Geeridii
naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa iyo Halka uu marayo dagaalkii
argagixisadu
Waxaa
diyaariyey:
Xasan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Århus, Denmark
Iyadoo ay berri ku beegan tahay
11 September dhacdadii oo hadda laga joogo muddo 5sano ah ayey dhacdadaasi waxay
noqotay mid dad badan welwel iyo murugo ku reebtay. Waxay noqotay dhacdo ilaa
iyo maanta qarka u saaran inay caalamka u qaybiso laba qaybood. Dhinaca reer
galbeedka ayaa dadka waxaa soo food saaray cabsi wayn oo dadka loo tusay in
weeraro ay kaga soo wajahan dhinaca muslimiinta, iyadoo dhinaca kale ay jirto
cabsi wayn ay dadka soo food saartay, kadib markii ay dhaceen dagaaladii ay
ciidamada xulafadu ku qaadeen dalka Afganistaan, kuwaas oo ujeediisu ahayd in
Ururka Al-Qaaciida looga saaro dalka Afganistaan, taas oo aan halkaa isku
taagin, balse waxaa xaalku cirka isku sii shareeray markii arinkii u wareegay
dhanka ciraaq. Arimahaa waxaa barbar socday socday xadhig iyo ciqaab aan loo
meel deyin oo ay ku kacayaan dawladaha horseedka ka ah ololaha la dagaalanka
argagixisada, iyadoo dhinaca kalena ay jireen ururo iyo dawlado ay xulafo yihiin
dawladaha horkacaya la dagaalanka argagixisada oo dadka ka soo horjeeda u
adeegsaday arimaha argagixisada.
Hadaba iyadoo dhacdadaa maanta
laga joogo muddo 5 sano, inakastoo ay jireen baadhitaano badan oo madaxbanaan
hadana mid ka mid ah baadhitaanadaa isla markaana ah baaditaanadii ugu danbeeyey
oo arintaa laga sameeyey ayaa koox ka kooban 75 khabiir oo uu hogaaminayo Steven
Jones oo ah Professor ku takhasusay cilmi nafsiga isla markaana ka tarisan
jaamacada Utah ee ku taal dalkaa maraykanka waxay sheegeen in dhacdadii 11
september ay ahayd wax ay soo farsameeyeen dad dagaalo u ooman oo ka mid ah
guriga cad ee Maraynka.
Professorka ayaa wuxuu
baadhitaan ku sameeyey qaraxa sababay in daaruhu ay dumaan iyo burburkii ka soo
hadhay labadii daarood ee mataanaha ahaa sida uu usbuucii la soo dhaafay u
sheegay NY Times.
War bixinta ay ilaa iyo hadda
khubaradan isu gaysay ayeen ayaa cadaynaysa in qlad uu jiro, kaas oo ah wax ay
ku tilmaameen ”inside job”. Iyadoo sida aynu ognahay la joogo 11 september ee
dhacdadan la susi jiray ayaa hadii ay waqtigan debada u soo baxdo waxaa laga
yaabaa in ay abuurto dhibaato wayn sida ay ku xiseen qoraalkooda. Uma malaynayo
in 19 afduube iyo dhar qof oo kale oo ku jira god Afganistaan ku yaal in ay
arintan ku kaceen. Waxa dawladu sheegayso waanu iska celinaynaa waana heli
doonaa salka arintan ayuu Pro. Ku yidhi.
Waxayaalaha ay khubaradan soo
ban dhigeen ayaa waxaa ka mid ah in waxa dhacay uu yahay mashruuc ay ka
danbeeyeen koox isku magacawday ”A New American Centery, si loo weeraro
Afganistaan iyo Ciraaq. Ma rumaysni in labadii sarood ay ay dumiyeen labadii
diyaaradood ee ku dhacay ayuu yidhi Professorku mar kale.
James Fetzer oo Professor
halgab ka noqday Jaamacada Minasota ayaa yidhi ”diyaaraduhu waxay ahaayeen sabab
oo keliya, laakiin dadka Maraykanku ma haystaan waqtigii ay waxa ku kala garan
kari lahaayeen”. Iyadoo aanay ahayn markii u horraysay in oo la soo ban dhigo
warbixin tan oo sidan oo kale ah, hadana hadalka Professorka ayaa la odhan karaa
wuxuu saldhig u yahay sababta keentay in la abuuro cadaawad iyo argagaxa lagu
kala beero labada dhinac ee maanta aduunku u qaybsamay, kuwaas oo ah qayb ka hoo
horjeeda in weeraradii 11ka september ay Al-Qaciida ka danbaysay iyo qayb kale
oo rumaysan feker kaas ka soo horjeeda una xaglinaya mawqifka dawladaha
horseedka ka ah waxa loogu yeedhay argagixisada.
Khubarada oo meelo kala duwan
ka jeediyey siminaaro ayaa Congress-ka ka codsanaya in dib loo furo
baadhitaanada kiiskan
Waqtigan oo lagu guda jiro
xuskii 11 September ayaa chanelka Aljazeera wuxuu jimcihii siidaayey cajlad ay
ku wada jiraan Osaama Binu Ladan iyo qaar ka mid ah ragii lagu eedaynayey inay
ka danbeeyeen qaraxyadii labadii sarood ee mataanaha ahaa (Tween Towers).
Waqtiga cajladan ay ku soo beegantay marka la eego dagaalada ka soo cusboonaaday
dalka Afganistaan iyo xaalada ay Ciraaq oo ka sii daraysa iyo weliba waqtigan oo
xaga maraykanka lagu guda jiro doorashiiyinkii Congresska ayaa u muuqda inay
yihiin arimo lagu muujinayo in ay weli jirto jirto awoodii ururka Al-Qaciida.
Warar iyaguna usbuucan soo
baxay ayaa sheegaya in nin Soomaali ah loo gudbiyey xabsiga Guatanamo ee la
geeyo dadka lagu tuhunsan yahay arimaha argagixisada. Lama sheegin asal ahaan
meesha laga soo qabtay ninkan, balse waxay warark qaarkood ay sheegayaan in
bilihii ugu danbeeyey lagu hayey xabsi ku yaala dalka Jabuuti oo ay gacanta ku
hayaan ciidamda xulafada ee halkaa jooga.
BBC-da qaybteeda Yurub ayaa (3 ) bishii November ee sanadkii hore (2005) ayaa
wax ka qortay arimo sheegayey in CAI-du ay xabsiyo qarsodi ah ku leedahay sideed
dal oo qaarkood ku yaaliin Yurubta bari. Jariidada Washington Post oo iyana wax
ka qortay arinkaa ayaa sheegtay iyaduna in ay CIA-du markii arinkaa wax laga
waydiiyey ay ka aamustay inay ka jawaabaan eedaymaha loo soo jeediyey. Yurub
ayaa waqtigaa u xilsaartay 25 khubaro ah inay soo baadhaan waxa ka jira arinkaa,
hase yeeshee wax natiijo ah kama soo baxin.
Xabsiyadaa ayaa sida la sheegayo waxaa la geeyaa dadka lagu tuhunsan yahay inay
xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Qaaciida. Waxaa waqtigaa la sheegay in
xabsiyadaa waqti dheer dadka lagu hayo, ilsa markaana iyagoo kala kulma ciqaab
loo gaysto. Uruka xuquuqda aadanaha u dooda ee loo yaqaan Human Rights Watch oo
saldhigiisu yahay dalkaa Maraykanka ayaa sheegay in ay jiraan dulimaadyo si
qarsoodi ah u mara dalalka Yurub qaarkood. Duulaumaadyadaa ayaa lagu kala
gudbiyaa baxaabiista dadka loo tirinayo inay gacan saar la leeyihiin ururka
Al-Qaaciida. Mar arinkaa wax laga waydiiyey Ra'iisul wasaarihii Romania ayaa ku
tilmaamay war aan waxba ka jirin. Dalalka farta lagu godayo in ay CAI-du xabsiyo
ku leedahay ayaa waxaa ka mid ah dalka Polan. Wasiirkii arimaha dibada ee Czech
Republic ayaa sheegay in ay jiraan 10 dal ay diiday codsiga noocan ah oo ka yimi
dhinaca Maraykanka.
Warar dhawaan ka soo baxay dhan Maraykanka
ayaa lagu sheegay in horaanta sanadka Soo socda ee 2007 la bilaabi doono
maxkamadeynta dadka ku xiran xabsigaasi Guwantanamo.
Denmark
Magaalada Odense xaafada ay
dadka ajaanibtu ku badan yihiin ee loo yaqaan Vollsmose waxaa Isniinta aynu soo
dhaafnay ee bishan 4teedii poliisku ay ku qabqabteen sagaal dhalin yaro ah,
kuwaas oo lagu soo eedeeyey inay isku dayeen sidii ay u heli lahaayeen
waxyaalaha laga sameeyo bambooyinka qarxa.
Sid ay sheegayso warbixinta
Poliisku qoray ayaa sheegaysa in dhalinyaradan ay ka mid yihiin urur xaga
dacwada ah, isla markaana ay si joogta ah ugu camal falaan diinta Islaamka.
Dadka la qabqabtay ayaa badiba
ka soo jeeda Bariga Dhexe iyadoo sidoo kale uu ka mid yahay nin isagu asal ahaan
ka soo jeeda dadka danishka ah. Ilaa iyo haatan dadka pooliisku arintan u
qabqabtay u badan dhalin yaro da’doodu u dhaxayso 18-33 sano. Maalintii Jimcaha
ahayd dadkaa maxkamada la horkeenay ayaa laga fogeeyey indhaha saxaafada,
maxkamda amaankeeda ayaa aad loo adkeeyey....
Kolamo degdeg ah oo ay dawlada
iyo iyo xisbiyada siyaasadu ka yeesheen ayaa badankoodu waxay ahaayeen kuwo isku
mawqif dhaw, dawlada ayaa si taxader leh uga hadashay.
Madaxa xisbiga DF Pia
kjærsgaard ayaa iyadu codsaday in la adkeeyo qorsha ladagaalanka argagixisada,
taas oo u dhiganta in booliiska awood loo siiyo qabqabasho degdeg ah cidii looga
shakiyo arimaha argagixisada, in booliiska awood dheeraada loo siiyo dhegaysiga
telefonada, in kamarado lagu rakibo meelaha muhiimka iwm. Dawlada ayaa iyadu si
taxader leh uga hadashay arinkaa, isla markaana waxay soo bandhigtay qorshii
ladagaalanka argagixisada ee horay uu golaha baarlamaanku (GB) u ogolaaday. Si
kastaba ha ahaatee dawlada ayaa markii u horeesay oo ay arinka ka hadashayba ku
gacan saydhay in la sii adkeeyo qorshaha ladagaalanka Argagixisada.
Hogaanka xisbiga xisbiga Social
Democrati Helle thorning oo ka hadlaysa isla arinkan ayaa tidhi “wax la qaadan
karo ma aha in koox yar ay isku daydo sidii u wax yeelayn lahayd ummada danishka
ah oo ka kooban dad kala duwan”.
Madaxa xisbiga SF Villy Søvndal
ayaa u mahad naqay shaqada uu sirdonka dalku hayo, isagoo yidhi “waa in la
ogaadaa waxa dadkani ay yihiin” Dhanka kalena wuxuu ka digay in si aan xaq ahayn
loola dhaqmo dad gaara oo ka mid ah bulshada Danishka.
Dadka la qabqabtay ayaa lagu
soo eedeeyey inay siku dayeen sidii ay u heli lahaayeen waxyaalaha qarxa oo
dhawr bam noqon kara. Dhalinyadaa ayaa lagu soo eedeeyey arimo ay ka mid yihiin
inay ahaayeen dad qorshaynayey inay xasuuq ka gaystaan Denmark gudaheeda ama
meel ka baxsan oo aan la garanayn.
Imaam Abu Xasan ayaa booliska ku qaaday weerar, isagoo sheegay in aanu booliisku
wax cadayn ah u hayn arinkan, balse ay tahay oo keli hadiyad Maraykanka la
doonayo in loogu deeqo. Dhanka kale sida ay qortay jariidada JP Abu Xasan ayaa
yidhi "hadii dadkan lagu xidhay si xaqdaro ah waxaa loo baahan yahay in dhamaan
dadka Vollsmose degan ay ka mudaharaadaan.
Abu xasan oo ah imaam masaajid magaalada Odense ku yaal ayaa maalintii jimcaha
iyo dhawrkii maalmood ee ka horeeyey wuxuu ku hawlanaa sidii uu isugu keeni
lahaa dadka qaraabada la ah dadka la qabqabtay, sidii ay u yeelan lahaayeen hal
garyaqaan oo si wada jir ah ugu dooda oo booliiska ku soo oogaan dacwad ka dhan
ah.
“Caruurihii ayey baastoolado ula soo galeen oo madaxa dhulka u saareen” ayuu
yidhi Abu Xasan oo arinta ka hadlaya. Dadka kiiskan loo qabqabtay ayaa markii
hore gaadhayey ilaa 9 qof. Waxaa mar hore oo usbuucan ah la siidaayey ilaa laba
ka mid ahaa dadkii horay loo qabqabtay, iyadoo jimcihii aynu soo dhaafnay todoba
ka mid ah dadkaas la soo taagay maxkamad si wayn amaankeeda loo adkeeyey oo
albaabadu u xidhan yihii, isla markaana laga fogeeyey dhamaan indhah iyo dhegaha
saxaafada.
In
kastoo ciidanka sirdoonka dalka (Politi efter Retningstjeneste) oo marka la soo
gaabiyo loo yaqano PET isagu uu codsaday in dad gaadhaya 7ba qofn ay u sii
xidhnaadaan ayaa hadana maxkamada sare ee dalku waxay shalay kukuntay in shan ka
mid ah dadkii la hayey ay jeelka ku sii jiri doonaan, kuwaasoo loo xuskanayo
sharciga argagixisada
Maxkamada hareeraheeda ayaa
waxaa ku soo ururay oo buuxiyey dad badan oo qaarkood ay ka soo fasaxqaateen
iskuuladii iyo shaqooyinkii ay aadi jireen, qaar kale oo aan wax fasaxa soo
qaadan ayaa iyaguna maxkamada yimi, kuwaas oo muujiyey sida ay uga welwelsan
yihiin in shaqooyinka laga caydhiyo.
Xasan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Århus, Denmark
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Sept 10, 2006
|