SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Xitaa Cirkii Baa duceeyey !!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


16-kii sano ee dagaalka sokeeye ka socday Soomaaliya, waxay dhibaatadu gaartay meel kasta, oo ay ugu horeyso bulshada, haddaba maqaalkan oo aan ugu magacdaray (Cirkii oo Duceynaya), waxa uu xambaarsan yahay arrimo fara badan, qof waliba waxa uu la yaabi doonaa waxa loola jeedo cirka duceynaya.

Markii Maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobalada dalka, waxay neefi ka soo fuqday intii dhibaato ka soo gaartay dagaalkii Sokeeye.

Dadka Soomaaliyeed waa kuwo ay erey bixintoodu aad u sareyso, markii la eryay Dowladdii Max’ed Siyaad Barre waxa uu hubkii gacanta ku galay shacabka Soomaaliyeed, waxaana soo baxay suuq loogu magacdaray “Suuqa Cirtoogte”, waayo qof kasta oo tijaabinaya hub waxa uu u ridaa dhinaca Cirka.

16-kaas sano, cirka waxaa maalin walba lala dhacayay hub noocyadiisu ka duwan yihiin xanuunkaas cirku cid uu u sheegto ma garaneyn, waxaa maalin walba ka soo yeerayey cabashooyin uu bulshada kaga codsanayey in laga dhaafo hubka maalin walba lagu tijaabinayo.

Cirka oo hadlay ayaa yiri “Maalintii iigu darneyd waxa ahayd maalinkii la saaray Max’ed Siyaad Barre, waxaa igu soo dhacay rasaas noocyadeedu kala duwan tahay hadba dhinac ayaan u boodaa, saqiir iyo kabiirba rasaasta way ila dhacayeen, ayagu farxad ayey muujinayeen anna dhibaato iyo waxyeelo ayaa I soo gaareysay, maalinkii xigay waxay ahayd oo xasuusta igu reebay maalinkii USC ay gacanta ku dhigtay Magaalada Kismaayo, waxaa I saaqay rasaas isugu jirtay kuwo guduudan iyo kuwo jaale ahba, maalin walba, waxaa is iraahdaa goorma ayaa ka baxeysaa dhibkaan iyo murugadaan, waxaa maalmahaas ka sii darnaa maalinkii General Caydiid loo magacaabay in ay uu noqdo Guddoomiyihii USC, waxaa is dhahaayey waa lagaa neefin doonaa hubka lagu ridayo, hase yeeshee USC halkeedii ayey ka sii miistay, iyagu way faraxsan yihiin, aniga waxaa I gaaray dhaawacyadii ugu cuslaa”.

Cirka waa uu sii hadlay oo yiri “Waxa iigu yaab badnaa markii canug yar oo 11 jir ah loo dhiibay qori AK47 ah, waxaana u dhiibay Aabbihii, wiilkii ayaase ku yiri ‘Aabbe qoriga inteen ku ridayaa, waxa uuna ku yiri Cirka, waan naxay, oo waxaan iskula hadlay xitaa ilmihii yaryaraa kuma cafinayaan, hoogayoo iska dhintay, Ilaah ayaa mar kasta baryey, in uu dhibkaani iga du l qaado” “Waxaa iigu sii yaab badneyd markii iyana loo dhiibay qori M-16 Haweeney, iyadoo la dhacdhaceysa oo garan la’ meel ay u rido ayaa waxaa lagu yiri ‘Naahoow qoriga cirka ku seyri, wixii xumba ma xaawaa iska leh ayaa hoosta ka iri, waxaase niyadda iigu jirtay in Dumarku ka naxariis roon yihini Ragga, hase yeeshee qayb ku lahaayeen waxyeeladii la I gaarsiinayey, inkastoo ragga ay iigu badnaayeen oo iyagu habeen iyo maalinba igu soo fiiqayey hubka noocyadiisa kala duwan, Ducadeydii ayaan sii watay, waxaan mar kasta Allaah ka baryey in uu iga bixiyo dhibkaan igu gaamuray, Inkastoo aan ku soo koobi karini dhibkaas, haddana waxaan xasuustaa habeen ka mid ah habeenada oo dhinac waliba ay iiga soo dhaceen hub noocyadiisu ka duwan yahay, waa habeenkii uu bilowday dagaalkii afar biloodka ahaa, inkastoo hubka xoogiisu ku dhacayey dhulka, haddana waxaa isoo gaarayay hub aan ka yareyn midkii lagu waday dhulka, habeenkaas dhibaatada waxaa ila qaybsaday Dhulka, Geedaha, Xawaanaadka, Guryaha iyo Dadka, waxaana dhibkaan ku jirnay mudo dhowr bilood ah, mar is iri waan nasatay ayaa haddan meeshii laga sii Miisay dhibkii la igu hayey, dhinaca aan sida weyn uga sheeganayo waa dhankaa iyo suuqa laygu magacdaray ee Cir Tooge, halkaas oo aan si aad ah uga bislaaday, Ilaah Mahadiis maanta waan nastay, waxaana mahadeeda iska leh, Maxaakiimta Islaamiga ah oo gebi ahaanba mamnuucay in wax huba ah lagu dhex tijaabiyo bulshada Dhexdeeda ha yaraado ama ha weynaado”.

Qof walba oo caqli u saaxiib ah waa uu la socdaa in hub lala gaarin ama lala Karin cirka, hase yeeshee dulucda sheekadeyda waxay tahay sidii aan dadka u dareen siin lahaa, dhibaatada baahsan ee ka taagenyd tijaabinta hubka, ee bulshada dhexdeeda loo isticmaalayey, dadkaas oo ay waxyeelo kala duwani ka soo gaari jirtay tijaabada hubka, sida naxdin, Shook, Argagax iyo Cabsi, waxaan maqlay ama la ii sheegay in Haweenay Uur leh oo laga dul riday hubkaasi ay ilmihii banaanka keentay, marka Cirku waxa uu ka taagan yahay Dadka Deriska la ah goobaha lagu tijaabiyo hubka, haatanna mahad balaaran u jeedinaya Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, sidoo kale waxaa mahad tan la mid ah jeedinaya Dadka kale oo iyana uu gaari jiray dhawaqa rasaasta, Xayawaanaadka, Geedaha iyo Wixii kaloo la mid ah.

Isku soo duuboo, Duceydii cirka illaah waa uu aqbalay oo maanta waad aragtaa in cirkii damaashaadayo, macnaha deggan yahay, urta rasaastana ka ammaan helay,

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD