Muxuu ku
salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo
Tan iyo markii Dawladda FKMG ah ee
Soomaaliyeed lagu yagleeyey Xarunta Dalka Kenya ee Nairobi sanadkii 2004tii
ayaa waxaa soo ifbaxayey dalabyo ku celcelisa oo lagu doonayey in Soomaaliya
lagu keeno ciidamo shisheeye,kuwaasoo lagu macneeyey inay gacan ka
siindoonaan Dawladda FKMG ah xagga ammaan,islamarkaasna ciidankaasi
shaqadiisu ku ekaan doonto ilaalinta Goobaha Dawladda iyo tababaro la siiyo
Ciidan lagu talo jiro in dalka soomaaliya loo sameeyo.
Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay si
weyn u codsanaysay inay lagama maarmaan u tahay xasilinta Soomaaliya
helitaanka ciidamo nabadl ilaalineed,iyadoo ku doodaysa dhibka baaxadda weyn
ee ka dhacday soomaaliya iyo weliba hubka faraha badan ee gacanta ugu jira
Shacabka oo idil balse tillaabadaasi ayaa waxaa si weyn uga horyimid
qabqablayaashii hore ee Magaalada oo markaas ahaa Wasiiro ka tirsanaa
Dawladda FKMG ah,waxaana intaas dheeraaday inay jireen sidoo kale Xubnaha ka
tirsan baarlamaanka oo diidmo qayaxan ka muujiyey keenista ciidamo
shisheeye dalka.
Inkastoo Qabqablayaashii dagaalka iyo Xubnihii
taageersanaa ciidanka Shisheeye ka soo wada horjeedeen,hadana laguma
tilmaami karin wadaniyiin balse waxay ka sinaayeen kana midaysnaa inaan
dalka la keenin Xoogag shisheeye,taasina waxay irdaha u furtay in kala
qaybsan ku yimaado Dawladda FKMG ah,iyadoo kala fariisatay Magaalooyinka
Muqdisho iyo baydhabo balse dedaal dheeraad ah oo uu ku dhaqaaqay
Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax wuxuu horseeday inay heshiiyaan Madaxweynaha
Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif
Xasan Sh.Aadan,waxayna mirihii ka dhashay noqdeen inay Dawladda meel qur ah
isugu timaado.
Sikastaba ha ahaatee, ilaa iyo markii
Maxaakimta Islaamiga ah meesha ka saareen Qabqablayaashii mudada dheer ku
noolaa jaqidda dhiiga shacabka Soomaaliyeed,ayna uga awood roonaadeen
gacanta ku hayntii Magaalada Muqdisho ee Caasumadda Soomaaliya ayaa waxaa
isa soo tarayey welwel laga qabo Maxkamadaha islaamig ah,taasoo ah inay
meesha ka saaraan Dawladda FKMG ah,waxaana walaac midkaas ka qoto dheer ka
muujiyey horumarka Maxkamadaha Dawladda Itoobiya oo u aragtay inay halis ku
yihiin,waxayna amuurahaasi sababeen inay Itoobiya ciidankeeda si bareer ah u
soo galo gudaha dalka Soomaaliyeed,iyadoo ku andacoonaysa inay ka difaacayso
Dawladda FKMG ah in Maxaakimtu duulaan ku soo qaadaan
Hase yeeshee,wixii xiligaas ka dambeeyey ayaa
waxay dalalkii u ololaynayey keenista ciidamo shisheeye dalka codsigoodii
laba jibaareen,iyagoo ku tilmaamay keenista ciidankaas mid muhiimad weyn u
ah dhinaca ammaanka,laakiin Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa iyagu marna
mooqifkooda aan qarinin,iyagoo sheegay inay si weyn u diidan yihiin in
quwado shisheeye la keeno Soomaaliya,waxayna intaas ku dareen inay dagaal
kala horimaan doonaan hadiiba ay cag soo dhigaan ciiddda Soomaaliya,iyadoo
tillaabadaas hoos u dhigtay rajadii lagu doonayey in ciidamo huwan shaar
nabad ilaalineed lagu soo galiyo dalka.
Wada hadaladii Dawladda FKMG ah iyo
Maxkamadaha ku dhexmaray Khartoum dhamaadkii June ee sanadkaan ayaa wuxuu
soo celiyey rajadii dadka Somaaliyeed ee ahayd inay mar ishoodu qabato
Qarankii oo mar kale luguhiisii isku taagay,taasina waxay dhicisowday ka dib
markii labada dhinac isu jeediyeen eedeymo la isu marinayey dhanka
Saxaafadda,laakiinse gabagabadii ayaa waxay labada Garab mar kale isugu
yimaadeen Khartoum kulan,kaasoo looga gol lahaa in la isugu soo dhaweeyo
farqiga u dhaxeeya Maxkamadaha iyo Dawladda FKMG ah.
Hadaba waxaa is weydiin mudan maxaa kulanka
Madaxweynayaasha IGAD ku soo beegay Shirka Khartoum iyo muxuuse salka ku
hayaa ame ku salaysan yahay?
Runtii waa su,aal aan si sahal ah looga
jawaabi karin,waxayna u baahan tahay inaad sameysid u kuur galid iyo weliba
indhaindhayn dheeraad ah si aad jawaab ugu heshid su,aasha ku noqnoqonaysa
niyadda iyo laabta dadka,hadaba inkastoo ay sidaas u adag tahay hadaan isku
jawaabteeda waxaa shirkaan lagu soo beegay xili wadahadaladii Khartoum ee
dhexmarayey Dawladda FKMG ah iyo Wafuudii Maxaakimta ku tillaabsadeen fahan
isafgarad iyo rajo wanaag,kaasoo ugu yaraan dabcin karayey xiisadii
colaadeed ee tagnayd iyo in jawiga guud wax laga badalo.
Sidaas darteed wakhtiga Shir-madaxeedka IGAD
ayaa waxa uu ku astaysan yahay ame ku lambarsan yahay in lagu fashilayo
shirkii Khartoum ee la filayey inay labada dhinac la yimaadaan ficilo iyo
oraaho lagu badbaadin karo Ummadda Soomaaliyeed,taasoo irdaha u furi karta
in awood qabsi iyo midaw dhexmaro Dawladda FKMG ah iyo Maxkamadaha Islaamiga
ah,waxaana kulankaan hoos galiska ah ku dedaalay qabashadiisa Ra,iisal
wasaaraha Itoobiya Meles Senawi iyo Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki,ka dib
markii Meles socdaal deg deg ah shirka ka hor uu ku tagay Uganda iyo Kenya.
Waxayna ka baaqashada Madaxweynayaasha dalalka
Sudan,Jabuuti,Ereteeriya iyo Uganda muujinayaan farqiga kala duwanaadeen ee
u dhexeeya IGAD,marka ay timaado keenista Ciidamada IGADSOM dalka
Soomaaliya,taasoo waji gabax ku ah Hoggaamiyaasha Gobalku tiillaabadii ay ku
raadinayaa inay isku aragti noqdaan arrimaaha Soomaaliya,waxaana la gudboon
shacabka soomaaliyeed inay meel iska dhigaan khilaafka iyo ishaysiga
dhexdooda ah,islamarkaasna u soo jeestaan inay u midoobaan difaaca dalkooda
oo cadaw soo jireen ah uu rabo inuu si sahlan ku qabso,ayna meesha ku
baab’ado Qaranimadii dalku.
Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com Sept 8, 2006
Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho