyagu dano gaar ah leh, oo ay dhici karto haddii leys
qiimeeyo ama lagalo tartan, ay hari lahaayeen, inay si xun u adeegsadaan kaarka
qabiilka, oo runti ah kaar la adeegsado marki dano gaar ah la leeyahay.
Haddaba waxa isweydiin leh maxey tahay ciladdaas keentay, in qofka Soomaaliga ah
uu dad ugu fiican yahay marka ay noqoto keli keli, uuna dad ugu liito markey
noqoto in wax lawada qabsado. Jawaabtu anigu shaqsiyan waxey ila tahay waa hal
shay, oo aad moodo in uusanba dhaqankeena ku jirin, hadduu ku jirinna aan la
isticmaalin. Waa erayga loo yaqaan Isu tanaasul. Ummadaha kale waxey ku
hormareen tanaasulaadka faraha baddan ay isu sameyaan. Annagu Soomaali ahaan,
goorta ay dhacdo inaynu arin kawada hadlano, ama wax la qeybsado, waxaad
arkeysaa arimaheeni oo cirka isku shareeray, ka’anna in la yiri dunidu maantay
ku egtahay. Marna lagama yaabo qofkan inuu ku fekaro in hadduu maanta waayo in
uu berito fursad heli karo.
Wax baddan baa diinteena lagu sheegay inaynu, isu sabarno ,isu tanaasulno, oo
aynu is qadarino, laakiin nasiib darro arimahaas qorshaha inooguma jiraan.
Ummaddaha kale oo dhan waxey horumar ku gaareen isku xirnaan, wax wada qabsi,
isku tanaasulid iyo isqadarin, halka innagu wax walbuu qof wanaagsan lasoo shir
tago la leeyahay soo reer Qansax maaha sideen wax uga dhageystaa. Xitaa arintaas
waxa ku dhaq maya dadki Academic ahaa, oo ay dhici karto inay sanooyin fara
baddan wax soo baranayeen.
Soomaaliyeey waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa, war yaanan sidan ku teginee aynu
isdaba qabano, oo aynu isbarno bal inaynu isu tanaasulno, si aynu dunidan tagtay
aynu ula jaan qaadno.
Tusaale: - Waxyaalaha cajiibka ah waxaa ka mid ahaa, wareysi aan aad uga helay,
oo idaacadda Universal TV, ay wareysatay Cali Mahdi, oo ahaa madaxweynihi hore,
mar uu ka hadlayay waxyaalihi fashiliyay shirki Qaahira, ee la rabay in Dowlad
lagu soo dhiso, wuxuu sheegay goorti ay dadki ina heshiisiinayay ay nala yaabeen,
ayaa waxaa naloo soo bandhigay in la sameeyo 14 Madaxweyne oo yeesha hal
gudoomiye. Billaa caleek, fiiriya halka arini mareyso, intee laga qoraa, aaway
damiirki, aaway maskaxdi shaqeyn laheyd.
Tusaalaha kale ee xusida mudan waa: - , Waddan ka mid ah waddamada Afrika ayaa
waxa xero ka mid ah xeryaha qaxootiga, waxa ku jiray Soomaali fara baddan,
maalin Ramadaan ah ayaa waxa rabtay inay bisha ramadaan raashin u qeybiso
soomaalida hay’ad muslin ah, oo hindi asalkoodu uu yahay. Soomaalidi baa la yiri
iska soo xula 7 qofood oo idiin matasha si wax leydinkugu soo dhiibo.
Barnaamijkaas wuxuu la bur buray inay soomaalidii ku heshiin waayeen cidi matali
laheyd, taasoo Dhaka faar ku riday dadki Muxsiniinta ahaa ee rabay inay
taakuleeyaan soomaalida. War waa yaabee maxey ku kala duwan yihiin cali iyo
cismaan. Ma waxaan wax baddan helayaa markuu cali oo i xiga uu wax qeybinayo.
Runti Soomaaliyeey waxa wanaagsan in dib leysu saxo oo wax baddan aynu nafteena
runta u sheegno.
Tanaasulka oo la badiyaa waxey keeni kartaa, oo noo horseedi kartaa inaynu wax
baddan qabsano, oo horumar dhinacyo baddan ka sameyno. Ogow mar walboo aad
tanaasul baddan tahay, xitaa waxa dhacda in aad adigu aakhirka aad arintaas u
harto. Allaah dartiis mar walboo aad wax uga tagto, ogow allah wax ka kheyr
baddan buu kuugu badlayaa, sida ay diinteena wanaagsan noo sheegtay. Walaalka
Muslinka ahow iyo walaasha muslimada ahey aan isu dar daarano inaynu baddino
tanaasulka, oo aynu isku qadarino, taas ayey ku jirtaa liibaanteena adduun iyo
mid aakhiraba.
Waxi aan saxay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi aan khaldayna waa nafteyda iyo
sheydaan.
Wabilaahi towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social development Adviser
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2006
»Baydhabo:
Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo:
Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD:
Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii
naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»IGAD
MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY
MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in
uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA
HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku
salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo
dhaameed (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran
haygu soo noqonin!!! | M. Macallin
»Warsaxaafad:
Cambaarayn dawlada Kenya | Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO
DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW
ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid