Sannadkii 1954
ayaa Calanka Soomaaliya waxaa sameeyey Maxamed Cawaale Liiban. Allah ha u
naxariistee oo Maxamed Cawaale wuxuu ku geeriyoodey Toronto, Canada, June 5,
2001
Waxaan
jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo
maanta loo dabaal degaayo 50 guuraddii calanka astaanta u ah qaranimadda
shacabka soomaaliyeed , waxaan
{calanka
somaaliyeed oo carabtu hoos udhigeen}
midnimadu wacaa dal la aantu oohin badanaa waxaan usoo
joogay ciil iyo dibad joognimo tolow somaliya dib ma usoo laaban doontii sidee
dii hore
aan uga dan
leeyahay, jiilka maanta soo koraya in ay fahmaan dhibaatadda loo soo maray
xurnimadda maanta aynu haysano , runtii xurnimadaasi kuma aysan imaanin si fudud
balse waxaa loo soo maray halgan adag , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in
dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee
dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qaadatay xornimadda.
Dhalllinyaro ka kooban 13 ,
waxaa u suurta gashay markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd
Bishii May 15, 1943 kii
in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C
Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn, hase yeeshee
markii dambe u xoobsiibtay xisbi siyaasadeed oo baaqiisu ahaa, ”
Ha Noolaato”
oo xambaarsaneyd xamaasad waddanimo iyo qiiro ficilo ku abuuri jiray dadweynaha
soomaaliyeed, xamaasadaasoo ahayd gumeysi naceeb oo ilaa maanta iyo
waligeedbana ku abuuranaan doonto quluubta ummadda soomaaliyeed.
Baraarujintaasoo looga dan lahaa in wacyaga dadweynaha soomaaliyeed la dardar
geliyo si ay uga hortagaan gumeysiga iyo kuwa dabadhilifka u ah , kuwaaso had
iyo jeer ka soo horjeeday danta guud ee ummadda soomaaliyeed oo ahayd in ay
hesho xurnimo taam ah oo aan maqaar saar ahayn.
Urur kaasoo ay
hogaanminaayeen dhallinyaro baraarugtay oo ay ujeeddooyinkooda ugu waaweyn ay
ahayd inuu isku ururiyo dhallinyaro gobannimo doon ah, muddo ka dib na ururkii
dhallinayradda S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana
magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay
taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii
kaasoo u guntaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii ummadda
soomaaliyeed oo isku duuban loo gaarsiin lahaa xurnimo iyo madaxbanaani oo taam
ah.
Waxaa xusid mudan
11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn
leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa
dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , maantaasoo ahayd maalin kala
guur ah , go’aanku na ahaa Noolal ama Geeri , taasoo micnaheedu ahaa in aan
dhimano ama in aan sharaf ku noolaano.
Maanlintaasi oo ay dhaceen
dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah , isla markasina waxaa la
xasuuqay oo cagta la mariyey kuwii gumeysiga kabaha u qaadi jiray oo mar walba
ku andacoon jiray in sooomalidu diyaar waqtigaani u ahayn gobanimo.
Maantaasi waxaa dalka ku
sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku
guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kana koobnaa
-
awladda Mareynka u
hogaaminaayey Mr. Utter
-
dawladda Ingriiska u
hogaaminaayey Mr. Stafford
-
Dawladda
Ruushka u hogaaminaayey Mr. Feodorof
-
Dawladda
Faransiiska u hogaaminaayey Mr. Burin Des Rosiers
Hadaba dhaliyaradii syl waxa
kamid ahaa ragan hoosm kuqoran
SYL
15kii Maarso
1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen
xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:
-
C/qaadir Sakhaawadiin
-
Yaasiin Xaaji Cusmaan
Sharmaake
-
Sayid Xirsi Nuur
-
Maxamuud Cusmaan Baarbe
-
Daahir X Cusmaan
Sharmaarke
-
Xaaji Muxumed Xuseen
-
Khaliif Hundow Macalim
-
Muxumed Faarax Hilowle
-
Muxumed Cabdulle Xayeesi
-
Cusmaan Geedi Raage
-
Dheere X Dheere
-
Muxamed Cali Nuur
-
Cali Xuseen Cali
Hada akhristow
qimaha ay leedahay somaalida nimada waxa gabay ka tiriyey abwaan
Abwaan Singub wuxuna hal ku dheg uga dhigay sedan hoos
ku qorean.
Gablan Weeye Somaali Gabay """Abwaan Singub waxa uu
gabaygan alifay badhitimihii sanadkan 2005ta goortaas oo uu ka waramayay
dhibaatadda haysata ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo sida aysan dadka u
dhashay dalkaa rag iyo dumarba uusan jirin ruux ay xanuun ku hayso halka ay
marayso xaaladiisa, marka lagaba soo tago dagaal oogayaasha mariyay oo
madoobeeyay Naf iyo Qalabba wixii Qaranku lahaa ee qimiga wayn ugu fadhiyay.
Abwaan Sangub oo aad u caraysan ayaa eraydan mar kaliya sii daayay. Wuxuu yidhi.
Masaajid markii la galo
Intuusan guntanuhu aqimin
Qabiil baad ku goodidaanoo
gacmaha la isku fiiqayaa
Xan baa lala wada guclayn,
beenbaa laga gajo baxay
Zinaa loo guurayaa
geelana waynu kala dhacnaa
Gaalo iyo Muslim keenu nahay..
Isla wayn gun iyo baar,
ama garo ama ha garan
Hadal malagi galay idhi.
Sancadda kii garan lahaa,
gantaalo samayn lahaa
Aduunyadda gaari lahaa,
gabooy bay ugu yeedhayaan
Isla wayn gun iyo baar,
ama garo ama ha garan
Hadal malagi galay idhi.
Kashi waa lakala qabay,
la iska siiyay godob reeb
Gari allay taqaanaa,
lagu dhameeyay gedkii
Dib usoo gunuunaca
soo gocoto fiidkii,
kuli uur gumaareey
Isla wayn gun iyo baar,
ama garo ama ha garan
Hadal malagi galay idhi.
Ninka geela qaadee,
reera gabagabeeyee,
gorofkooda mariyee
Gogol nabadu ay taal,
gocandhadda ku sayree,
hoyadii gablamiyaha,
yaad geesi ugu yeedhaan.
Isla wayn gun iyo baar,
ama garo ama ha garan
Hadal malagi galay idhi.
Nimay gaajo haysoo,
goolmoonoo haraad qaba,
ifka uma gargaaraay,
kolkuu geriyoodana,
gool wayn u loogaay.
Isla wayn gun iyo baar,
ama garo ama ha garan
Hadal malagi galay idhi.
Waa goorma goortaan ismageeyadda sheegnaa
Waa goorma goortaan gaball dhacay aroornaa
Waa goorma goortay garashadu sabool tahay
Waa goorma goortaan isgujaysanaynaa
Dhaliinyaro guclaysiyo,
Hooyo gacal ahoo wacan,
Aqoonyahan gardaadshiyo,
garcadaadi kuma harin
Gablan weeye Soomaali.
Hadaba soomaliyey bal kawaran sayidka sida uu usoo
halgamay iyo sida aanu inagu maanta nahay hadaba sayidka taariikhdiisa aanu
jaleecno.
Seyid Maxamed Cabdulle Xasan
TAARIIKH
KOOBAN
Seyid Maxamed
Cabdulle Xasan wuxuu kudhashay baliga lamagacbaxay Sacmadeeqo oo
qiyaastii 11km (7mayl) woqooyi kaxiga Buuhoodle. Sannadkii uu seyidku dhashay
waxay taariikhdu ahayd 1856, taas oo ahayd gu' barwaaqo ah oo la oran jirey
Gobaysane. Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan.
Abaarihii 1892
wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale.
1895 ayuu
seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada
Berbera.
Waxaa
taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu
ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa
cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?". Dabadeedna afceliyihii
baa kuyiri ingiriiskii "waa wadaad waalane inaka daa". Sidaa daraadeed waxaa
ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa. Tuducdaas taariikheed waxaan kasoo
xiganay buug ay qoray wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya
sannadkii 1973dii
Lasoco qaybta
labaad Calankeenii
maxaa dheeliyey oo hoos udhigay???
Abdirizak
A.Kaneec
Kaneec1@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2006