SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125
Daabaco Boggan | Print

Wararkii: Sept 10, 2006

  • Ma dhab baa in Miless Sanawi, C/llaahi Yuusuf iyo Sh. Xasan…

  • Daahir Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu taageeradda ka joojiyo…

  • Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …

  • Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso…

  • Ciidamada Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.

  • Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Ramaas

  • Dadwayne ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen.


Ma dhab baa in Miless Sanawi, C/llaahi Yuusuf iyo Sh. Xasan…

Iyadoo maalmahan ay faafinayeen qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho in hoggaamiyaha Liibiya uu dhex dhexaadinayo Ra’isul wasaaraha waddanka Itoobiya Males Senawi, Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah Sh. Xasan Daahir Aweys, marka hore saddexdan xubnood waxey ka qeybgalaya sannadguuradii 7-aad ee ka soo wareegatay dib u habeyntii ururka Midwoga Afrika oo uu horseedkeedu lahaa hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, dhammaan madaxda waddamada Afrika iyo shaqsiyaad dunida caan ka ah, Qadaafina waxaa ka go’an siduu u mideyn lahaa qaaradda Afrika ee ay uga dhamaan lahaayeen dagaalada Sokeeye.

Males Sanawi oo ah Ra’isul wasaaraha waddanka Itoobiya waxa uu la dagaalanka argagixisada, ee geeska Afrika dowladda Mareykanka kaga qaataa sannadkiiba 17-Malyan oo doollar, sidaasi daraadeed Sh. Xasan Daahir oo uu u aqoonsan yahay nin ka tirsan kooxaha argagixisada isla markaana wuxuu dowladda Mareykanka ka dhaadhiciyey dhawr jeer in ninkaasi uu ka tirsan yahay shabakadda Al-Qaacidda sidaasi daraadeed lagama yaabo inuu soo hor fariisto. Sidoo kale Sh. Xasan Daahir ayaa u aqoonsan Males Sanawi nin wakiil uga ah dowladda Yuhuudda geeska Afrika isla markaana waa nin ka soo hor jeeda in Soomaaliya ay hesho dowlad iyo nabad buuxda, sidaas darteed, lagama yaabo in isna uu soo horfariisto. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu sheegay in Xasan Daahir Aweys uu yahay hoggaamiyaha argagixisada ee Soomaaliya, wuxuuna horey u sheegay inuusan waligiis soo hor fariisan doonin. Sidaasi darteed dhab ma noqon karto iney isa soo hor fariitaan saddexdaasi xubnood oo mid walba uu aaminsan yahay fikrad gaar ah.

Daahir Riyaale oo ka codsaday Males Sanawi in uu taageeradda ka joojiyo…

Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland oo beryahanba booqasho ku joogay waddanka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Ra’isul wasaaraha waddankaasi, Males Sanawi, waxaana la iskula soo qaaday arrimo fara badan, oo ay ku jirto xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo arrimaha ka taagan xuduudda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Daahir Riyaale ayaa u gudbiyey Males Sanawi warqad qoraal ah oo uu kaga cabanayo hub ay dhawaan dowladda Itoobiya siisey maamul goboleedka Puntland, kaasoo ay si aad ah uga caroodeen maamulka Somaliland.

Males Zanawi wuxuu sheegay in dowladdoodu ay diyaar u tahay in xiligaani ay dhex dhexaadiso maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana la sheegay in Daahir Riyaale uu aqbalay dhex dhexaadintaasi, sidoo kale, waxaa ay labada dhinac isla soo qaadeen arrimo la xiriira Qaxootiga Itoobiyaanka ee ku sugan Somaliland, waxeyna isla garteen in qaxootigaasi sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celiyo dalka Itoobiya.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka …

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 20-jirka ayaa maanta la filayaa iney la ciyaaraan xulka qaranka ee Ruwanda

Ciyaartaan oo ka dhaceysa dalka Brundi ayaa xulka Soomaaliya, waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Cali Saciid iyo Yaxye Max’ed Caddow oo xubin ka ah guddiga fulinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Xulka Qaranka Soomaaliya muddo bil iyo bar ah wuxuu tababar ku sameynayey magaalada Muqdisho, waxaana tababre u ahaa, Mudane Coonka, iyadoo marka uu dhammaado ka qeyb galka tartankan ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Nayroobi oo ay tababar ku sameyn doonaan, si ay ugu diyaar garoobaan tartan hal is arag ah oo ka dhici doona waddanka Malawi.

Dhawaan ayaa ciyaar ka tirsan is reeb reebka tartanka dhalinyarada da’deedu ka hoos- seeso 20 jirka waxaana Xulaka Soomaalya looga badiyey 2-0 balse waxay muujiyeen cayaar wanaag.

Qaramada Midoobey oo sheegtay iney xafiisyo ka furaneyso…

Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa sheegtay iney magaalada Muqdisho xafiisyo ka furan doonto, taasoo ay sheegeen iney timid kaddib markii ay u caddaatay in ay dib ugu soo laabatay caasimadda Soomaaliya nabaddii iyo kala dambeyntii.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey, oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho uuna hoggaaminayo madaxa gargaarka ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa waxey booqasho ku tageen goobo kala duwan oo magaalada Muqdisho ka tirsan si ay u xaqiijiyaan nabadda ay Maxaakiimtu dib u hirgeliyeen.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo 100% nabad ah sidaasi darteedna xafiisyadii Qaramada Midoobey ay ku lahaayeen Nayroobi loo soo rari doono magaalada Muqdisho, wuxuu kaloo sheegay in Qaramada Midoobey ay ballaarin doonto hawlaheeda dhinaca gargaarka.

Dr. Ibraahim Xasan Caddow, oo Golaha Maxaakiimta u qaabilsan dhinaca arrimaha dibadda ayaa Qaramada Midoobey kula dardaarmay iney sida ugu dhaqsiyaha badan ay xafiiyo uga furtaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka oo uga digey Barre Hiiraale…

Maalintii shalay aheyd ayaa magaalada Baydhabo waxa shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka kuwaasi oo shirkooda ku sheegay inaaney marna aqabli doonin in gobolada Jubooyinka loo sameeyo maamul goboleed, iyadoo shacabka ku nool goboladaasi aaney dib u heshiisiin dhex marin, “Waxaan kula talineynaa Barre Hiiraale, inuu ka tanaasulo maamul goboleedka uu damacsan yahay inuu ka dhiso gobolada Jubbooyinka”, ayuu yiri, C/rashiid Aadan Gabiyow.

Wuxuu kaloo sheegay in Barre Hiiraale uu kala qeybin ku hayo beelaha dega gobolada Jubbooyinka, taasoo uu sheegay iney keeni karto isku dhacyo dhex maray beelaha dega deegaanadaasi, oo muddo 16-sano ah ku jiray dhibaatooyin

Ciidamada Maxaakimta oo nin ku dilay Xaafadda Black Sea.

waxaa galabnimadii shaley lagu diley agagaarka Xaafadda Black Sea Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho Nin magaciisa lagu sheegey Siyaad Maxamuud Hufane oo ka so jeeda Beelaha Yamanta waxaa dilkaas geystey Askari ka tirsan Maxaakiimta

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababha loo diley Siyaad oo si weyn looga yaqaanay Deeganka hase yeeshee dadkii deriska la ahaa ayaa inoo sheegay in ninkaas loo diley arrimo la xiriira Dhul ay isku haysteen Eedadiis oo iyadu ku dacweysey Maxaakiimta

Dadkii ka ag dhawaa goobtii dilka ka dhacay ayaa abaabuley banaanbax ay kaga xun yihiin dilka ninkaas iyadoo dadkii banaanbaxayey laga xirey ilaa iyo 15 qofood

,ciidamada Maxaakiimta ayaa si sahal ah ku wadddi karey ninkaas sidoo kale Odayaal ka tirsan Xaafada ayaa ka codsadey Golaha Maxaakiimta in la soo qabto ninkii Ka dambeeyey Dilkaas iyo Eedadii iyana Dacwad u haysatey ninka la diley iyo weliba Dhalinyarada xirxiran

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Aan danaysanee, maxaan inoo jidaynaa?

Warsaxaafadeed uu Sabtidii soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee ka jira puntland oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RPP ayaa lagu canaantay sida ay u dhaqmayaan Baarlamaanka puntland oo ay u gadaal marsan yihiin dastuurka DGPL, kaasi oo uu xisbigu siwayn warsaxaafadeedkiisan ugu iftiiminaya shaqada looga baahan yahya baarlamaanka puntland iyo sida ay isugu dhigayaan iyaga oo aad moodo in aanay shaqaba ku lahayn hawlaha adag ee horyaala.
warsaxaafadeedka xisbiga oo u qornaa sidatan .

dowlad goboleedka puntland
ramaas political party
Rpp/49/06 garoe/ 9/9/06

ku: dhamaan saxafada somalia
og: shacab waynaha puntland
ujeedo:aan danaysanee, maxaan inoo jidaynaa?
dhamaan kasoo qayb galayaasha waxaan kusalamayaa salaanta islaamka salaan kadib waxaan idiin soo gudbinayaa warsaxaafadeedka oo ku saabsan hadalka u jeedada kor ku qoran.

Golaha wakiilada DGPL oo hawshoodu tahay dajinta iyo ilaalinta qawaaniinta maamulka sida baarlamaanada caalamka oo kale.
Ayaa maalin walba ka leexda waajibaadkoda shaqo iyag oo aysan ka ahayn aqoon la'aan iyo khibrad la'aan toona ee ay ka tahay dan shaqsi oo kaliya.
1- waxaa nasiib daro ah in ay sanadkasta ansixiyaan miisaaniyadii hore iyaga oo aan loo keenin xisaabcelin tii hore ah oo muujinaysay sidii ay ku baxday taas oo sharaf dhac ku ah golaha wakiilada DGPl.
2- waxaa kale oo fajiciso ah ansixinta shirkadaha baarista macdanta iyaga oo aan arag lifaaqyada ka kooban 60 Bog oo ay ku cadahay dhamaan heshiisyada qaybahooda kala duwan arintaas oo ceeb ku ah isla golaha.
3- waxay baasgareeyeen xeerkii shaqaalaha guud iyada oo aan la dhisin xiriirkii guud ee ururada shaqaalaha.
4- waxay ansixiyeen jiriifka Badda iyaga oo aan ka fakarin waydiina xukuumada dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha DGPL.

A- Dhanka kale waxay ka baaqsadeen inay dawlada wax ka waydiiyaan gabood falka dawladu ka gaysatay adeegyada soo socda.
1- Arimaha nabadgalyada oo faraha ka baxay
2- Mushahaar la'aanta ciidan iyo shaqaalahaba
3- Dhamaan wasaaradaha dawlada ee fadhiidka noqday
4- Faragalinta arimaha garsoorka
5- Sawaxanka kayeeraya ardayda dugsiyada sare gaar ahaan form 4da sida gambool secondary school oo kale
6- Lunsashada hantida umada
7- Dhamaan wax qabad la'aanta adeegyada bulshada.

Hadaba isku soo wada xooriyoo golaha wakiilada ma waxay kaga uruurtay maxaan inoo jideeynaa taasina waxay muujinaysaa khiyaamo shacab iyo in ay qayb ka yihiin gabood falka ay xukuumadu shacabka ka gashay.

Hadaba golaha wakiiladu DGPL ma xildhibaanaa mise waa xildhabeelo.?

Waxaan warsaxaafadeeda ku soo gaba gabaynaynaa shacab waynoow miyaysan dan inoo ahayn in aan ka tashano kooxaha isku bahaystay danaysiyada gaar ahaaneed oo aysan haboonayn inaan uga gudubno sida ugu dhakhsaha badan sidii aynu wax uga qaban lahayn.
Xisbiga Ramaas wuxuu diyaar u yahay sixida iyo wax ka qabashada dhamaan dhibaatooyinka ka jira puntland wuxuuna soo dhawaynayaa figradihiina.


Gudoomiyaha xisbiga Ramaas
mudane Daahir ciiro
email: daahirciiro@hotmail.com  mobile: 747090

Waxaa soo tebiyey: Koronto

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 September 2006
 
Ciidammada cadowga oo laga eryay meelo ay xarumo ka dhigteen.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen.
 
Itoobiya oo lagu eedeeyay lunsashada cuntada gargaarka ah.
 
Banaanbax ciidammo shisheeye ka dhan ah oo Muqdisho ka dhacay.
 
 
 ======================      
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ka caydhiyeen seddex meelood oo ka tirsan deegaanka Garigo’an, kuwaasoo ay cidammada gumaysigu xarumo ka samaysteen.
 
04/09/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerareen seddex goobood oo ka tirsan Garigo’an oo  ciidammada gumaysiga Itoobiya ay xarumo ka dhigteen, waxayna ciidammada xoreyntu ku guulaysteen inay cadowga ka caydhiyaan meelihii uu fadhiyay oo dhan. Weerarradan seddexda ah waxaa ciidammada lagaga dilay 8 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 7 kale.
 
Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay dagaal kale oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Bannaan-diyaarad, oo ka tirsan degmada Fiiq, kaasoo dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwo saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalkan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 11 askari.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen.
 
Ciidammaa gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa dadwayne rayad ah ku xidhxidhay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah.
 
Mgaalada Jigjiga waxaa dhawaan lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo loo qaqabtay qaraxyo dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1-    Macruuf oo aanaan magiciis oo buuxa haynin
2-    Sulub oo isagana magaciisa oo buuxa aanaan haynin
3-    Deeq Jawhar iyo
4-    Axmed-nuur Dhagawayne, oo isaga aan laga warhaynin meesha ay geeyeen.
 
Magaalada Galaalshe waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo u fara badan, waxaanan nagacyadooda helnay dadka kala ah;
1-    Shariif Kamaal
2-    C/naasir Maxamed Wali
3-    Cumar C/raxmaan
4-    Xasan-Dayib Gurxan iyo
5-    Mukhtaar Sh Daahir (Dhuun-qori) oo loo xidhay inuu hayso dhuunta qri BKM ah.
 
Magaalada Garbo waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwayne aad u badan oo ay ku jiraan 15 dumar ah, waxaana ka mid ah dadka aan magacyadooda helnay;
1-    Nuur C/qaadir Dalal
2-    Wali Axmed Cabdi
3-    C/llaahi Macalin Maxamed Carrablow
4-    Jamaal Halable Afdhuub
5-    Asad Cabdi Xasan
6-    Mustafe Deeq (Bisad)
7-    Fahiima Sh Cali Xasan iyo
8-    Ardo-Faaris Muxumed
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 02/09/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya dab qabadsiiyeen aqallada reero dhawr ah oo uu masuul ka ahaa ninka lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Sahal.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 03/09/06 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku gubeen xamuulkii saarnaa toban baabuur oo ay ka soo qaqabteen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Baabuurta tobanka ah ee xamuulkooda lagu gubay magaalada Qabridaharre waxay ka mid ahaayeen 12 baabuur oo ay lahaayeen dad isugu jira reer Ogaadeenya iyo reer Soomaaliya oo ciidammada gumaysigu qabsadeen. Labo baabuurtaas ka mid ah ayay sii daayeen, ka dib markii ay laaluush ka qaateen.
 
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidammada gumaysigu ay wixii tayada lahaa ee babuurtaas saarnaa, sida qalabkii elagtaroniga ahaa ay iyagu qaateen, ka dibna ay gubeen waxyaabihii aan qiimaha lahayn. Tobankan baabuur waxaa wali haysta ciidammada gumaysiga, waxaana la filayaa inay la wareegi doonaan.
 
Itoobiya oo lagu eedeeyay lunsashada cuntada gargaarka ah.
 
Ururka Oromada ee OLF ayaa xukuumadda Ioobiya ku eedeeyay inay cuntada gargaarka ah u istcmaasho hub ay ku aamusiiso dadka baahan ee waxyeelladu ka soo gaadho abaaraha Itoobiya ku soo noqnoqda, sidaas wuxuu ururku ku sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa arrimaha dibada u qaabilsan.
 
Ururka OLF wuxuu bayaankiisan ku sheegay in cuntooyinka gargaarka ah ee dalalka reer galbeedka iyo ururrada samafalku bixiyaan ayna gaadhin dadka aaaraha ku tabaalooba, balse ay xukuumadda Itoobiya u adeegsato aalado siyaasadeed oo ay dadwaynaha ku cadaadiso.
 
Ururku wuxuu bayaankiisan ku sheegay inuu marar badan oo hore ku celceliyay in xukuumadda Itoobiya ciidammadeeda ku quudiso cuntada gargaarka ama ay dadwaynaha ka iibiso waxyaabaha gargaar ahaanta loogu keenay.
 
 
 
Wuxuu kaloo ururku sheegay inuu sidoo kale beesha caalamka marar badan u sheegay in xukuumadda Itoobiya cuntada gargaarka ah u isticmaasho awood siyaasadeed oo ay adwaynaha ku kasbato, iyadoo cuntada siisa dadka siyaasadeeda daacadda ah oo kaliya.
 
Ururka OLF wuxuu tusaale u soo qaatay waxyaabaha hadda ka dhacaya xarumaha lagu kaydiyo cntooyinka gargaarka ah Shashemenne, Wolayita iyo Addis Ababa ee ay gacanta ku hayaan hay’adaha Oxfam iyo Alula Care. Cuntooyinkan waxaa loogu talagalay dadka abaaraha ku waxyeelloobay ee ku sugan Oromiya iyo Ogaadeenya, hase yeeshee amar si toos ah uga yimid xukuumadda fadaraalka ah ayaa meelo kale loogu raray iyadoo dad kale laga iibiyay.
 
Ururka OLF wuxuu bayaankiisan ku sheegay in bishii Juun e sannadkan oo kaliya la lunsaday raashiin gargaar ah oo qiimihisu kor u dhaafayo 100,000 oo dollarka Maraykanka ah, sidaas darteed wuxuu deeq bixiyayaasha ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay gargaarka iyagu u gaadhsiin lahaayeen dadka u baahan. Wuxuu sidoo kale beesha caalamka, dawlada Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrikabaka codsaday inay cadaadis ballaadhan saaraan xukuumadda Itoobiya, si ay u oggolaato in ururrada samafalka ahi ay grgaarka iyagu gaadhsiiyaan dadka baahidu u hayso.
 
Banaanbax ciidammo shisheeye ka dhan ah oo Muqdisho ka dhacay.
 
Maalinii talaadada ahayd waxaa caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay bannaanbax ballaadhan oo dadwyane aad u fara badan ka soo qayb galeen, kaasoo lagu diiddan yahay in dalka Somaaliya loo iro ciidammo shisheeye ah oo nabad ilaalin u taga.
 
Bannaanbaxan waxaa soo agaasmay Golaha Maxamadaha Islaamiga, waxayna dadwaynihii ka soo qayb galay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ka dhan ciidammada la filayo inay Soomaaliya u soo diraan dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Dadwaynaha bannaanbaxan ka qayb galay ayaa ku dhawaaqayay erayo muujinaya in ciidammada IGAD aan Soomaaliya looga baahnayn.
 
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamiga Sh Shariif Sh Axmed oo bannaanbaxaas ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha ah in ciidammo shisheeye la geyo dalka Soomaliya ay wadato xukuumadda Itoobiya oo kaliya, oo ayna la wadaagin dalalka kale ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.
 
Sh Shariif wuxuu dawlada Uganda uga digay inay cidammo u dirto dalka Soomaliya, wuxuuna sheegay in askaiga hadhow kaga dhinta Soomaaliya ay iyadu masuul ka tahay.
 
 08 September 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
 

Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..

Waxaa maalintii shalay aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore iyo jidadka gala Ceelgaab.

Aradayda oo ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.

Sidoo kale, waxaan la kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan waddankooda.

Xalwo, Max’ed Faarax oo ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso, anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan nadaafadeed”.

Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo, oo meel loo yeelo.

Faafin: SomaliTalk.com Sept 9, 2006

Warar GooGoos ah: Sept 7
»C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo
»Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo faafaahin ka bixiyay Shirkii
»Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan
»Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta oo cambaareysey falkii
»Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo
»Minneapolis: Shirka Beesha Ismaciil Cali Saleebaan...
Wararka oo dhan Akhri... Guji..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.