DONOQI
QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE
SOOMAALIYEED HORTA XAGEE LAYNAGA
TAFTAAFAY
Abu-cali Bin Abu-cali
faragod@hotmail.com
Nika caddi makuu dalkeena yimi
wuxuu lahaa dano gaadh ah oo kala duwan , wuxuuna isku dayey inuu helo Wado
uu ku fuliyo. Hor iyo abaato wuxuu isticmaalay xoog iyo amar ku taaglayn ,
waxayna kaga jowaabtay ummadu kacdoon iyo halgan kulul , markii uu taas
faraha kaga gubtay ayuu ged kale uga diga rogtay si uu xooga shacabka u kala
dhantaalo , kaas oo ku salaysnaa wadajir iyo israac , kaas oo ay
hogaaminayeen culimadu .
Nasiib darro cadawgii waa inaga il helay markii uu ogaaday inaan leenahay
iin iyo boog halis taas oo ahayd qabiilka ayuu keenay fikradii ahayd qaybi
oo xukun(divide and rule) taas oo noqotay mid aan ka kori waynay oo ilaa
maanta shaqaynaysa dhibkeediina aan la heeda- daabayno .
Qabiilku ma ahayn mid ku kooban dhaqanka miyiga balse wuxuu noqoday mid lagu
habeeyo siyaasadda iyo haggaanka dalka degay halka laga hogaamiyo ummadda ,sidaa
darteed wuxuu noqday mid xididdada aastay oo aan liijin karin .
Dhinac kale markuu ogaaday in diintu tahay midda kaliya ee sugi karta
midnimo dawana u noqon karta isnacaybka iyo tafaraaruqa uu abuuray ayuu ku
dadaalay inuu meeshaba ka saaro, taas noqotay guushii labaad ee ku geeraaro
gumaysiga markuu diintii ka dhigay wax masjidka ku eg oo aan maamulka meel
ku layn sida ay horayba bible-kooda uga dhigeen mid aan soo dhaafi karin
kaniisadda.
Guushaa waxaa suurta geliyey dadka oo ay ku yarayd aqoonta diinta iyo
culimaddii wax tiqiin oo uu laa’yey soo reebayna xoogaa ahlu-khuraafaad ah (qubuuriyiin
ama qaadiriya).tan kale wuxuu iska ilaaliyey inuu diinta wax sheego waayo
dadku ma ogolayn diinta la farageliyo ,wuxuuse ku dadaalay inuu maamulka ka
dheereeyo, waxaa maanta la yaab leh wixii gaalkii wax gumaysanayey ka
xishooday imaanta kuwa mulsin sheeganaya ay ka xidhoon waayeen oo ay diintii
wax ka sheegayaan(qaatalahumullaah).
Inkastoo waxaas oo hagardaamo iyo hadimo ah ummadda loo gaystay haddana
halgankeedu maalinta heer ha joogee waa taxnaa ,ninkii yurub ka yimi sahal
uma ledin, markuu arkay inuusan ummaddan gacan ku hayn karin ayuu hindisay
mardadabo hor leh taas oo ahayd
Si danihiisii u fulaan wuxuu meeshii u diyaariyey rag muuqa inoo eg laakiin
maskaxdiisii wata oo uu soo tababaray , waa tuu lahaa gabyaagii soomaaliyeen(
ISMA DOORIN GAALKAN DIRIYO DAARTA KII KORAY, DUSHA MIDABKA SOOMALIBAAD DIIR
MOODAAYE), Markaas ayaa hogaamiyeyaal Gumaysi dhalay ayaa ummaddii majaraha
u qabteen , shakina ma leh in kuwaasi aysan ehel u ahayn horseedka shacabka
, beesha inay gurya samo geeyaanna aan laga sugayn , waana kuwii inagu furay
geerigo’an lama degaan ah .
Tan labaad waxaa laynaga dhaadhiciyey in kii shalay ina gumaysanayey ee
godobteenu fadhiday inoo yahay masuulka danaheena tawliya oo dadka kale
inooga sakeeya ..! cajiib..! waa wax lala yaabo ruux shalay ku dilay , ku
raray ,halyey kaa dhaameeyey , daabaqad aan go’in wajiga kaaga dhuftay ,
iska kaa ilaaliya inaad fahanto ama xusuusato wixii uu ku gaadhsiinyey ,
danihiisi gaadh ahaaneed weli taagan yihiin , inuu sokeeyo nasteexa ah kuu
noqdo oo aad u dabafadhiisato inuu barwaaqo ku gaadhsiiyo.Allayleh waa dhooy
la’aan. Markaas ayey ahayd markii aynu si rasmi ah ugu dhacay gacanta
gumaysiga, waa markii uu inoo dhalay aqoon yahan aan qorraxduba dhan ay ka
xigto aqoon , ahna Pagpagaa wuxuu yiraahdo ka daba yiraahda .....aqoonna ka
yaqaan in waxay iyagu yeeriyaan ama u sheeqaan ay ku maqlaan. Waa markii u
horaysay ee ay suurta gashay inuu fushado danihiisii isagoo aan xoog iyo
xoolo toona ku bixin
Waxaa layna siiyey gobanimo maqaarsar ah , waxaa tagay barasaabkii gumaysiga
waxaase hadhay maskasxdiisa ,mar kale ayuu hogaanka inoo qabtay iyadoo
dadban,kana khatarsan tii hore , inagoo xor isu haysana ayaa xornimo inaga
dheerayd .
Markii laynoo dhisay dawladii gumaysiga bedeshay waxaa dhacday in
jagooyinkii waawanaa sida Madaxwaynihii, raisalwasaarihii , wasiiradii iyo
agaasimayaashii guud somali loowada dhiibay balse garsoorkii iyo
masuuliyiinta sharciga ay weli ku jirtay gacanta gumaysiga . tusaale ahaan
Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa loo magacaabay Dr. Giuseppe Papale , xeer
ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ahaa Dr Carlo Prisco, gudoomiyaha
maxkamadda hargaysa waxaa ahaa jabd singh , maxkamada Muqdishu ee racfaanka
waxaa loo dhiibay Dr Severino Santiapichi , makaxkamada Racfaanka Haragaysa
waxaa loo dhiibay B:O R Rogers. Qaadiga qaadiyada waxaa ahaa Dr Vincenzo
Mellano , bal haddaba ummad weli grasoorkeedii ku jiro gacanta
gumaystayaashii sidee loo odhan kadhaa waxaa xor. Haba ka yaabin.
Waxaa halkaa ka muuqda sida gumaysigu ugu dadaalay inuu kala fogeeyo ummadda
garsoorkeeda iyo shareecadda islaamka .Caddawgeenii ayaan sokeeye ka
dhiganay oo danaheenii u dabafadhiisanay iyadoo Allaah subxaanahu watacaalaa
inooga digay oo inoo sheegay cadaawaday inoo qabaan , wuxuuna yiri Jallaa
wacalaa (KUWA XAQ RUMEEYOW KA DHIGANINA SAXIIB HOOSE WAX IDINKA IDINKA SOO
HADHAY , KUMA GOBOOD FALAAN FASAHAADKIINA , WAXAY JECEL YIHIIN DHIBKIINA ,
WAXAY KA MUUQATAA CARRADU AFKOODA , WAXAY KU QARSANAYAAN LAABTOODA AYAA KA
WAYN , WAXAAN IDIIN CADAYNAY AAYAADKA HADAAD WAX GARANAYSAAN).
Allaah sidaa ayuu inuugu caddeeyaye , hadaynaanse kitaabkaba aynaan hoos
eegin oo laga door biday kii gaalku inoo dhaafay sidaa liibaan Allaah looga
filan karaa , sideese ciqaabtiisa looga badbaadi karaa,
Miyaanay inagu dhabooyin Hadalkii Rasuulka salallaahu calayhi wasalam ee uu
yiri 14 qarni ka hor ( HADDAAD WAX KU KALA GADATAAN RIBO LO’DA DABADA
QABSATAAN BEERAHA RAALI KU NOQOTAAN,KANA TAGTAAN JIHAADKA WUXUU ALLE IDINKU
SALIDAYAA DULI AAN LAYDIN KA SAARAYN ILAA AAD DIINTIINA U NOQOTAAN ) ...Allaahu
akbar.
Markaynu kitaabku ka soo qaadanay qayb sida nikaax iyo naxalkii ,salaadii
intii kalena tuurnay , basle qaarkood noqdeen wax lala yaabo markii la
maqlay , sida kitaab baa laysku xukumayaaa , xuduud baan la oogayaa,
qisaastii iyo kuwao kale oo badan ayaynu ka dhaxalay duli iyo halaag , bal u
fiirso Allaah hadlkiisa (MIYAAD RUMAYNAYSAAN KITAABTA QAAR .QAARNA WAAD KU
GAALOOBAYSAAN ,CIDII SIYAA YEESHA MA AHA ABAALMARINTEEDU ,DULI ADUUN IYO
CADAAB AAKHIRO MOOYEE) ,Haddii laynoo cadeeyey wadadii duliga oo aan idho
la’aan isku maqiiqnay miyaanay xaq ahayn inuu inagu dhaboobo waciidkii Allle
.
Waxaynu soo gurnay mirihii kuwii gumaysigu ababiyey ee ay igu dambeeyey
kacaankii suntiyo boogta daacay ,kaasoo isna barbaarshay yeyda baqtigii
ummadda 16 sano rifaysa ee gumaysi kii igu liitay midiidinka u ah (xabashi)
, kana sugi maysaan wax aan ahayn wixii aad horay uga barateen ee ahaa dhaca,
kufsiga afduubka .isbaarada iwm . Caqlina waa kay horay u laheen ee
amxaaradu u tuntay (kii Alle malaha waa ka lumay kama muuqdee) , mid cusub
ka sugi maysaane , ummad yahay is daba qaboo , dabaqabashaaduna waa kitaabka
Alle
Waxaan ku soo koobayaa xalkii hal aayad oo ah balanqaadkii Eebbe inoogu
yaboohan si aan dhulkan uga taliyo taas oo hal shardi ku xiran haddaan
fulino.
Suuratu nuur Ayada 55 aad Alle wuxuu ku yiri Jallaa wacalaa (Allaah wuxuu u
ballan qaaday kuwa xaqa rumeeyey ee camal wanaagsan la yimi inuu dhulka
dhaxalsiin doono sidii uu kuwii horeba u dhaxalsiiyey ,diintoodana Alle waa
makinayaa uu ugu raaliga yahay cabsidooda ka dib wuxuu ugu bedelayaa amni ,
haddii ay i caabudaan oo aanay ii shariig yeelin)
Wa bilaahi Tawfiiq
Abu-cali Bin Abu-cali
faragod@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept
9, 2006
Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka
Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..
Waxaa maalintii shalay
aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir
ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday
magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday
tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala
socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna
bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u
dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii
Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada
Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka
fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore
iyo jidadka gala Ceelgaab.
Aradayda oo ay ka
muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga
qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga
Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir
Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney
in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon
doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii
August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan
gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.
Sidoo kale, waxaan la
kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay
in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla
markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan
waddankooda.
Xalwo, Max’ed Faarax oo
ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha
nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga
sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso,
anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan
nadaafadeed”.
Gobolka Banaadir ayaa
haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca
nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani
waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan
oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara
badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo,
oo meel loo yeelo.