Baydhabo: Dagaal ma
Fadaannaw
"Nabad baa macaan
lehe haddaan odayo
muuneynin …
Waa murugee wahe yaa u
maqan magaci Soomaali
?"
(Inj. Cibaar. Murugo)
A. M.
Yusuf |
wayeel@operamail.com
CAANO IYO NABAD
Waa arrin la wada og
yahay in dhibaato kasta
aan ay u dhicin uun si
ay waxyeellooyin u
geysato. Dhacdadii
gegida Baydhabo ma ahayn
wax loo riyaaqi karay.
Intii naga dhimatay,
sidii qaarkii hore ba,
Eebbe ha u wada
naxariisto. Aamiin.
Haddii se maanta nin
xildhibaan ah uu ku
gooddiyay in dowladii
kumeelgaarka ahayd ay
iskaga guurto
caasimaddii kumeelgaarka
ahayd, waxay iila tahay:
"Mudane Madaxweyne:
Qaado sharafta oo ka deg
garoonka caalamiga ee
Muqdhisho u tag madaxda
maxkamadaha tus adduunka
in aan heshiin karno …"
(Maxamud N. Wardere. Wadahadalka
dawladda iyo maxkamadaha
ee Khartuum: Qadirkow ka
dhig mid najaxa (nabad
iyo caano). Dhaaxa
la sugayay in ay soo
dagato abdadan oo kale.
Shacabka reer Baydhabo
waxa ka codsan lahaa in
ay ka hortagaan wixii
dhasheenna dili lahaa;
dhulkeenna na dumin
lahaa. Looma baahna
colaad dambe ee gadaal
inoogu celisa
dhibaatooyinkii aan ka
soo kabannay. Ma
rajeynayo in dhiig dambe
ee Soomaaliyeed lagu
qubo, Baydhabo,
caasimadda rajadii
Soomaaliya.
Waayihii
dagaaloogenimadu way
dhamaadeen! Miyaan moog
nahay Midowga
Maxaakiimtu in uu cafis
u fidiyay raggii nabadda
Soomaaliya hortaggnaa
16kii sano ee la soo
dhaafay! Sidaas oo kale,
miyaan moog nahay
dowladda FKMG ah na in
ay soo dhoweysay
dagaaloogeyaashii
weydiistay cafiska
ummaddooda, tusaale
ahaan Md Maxamed
Qanyare! Waqtigii
caloolkuhaynta, ha naga
haro! Wisinkii
walaalnimada iyo
heshiisyada ayaa
bilowday—in aan uu hakad
gelin ayaan Ilaahay ka
tuugyaa.
Guudka xildhibaannada
Soomaaliyeed waxa aan ka
codsan lahaa in ay
dadaalkooda
labajibbaaraan, nabadda
la helnay na aan la
baylihin. Adinka
qudhiinna maad tagtaan
Xamar! Wararka buktada
abuuri kara, ama dagaal
aloosi kara na, ha laga
waantoobo. Dal shisheeye
intii aan ku heshiin
lahayn, u hawgala sidii
aan kayaga ugu heshiin
lahayn: iskeenna u
heshiin lahayn, aayaha
iyo dhaxalka ilmaheenna
awgood ugu heshiin
lahayn—in aan nahay dad
qab leh oo qaran ah, in
aan nahay shacab iyo
madax isjecel dunida u
muujiya!
Si gaar ah ayaan Md
Xaabsade uga codsan
lahaa in uu ka noqdo
handadaaddii uu adduunka
mariyay. Qardoofooyin
way dhici karaan.
Aadkeeda se, miyay
habboon tahay in qofkii
doono uu xeerka
gacantiisa ku fuliyo?
Waa mayaa! Mee xeerkii
adiga kaa dhigay
xildhibaanka qaranka? Ma
maleeshiyada joogtay
gegiga Baydhabo uun
ayaad u ahayd
xildhibaaan mise
shacabka Soomaaliyeed oo
idil? Naga raalligeli
qadafkii aad ku hadashay!
Dabadeed, wixii gef ah
oo aad tirsanayso horgee
Maxkamadda Qaranka.
Wax sidaas u fudud, ha
ka dhigin culeys aad u
weyn. Ka fiirso, Md
Maxamed Ibraahim:
wixii taariikh wanaagsan
buugga kuu gelin karayo,
iyo wixii taariikh
ba'day buugga kuu gelin
doono. Hore ayaan u
socnaaye, gadaal ha inoo
celin!
Ugu dambeyntii,
Soomaalida meel kasta oo
ay joogaan waxa aan ka
codsan lahaa in ay gacan
ka geystaan nabad ka
dhalatay koofurta
Soomaaliya. Raggii iyo
haweenkii u soo halgamay
na, ha ka sii wadeen
halkeedii. Inshaa'Allaah
waynu guulaysan.
Soomaaliya ha noolaato!
A. M.
Yusuf |
wayeel@operamail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
10, 2006
Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka
Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..
Waxaa maalintii shalay
aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir
ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday
magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday
tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala
socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna
bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u
dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii
Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada
Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka
fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore
iyo jidadka gala Ceelgaab.
Aradayda oo ay ka
muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga
qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga
Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir
Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney
in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon
doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii
August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan
gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.
Sidoo kale, waxaan la
kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay
in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla
markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan
waddankooda.
Xalwo, Max’ed Faarax oo
ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha
nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga
sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso,
anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan
nadaafadeed”.
Gobolka Banaadir ayaa
haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca
nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani
waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan
oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara
badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo,
oo meel loo yeelo.