IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA
(ARMY & AIDS)? FAALO
Bashir Omar (Bashka)
soompress@journalist.com
Daraasaadka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya
hay’adaha uqaybsan cudurka HIV/AIDS-ka ee Dalka Ethiopia waxaa ay sheegayaan
inay haatan marayso halkii ugu danbeyey khatarta cudurkan wareegtooyinka
kasoo baxay fariimaha khatarta xambaarsan waxaa ay tibaaxayaan in 110,000 oo
xambaarsan cudurkan HIV/AIDS-ka ay gargaar degdega u baahan yihiin dhamaadka
sanadkan dadkaasi oo ku dhaqan 14 magaalo oo caasimada dalka ee Adis-Ababa
ay kamid tahay.
Iyadoo welina ay sii socoto kuhowlanaanta cadaymaha iyo xaqiijinta khatarta
baahsan ee musiibada ku habsatey dadka reer Ethiopia si nolosha kumanaan kun
oodada xambaarsana cudurkan loola tacaalo sida uu sheegayo Abnezer Ngowi,
WFP Acting Country Director, inkabadan 2 million oo Ethiopian ah ay cudurkan
la ildaran yihiin halka ilaa 7 million oo Ethiopian ahna ay xambaarsan
yihiin Viruska HIV-ga
Maaha khatarta cudurkan oo kaliya tan kusoo waajahan somaliya ee waxaa
dhinac socota keenida ciidamo shisheeye oo aan dalalka ay ka imaanayaan iyo
qaar kamida awoodaha xiligan kajira dalka ay is diidan yihiin iyadoo aanay
hadana ciidamadaani marnaba ka marnayn khatarta cudurkan HIV/AIDS-ka ayaanay
hadana jirin hay’ado la tacaamuli kara khataraha is xambaarsan ee haatan
kusoo waajahan geyiga soomaaliya ee dhibaatada baaxadeeda lihi ay daashatey.
Daraasadaha uqaybsanayaasha ee khatarta cudurka HIV/AIDS-ka waxaa ay
Somaliya ku tiriyaan dalalka afrikaanka ah ee aanay khatar saas usii weyn ee
cudurkan dilaaga ahi aanay ka jirin waxaadse moodaa in aanay dadka khataraha
is xambaarsan ee kusoo waajahan Somaliya (ARMY & AIDS) aanay ku
baraarugsanayn dhibaatadaasi balaaran ee ay u gacan haadinayaan iyada oo
laga yaabo dadkaasi inay kamid yihiin kuwo aqoon iyo masuuliyad sheeganaya.
Somaliya iyo Ethiopia waa labadal oo derisa xaduud dheerna wadaaga hadana
xiriirkooda siyaaso uu wiiqnaa ilaa iyo mudo, inkastoo ay taasi jirto
ayaanay hadana muuqan tilmaamo cadaynaya in ciidamada loogu yaboohayo
somaliya ay ka bedqabaan aafada noolaha naafaysa ee isga oo nool ku
xambaarta inuu naftiisa ka quusto ee HIV/AIDS sidoo kalana ciidamada
dalkaasi ku yaboohay ee hab jamhadeedka aanay khibradooda ciidan
dhaafsiisnayn waxaa ay sababi karaan sii balaarinta dhibaatootin aan
soomaaliya ka jirin maadaama soomaaliya xiligan ay kusoo fool leeyihii
aafooyinka is xambaarsan ee (ARMY AND AIDS)
Dalka Uganda waxaa isku celcelis ahaan lagu qiyaasaa 25-30 million. Waxaana
lagu tiriyaa dalalka afrikaanka ah ee saamaynta xoogan uu ku leeyahay
cudurka dilaaga ah ee HIV/ AIDS,saamayn oo kaliya ma aha ee marka dib loo
eego daraasadaha caalamiga ee uqaybsanayaasha HIV/AIDS- ku waxaa ay sheegaan
inay safka hore kaga jirto dalalka uu cudurkaani naafeeyey , waxaana ay
ugaandha kamid tahay dalalka 50kii sano ee ugu danbeeyey la’il daraa
saamaynta cudurkan.
Dalka ugaandha waxa uu ka koobmaa 18 dugmo oo ay ku dhaqan yihiin dad ku
kala duwan xaga dhaqanka, waxaana kajira tiro luuqaadaa oo ay adeegsadaan
dadka reer Ugandha, sidoo kalana waxaa ay aaminsan yihiiin diimo amaba
madaahiib kala duwan, inkastoo inta badan wargeysyada Telefishinka iyo
warbaahinta kalaba ay adeegsadaan luqada Englishka , inkabadan 80% dadka
noloshoodu waa beeraley ku tiirsan tacabka beeraha.
Maanta qaybo kamida waqooyiga dalkaasi waxaa ka jira kacdoomo amaba
mucaaradad ay hogaanka u hayaan Lord's Resistance Army (LRA)ayna kala soo
hor jeedaan Dowlada dalkaasi , waxaana ay kooxdaani sheegtaa inay Dowladu
xad gudubyo u adeegsato dadka shacabka ah iyadoo adegsanaysa awoodeeda
Dowladnimo,inkastoo ay labada dhinac ee Dowlada iyo mucaaradkuba
bartilmaameed ahaan xadgudubyadooda la beegsadaan dadka shacbiga ah hadana
inkastoo aanay jirin warbiximo dhexdhexaada oo qeexa dhibaatada dhabtaa ee
halkaasi taala waxaa adag in ay indhaha goobjoogaayaashu milicsadaan
fariisimaha kooxaha reer waqooyiga ee Dowlada ku kacsan xaga amaanka.
Inkastoo hadana saamaynta Cudurkan Dilaaga ah ee HIV/AIDS uu hoos uga dhacay
halkii uu hore ahaa hadana waxa jirta khatar xaga cudurkan ah, welina waxaa
jirta dhibaato balaran oo xaga caafimaadka ah iyadoo ay tobonaan kun oo dada
sababsadaan cudurkan sanad waliba , iyadoo ay sidaasi jirto ayaa hadana
dadka ugu tirade badan ee cudurkani saamaynta xooga leh ku hayo ay kamid
yihiin Ciidamada qalabka sida , sidoo kalana waxaa jira kumanaan dibad jooga
oo xambaarsan cudurkan ugu danbayna loo adeegsado xaga ciidamaynta, hadana
waxaa sanadahan danbe soo shaac baxaya tiro badan oo cusub oo sidda cudurkan
taasi oo khatarta cudurkan ka dhigaysa mid ka baabsan sida lamoodayo.
Dalka Uganda oo kamida dalalka ku yaboohay ciidamo loosoo diro Somaliya inta
laxuso xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Uganda ma ahayn mid xun inkastoo
kasokow kubahoobida ay soomaaliya kula bahowday dowladaha gobola xubin ka
ahaanshaha AU iyo urur goboleedka IGAD aanay hadana labada dal xuduud wadaag
ahayn balse khatarta haatan kusoo fool leh ee labada dal ayaa ah usoo
diritaanka ciidamo aan dhanka Caafimaadka iyo xaga aqoonta ka tayaysnayn oo
loo soo diro somaliya ciidamadasi oon ku iman rabitaanka shacbiga
soomaaliyeed balse ku imaanaya awood kumuquunin aan baahideedu taagnayn, tan
oo keeni karta in xiriirka labada dal uu ahaado mid xurgufi dhex timaado.
Dalka Kenya waxaa uu kamid yahay dalalka la isku yiraaho geeska afrika
waxaana uu kamid yahay dalalka Afrikaanka ah ee ay ku habsatey musiibada
Qaran dhanks cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka isku celcelis ahaan dadka
reer Kenya 14% waxay qabaan cudurkan HIV/AIDS, taasi oo ka dhigtay dalka
Kenya wadamada safka hore kaga jira kuwa ay musiibada qaran haysato ee la
tacaali la dhibaatada baaxada leh ee ka haysata aafada cudurkan.
Isku celceliska tirade dadka reer Kenya waa 30,339,770, halka 2,100,000 oo
dada ay qabaan cusdurka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka taasi oo markaa boqoleyda
marka loo dhigana ka dhigaysa dadka cudurkan qaba 13.95% boqoliiba ,dalka
Kenya waxaa uu kaloo kamid yahay dalalka musuqmaasuqa iyo isda marintu la
degtey, hadana dalku waxaa uu leeyahay ilo badan oo baahida dalka dabooli
kara sida industry-small scale, consumer goods,( plastic, furniture,
batteries, textiles, soup ,cigarettes, flour), processing agricultural
product, oil refining, cement, and tourism.
Kenya waxaa ay xaduud dheer la leedahay dalka Somaliya, waxana ay hoy u
noqotay kumanaan dada xiligii ay dagaalada sokeeye ka fideen dalka
soomaaliya iyaga oo inta badan dadka somalida ah ee Kenya nafta ula
ciirsaday xiligii dalku burburay ay gabaadsadeen inta badan gobolka waqooyi
bari ee Somalidu ka degto Dalka Kenya halkaas oo inta badan dadku ay
tasiilaad dheraada ka heleen wallow hadana aan indha laga daboolan karaynin
cadaadiska joogtada ah ee qaxootiga soomaaliyeed ay kala kulmayeen ciidamada
nabad gelyada (police) ee dalka Kenya, hadana waxaa dadku miciin bideen inay
cadaadiska iyo cagajuglaynta, xariga iyo xaqiraada bini-aadminimada ka
dhanka ah ee ay ku jireen isga noolaadaan maadaama aanay doorasho kale
haysan.
Dalka Kenya waxaa uu haatan sida dalalka aan kor kusoo xusnay ee UGANDA, &
ETHIOPIA ku yabooheen ciidamo loo diro gudaha somaliya iyadoo shacbiga
soomaliyeedna qaylo dhaan diidmaa ay kasoo yeerayso, dibad baxyada ku aadan
diidmada ciidamada shisheeyana laga dareemayo dalka gudihiisa oo dhan,
miyaanay rabitaanka dalalka ciidamada ku yaboohaya ulajeedadoodu lagi
micnayn karayn inay soomaaliya usoo dhoofiyaan aafooyinka is huwan ee ARMY
IYO AIDS.
Bashir Omar (Bashka)
soompress@journalist.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
9, 2006
Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka
Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..
Waxaa maalintii shalay
aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir
ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday
magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday
tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala
socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna
bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u
dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii
Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada
Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka
fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore
iyo jidadka gala Ceelgaab.
Aradayda oo ay ka
muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga
qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga
Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir
Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney
in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon
doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii
August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan
gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.
Sidoo kale, waxaan la
kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay
in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla
markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan
waddankooda.
Xalwo, Max’ed Faarax oo
ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha
nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga
sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso,
anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan
nadaafadeed”.
Gobolka Banaadir ayaa
haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca
nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani
waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan
oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara
badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo,
oo meel loo yeelo.