SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

 Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Magaalada baydhabo

C/casiis Muqtaar C/raxmaan waa wiil 16-sano jir ah oo ku dhashay Magaalada Baydhabo Xaafada Berdaale, sida sawirkiisa aad ku arkaysaan hal sano kadib ayuu sidaan noqday, waxaana ku booqday guri ay isaga iyo hooyadiisa iyo walaallihiisa ay ku wada noolyihiin, abihiis waa uu dhintay hooyadiisa waxay dhashay 10 caruur ah laba waxaa ay u dhinteen cudurka isaga ku dhacay oo kale waxaana isaga wax weydiiyey  xaaladiisa nololeed wuxuuna ii sheegay “ in lafuhu ay  xanuunayaan oo mararka qaar ay noqonayaan kuwo jabayo oo bararaya , waxaana dhibaaya xambaarka, fadhiga iyo in mararka qaar xanuun saa’id ah uu dareemayo, waxaan wax ku cunaa jiifka, hal dhinac oo keli ah  ayaan u seexdaa ayuu yiri”, .

Mar aan weydiiyey C/casiisa heerka aqoontiisa iyo qaabka uu wax ku bartay ayaa wuxuu ii sheegay “in Quraanku uu yaqaano inta badan, halka inta kale uu ka akh’rinkaro Kitaabka, waxaana quraanka ku bartay guri aan deganayn ayaa dugsiga u dhawaa, derbi ayaa u dhexeeyey macallinka ayaa sidaas iigu meerin jiray casharka oon ku bartay Qur’aanka ayuu yiri”.

 

Sidoo kale mar aan weydiiyey in wax dhakh’tar ah inta uu cudurka haleeley loogeeyey iyo in kale ayaa wuxuu yiri “ma jiraan wax dhakhatar ah oo la iigeeyey, wax kale oo laygu sameeyeyna ma jiraan sidaan u xanuunsanayo ayuu mararka qaar xanuunka iga tagaa, imana dhibaan cabitaanka iyo cuntada, laakiin ma badna wax cunkayga ayuu yiri C/casiis.

Muumino Xasan Cali oo ah hooyadiisa  oo aan wax ka weydiiyey xaaladiisa nololeed inta uu cudurku haleeley ayaa waxay tiri “wiilkaan wuxuu sidaan noqday markii uu halsano gaaray maalin isgoo socod barad ah meel roob ku da’ay ayuu ku simbiriirixooday kadibna wuu Ooyey markaan u tagay waan soo qaaday maalmo kadib wuxuu bilaabay inuu diida inaan qaado sidaas ayuu cudurka ugu weynaaday, isaga waxaa ka horeeyey wiil kale oo sidaas oo kale noqday kadibna wuu u dhintay,  sidoo kale isaga waxaa ka dambeeyey gabar kale oo sidaan noqotay iyaduna way u dhimatay , markaan sidaas arkay oo cauurtay ay sidaan wada noqonayaan waxaan u tagay dadd wadaado ah waxayna igula taliyeen inaan naaska ka reebo cauurtayda, sidaas ayaana go’aansaday caruurtii isaga ka dambeysay marka laga reebo tii dhimatay way Caafimaadeen oo caruurtayda oo dhan hada markay dhashaan Naas ma siiyo ayey tiri, waayo waxaan ka baqayaa in sidaan oo kale ay iga noqdaan”.

 

 Muumino Xasan Cali waxay keloo ii sheegtay in dhibaato badan ay kala kulanto caruurta ay dhashay oo aan naaska la nuujinaynin, waxayna ka codsanaysaa dhamaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn iyo inta Naxariista Bani’adanininmo ay ku dabaysa in arintaan ay wax kala qabtaan”.

 

Hase ahaatee markaad aragto wililkaan dhibaataysan ayaa waxaa maskaxdaada kusoo dhacaya su’aalooyin badan kuwaasoo jawaabahooda aysan naftu ku degdegi Karin, sababtoo ah wiilkaan ayaa waxaa ka muuqata dhibaato aan la qiyaasi Karin oo ruuxii bani’aadanimo ku jirta jirkiisa uusan mar naba laga yaabin inuu halkaasi taagnaado, laakiin waxay ku xiran tahay arintiisa sida aduunku uu u kaalmeeyo oo uu gacan uga gaysto arimaha lagu badbaadinayo.

Hadaba ruuxii doonaya inuu ka qayb qaato sidii loogu gurman lahaa waxaad ku soo hagaajin kartaan Ac/ Nam : D0009030 ama Tellephone No:- 002521-214524 ama 871078.

 

W/D:- Maxamed Macallin Cismaan{Allman}
fatxumaalik@hotmail.com , fatxumaaliky@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com Sept 6, 2006