Adigoo
jiran haygu soo noqonin!!!
W/D:- Maxamed Macallin
Cismaan{Allman}
fatxumaalik@hotmail.com
Baydhabo
Waa murti ka hadlaysa arimaha Caafimaadka, waana
murtii Soomaaliyeed oo ku timid arin layaab leh, sida murtidu muujinayso waxaa
jiray mid ka mid ah raga Soomaaliyeed ayaa waxaa u yimid nin ay qaraabo ahaayeen,
ninkaasoo ahaa nin si aad ah u xanuunsanayey, markii uu u yimid ninkii ay
qaraabada ahaayeen ayaa wuxuu ku mashquulay daaweyntiisa, markii in mudo ah uu
ninkaasi daweynayey oo uu bogsaday ayaa ninkii xanuunsanaa wuxuu ku yiri isagoo
reerkiisa u socda ninkii sida weyn uga mashquulay caafimaadkiisa “maxaan kuugu
abaal gudaa !!?, kolkaasuu ugu jawaabay Adigoo jiran haygu soo noqonin!!!.
Markii uu u yimid ninkii ay qaraabada ahaayeen
ayaa wuxuu ku mashquulay daweyntiisa, markii in mudo ah uu ninkaasi daweynayey
oo uu bogsaday ayaa ninkii xanuunsanaa wuxuu ku yiri isagoo reerkiisa u socda
“ninkii sida weyn uga mashquulay caafimaadkiisa abaal gud marabtaa !!?, kolaasuu
ugu jawaabay haa,laakiin Adigoo jiran haygu soo noqonin!!!.
Runtii hadalkaani wuxuu noqday mid siweyn loo
hadal hayey markii ninkaasi uu sidaas ku yiri, waxayna noqotay mid arimaha
dhibka badan loogu soo halqabsado, hadaba arinta Soomaaliyeed ee mudada 16-ka
Sano Murgsan waxay noqotay mid lagu jahwareero qaabkii loo daweyn lahaa,
waxayna joogtaa sida murtidu muujinayso in shacabka Soomaaliyeed uu markaani
yiraahdo kuwa mas’uuliyada sheeganaya inay yiraahdaan adinkoo dirirsan hanagu
soo noqonina
Tan iyo markii dowladu ay u soo guurtay Magaalada
Baydhabo, dalku wuxuu maalinba maalinta ka dambeysa lugaha la sii galaayey,
isbedelo la yaab leh oo aan la soo koobi Karin.
Isbedelada la yaabka leh ee ka dhacay dalka waxaa
ka mid ah in Baarlamaanka Soomaaliya uu hal meel isugu yimaado, isla markaan uu
shirar kala duwan uu ku yeesho Magaalada Baydhabo, isagoo mudo sagaal bilood ku
kala maqnaa kala duwanaansho xaga fikirka wax lagu sheegayey, wuxuuna
Baarlamaanku ansixiyey in Magaalada Baydhabo ay noqoto Caasimada KMG ee DFKMG
inta Muqdisho nabadgelyadeeda la sugaayo iyo wuxuu keloo ansixiyey in dalka la
keeno ciidamo shisheeye oo aan shuruud ku jirin, iyadoo arimahaasi waxyaabaha ay
markii hore uu Baarlamaanku isku maandhaafay ay ka mid ahaayeen.
Sh. Cabdullaahi
Fowsi cabdinuur
Cabdi Waaxid
Cabdimaalik
xasan baashi |
Halka Magaalada Muqdisho 18/2/006-da ay ka
bilowdaan dagaalo watay wajiyo kala duwan oo ay dadd badani ku hoobteen,
dagaaladaan noocooda ayaan waligeed dalka Soomaaliya ka dhicin, shacabka
Soomaaliyeedna wax dan ah ugu ma jirin in Ubadkooda laysu adeegsado.
Laakiin mudo dhowr bilood kadib waxaa goobta ku
soo haray kooxda Maxkamadaha Islaamiga iyadoo ay taageero ka helayeen qaybaha
kala duwan ee shacabka ku dhaqnaa, markii ay la wareegeen Maxkamaduhu gacan ku
haynta Magaalada Muqdisho shacabkii ku dhaqnaa waxaa u baryey waa cusub, waxayna
ka xoroobeen kuwii 16-ka Sano dhiigooda si naxariis la’aanta u daadinayey, waxaa
la furay Garoonkii weynaa ee Muqdisho iyo Dekedii weyneyd, waxaa wali lagu
hawlan yahay qaadista qashinkii iyo burburkii dagaalada sokeeye ay ku reebeen
faras magaalada Caasimada Soomaaliyo iyo xaafadeheeda.
Waxaa magaalada khardhuum kulan ku yeeshay
Madaxweynaha DFKMG Md,Col/ C/llaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Md, Shariif
Xasan, Raysul Wasaare Md, Prof; Cali Maxamed Geedi iyo wafdi ay hogaaminayeen
xubno ka socday Maxkamadaha Islaamiga, waxaana halkaasi ka dhacay heshiis ka
kooban lix qodob, waxaana lagu balamayey in markale dib laysugu soo noqdo shir
kale, markii wufuudii kala duwanaa ay dalka dib ugu soo guryo nodeen, waxaa
dalka dib uga bilowday xasarado kala duwan sida Soomaaliland oo qaylo dhaan ka
dhan ah labada dhinac dowlada iyo Maxkamadaha ay ka soo yeerto, halka maamul
Goboleedka Puntland uu isaguna u diyaar garoobo guluf dagaal iyo Muqdisho iyo
Baydhabo shacabkii joogay dhexdooda oo iyaguna ay kala shekiyaan, iyagoo is leh
waxaad u shaqaysaa Koox heblaayo, Baydhabo waxaa ka dhacay dill mas’uuliyiinta
DFKMG, waxaa lagu dhaawacay mas’uuliyiin kale oo dowlada ka mid ah, waxay
keentay arintaasi in dibad baxyo waawey oo wata rabshado ay ka dhacaan Gobolka
Baay, waxaana lagu soo rogay baandoow oo aan wali la qaadin.
Waa yaab waxaa Magaalada muqdisho ka dhacay
nabadgelyo aan la filaynin oo in mudo ah la baadi goobayey, waa mid ilaahay
loogu mahdiyo arintaasi, laakiin waxaa ku habsaday busaarad daran, taasoo dadka
u kuur gala arimaha dhaqaalaha ay ku sheegeen in lacagtii tiilay Muqdisho 16-ka
Sano inteeda badan ay ka soo geli jirtay maleeshiyooyinka isbaarada dhigan jiray
jidaddka soogala Caasimada, waxaa ka soo kala cararay dadka intooda isticmaali
jiray waxyaabaha maanka dooriya sida Jaadka IWM, iyagoo u kala hayaamay Gobolada
dalka, waxaa la xiray shineemooyinkii Muqdisho ee ku caan baxay shidista
Af-laanta kala duwan, iyagoo u aabayeelaynin dadd, dall iyo diinba, waxaa dalka
si aan gabasho lahayn ku soo fatahmay hubka noocyadiisa kala duwan iyo dadd
Ajaaniib ah.
Dhinaca kale waxay shacabka ku nool Magaalada
Baydhabo is-waydiinayaan dhibaatooyinkii ay ka xoroobeen shacabka Muqdisho sidii
laga yeeli lahaa kuwa ku dhaqan Gobolada Sh/hoose, J/hoose iyo kuwo kale, waxaa
maamulkooda haya kuwii sheeganayey gacan ku haynta maamuladaasi in mudo ah
waxayna leeyihiin waa hogaamiye kooxeedyada keli ah ee ka haray gacan ku haynta
deegaano aan laga soo dooran, iyagoo hore u kala sheegtay sida Maamulka Sh/hoose
in uusan Maxkamadaha ka tirsanayn islamarkaan uusan aqoonsanayn wax dowlada la
yiraahdo oo hadana ah u qaybsanaha amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee
midoobey waa arin is-weydiin mudan sidii looga jawaabi lahaa, shacabka ku dhaqan
Gobolka shabeelaha hoose miyaa laga sugayaa mise……?.
Halka maamulka J/hoose ka taliya isagoo ah
Xildhibaan islamarkaana ka mid Wasiir ka tirsan DFKMG uusan ogolayn in DFKMG uu
soo raaco isagoo, wuxuuna ku adkeysanayaa inuu halkaasi maamul u sameyndoono,
arintaan ayaa guux weyn ka dhexdhalisay shacabka iyo Mas’uuliyiinta ku dhaqan
Gobolka Baay.
Hadaba labada mas’uul ee wali ku taamaya in wali
ay xaaladu marayso halkii ay ka bilaabeen hawshooda miyey ka badbaadidoonaan,
mise daadkii qaaday kuwii Muqdisho ayey sugayaan, mise waxay ku jiraan gorgartan
siyaasadeed oo aan hada loo joogin, mise dadka deegaanka ayaa sidaasi raali ku
ah!!!??, runtii waa su’aalooyin adadag ka jawaabistooda laakiin waxay u baahan
tahay inay soo baxaan dadkii ka jawaabi lahaa oo aan hada soo muuqan.
Hadaba iyadoo waxaasi iyo wax ka badan ay ogyihiin
shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaan aragtiyada kala duwan ee ay ka qabaan shirka
Khartuum qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo ka soo Uruurinayey sida
ay u arkaan, caqabadaha uu yeelan karo shirka iyo waxa ay ku talinayaan.
Dr, C/ Waaxid Macallin Ibraahin oo hore uga
shaqayn jiray Wasaarada Arimaha Dibada qaybteeda Arab Leagu ee Dowladii Kacaanka
hadana ku sugan Magaalada Baydhabo, waxana ka weydiinay aragtidiisa ku aadan
Shirka dibu-heshiisiinta lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Khardhuum ee dalka
Sudan ayaa wuxuu yiri “ shirka Khartuum wuxuu ku soo aaday xaalada adag, iyadoo
labada dhnac dowlada iyo maxkamadaha ay kala taagan yihiin mowqifyoadag”.
Hadii aan ku hor maro dhinaca dowlada waxaa ku
dhex jira khilaaf aad u weyn, kuwaasoo ay kala qabaan xubnaha labada gole
Baarlamaanka iyo dowlada, taasina waxay sababtay in dowlada la kala diro,
waxaana burburay sharciyadii ay hore ku soo heshiiyeen, tusaale ahaan waxaa
inoogu filan in Baarlamaanka madaxdiisa uu shirka ka qayb galo, iyadoo uusan wax
shaqo ah ku lahayn, halka dowlada dhinaceeda ay dirsatay Wasiirkeeda Arimaha
Dibada ee dhowaan la magacaabay, islamarkaana ay ku kala aragti duwan yihiin in
ay isla tagaan shirka waa arin aan sharciga KMG ku cadeyn, iyadoo uusan
baarlamaanku baasgareynin in dowladu ay ka qayb gasho shirar caalami ah”.
Mar uu ka hadlaayey Maxkamadaha ayaa wuxuu yiri “
iyaguna waxay sheegayaan in dowladu ay dalka soogelisay ciidamo shisheeye,
dhamaan arimahaan waxay qayb ka yihiin caqabadaha shirkaasi hortaagan inuu mira
dhalo, rajada laga qabi karo ayaa waxay tahay mid aad u liidata, inkastoo labada
dhinac ay kulmi karaan, laakiin in go’aan layslagaaro oo lawada fuliya ayaa
waxay tahay mid aan hada muuqan.
Wuxuu sheegay in xalku uu ku jiro isagoo
aragtidiisa ka hadlo in waxyaabaha khilaafaadka asalkiisa ah layka daweeyo, sida
awood wada qaybsiga labada dhinac, arimaha ku saabasan shuruucda iyo Gacmaha
shisheeye labada dhinac ku kala dhexjira in laga wada tanaasulo, laguna shaqeeyo
rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa ku soo koobay Dr, C/waaxid
Macallin Ibraahim.
Fowsi Cabdinuur Maxamed oo hore u ahaan jiray
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo xiligii RRA-ada, islamarkaana hada ah Af-hayeenka
Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Gobolka Baay ayaa isna qaba fikir ah “mar hadii
shirka qaybtiisa hore laysu yimid, iyadoo labada dhinac ay is aqoosan yihiin,
madashuna ay ahayd in mar kale laysuymaado, way ku khasban yihiin inay isu
yimaadaan labada dhnac”.
Hadii dhinac uu tegwaayo cudurdaar kasta ha u
yeelee, waxay muujinaysaa arintaasi in caqabadu ay dhnaciisa ay ka socoto,
isagoo dano gaar ah ka leh in Ummadu uu ku maamulo fikirkiisa u gaarka ah,
wadahadalkooda waxaa horyaala mid kasta caqabado aas aasi u ah, waxyaabaha laga
maarmaanka u ah tusaale ahaan waa Dastuurka FKMG iyo Kitaabka alle in wax lagu
maamulo”.
Waxaan qabaa in wax rajo ah aan laga sugaynin
inay ka soo baxaan shirkaasi, sababtoo ah koox kasta waxay shirka dib ugu
dhigaysaa inay kasbato Shacbiyad badan, ciidan iyo deegaano kale si ay ugu
balaartaan iyagoo maamul sheeganaya ay marka dambe isu yimaadaan.
Xalkuna wuxuu ku jiraa in gacan seddexaad ay soo
kala dhexgasho, taasoo sameyn karta in la helo dowlad loo dhan yahay, laakiin
hadii shirkaasi uu fashilmo, arintu waxay noqonaysaa in awood laysku muquuniyo,
kadibna midka awooda ku guulaysto uu siduu doono wax u maamulo ayuu yiri Fowsi
Cabdinuur
Sidoo kale C/maalik Xuseen Isaaq oo ka mid ah
Mas’uuliyiinta Ururada Bulshada ee ka hawlgala gobolda Baay iyo Bakool ayaa isna
qaba fikir ah “ in wax ka soo bixi karaan, hadii labada dhinac Dowlada iyo
Maxkamadaha Islaamiga ay muujiyaan taanaasulaad badan, iyagoo fiirinaya
dhibaatooyinkii faraha badnaa ee is dabajooga ahaa ee ay Ummada Soomaaliyeed soo
martay sida dillka,dhaca, kufsiga, barakaca iyo Qoxootinimada, kuwaasoo ka
dhacay badd iyo beriba, taasoo ay keentay maamul la’aanta, islamarkaana uu wali
taagan yahay dhibkii, mana aha dadka Soomaaliyeed dushooda lagu gorgortamo,
waxaan aaminsanahay hadii ay dib u xasuustaan arimahaasi aan soo sheegay, iskana
daayaan danahooda gaarka in wax wanaagsan ay ka soo bixikaraan, oo ay ogaadaan
wax ay ku gortamayaan in shacabka Soomaaliyeed uu leeyahay”.
Mar uu ka hadlaayey hadii ay isu tanaasuli waayaan
labada dhinac waxa ka imaan kara ayaa wuxuu yiri “way sii kala fogaanayaan oo
wayna kala qayb qayb samayaan Soomaalida, waxaana xoogaysana kuwa hada xooga leh,
kuwa tabarta yarna way sii laciifayaan, waxaana badandoona barakaca, awoodii
maamulada kala duwan ee hada jirana hoos ayey u dhacaysaa, waxaana badanaya
Cadaawada iyo kusii xirnaanshaha quwadaha shisheeye”.
Xalkuna wuxuu ku jiraa
1-in awooda la saaro maamulka hada jira oo
maxkamaduhuna ay ku soo biiraan.
2-inta hada ka dhiman DFKMG lala wado nabada iyo
dibu-heshiisiinta, dhismaha maamulada Gobolada iyo degmooyinka, si shacabku uu
fursad u helo oo go’aana kaga gaaro dastuurka dalka lagu dhaqi lahaa.
3- si looga baxo cadaalad derida, sinaan la’aanta,
loona yareeyo xadgudubka waxaa na anficikara inaan isku xukuno Kitaabka alle
ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey C/maalik Xuseen Isaaq.
Af-hayeenka dalada Culumaa’udiinka ahlusuna
wal’jamaaca ee Gobolka Baay Sh’C/llaahi Cali Aadan ayaa isna qaba fikir ah “in
uu yahay shirka mid loo baahan yahay, sababtoo ah labada awoodood ee ku kala leh
fariisimada Muqdisho iyo Baydhabo ma aha kuwo la yaraysan karo waana labada
awoodood oo keliya ee ka jira dalka waqtiga la joogo, caqabadna way jiri kartaa
hadii niyad sami ay la tagaan shirka”.
Mar uu ka hadlaayey hadii labada dhinac ay isku af-garn
waayaan waxa imaankara ayaa wuxuu ku sheegay “in ay imaan karaan dhibaatooyin
hor leh sida dowlada oo ku adkeysata in ay tiraahdo anigaa jira oo lay aqoonsan
yahay iyo Maxkamadaha oo iyguna yiraahda waxaanu nahay dadkii ka dulqaaday
dhibaatadii hortaagnayd Ummada Soomaaliyeed, taasoo aakhirkii isu bedelaysa
gacan ka hadal”.
Wuxuuna Sh’C/llaahi ku taliyey in xalku uu
noqonayo in inta samaha jecel ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u
istaagaan si khilaaf dambe uusan u dhicin oo is af-garanwaa cusub uusan soo
bixin oo labada dhinac ah”.
Xasan Baashi oo ka mid ah Aqoonyahanada Beelaha
diwgil iyo mirifle islamarkaana hada ku sugan Magaalada baydhabo ayaa wuxuu yiri
isagoo fikirkiisa dhiibanaya “shirkaan waxaan u arkaa inuu yahay bilow fiican oo
labda dhinacba laga mamaarmaan u ah oo xal waara keeni kara, maadaama dowladu ay
tahay dowlad dibu-heshiisiin, Maxkamaduhuna dhinacooda waxay doonayaan
dibu-heshiisiin, waxaana loo baahan yahay tanaasulaad dheeri ah, si loogu
daneeyo Ummada Soomaaliyeed ee dhibaataysan”.
Mar uu ka hadlaayey caqabadaha shirku uu yeelan
karo ayaa wuxuu yiri :-
1-in qolo walba ay damac gaar ah muujiso, kaasoo
wax badan ka haleyn kara.
2-in Kooxaha aysan la imaanin fikrad aysan iyagu
lahayn.
3-in ka qayb-galayaasha labada dhinac aysan la
imaanin hadalo ka run sheegaya dibu-heshiisiinta.
4-labada kooxood waxaa ku yar la tashiyada Ummad
weynta ay kala matalaan, hadii ay ku heshiin waayaan shirkaan Soomaaliya waxay
gelaysaa mustaqbalkeeda mugdi badan, waxaana imaanaya kala qaybsanaan weyn,
waxaana bilaaban doono kooxo badan oo ku xifaaltama in mar kale baawarka
qabashadii sidii ay u qaban lahaayeen”.
Wuxuu talo ahaan u soo jeediyey ka qayb galayaasha
shirka, inay u naxariistaan bahweynta Soomaaliyeed ee ku dulman dalka iyo dibada,
lana yimaadaan goobta shirka ajendooyin u dhadhami kara Ummada Soomaaliyeed oo
nabada horseedi kara, waxaana u rajeynayaa waxay Ummada Soomaaliyeed ay ku
haminayso inuu Ilaahay waafajiyo” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xasan Baashi
W/D:- Maxamed Macallin Cismaan{Allman}
fatxumaalik@hotmail.com
,
fatxumaaliky@yahoo.com
Baydhabo,
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan Faafin:
SomaliTalk.com Sept 5, 2006
Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho
|