SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125
Wararkii: Sept 8, 2006
  • Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..
  • Dowladda Erateriya oo dalkeeda ku martigelineysa..
  • Soomaaliya oo marti gelineysa Tartan caalami.ah .
  • Jen. Galaal, ”Haddii aan nahay ciidamadii Qalabka sida waan ku jihaadi ..
  • Dowladda Federaalka oo sheegay inaaney marna ciidamadeeda ka bixi..
  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo ka digay bixinta dhulka dantaa guud iyo...
  • Waftigii maxaakinta islaamiga ah ee Soomaaliyeed oo  shalay khasmiistii  qorax liicii ka soo dhoofay  oo caawa ku laabtay magaalada muqdisho
  • Ciidmada ka imaanyo dalka Uganda ee  Somalia la damac san yahay in loo diro ayaa taba bar u furmay .

Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay nadaafadda gobolka..

Waxaa maalintii shalay aheyd, qaar ka mid ah ardayda dugsiyada gobolka Banaadir ay ka qeyb qaateen ololihii nadaafadda ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana shalay isugu soo baxay arday tira badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, oo ka kala socday dugsiyada Al-Fajri iyo Kulmiye, wuxuuna bartilmaalmeedkooda dhinac nadaafada uu ahaa inta u dhaxeysa Golihii Murtida iyo Madaadalada ee Tiyaatarkii Qaranka iyo deegaanka Eeneeya oo ka tirsan degmada Xamarweyne, sidoo kale, waxey ardaydaasi nadaafadda ka fuliyeen gurigii hooyooyinka, Carwadii hore ee Ex-Fiyoore iyo jidadka gala Ceelgaab.

Aradayda oo ay ka muuqatay xamaasad iyo waddaninimo ayaa si aad ah uga qeyb qaatay nadaafaddaasi, waxaana soo abaabulay Midowga Ardayda Gobolka Banaadir, oo uu horkacayey C/naasir Max’ed Sheekh Nuur, wuxuuna sheegay mar aan wareysaney in todobaad kasta maalinta Khamiista ay joogto noqon doonto, isagoo sheegay iney soo bilaabeen 24-kii bishii August isagoo sheegay in meelo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ka fuliyeen hawlaha nadaafadda.

Sidoo kale, waxaan la kulanay Macalin Xasan Sheekh C/llaahi, wuxuuna sheegay in ardaydu ay yihiin kuwo iskood isku soo abaabulay isla markaana aad ugu xiisa qaba iney wax u qabtaan waddankooda.

Xalwo, Max’ed Faarax oo ka mid ah ardayda dugsiyada ee ka qeybqaatay ololaha nadaafadda ayaa waxey tiri, “Waalidiinteena ayaa nooga sheekeyn jiray wax la yiraahdo Iskaa wax u qabso, anagana ubadkeena ayaan uga sheekeyn doonaa hawshan nadaafadeed”.

Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa dib u soo laabatay bilicsamidiisii dhinaca nadaafadda, hase ahaatee, su’aasha isweydiinta mudani waxey tahay magaalo ay dagan yihiin ilaa iyo laba malyan oo qof, waxa ay maalin waliba soo ka yimaada qashin fara badan, waxaa loo baahan yahay in qashinkaasi la maareeyo, oo meel loo yeelo.

Dowladda Erateriya oo dalkeeda ku martigelineysa..

Dowladda Erateriya oo ka mid ah dowladaha IGAD isla markaana ka soo horjeedda in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda IGAD, ayaa waxaa ay go’aankii ay dhawaan soo saareen qaar ka mid ah dalalka ku jira IGAD ku tilmaantay inuu ahaa mid hal dhinac la jiray, waxeyna uga digtay waddamada doonaya iney Soomaaliya u diraan ciidamo in wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay dusha u ridan doonaan. Dowladda Erateriya ayaa waxaa la sheegay in dalkeeda ay ku marti gelineya kulan ay isugu imaan doonaan madaxda waddamada IGAD, waxaana ka qeybgalka kulankaasi aqbalay waddnka Jabuuti, sidoo kale, waddanka Suudaan ayaa isna la filayaa inuu ka soo qeyb galo kulankaasi, wuxuuna kulankaasi ka soo horjeeda midkii ka dhacay dhawaan Kenya, ee ay isugu yimaadeen waddamda Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana halkaasi kaaga muuqaneysa in waddamda IGAD ay u kala jabeen laba dhinac oo ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya. Warar kale ayaa waxey sheegayaan in dowladda Jabuuti iyana ay dooneyso in dalkeeda ay isugu keento dhammaan waddamada IGAD, si ay uga dhaadhiciso in Soomaaliya laga joojiyo faragelinta ay ku hayaan waddamada dariska la ah. Waddamada IGAD ayaa si aad ah isugu khilaafsan keenista ciidamo ka socda waddamada IGAD gudaha Soomaaliya, iyadoo dowladaha Itoobiya iyo Yugaandha ay si weyn arrintaasi ugu ololeynayaan, waxaase ka soo horjeeda dowladaha Erateriya, Jabuuti iyo Suudaan, iyadoo dowladda Kenyana ay u muuqato mid taageersan in Soomaaliya la geeyo ciidamada IGADSOM

Soomaaliya oo marti gelineysa Tartan caalami.ah .

Waxaa la filayaa in sannadka soo socda Soomaailya ay marti geliso kulan caalami ah oo ay isugu imaan doonaan waddamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, ayaa waxaa arrintaani caddeeyey Nicalos Mossonya oo ka mid ah madaxda sarsare ee CACAFA, ”Markan Soomaaliya xaq ayey u leedahay kulanka qaramada Qaaradda Afrika” ayuu yiir Mossonyo oo sheegay in magaalada Muqdisho ay leedahay hoteelo waaweyn oo qaabili kara, dhammaan ciyaartoyda ka socota waddamada Bariga iyo Bartamaha Afrika iyo madaxdooda, sidoo kale, waxey qaabili karaan mas’uuliyiinta xiriirka K/cagta adduunka ee FIFA ayuu yiri Mossonyo oo sheegay in ururka CACAFA uu dayactir ku sameynayo inta laga gaarayo tartankaasi garoomada K/cagta ee magaalada Muqdisho.

Arrintani haddii ay suuragasho waa fursad ay heleen shacbiga Soomaaliyeed oo aan dhawaanahan marti gelin wax tartan caalami ah oo qeybaha kala duwan ee Sport-ga, wuxuu kaloo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa si weyn u taageera ciyaaraha, kana taageero badan Kenya.

Sababaha loogu qabanayo Muqdisho kulankani ayaa ah kaddib markii nabad buuxda ay ku soo dabaaleen Makamadaha Islaamiga ag.

Jen. Galaal, ”Haddii aan nahay ciidamadii Qalabka sida waan ku jihaadi ..

Maalintii shalay aheyd ayaa kulan waxaa xaruntii hore ee Xisbiga isugu yimid, qaar ka mid ah ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishoodii waxaana kulankaasi looga hadley sidii dib loogu ururin lahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana looga hortagi lahaa faragelinta ciidamada Itoobiyaanka ee gudaha Soomaaliya.

Waxaana saraakiishii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Jen. Max’ed Nuur Galaal oo uga digay ciidamada Itoobiya iney si dhaqsi leh uga baxaan gobolada ay ku jiraan isagoo sheegay in haddii ay taasi yeeli waayaan ay indhahooda wax ku arki doonaan, ”Haddii aan nahay ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed waan ku jihaadeynaa ciidamada Itoobiya ee soo galay dalkeena” ayuu yiri Jen. Galaal oo ugu baaqay Maxaakiimta Islaamiga ah iney dib u abaabulaan ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo uu sheegay iney khibrad badan u leeyihiin ka hor tagista cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka oo sheegay inaaney marna ciidamadeeda ka bixi..

Iyadoo maalintii dorraad aheyd ay siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ay usoo jeediyeen dowladda federaalka iney ciidamadooda kala baxaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo oo ay xoog uga saareen maleeshiyooyinkii deegaanka, ayaa haatan warar soo baxaya waxey sheegayaan in ciidamadii dowladda federaalka ay isku sii ballaarinayaa garoonka, iyagoo sheegay ineysan ka bixi doonin garoonkaasi, maadaama kooxihii hore ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayey garoonka.

Go’aan ka soo baxay siyaasiyiinta ayaa u muuqda mid aan socon doonin waxeyna dowladda federaalka ballan qaaday iney magdhaw ka bixin doonto dadkii ku dhintay iska hor imaadkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo 7-qofood oo intooda badan ahaa maleeshiyooyin ka soo jeeday dadka deegaanka

Maxkamadaha Islaamiga ah oo ka digay bixinta dhulka dantaa guud iyo...

Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif ayaa soo saaray wareegto dhammaanba lagu mamanuucayo in la bixiyo dhulka danta guud iyo kan gaar ahaaneed.

Wareegtadu waxey intaasi sii raacineysaa in gebi ahaanba la xiro xafiisyada ku lugta leh bixinta dhulalkani, sidoo kale waxaa loo soo jeediyey dadka ku jira guryaha gaar ahaaneed iney si dhaqso leh uga baxaan, waxeyna wareegtadani dhaqan galeysay shalay oo ay bishu aheyd 6/9/2006, sidoo kale, waxaa loo soo jeediyey Maxaakiimta iney gebi ahaanba joojiyaan dacwadaha dhulalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Waftigii maxaakinta islaamiga ah ee Soomaaliyeed oo  shalay khasmiistii  qorax liicii ka soo dhoofay  oo caawa ku laabtay magaalada muqdisho kana tagay garoonka bali doogle sabatu maxay tahay.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk,Nairobi Kenya
 
waxaa shalay oo khamiis ahayd galinkii danbe ka soo dhoofay magaalada khartuum waftiga maxaakinta islaamiga ah ee soomaaliyeed ee ka qayb galay wada hadaladii dawlada iyo maxaakinta islamiga ah u dhexeeyay wajigoodii labaad ee ka dhacay magaalada khartuum ee ay marti galisay dawlada Sudan iyo jaamacada carabta.
 
Diyaaradii siday waftiga ayaa xalay fiidii waxay soo caga dhigtay  garoonka diyaaradaha ee bali doogle ee ku yaal duleedka magaalada muqdisho iyadoo uu furan yahay garoonkii caalamiga ahee muqdisho waxaana  wadihii diyaaradu sheegay in diyaaradu ku dagi kari waday garoonka wayn madaw iyo mugdi ka iray halkaasi .
 
waxaana la filayaa in maxaakinta islaamiga ee soomaaliyeed xubnaha u madalyaya shirka ay shirjaraa'd ku qabtaan muqdisho ay kaga hadlayan   shirkii dhawaan ka dhacay khartuum ee ay dawlada iyo maxaakintu hishiiska ku kala saxiixdeen iyadoo masuuliyiin ka tirsan maxaakinta islaamiga ah ay sheegeen in aysan dawlada somalia kala hadli doonin arinta sharciga iyo dastuurka oo aan wada hadal la galin karin shareecada islaamka ay maxaakintu ku dabaaleen koonfurta somalia .
 
Ciidmada ka imaanyo dalka Uganda ee  Somalia la damac san yahay in loo diro ayaa taba bar u furmay .
 
Afhayeen u hadlay Ciidamada dalka Uganda ee la damac san yahay in loo  diro somalia ayaa  tababar qaadanayo mudu 14 maalmood ah loo furay waxaana uu sheegay afhayeenka ciidanka dalkaasi Uganada isagoo waraysi siinayay wakaalada wararka ee dalka Shiinaha

 Waxaa kale ayaa uu intaasi raaciyay  in tababarkaasi la siinayo ciidanka Ugnada ee ay dawladoodu doonayso in ay somalia u soo dirto in ay gacan wayn ka gaysanayaan ciidamo ka tirsan dawalda Britian kuwaasi oo halno caykaasi  ah ka soo qabtay dalalka Ciraaq iyo afqansitan ee ay maraykanku iminka haystaan

 Tababarkaan ayaa ku soo aaday xili ay golaha wasiirada ee dalka Ugnada ansaxiyen qorshe ay dawlada Yuweri Musavani soo hordhigtay oo ah in somalia ciidamo loo diro waxaana   ay timid arintaan ka dib markii dawlada somalia ay marar isaga joog ah ay codsaday in somalia ciidamo loo diro tan iyo xiligii la dhidbay sanadkii 2004 iyadoo aan ilaa iyo iminka arintaasi dhicin taas oo ay dadka qaar ku tilmaamaan in ay tahay arin dhalaanteed ah.

Maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ayaa iyagu sinaba u ogoleen in somalia loo diro ciidamo nabada ilaaliyo iyaguu sheegay in somalia iminka ay nabad ka jirto oo aysan jirin wajiaydii qabqablayaasha ee kala duwanaa ee ka dhidbanaa caasimada ee muqdisho .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somalitalk,Nairobi Kenya
botaan1@hotmail.com

Garoowe:Heshiis ay maanta kala saxiixdeen hayada MSF holland iyo puntland.

Haayada msf holland iyo xukuumada puntland ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis hordhac ah madaxwaynaha puntland Gen: cade muuse iyo masuuliyiinta hayada MSF holland ayaa tan iyo shalay kulan ka lahaa arimaha khilaafkii soo kala dhexglay labada dhinac.

Si kastaba wada tashi ka dib labada dhinac ayaa maanta soo saaray qoraal hordhac ah oo ay ku heshiiyeen kaasi oo ahaa Qodobbada ay labada dhinaca ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah in MSF iyo Puntland ay is ictiraafaan isla markaasna ay hay’addu xurmayso dastuurka dawlad goboleedka Puntland iyo qaanuunka caafimaadka dawlad goboleedka Puntlnad.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa waxaa kamid ah in Puntland ay kafaala qaaddo amniga haya’dda.

heshiiskan ay labada dhinac gaareen ayaa ahmiyad siinaya danaha umada reer puntland gaar ahaana magaalada gaalkacyo oo ay horay hayadu uga hawlgalijirtay dad badna ku dawayn jirtay ispitalka guud ee magaaladaasi gaalkacyo oo ay horay haayadu uga hawlgalijirtay ka hor inta aan khilaafku soo kala dhexgalin labada dhinac.

Khartuum:Tifaftirihii wargeyska Al-wifaq oo shalay la afdubay  la cadeeyay in la gawracay.

Warbaxin ka soo baxday wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Sudan ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in Shalay la helay meydka tifaftirihii wargeyska Al-wifaq ee ka soo baxa dalka Sudan Maxamed Daha oo ay gurigisa dorraad kala baxeen niman hubaysan oo aan la garanayn

Qoyska Maxamed Daha ayaa waxa ay habeen hore ku wargeliyeen ciidamada amaanka ee dalka Sudan in koox hubaysani ay si xoog ah ku geliyeen Maxamed Daha gaari u yaalay banaanka gurigisa oo ku yaal waqooyiga Khartoum xilli dame Talaadadi aynu soo dhaafnay .

Sanadkii 2005 ayaa waxaa Tifaftiruhu wargeysksa Al-wifaq uu wargeyska ku soo qoray warbaxino aflagoodoyinku ah Nebigena Suuban( SCW) iyo weliba Nebiga labadisa waalid isla markana waxa uu ku beegay xilli dalka Sudan laga xusayay dhalashada Nebigena Maxamad(SCW).

Waxana warbaximahas ay buuq iyo muran ka qarxisay dalka Sudan waxana isla markiba dacwado ka dhan ah Maxamed Daha maqaaladii uu qoray maxkamada u soo gudbiyay 12 wadaad oo ka tirsan culumada dalka Sudan waxana culumadani ay sheegeen in warbaxinaha uu qoray Maxamed Daha ay yihiin Jariimo wayn oo laga galay diinta Islaamka waxayna sheegeen in Maxamed Daha uu ka ridoobay diinta Islaamka .

4 bishii May 2005 ayaa waxaa Maxamed Daha la horkeenay Maxkamad ku taal magaalada Khartoum isaga oo lagu eedaynayo inuu aflagaadoyin iyo xaqiraado u gaystay diimaha isla markana uu dadweynaha ku dhex abuurayo qalaalaso diimed

Waxana xilligii ay socotay maxkamadaynta Maxamed Daha isa soo dhoobay horayda maxkamada boqalal qof oo ku dhawaaqayay in toogasho lagu xukumo Maxamed Daha ,waxayna arrintasi keentay in qareenkii difaacayay uu ka noqdo difaacidisi

Waxayna maxkamadu xilligas ku xukuntay ganaax gaaraya 8 malyan oo Jineh iyo wargeyska oo la xiro muddo 3 bilood ah isla markana la dhaleeceyay.

Waxa ay Maxkamadu ka beriyeeshay Maxamed Daha eedaymaha la xiriira inuu xaqiray caqaa'idka diimaha iyo inuu ka ridoobay diinta ISlaamka .

Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Sudan ayaa waxa ay sheegtay in la qabatay dhawr qof oo la xiriirinayo dilka Maxamed Daha tifaftirihii wargaysa al-wifaq ee dalkaasi sudaan ka soo bixi jiray.


A/rizak koronto

Garowe puntland
 

Faafin: SomaliTalk.com Sept 8, 2006

Warar GooGoos ah: Sept 7
»C/laahi yuusuf oo Nairobi ka baqoolay, gaareyna Baydhabo
»Wasiirka Arimaha Dibada Kenya oo faafaahin ka bixiyay Shirkii
»Tafatirihii Wargayska Al-wifaaq oo surka looga jiray Sudan
»Jaaliyadda Digil iyo Mirifle ee Atlanta oo cambaareysey falkii
»Garoowe: Hayada MSF Holand iyo xukuumada puntland oo
»Minneapolis: Shirka Beesha Ismaciil Cali Saleebaan...
Wararka oo dhan Akhri... Guji..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.