Shirkii waa la soo
gabagabeeyey, erayo qurqurxoonna wafuuda way ka hor aqriyeen
ergadii beesha caalamka ka socotay, iyadoo qolo waliba ay
codsatay in aan lagu xad gudbin wixii lagu heshiiyey, ee
shirka intii uu socday la iskula gorfeeyey.
Waa u caado mas’uuliyiinta
Soomaalida matasha iney beesha caalamka ka hordhahaan hadalo
mac macaan, isla markaana ay soo saaraan qodobo loo riyaaqo,
iyadoo marka waddanka dib loogu laabtana warbaahinta gudaha
la iska xag xagto, oo aan waxba la isku reeban.
Haddii aan dib u
qooraansano dhammaan shirarkii la qabtaya, waxey gebi
ahaantoodba ku dhammaadeen guuldaro, Soomaalidu waxey
tiraahdaa: Meyd yaa u dambeeyey? Midkaa la sii sodo, shirkii
Nayroobi markii uu dhammaaday ayaa iyadoo aan laga soo bixin
dalkii martida loo ahaa, waxaa bilaabatay dacaayad iyo
isqabqabsi, dowladdii federaalka, iyadoo laba garab kala ah,
waxeyna kala degtay Muqdisho iyo Jowhar.
Dorraad ayey aheyd markii
wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu isku keenay,
saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda oo uu hal meel
isugu keenay, isla mar ahaantaana Ra’isul wasaaraha ku
qanciyey inuu dib u soo magacaabo Gole Wasiiro oo cusub.
Wadahadalka haatan u furmay
Maxaakiimta Islaamiga ah waxaa ka horreeyey kulan hore oo
22-kii June ka dhacay halkaasi, iyadoo waxyaabihii ka soo
baxay shirkaasina ay u badnaayeen kuwa lagu tuntay, waxaana
ay labada dhinac isku eedeeyeen in dhinaca kale uu jabiyey
qodobadii la isla saxiixay.
Shirkii shalay la soo
gabagabeeyey ee ahaa wajigii 2-aad, isagana waxaa ka soo
baxay qodobadan: in la
dhawro heshiiskii June 22-dii ka dhacay magaalada Khartuum,
in dib loo mideeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Maxaakiimta,
in dhammaan la joojiyo faragelinta ay ku hayaan waddamada
shisheeye Soomaaliya, inaan wax taakuleyn ah iyo soo
dhaweynba loo fidin qabqablayaashii dagaalka, in lagu
shaqeeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyo iney muqadas
tahay midnimada ummadda Soomaailyeed in la joojiyo
dhammaanba faragelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya, in
dib loo habeeyo ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed.
Qodobadani
waa kuwo aad u qurxoon laaakiin, su’aasha jawaabta u
baahaneya ee qof kasta oo goob joog u soo ahaa ama la socday
shirarkii hore uu is weydiinayaa, Isku soo dhawaanshuhu ma
dhab baa? Taasi lagama jawaabi karo, oo ma sahlana in lala
soo boodo jawaab, sababtoo ah waxa dhici doonaa Alle unbaa
og, waxaase bini’aadamka uu ka hadli karaa oo kaliya, wixii
tagey, iyo waayihii soo maray, balse, Soomaalidu waxey
tiraahdaa, Awrka hore, Awrka hore saan qaadkiisa ayuu
leeyahay.
Khartuum
hadda waa laga soo laabtay, inkastoo loo ballamaya in waji
3-aad oo shirka ah dib la isugu soo laabto, waxaana hubaal
ah in kulankaasi saddexaad uusan dhici karin iyadoo aan la
meel marin qodobadii ka horreeyey sida kii shalay ee
gabagabadii shirka Khartuum laga soo saaray.
Waxyaabaha
ugu weyn ee fashilin kara qodobada lagu heshiiyey waxaa ka
mid ah, keenista ciidamada Shisheeye gudaha Soomaaliga, gaar
ahaan kuwa IGADSOM oo ay iyagu ka go’an tahay in Soomaaliya
ay galaan isla markaana ay ilaaliyaan dowladda federaalka,
sidoo kale ilaa iyo haatan kama aysan hadlin qodobadani,
Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo muhiim u ah
taabagelinta heshiiska.
Sidoo kale
mar uu dhawaan bixiyey wareysi Guddoomiyaha Golaha Shuurada
ee Maxaakiimta Sh. Xasan Daahir Aweys wuxuu sheegay inuusan
aqoonsaneyn wax la yiraahdo dowladda federaalka, haddaba
fulinta heshiiskan waxaa hor yaalla caqabado waaweyn oo
keeni kara inuu burburo heshiiskaasi, haddii aanu tanaasul
imaanin.