WARAABAHA
HILIBKIISA IYO MARAQIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
Email:
taysiir55@hotmail.com
Magaalooyinka Qallaafe, Godey,
Qabridaharre iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa waxaa ka soconaya ugaarsi
ba’an oo lagu hayo Dhurwaaga, waxaana la kala siistaa lacag badan,
iyadoo ay dadku isaga daweeyaan cuduro tiro badan, oo qaarkood ay halis
yihiin.
Cabdi Xasan Xirsi oo Muqdisho aan kula
kulanay, hase ahaatee, ka yimid Tuulo laba saacadood u jirta degmada
Qalaafe oo lagu magacaabo Afduub ayaa ka warbixiyey cudurada ay dadku
isaga daweeyaan Waraabaha, wuxuuna yiri, “Waxaa Waraabaha ku dawoobay,
dad badan, oo qabay, cuduro ay ka mid yihiin, Qalaliyaha, Dabeysha,
Dhiig karka, Kaadi Sokorowga, Tabaryarida Ragga, Dumaka dhali waaya,
Kelya Xanuunka, Dhabar xanuunka, Neefta, Qarasta, Araga daciifa, Jabtada
iyo Laleemada”.
Mar aan ka codsanay inuu sharaxaad naga
siiyo sida loo soo qabto Dhurwaaga maadaama, uu ka mid yahay xayawaanada
Duurjoogta ah wuxuu yiri, “Marka la soo ugaarsanayo waxaa duurka lagu
aadayaa, 4 – 6-rag ah, waxaana la raadinayaa Dhurwaaga, marka la arko
xabbad baa lagu dhufanayaa, si loo dhaawaco, markaas kaddib daab ama
biro ayaa loola tagayaa, markuu isku dayo inuu dagaalamo oo uu isdifaaco,
baa ilkaha laga budeynayaa, sababtoo ah waxaa laga baqayaa inuu wax
qaniino inta la xirxirayo, isagoo ilkaha ebar ka ah, baa inta la xiro oo
laba qofood ay madaxa qabtaan, afarta lugoodna laga xiro, ayaa waxaa la
soo saaraa Gaari-Dameer, waxaana la keenaa Kawaanka, BISMILLAAHI ALLAAHU
AKBAR baa la dhahayaa, halkaa baa lagu qalayaa, oo inta la kawaamo,
haraga looga dhigayaa!”. Inkastoo culimadu ay sheegtay in habkaasi aanu
xalaal ku noqon Karin hilibka Dhurwaaga, waxeyna ku taliyeen in gebi
ahaanba laga fogaado cunistiisa.
Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Xasan Xirsi
in marka la keeno Kawaanka uu qofba inta ay tabartiisa tahay uu gato,
isagoo intaa ku daray in lakala iibsado Jeeniga Waraabaha 500,000 Sh.so.
(Shan boqol oo kun) cadkiisa ugu yarna waxaa la kala siistaa 40-kun
Sh.So, wuxuuna sheegay in dad badan ay ku caafimaadeen maraqiisa markii
ay cabeen, inkastoo aan la hubin, “Nin saddex dumar ah qabay, oo ka
fariistay, Dhurwaaga maraqiisa markuu cabay, ninbuu noqday” ayuu yiri
Cabdi Xasan isagoo sheegay in dadka Dabeysha qaba, marka haraga
Waraabaha loo jaxaaso oo lugta loogu xiro ay ku fiicnaadaan, sidoo kale
“Qofkii ay qaras ka bixi weyso isaga ayuu gataa, wuuna ku boqsadaa,
marka uu maalmo maraqiisa cabo” ayuu yiri Cabdi.
Mar aan weydiiney Cabdi sida ay ku
ogaadeen in Waraabaha hilibkiisa iyo maraqiisa la isku daweeyo wuxuu
yiri, “Waraabaha inuu daawo yahay anagu kama war hayn, Boosaaso ayey
nooga timid oo laga ogaaday” wuxuuna intaasi ku daray in ugu badnaana
7-casho hadduu qofku joogteeyo cunistiisa iyo cabidda maraqiisa uu ku
bogsoonayo cudur kastaba ha hayee, “Waa la karinayaa, maraqiisa ayaa la
cabbayaa, mar hadduu qofku shubmana caafimaad buu helayaa, 7-maalmood
baana ugu badan inta la isticmaalayo” ayuu yiri Cabdi.
Wuxuuna tilmaamay in rag jaad cuna oo
qabsimadu xirmeen, qaarkoodna ay kaadidu ka imaan weysay, markii ay
cabeen maraqa waraabaha iney u furmeen, waxaase sidoo kale arrintani ka
digaya dadka ku takhasusay arrimaha deegaanka ayaa sheegay haddii
Waraabaha la dabarjaro ay imaan karto inuu nabaad guuro, oo ay soo
baxaan xayawaanaad kale oo Waraabaha dadka ka hortaagnaa ayna dhici
karto iney khatar keenaan.