SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
GAROOWE::: Waxaan ugu baaqaynaa in uu madaxwaynuhu soo saaro miiska dhamaan dhaqaalihii uu ka soohelay wadamadii uu tagay iyo shirkadihii wixii uu kula soo heshiiyay oo uusan dhulka iska fagan isaga oo aan soo bandhigin ansixinta heshiisyadaasi, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in heshiisyadii hore dib u sixid lagu sameeyo maadaama ay maanta wax walba is badaleen, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in kharashkii ay qoondaysay Range Resource miiska la soo saaro gacanta uu ku dhacay....
.....
Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in dhammaan madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay si loo yareeyo Musuq-maasuqa jira ee xooga badan... Daahir Ciiro... Akhri...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

 Mustaqbalka Maxkamaduhu siduu noqon?....

Qore: Abdi Nur Muse
bile80@hotmail.com

Waxaa allah mahadiis in dadka Somaaliyeed 100% ay yihiin dad Muslim. 

Ummadda Soomaaliyeed heysta nasiib darro ah in iyagu islaayeen ,xadkii Allah u xadeeyey oo ahaa in ay dhiigooda,maalkooda iyo naftoodaba badbaadiyaanna ay talaabeen .

Muddo 16-sano ah waxaa umadda Soomaaliyeed ay u gacanta galeen rag dagaal oo gayaal ah oo aan u naxeyn ummadda kuna raaxeysta in ay daadiyaan dhiigooda ,magacna ku yeesha ciribtirka shacabka soomaaliyeed ,iyagoo aan raali ka aheyn in la helo dowlad Soomaaliyeed oo soo celisa sharaftii iyo qaranimadii uu dalku lahaa.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa suurogal noqotay in isku day fara badan ka dib ay dagaal oo gayaashii dowlad ku soo dhiseen wadanka Kenya laba sano ka hor,dowladaa oo hogaamiye loogu doortay Cabdullahi Yusuf .

Cabdullahi Yusuf  maaha nin aqoon u leh diinta Islaamka mana fahamsana in la isku maamuli karo shareecada Islaamka oo waxa uu moodaa dadku hadeey Islaam yihiin islamarkaana ay cibaadeystaan wax kaleba aan laga dooneyn ,haddii lagu yiraahdo kitaabka wax halagu xukumana waxa uu cidii tiraahda  u arkaa in ay yihiin qolo xag jir ah oo la yimid diin cusub doonayana in ay xukunka qabsadaan .

Runtii waa nasiib darro heysta dhamaan wadamada Islaamka waayo nimnka hogaanka u qabta waxa ay ka cararaan shareecada islaamka qaadashadeeda ,iyagoo ka baqaya in reer galbeedku ku takooraan diintaa ay qaateen waxeyna door bidaan in ay raali galiyaan reer galbeedka meeshii ay allah ka raali galin lahaayeen.

WAXAA ALLAH QADARKII NOQDAY IN AY SOO BAXAAN MAXKAMADAHA ISLAAMIGA OO CIRIBTIRAY DAGAAL OOGAYAASHII.

Maxkamaduhu waxa ay qabteen wanaag aan la soo koobi karin, indhahana laga qarsan karin, mana u baahna in aan halkan ka sheego waxa ay Muqdisho ka qabteen,waxanan ku soo koobayaa in ay aheyd mucjiso iyo wax aan lagu riyooneyn  in ay dhacaan.

WAXAASE WAL-WAL IGU HAYAA HANNAANKA MAXKAMADUHU WAX U WADAAN.

Waxaan ka arkaa walaalaheyga maxkamaduhu in aaney wax barnaamij ah ku socon kaas oo suurtogal ka dhigi kara in Soomaaliya oo dhan ay gaaraan,ma is weydiiseen arimaha soo socda:

1-     xagee ku danbeeyey kacdoonka walaalaheen Aljeeriya oo doorasho sax ah ku guuleystay xukunkii Aljeeriya.

2-     Xagee ku danbeeyeen walaalaheen Dhaalibaan ee wadanka Afganistaan kuwaas oo ka takhalusay nimankii wadanka isku heystay iyagoo wadanka Afganistaan 80% gacanta ku dhigay.

3-     Miyeydaan ogeyn kuwii walaalaheenna aan soo sheegay baabi’iyey in ay idinkana cadow idiin yihiin idinlana damacsan yihiin sidii iyaga kuwaa uga takhaluseen oo kale.

4-     Miyeydaan ogeyn in qori iyo dagaal oo kaliya aanu ku imaneyn xalka umadda Soomalaaiyeed,oo ay u baahan yihiin in ay ka nastaan qorigii iyo dilkii ay horey uga soo daaleen.

5-     Maxaa ka hortaagan oo u diiday maxkamadaha in ay maamul u sameeyaan magaalada Muqdisho,isla markaana ay mideeyaan maxkamadahaan ku dhisan habka beeleed ,oo ay iska daayaan dagaaladaan aan kala go’a laheyn.

6-     Maxaa walaalaheenna haya maamulka maxkamadaha u diiday in ay ergo u diraan gobolada Dalka iyo meelaha ay ka jiraan Maamulada sida Puntland iyo Somali-land.

7-     Maxaa u didday in shir weyne ay qabtaan oo ay ku marti qaadaan dhamaan dadka lagu maleynayo in ay wax ka qaban karaan arimaha Soomaaliya sida siyaasiyiinta la yaqaan ,culimada diinta ee caanka ah iyo aqoonyahanada ku xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo cilmiga bulshada.

8-     Maxaa maxkamadaha ku kalifay in ay kaligood dhisaan golaha shuurada una magacaabaan dhowr is taqaan oo wada jooga Muqdisho iyo nawaaxigeeda meeshii laga rabay inay ka qeyb galiyaan kalana tashadaan dadka ka baxsan degaanka Muqdisho ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Runtii waxaa ila haboon in maxkamaduhu isku laabtaan oo ay saxaan wixii ka khaldamay waayo waxaad tihiin rajada kaliya oo Soomali sharafteedii dib usoo celin karta ,haddii aad idinka khaldantaana waxaa sabab u noqon doonta in dad ku hadla magac Islaam ay Soomaaliya ka soo bixin 100-ka sano ee soo socda.

Walaalayaal allah diintiisa waa u gargaari hadaad idinku daacad tihiin allahna diintiisana u gar-gaareysaan ,laakiin iska ilaaliya in aad natiijada deg-degsataan wax walba u lahaada dulqaad ,una naxariista umadda Soomaaliyeed oo ka dhaadhiciya in aad kitaabka alle wadataan oo aydaan qolo gaar ah duulaan ku aheyn .

Walaalayaal waxaa haboon in aydaan jecleysan in warbaahinta la idnka sheeg-sheego ,sida aad la socotaan dhaqamada reer galbeedka waxaa ka mid in ay qofkeey shar la doonayaan ay buun-buuniyaan ,kadibna ay ku sheegaan in uu khatar ku yahay caalamka ama wadamada dariskiisa ah ,kadibna ay weeraraan iyagoo u adeegsanaya cadow gudaha ah iyo mid ay dibadda ka keeneen.

Waxaa ila haboon in cidda idiin hadleysa (afhayeen) ay noqdaan dad kooban ama haddii ay suurtogal tahay hal qof ee uusan qof walba wuxuu doono  iska sheegin,taas oo keeni karta in u jeedooyinkiina la marin habaabiyo.

Sidoo kale waa ineydaan u jawaabin cid walba oo hadasha waayo waatuu imamu shaafici lahaa “hadduu hadlo qofka dabaalka ah ha u jawaabin ,inaad u jawaabtana waxaa ka kheyr badan  aamuska”.

Ugu danbeyn waxa aad sameyneysaan ha noqdaan kuwa xikmad ku dhisan oo aad ka eegteen dhinac walba talo wadaagna aad ku noqoteen,kana digtoonaada in qolo gaar ah ay waxa ay doonto sameyso,iskana ilaaliya in aad is khilaaftaan hana iloobina qowlkii allah: “ha murumina(dood iska hor imaad ah),waad ku fashilmeysaan awoodiinuna waa ay baa ba’eysaa”. 

As wr wb 

Qore: Abdi Nur Muse
bile80@hotmail.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD