Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso!
W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
Email: taysiir55@hotmail.com
Magaalada Baydhabo waxaa ku badan, isku dhaca, kala shakiga hubeysan ee
rasaasta la isku weydaarsado, maleeshiyooyinka hubeysan, ee isugu jira, kuwa
deegaanka iyo kuwa ay dowladdu halkaasi geysay, is aaminaadda dhexdoodana
way yar tahay, dadka deegaankana waxey aaminsan yihiin dhibaatooyinka soo
laablaabta iney dowladdu u keentay, maleeshiyooyinka ayaa qaar, mushaar iyo
tixgelin gaar ah la siiyaa, qaarna la aan waxba laga soo qaadin, ama maahee,
kuwa waa la qarameeyey kuwana wali waa un wiilal beelahooda hubka u sida,
ama dheh, dadka deegaanka maleeshiyadooda teesarayaal dowladda wey ka
waayeen, xerooyin aan lagu daryeelina waa lagu xareeyey, kuwa ay dowladdu
keensatayna waa mushaari.
Xataa maleeshiyooyinka deegaanka, waxaa lagu arkaa waddooyinka magaalada soo
gala iyagoo gawaarida lacago baad ah weydiisanaya, hadda waxaaba loo gudbay
in la yiraahdo hubka ha laga dhigo, haddii aan soo gaabinana, magaalada
Baydhabo isku dhaca lagu dhinto laguna dhaawacmo ayaa ku badan.
Soomaaalidu waa beelo beelo u sii kala baxa jilibyo, iyadoo ku sii kala
abtirsada tol iyo odaygii ay ka soo farcameen, waxeyna kala leeyihiin
deegaano, ay caan ku kala yihiin, mararka qaar xattaa beesha magaceeda waxaa
looga maarmaa deegaanka.
Dowladdii lagu soo dhisay dalka aynu daris wadaaga nahay ee Kenya, ee loogu
magacdaray Federaalka, ayaa waxey muddooyin bilo ah, ku sugneyd halkii lagu
soo dhisey (Nayroobi), hase ahaatee, markii ay dalka dib ugu soo laabtay
waxey marti u noqotay, guddoomiyii siyaasadda ee gobolka Sh/hoose, Max’ed
Cumar Xabeeb, (Max’ed Dheere), waxaa xiligaasi lagu eedeyn jiray, inuu
cadaadis adag saaray, ciidamadii laga keenay Gobolada Puntland iyo Hiiraan,
ee lagu sheegay in loo qorsheeyey iney noqdaan ciidamada Qaranka, ee ay
dowladdu yeelaneyso.
Halkaasi dowladdu waxey ku sugneyd muddo 9-bilood ah, hase ahaatee, dowladdu
halkaasi way isaga guurtay markii uu sii xoogeystay khilaaf soo kala dhex
galay maamulkii Max’ed Dheere ee xiligaas iyo mas’uuliyiintii dowladda.
Dowladdu talo ayaa ku caddaatay, waxeyna baadi goob u gashay halkii ay salka
dhigan laheyd, maadaama Jowhar ay uga dhammaatay, hoggaamiyihii xiligaasna
uu ku tilmaamay madaxweynaha xukuumadda nin aan xilkas aheyn, oo beeleysi
iyo nin tooxsi ay ka dhammaan la’dahay, si kastaba ha ahaatee, heshiis
xiligaasi ay Sanca (Yemen) ku wada gaareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
Madaxweynaha oo kala boodsanaa ayaa keenay in la isku raaco in la dego
magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay xarunta u ah, waana loo guuray.
7-bilood kaddib, oo dowladdu ay ku sugan tahay Baydhabo ayaa haatan waxaa
soo ifbaxay khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay, raggii hubeysnaa ee
magaalada gacanta ku hayey iyo dowladda federaalka.
4-tii bishan, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ka dhacay,
rasaas wali dadka gobolka Baay dhegehooda ka sii shanqareysa, taasoo dhex
martay, maleeshiyo beeleed garoonka gacanta ku hayey iyo ciidamo dowladda
hoos taga, waxeyna dadka Baay, ka xun yihiin sida ay wax u dhaceen.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa laga
maqlay qalabka warbaahinta isagoo erayo xanaaq leh ku qeylinaya, isla
markaana dowladda ku canaananaya, iney qaab beeleednimo xal ka dayeyso,
wuxuuna ugu baaqay iney isaga tagto Baydhabo marba haddii aaney ciimado
qaran sameysaneyn.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed weli arrinta dhacday kama hadlin, kaba
darane garoonka wuxuu ka duulay, iyadoo meydadka dadkii la laayey qaarkood
ay meesha yaallaan, “Dad iney laayeen iyo iney daanyeero laayeen maba kala
oga” ayuu si ka xumaasho leh u yiri Xaabsade mar uu arrimahaa ka hadlayey,
inkastoo madaxweynaha uu qorsheynayo sida warar la soo xigtay ay tibaaxayaan
inuu la kulmo odayaasha deegaanka arrintana kala hadlo.
Hadda ka hor C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii dowladdii Jabuuti
lagu soo dhisay, ayaa isagoo damacsan inuu ka dhoofo Belidoogle, ayaa nin
maleeshiyo ah is hor taagay, iyadoo xiligaas ay la socdeen in ku dhaw
50-gawaarida dagaalka ah, isagoo ku sii jeeday shir madaxeedkii ururka
Midowga Afrika.
C/qaasim awood kuma maquunin balse wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada
Muqdisho isagoo la kaashaday odayaashii uu ka soo jeeday ninkaasi
maleeshiyada ah, waxaana dhacday in ninkii la qabto, xabsina loo taxaabo,
madaxweyne C/qaasimna uu si nabad ah uga duulay garoonka.
Dadka qaar ayaa waxey is weydiinayaan garashada uu sameeyey, Dr. C/qaasim,
ma garan waayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf?, waxey aheyd inuu maalintaa
baaqdo, meydkana wax ka aaso, subixiina uu dhoofo, balse taasi ma dhicin
iyadoo meydkii uu yaallo ayuu ka dhoofay garoonkii shir madaxeedkiina uga
qeybgalay.
Oday Max’ud oo fadhi ku dirir ka qeyb qaadanayey ayaa yiri, “Dowladdan
Puntland ayaa is laheysiisey, ciidamadeedu waa iyaga, hawl wadeenadeedu waa
iyada, garwadeenkeeduna waa isla iyaga” wuxuuna sii raaciyey, “Waa marti
haddana, gurigii lagu soo dhaweeyey ayey gubayaan”!!.
W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
Email: taysiir55@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
10, 2006
Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka
Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..
Waxaa maalintii shalay
aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir
ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday
magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday
tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala
socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna
bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u
dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii
Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada
Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka
fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore
iyo jidadka gala Ceelgaab.
Aradayda oo ay ka
muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga
qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga
Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir
Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney
in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon
doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii
August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan
gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.
Sidoo kale, waxaan la
kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay
in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla
markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan
waddankooda.
Xalwo, Max’ed Faarax oo
ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha
nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga
sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso,
anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan
nadaafadeed”.
Gobolka Banaadir ayaa
haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca
nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani
waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan
oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara
badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo,
oo meel loo yeelo.