SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FINLAND

Warsaxaafadeed:

Somali Reconstruction and social Development 06.09.2006

Finland

Ujeedo   Cambaarayn  dawlada Kenya 

Gudoomayiha ururka SORASOD Eng Idiris Hassan Farah waxuu soo saarayaa war saxaafadeedkaan cambaaraynayo dawlada Kenya  kadib markay ku sifawday in uu noqdo wadankeeda meelaha oogu badan ee lagu shirqoolo umada soomaaliyeed ayadoo marti galiso shirar badan oo lagu dibin daab yaynayo shacabka soomaaliyeed sida shirkii 5.9.2005 ka dhacay wadankeeda. 

Hadaba dawlada Kenya oo horay uu usheegay madax waynaheedii hore inaanay marnaba raali kanoqon karin nabad ka dhalata soomaaliya ayaa waxaa muuqato inay Kenya u tafa xaydatay hir galinta ah inaanay dagin soomaaliya waligeed taas oo ah mid dhaawacaysa darisnimada labada wadan. iyo walaal tinimada labada shacab.

Sidoo kale waxaan ka xunahay in Kenya faafiso warar been ah kadib markuu sheegay  W. Arimaha dibada  in go aankii kasoo baxay shirkii ay yeesheen iyaga iyo Ethiopia iyo Cabdulaahi yusuf ee ahaa in loodiro Ceedamo soomaaliya ay tahay arin ay IGAD u dhantahay warkaas oo ah war been ah oon sal iyo raad toona lahayn waayo 26.8.2006  waraysi uu siiyay  idaacada BBC  W. Arimah dibada ee Jabuti waxuu si toos ah u sheegay inaanay marnaba raali ka noqonaynin faragalinta ciidamada ethiopia. 

Sidoo kale majirto IGAD midaysan ee qaarkood waxaa ku kala dhexjiro ciidamo ka socdo UN ka waana wax lagu qoslo inay jirto IGAD midaysan, Intooda badana waxaa daal saday dagaalo sokeeye iyo dagaalo dhexooda ah .

Tankale dawlada Kenya ayadoo og in soomaaliya joogaan ciidamo Ethiopiaan ah kana gaystaan falal bur cadnimo ayay hadana sii shirqoolaysaa shacabka soomaaliyeed ayadoo durbaanka u tumayso cadawga umada soomaaliyeed (Ethiopia). 

Sidaa darted waxaan Dawlada musuq maasuqu dilooday ee Kenya u sheegaynaa inay faraha kala baxdo arimaha soomaaliya ayna joojiso dibin daabyada ay ku hayso shacabka soomaaliyeed. 

Ugu dambayntii waxaan guud ahaan umada soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan oogu baaqaynaa inay ka hortagaan cid kastaa oo lid ku ah sharafta ,karaamada, iyo madax banaanida umada soomaaliyeed 

Wada shaqyan wacan 
 
 

          Gidoomiyaha ururka SORASOD

Waxaa soo tebiyey: Idiris Hassan farah | idirishf@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2006


Markab u raran Hay’adda WFP oo 11-sano kaddib ku soo xirtay…

Markab sida 3,000 oo Metric Tone oo raashin ah oo u raran Hay’adda WFP ayaa Shalay ku soo xirtay dekedda weyn ee caalamiga ah.

Markabkaan oo raashinka uu sido isugu jiro Galley, Digir, Meseko iyo Saliid ayaa waxaa loogu talagalay dadka ku dhibaateysan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Banaadir, SH/dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Jubbadda Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Mudan Yoonis oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda WFP oo u waramayey saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Hay’addu ay aad ugu faraxsan in tahay in 11-sano kaddib uu Markab u raran iyaga ku soo xirto Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho.

Mudane Yoonis mar wax laga weydiiyey sababaha ay Hay’adda WFP uga iibin weyday Beeraleyda Soomaaliyee raashinka sida Galleyda iyo Mesegada ayaa waxa uu ku jawaabay “waa runtaa Hay’adda WFP aad bay u daneyneysaa in ay Raashin ka iibsato Beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana dib u soo celinta doonaa Xiligii UNISOM oo raashinka laga iibin jiray beeraleyda Soomaaliyeed.

Dadweyne Fara badan ayaa daawanayey soo xirashada Markabkaasi, iyadoo sidoo kale shaqaalaha Markabka ay iyana sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin soo xirashada markabaasi ee Dekedda Weyn ee Muqdisho.


Kulankii Muslimiinta W/ Ameerika oo Guul Ku Dhammaaday..

Kulankii saddexda maalmood ka socdey Minneapolis oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey.. Akhri warbixinta


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD