SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya!

Ahmed Ali Diriye
guled22@hotmail.com

 

Sida dad badan la socdeen maalintii talaadada ahayd een soo dhaafnay waxaa shir isugu yimid qaar ka mid ah wadamada IGAD iyo ninka gar wadeenka ka ah dowlada fadhiidka ah ee fadhigeedu yahay magaaldaa Baydhabo. Shirkaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu minja xaabiyo wada hadalkii la doonayay in lagu dhameeyo ismaan dhaafkii in mudo ah u dhexeeyay Maxkamadaha iyo dowlada ku meel gaarka ah.

 

 Runtii go'aankaas maalintii talaadadii aan soo dhaafnay ay ku gaareen qaar kamid ah wadamada IGAD magaalada Nairobi oo ahaa in ciidamo loo soo diro Soomaaliya waa mid sii fogeynaya rajada laga qabi kara in Soomaaliya nabad ka islaaxdo xiliyadaan dhow. Sidoo kale waa mid la doonayo in lagu dhabar jabiyo cirkana lagu sii laalo rajadii laga qabay inay isku soo dhawaadaan Maxkamadaha iyo dowlada kumeel kaarka ah. Wuxuu ahaa go'aan ay gaareen labo wadan oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya (Ethiopia iyo Kenya). Mar kasta oo labadaan wadan arkaan isu soo dhawaansho ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ahna waxay ka shaqeeyaan siday u kala dhantaali lahaayeen una abuuri lahaayeen jah wareer hor leh. Taas waxaa markhaati u ah waa tii shir loogu baaqay dowlada iyo maxkamadaha uu ka furmay Khartoum laguna heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahayd in ciidamo wada jir ah la sameeyo si looga kaaftoomo ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya, maxaa keenay the same day in lagu dhawaaqo in ciidamo loo soo dirayo Soomaliya, sow mahan in lagu burburiyo rajadii yareyd ee ka soo baxday shirkaas.

 

IGAD waa lix wadan marka laga reebo Soomaaliya, sedex ka mid ahna waa cadeeyeen mowqifkooda ku aadan ciidamo loo diro Soomaaliya Kenyana looma fadhiyo inay ciidan u soo dirto Soomaaliya,mar hadii xaal sidaas yahay waayo cidda kale ee  ciidamo u soo direysa Soomaaliya?  Uganda 1000 askari ayay sheegeen inay soo dirayaan marka halkee ciidamada kale ka imaanayaan? Ujeedadu waxaa weey in Ethiopia dhariiq loogu furo ay ku soo gasho Soomaaliya, kuwo masuuliyiin Soomaaliyeed sheeganayana ay soo hor kacaan. Ethiopia in kabadan 16 sano ayay raadineysay fursadan qaaliga ah ee soo martay maanta waxayna la tahay hadii ay dhaafto fursadaan inaysan mar danbe soo noqon doonin. Laakiin waxaa is weydiin mudan Ethiopia garanay oo waa cadowgii Islaamka iyo ummada Soomaaliyeed Kenayna waa dal dhul naga haysta, Uganda danta ay ka leedahay Soomaaliya waa maxay?

 

Qolada Kenya iyo Uganda waxaa la gudboon inay ka waantoobaan siyaasadaha guracan ee ay faraha kula jiraan kuwaas oo u adeegaya Ethiopia iyo masaalixdeeda gaarka ah ee ay ka leedahay Soomaaliya. Hadii ay doonayaan in Soomaaliya ay nabad ka dhalato Soomaalida ha isaga dhex bexeen si ay iyagu arimahooda u xalistaan. Waxaa hubaal ah hadaan la soo faragalin Soomaalidu inay dhexdeeda heshiin lahayd. Laakiin 16 kii sano ee aan soo dhaafnay gacmo shisheeye oo dano iska soo horjeeda ka lahaa Soomaaliya ayaa ku dhex jiray heshiis kastana cirka ku laa layay. Hadii wadamada Kenya iyo Uganda garan waayaan kaalintooda kaga aadan arimaha Soomaaliya, ayna noqdaan kuwo doonaya inay u adeegaan cadow ganaga soo jireenka ah ee Ethiopia oo doonayana inuu Soomaaliya ka dhigo 18 gobol oo mid kan kale u gudbi kara uusan jirin waxay noqon doontaa gef weyn oo labadaas dal ka galeen shacabka Soomaaliyeed. Hana ogaadeen inaan Soomaalida indhaha looga cameyn Karin wax loogu yeeray IGAD oo ah cadow isa soo biirsadey.

 

Mida ugu danbeysa, shirkii Khartoum rajo laga qabi karaa ma jirto inta ay jiraan rag masuuliyiin Soomaaliyeed baan nahay leh oo hadana la dhacsan Regime ka Melez Zenawi iyo siyaasadhiisa guracan ee ku aadan Horn of Arfica(Soomaaliya) doonayana inuu Soomaliya afka ciida u galiyo kana dhigo wadan waa hore jiri jiray. Soomalida damiirku ku jiro meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadna waligood raali kama noqon doonaan in Soomaliya loo xalaaleeyo cadowgooda (Ethiopia), siduu doonana uu ka yeelo. Waxaana jiri doona mar walba Wadaniyiiin Soomaaliyeed oo awood u leh inay ka hor tagaan cid kasta oo in taako ka yar ku soo xad gudubta ciida Soomaaliya. Soomaalidu maanta si fiican ha uga fakareen dalkaan in dowlad awood leh ka dhalato oo soo celisa sharaftii iyo qaranimadii ummada Soomaliyeed  iyo danaha ay Ethiopia ka leedahay Soomaliya isku meel ma gali karaan? Suuro gal mahan waligeedna looma fadhiyo in Ethiopia raali ka noqoto dowlad Soomaaliyeed oo awood buuxda leh, kana hana qaada gayiga Soomaaliya taas oo ka madax banaan damaca waalida ah iyo siyaasadaha guracan  ee Ethiopia.

 

 

Waxaan weydiinaya cid kasta oo taageereysa in ciidamada axmaaradu dhulkeena sharafta leh soo galaan. Maxaad ka heleysaan in axmaaro timaado Soomaaliya? Dalkeena Ethiopia inay qabsato ayay rabtaa taasna cid ay ka qarsoontahay ma jirto Kenya iyo Uganda labaduba raali ayay sidaas ka yihiin

 

Waxaan rajaynayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed inay maanta gartaan danahooda kana hor tagaan cid kasta oo wax u dhimeysa sharaftooda,qaranimadooda iyo jiritaankooda. Ogaadaana in maanta lagu saladay oo lagu ibtileeyay ummada Soomaaliyeed wadan Afirca kuwa ugu liita uguna fakhrisan ka mid ah ayagoo ilaahay ku sharfay mid ka mid ah dhulka ugu hodan san Afirca iyo nimco rabi bixiyo tii ugu qaalisaneyd (Islaanimo). Wadankaas (Ethiopia) oo doonaya inuu ka faa'iideysto kheyraadka rabigeen noogu nicmeeyay, anagan nagu celiyo 50 sano ka hor meeshii aan joognay.

 

 

Guul iyo Midnimo.

 

W/bilaahi Towfiiq.

 

Ahmed Ali Diriye
guled22@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2006
 


Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..

Waxaa maalintii shalay aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore iyo jidadka gala Ceelgaab.

Aradayda oo ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.

Sidoo kale, waxaan la kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan waddankooda.

Xalwo, Max’ed Faarax oo ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso, anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan nadaafadeed”.

Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo, oo meel loo yeelo.

Faafin: SomaliTalk.com Sept 9, 2006

Warar GooGoos ah: Sept 7
»C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo
»Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo faafaahin ka bixiyay Shirkii
»Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan
»Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta oo cambaareysey falkii
»Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo
»Minneapolis: Shirka Beesha Ismaciil Cali Saleebaan...
Wararka oo dhan Akhri... Guji..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD