Ku: Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee
Soomaaliyeed. Dowladda
Federaalka ee kumeel gaarka ah.
Culimaa'udiinka iyo wax
garadka Soomaaliyeed.
Hoggaamiyayaal dhaqameedka
Soomaaliyeed.
Iyo guud ahaan Bulsha weynta
Soomaaliyeed.
Ujeeddo:
Baaq-qaylo dhaameed
Sida aynu la wada soconnaba
Ummadda Soomaaliyeed waxa kala dhexeeyey dalka aan dariska nahay ee
Itoobiya taariikh colaadeed iyo halgan soo jireen ah oo qarniyaal kor u
dhaafay. Laga soo bilaabo 1529-43 ee qarnigii 15aad, iyo halgankii Axmed
Ibraahiim (Gurey), Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo Daraawiish,
Dagaalladii 1964 iyo 1977 ilaa iyo maanta oo la joogo ayaa waxa
nidaamyadii kala duwanaa ee soo maray dalka Itoobiya ay had goor isku
dayayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dalka Soomaaliya.
Kadib markii Soomaaliya ay weyday
dowladdii dhexe, dagaallo sokeeye iyo burbur lixaad lihina uu ku dhacay
dalkeenna ayaa Itoobiya waxa ay ula muuqatay in ay ka faa'iideysato
fursaddan. Sidaasna waxaa ay ku bilowday fara galin dhan walba ah,
iyadoo nasiib xumo kaashanaysa dad inaga mid ah oo Soomaali ah iyaga
kuwaa oo og iyo iyaga oo aan ogeynba fulinaya qorshayaasha Itoobiya.
Sida aynu lawada soconnana, marka laga
tago Soomaali Galbeed, waqtigan xaadirka ah Ciidamada Itoobiya waxaa ay
ku jiraan haystaanna meelo badan oo ka mid ah dhulkeenna. Sida. Meelo ka
tirsan gobollada Bay iyo Bokool, Gedo, Hiiraan, Gal gaduud iyo ugu
danbayn Gaalkacyo. Taas oo damaceeda dhul ballarsi ka sokow ka
shaqaynaysa sii hurinta colaad iyo dagaallo sokeeye oo iyada danaheeda
ookaliya u adeegaya.
Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah Ee
Soomaaliyeed:
Hadadaba waxan ugu baaqaynaa Golaha
midowga Maxkamadaha Islaamiga ah Ee Soomaaliyeed, in ay ka kamaagtaan
kana war wareegaan dagaal hor leh oo loo horseedo Ummaadda Soomaaliyeed
ee uu dayaca iyo dhibku kazoo daalay. Isla markaasna waa in u toog
hayaan qorshayaasha lagu doonayo dhicisaynta Kacdoonkii Shacabka
Soomaaliyeed. Sida muuqatana laba dhinac/furimood ayaa loo kala qaadi
karaa qolyahaas.
1. Midka millateri oo ay
hor kacayaan Itoobiya iyo qolyaha hoos jooga. Arrinkan oo inta badan
Bulshada Soomaaliyeed aysan indhaha kallaaban doonin, qof walbaana uu
naf iyo maalba u huri doonaa difaaca karaamada iyo Qarannimada
Soomaaliyeed. Waxaana hubaal ah in bulshada Soomaaliyeed ay isku filan
tahay. Waxaana arrinkaas ku saacidaya Bisaylka iyo garaadka heerka sare
gaarey ee Bulshada Soomaaliyeed ay kasbatay 16kii sano ee lagu jirey
barakaca iyo walaahowga.
2. Waxaan iyana mugdi ku
jirin in ay jiraan qolyo marka dusha laga eego u muuqda in ay ka
shaqaynayaan Danta iyo Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, ama ugu yaraan
aan wax dhib ah ku hayn. Hase yeeshee, waa kuwa ay tahay in aadka looga
taxadaro,la iskana ilaaliyo.
Dowladda Federaalka kumeel gaarka
ah:
Sida aad la wada socontaamba Bulshada
Soomaaliyeed waxaa ay soo martay marxalado aad u adkaa oo ay hareeyeen
dagaallo iyo daadasho dhiig sokeeye. Waxaa xubno muhiim ah ka ah
saddexda Goleba rag kasoo qayb qaatay dhibaatada lixaadka leh ee aan
qoraalkan lagu soo koobi Karin. Si kastaba ha ahaatee, caqliga toosani
waxaa uu keenayaa in haddiiba maamul iyo dowladnimo darteed waxaas oo
dhib ah loo geysanayey, (ee aanay ahayn nacayb loo hayo Ummadda
Soomaaliyeed) in la ilaashado dowladnimada oo aan laga shaqayn
dhibaataynteeda. Waana tan aynu ku maahmaahno Ruqo ninkii lahaa
uu dabada hayaa ma kacdo. Sidaa darteed, Waxaan Golayaasha ay
ka kooban tahay DFK. Ugu baaqaynnaa in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo
Xasilloonida Dalka, dhowraanna Maslaxadda iyo danta Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaanan sidoo kale uga digeynaa in ay
gabood fal kula kacaan Taariikhda Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla
markasna aaanay gacanta u galin cadowgii soo jireenka u ahaa waa
Itoobiya e.
Taasoo aysan sinaba suurto gal uga
ahayn in ay ka shaqayso (Itoobiya) dan iyo maslaxad Soomaaliyeed. Si
kasta oo magaca loogu qur-qurxiyana Dhurwaa aamin xoolo kama noqdo.
Waana taynu hore u niri *Taasi waa Dhurwaa hilbo ku raro*.
Culimaa’udiinka & Wax garadka
Soomaaliyeed:
Ummaddda soomaaliyeed waa ummad muslim
ah, taariiikh halgan oo dheer iyo magacna ku leh caalamka . Sidaasna
waxaa u suurto galiyey culimaa’uddiinkii iyo indheer garadkoodii oo
waajibaadkooda kasoo dhalaalay. Laga soo bilaabo halgankii Imaam Axmed
Ibraahiim (Axmed Gurey), halgankii Daraawisheed iyo Sayid Muxamed.
Sheekh Bashiir, SYL iyo Dhaqdhqaaqyadii Gobannimo doonka intaba waxaa
hoggaaminayey indheer garadkii bulshada iyo Culimaa’ddiin.
Haddaba ilaa hadda waxaa la tabayaa oo
maqani waa qaybtii iyo dowrkiinnii. Waase yaabe *Nin la sugayaa
isna yuu sugi*.
Waxaa Qur’aaanka ku jirta Aayad
Mu’miniinta Alle uu ku amrayo inay Ilaah iyo Rasuulkaba u dhega
nuglaadaan/adeecaan, Isla markaasna ay ka dambeeyaan kuwa iyaga ka midka
ah ee taladooda haya mama u *taliyaba*. Kuwaas oo culimada
tafaasiiru ay ku tilmaameen in ay yihiin *Culimad*. Nasiib
xumose culimadii iyo wax garakeediiba waxay la soo baxeen gad cusub oo
aan taariikhdaba hore loogu arag lana oron karo waa Bidco
in ay ilaahay uga toobad keenaan keensanaysa. Shacabka ayaan ku dhex
jireynaa oo in nala arko ma doonayano. Waa yaabe yey tahay in ladaba
galo ma shacabka mise culimadii Ilaahay siiyey hoggaaminta iyo Talada
Ummadda. Taasi waxaa ay ka dhigan tahay Odayga caruurtiisa bahalku soo
weeraray oo markii ay u baahnaayeen in uu difaaco “yiri caruurtaan ku
dhex jirayaa si aan bahaluhu inaga ii arkin, maadaama aan ahay muhiim,
meesha haddaan ka baxana caruurtu halligmayso.
Culimo iyo Indheer garadow Ilaahay
ummaddan halloga cabsado ayaan leenahay. Maanta ayuuna shacabka
Soomaaliyeed idiin baahanyahay.
Hoggaamiyayaal dhaqameedka
Soomaaliyeed.
Waxaa nasiib xumo ah in Salaaddiintii,
Ugaasyadii, Malaakhyadii iyo dhammaanba hoggaamiyayaal dhaqameedyaddi
ummaddu ay aadka u qadarin jirtey, qaybtana ka ahaa samayska Bulshada
Soomaaliyeed in ay gabeen kaalintii hormuudnimo ee ay bulshada uga
jireen. Waxaana waliba taa ka sii naxdin iyo walwal badan in ay in fara
badan oo kamid ah hoggaamiyaal dhaqameedkii Soomaaliyeed uu gacanta u
galay Qab-qable dagaal oo aan xishood iyo xaq dhowr midna aqoon. Siyaalo
kala duwanba aad u kala gasheene, waxaad ka qayb qaadateen Bur-burkii
iyo baabi’ii ku habsaday dalkeenna. Haddaba waxaan ugu baaqaynnaa
hoggaamiyayaal dhaqameedka Soomaaliyeed “Caano daatay dabadaa la
qabtaaye” in aad ka qayb qaadataan dabaqabashada waxa haray Dadkii
iyo Dalkii Soomaaliyeed. Waana in aad dib ugu abataan kaalintii aad ugu
jirteen bulshada, kana xorowdaan qab-qablaha reeka iyo dantiisa gurracan.
Bulsho weynta Soomaaliyeed:
Waxaan ugu baaqaynnaa bulshada
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba in ay Alle ka cabsato, waana in
aan dareenaa mas’uuliyadda naga saran dadkeenna iyo dalkeennaba.
Caalamkan aynu ku noolnahay waxaa
inagula nool bulshooyin ay la soo darseen duruufo ad adag. Waxaa ka mid
ah qaar sideennoo kale qabiil isu laayahay (sida Libnaan), qaar kaligiis
taliye haystay (waddanadii Shuuciyadda) iyo kuwo laguba soo duuley (Ciraaq
iyo Libnaan). Intuba waxay kaga baxeen duruufahaas markii ay ogaadeen in
danta guud ay ka horrayso tan Jifada iyo Reerka, shakhsiga iyo wixii la
hal maala.
Haddaba, waa in aynu ka shaqaynaa sidii
nabadi uga hir gali lahayd dhammaanba dhulkeenna hooyo isaga oo aan
magacyo kala lahayn. Waa in aynu meel uga soo wada jeesanaa cid kasta oo
ka hortaagan in dalkeenna ay ku soo noqoto xasilloonidii iyo kala
dambayntii, iyo waliba in midnimadiisu ay waarto.
Ballanteennu waa:
- Islaamnimo ku adeegid.
- Waddaninimo.
- Soomaalinnimo.
- Walaalnim.
- Xilkasnimo.
- Isu tanaasul iyo Is
aaminaad.
Wa billaahi tawfiiq
Golaha Wadatashiga & Iskaashiga
Somaliyeed
Brønshøjholms alle 45, 2 sal 2700
Brønshøj-Denmark
Golaha@hotmail.com
Waxaa soo tebiyey:
C/karim X. Salaad