Yirma waa
saddex alifle ka tirsan ciidamada Itoobiya, wuxuu weligii ku
haminayey sidii uu Soomaaliya ku tegi lahaa, wuxuu
aruursadaa mushaar aad u yar oo uu ku qaato ciidannimada,
dhawr jeer ayuu farta qaniinay markii la yiri, “Waxaad
galeysaa Soomaaliya” hase ahaatee, taasi ma noqon oo waxaa
la keenay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, haddana, dib
ayaa loo celiyey, wuxuu habeen walba ku duceystaa sidii uu
Soomaaliya ku tegi lahaa.
“Dhawr jeer kama qaadan ciidamada wax mushaar ah, oo
saddexdii biloodba mar ayaa na loo soo tuuraa, naguma filna
aniga iyo xaaskeyga mushaarkaasi” ayuu yiri Yirma, oo mar
kasta Illaah ka barya sidii uu ku tegi lahaa Soomaaliya.
Maalin isagoo feyl ku jira oo wata Gaaweeto, ayaa waxaa loo
sheegay in Beri loo qaadayo Soomaaliya, Yirma inta farxay
ayuu Gaaweetadii faaruqa aheyd, iska tuuray oo labis isku
taagey, isagoo isu diyaariyey tegista Soomaaliya, wuxuu
yiraahdaa Illaahayow run ka dhig markan, markiiba waxaa lagu
soo wargeliyey in la baaqday, inta buste isku duuduubay ayuu
galay fikir dheer, markaasuu yiri, “War Saraakiisheenu
miyaaney Qawl laheyn?”.
Yirma wuxuu ka dhashay qoys sabool ah, mar baa loo qaaday
dhinaca xuduudda Erateriya iyo Itoobiya, wuxuu yiri, “Waa
markii iigu murugada badneyd ee i soo marta, markii aan lix
bilood soo joogay ayaa dib la igu soo celiyey xuduudda
Soomaaliya iyo Itoobiya.
Yirma, ayaa isaga oo maalin tababar qaadanaya, ayaa markii
uu tababarka dhameystay waxaa uu la sheekeystay nin
saaxiibkii ah, oo lagu magacaabo Girma, wuxuu ku yiri,
“Yirma, War ninyahow maalmahan waad fikireysay ee maxaa kugu
dhacay, dhawr jeer ayaan ku arkay adigoo Gaaweeto wata oo
isku mashquulsan sidey wax u jiraan?” “War ninyahow waxaan
nacay shaqada ciidannimada” ayuu ku jawaabay Yirma, isagoo
ka shakisan oo is yiri, armuu ku sheegaa, ayaa si hoose
wuxuu ugu yiri, “Beeshee ayaad tahay?” Markaas ayuu ku
jawaabay Girma Waxaan ahay Amxaaro , “Aad ayaan u farxay oo
anigaba waxaan ahay Amxaaro”.
Isagoo sheekadiisii sii wata ayuu ka dhex galay Girma
wuxuuna weydiiyey, “Oo hadda maxaad dooneysaa?” wuxuu ku
jawaabay Yirma, “Waxaan raadinayaa fursad aan ku tegi lahaa
Soomaaliya” Markaasuu yiri, “War ninyahow anigaba
fursaddaasi waan raadiyey balse waxaa iigu dhaweyd mar guuto
aan la socday la geeyey deegaanka Beledxaawo, markaan laba
maalmood ku sugneyn ayaa dib na loo soo celiyey, ee ninyahow
sidee ayaan fursaddan ku helnaa?” markaasuu ku yiri“Ma
dhageysan miyaa idaacadaha caalamka?” ayuu weydiiyey Yirma,
wuxuuna Girma ku jawaabay, “Maya” “Ma ogid miyaa in
Soomaaliya loo qaadayo toban kun oo askari” markaasuu yiri
“Illaahayow igu dar kuwaasi” ayuu si farxad leh ula qeyliyey
Girma, isagoo sii daba dhigay, “Waxaan ka baqayaa in tobanka
kunba ay gooyaan, oo fursaddaas ay ka wada faa’ideystaan,
wuxuuna raaciyey Illaahayow run ka dhig... Illaahayow run ka
dhig.
Yirma wuxuu arkay rag saaxiibadii ah oo ay ciidamada ka wada
tirsanaayeen oo iyagoo jooga dhulka Soomaali Galbeed u
baxsaday dhinaca Soomaaliya, wayna ka sii tahriibeen, mar
ayey la soo xiriireen saaxiibadii, waxeyna ku yiraahdeen
waxaan helnay shaqo aad u wanaagsan oo ka fiican tii
askarinimada, wuu is ciilkaambiyey, wuxuu ku sigtay inuu
nafta iska qaado,
Ismaaciil, waa askari isna ka tirsan ciidamada Itoobiya,
kana soo jeeda Soomaali mar ay wada kulmeen Girma iyo Yirma,
ayaa waxey isla soo qaadeen arrimaha tegista Soomaaliya
wuxuuna Ismaaciil ka yiri, “Waxaan idin sheegayaa markii aan
tagno Soomaaliya, aniga ayaa idin fududeyn doona, si aad
ciidamada uga baxsataan oo aad ugu sii tahriibtaan,
waddamada Carbeed, walibana waxaan idinka dhoofinayaa
dekedda weyn ee caalamiga ah ee Muqdisho”, inta farxeen
ayeyba isku qaateen iney joogaan Soomaaliya, labadoodi ayaa
waxey la soo boodeen, Haddii aan tagno Soomaaliya waxey la
mid tahay, ama nooga dhigan tahay fursad Yurub ah, wuxuu
Ismaaciil sii raaciyey, “Waxaad meel kasta oo ka mid ah
Soomaaliya ka heleysaan deked aad ka tahriibtaan, oo weliba
waxaad ka heleysaan doomo idin geeya waddamo kale, “Wallee
war farxad leh ayaad noo sheegtay, haddii aan ka daba tagno
saaxiibadeen oo horey uga baxsaday noloshaan liidata waan ka
bixi laheyn” waxey hadalkooda ku soo gabagabeeyeen
Illaahayow Soomaaliya... Ilaahayow Soomaaliya... Ilaahayow
Soomaaliya!!!