SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BAYAAN
Daabaco Boggan | Print
Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliil iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaarada Waxbarashada DGPL...
Ku: Golaha Xukuumada DGPL
Ku: Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somalia
Ogaysin: Shacab Waynaha Puntland..
Akhri

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Bayaan ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee  ku nool Yurub & Waqoyiga Amerika

 

KU: Golaha Maxaakiimta

KU: Dhammaan Shacabka Reer Waamo   

OG: Saxaafadaha madaxa banaan

 

 

                                                                   October2-8/SHW1UMW

 

Bismillahi Raxmaani Raxiim

 

          Dadka Somaliyeed waxay u baahan yahiin inay kala gartaan Dulmiga iyo Cadaalada, Si Somali xal loogu helo waxay u baahan tahay in la darso dhibaatoyinka ka jira Gobolada Somaliya iyo Cadaalad xumida ka jirta meelo kamid ah Somaliya sida Deegaanka Jubboyinka.

 

Maxaakiimta Maamulkii ay u sameeyen Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose waxay u dhiibeen dadka u dhashay Deegaankaas maxaa u diiday in Gobolada Jubboyinka Maamulkiisa loo dhiibo dadka u dhashay Deegaanka Jubboyinka ee og Baahida iyo Daruufaha Qalifsan ee uu ku jiro Gobolka. Magaalada Kismaayo oo ah caasimadii 3aad ee dalka Somaliya waxaa nasiib daro ah in ay manta ka furneen Waxbarashada Dugsiyadii Hoose, Dhexe iyo Sare bal iskaba daayee in la furo waxaa la yaab leh in laga dhex dhistay Guryo ay wali dad dhex degan yahiin, Hadaba Wadatashi Dheer oo ay isla qaateen Beelaha Waamo  ayaa waxay soo saareen Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifkooda ku aadan Dib u furida iyo Dayactirka Dugsiyadii Hoose ee magaalada Kismaayo Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad.

 

 

A-    Waxaan maamulka ay Maxaakiimta u magacaawday Gobolada Jubboyinka ka codsanaynaa iyagoo Qadarinaayo Baahida iyo Daruufaha Bulsho weynta Shacabka reer Waamo in Dhammaan ay ka saaraan dadka degan Iskuulaadka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Kismaayo si ay ugu fududaato in Shacabka Deegaanka ay u Dayac tirtaan Iskuulaadkooda uguna diyaar garoobaan siday waxbarasho tayo leh ugu Diyaarin la haayeen Ubadkooda Dulman. Sidoo kale waxaan Golaha Maxaakiimta ka cod sanaynaa inay soo Qabtaan Afartii Gacan ku dhiigle ee Marxum Xaawo Muse sida waxash nimada leh ugu dilay Gurigeeda.

 

B-    Ururka Mideynta Beelaha Waamo waxay ugu baaqayaan Dhammaan Shacabka Reer Waamo meel kastoo ay joogaan inay yeeshaan Hadaf Siyaasadeed iyo Hogaan Mideysan una diyaar garoobaan siday wax ugu Qaban la haayeen Ubadkooda Dulman ee aan manta heysan waxbarashadii Aas Aasiga aheed. Dhirta waxaa ugu Ayaan daran Geed ku dhex yaal War Biyood oo hadana Qalalan, Kismaayo oo aheed Xaruntii 3aad ee Somaliya maanta waa magaalada Qabta Faqriga, Qulubka iyo Waxbarasho la-aanta ugu weyn Somaliya.

 

C-    Inta Reer Waamo ku dhimatay iyagoo taageeraayo Axmed Cumar Jees Ama Maxamed Saciid Xirsi Morgan iyo inta Hanti Reer Waamo kaga luntay Dagaaladaas Aqon yahanada Dhalinyarada Reer Waamo way ka samri la haayen hadii Taladaasi ahaan laheyd mid ka timaaday Maskax Reer Waamo. Dadka Reer Waamo Waxaan ugu Baaqeynaa inay si Taxadar Siyaasadeed iyo Mid Diineed leh ooga gaab sadaan Dagaaladaan ka soo cusboonaaday Somaaliya ee Jaha wareerka ah, Dagaal Xal ma noqdo, Xalka Somaliyana waa inuu ka yimaadaa Maskax Fiyow, waa in Sida Xayawaanka aynaan Muruq isticmaalin ee aynu maskax Isticmaalnaa. Waxaana kula talinaynaa Dowlada Federaalka iyo Maxaakiimta Shirka uga furmaayo Maalinta Isniinta magaalada Kharduum inay ku xaliyaan arimaha Murugsan ee Dhex yaala, Una tanaasulaan Shacabka Somaliyeed ee ku jiray mudada dheer Colaada, Xalkana wuxuu ku yimaadaa wada hadal.

 

 

Hadafka Ururka Mideynta Waamo

 

A-    In Beesha Waamo la mideeyo iyadoon loo eegeyn Qabiil, Shaqsi, Lab ama Dhidig, D’a lana abuuro siday u wada shaqeyn la haayeen una Xalin la haayeen Mushaakilaadka heysta Deegaankooda.

B-    In la helo Dad u dhashay Gobolada Jubboyinka oo matala Deeggaankoda

C-     In la abuuro ilo Dhaqaale lana kobciyo Hadafka Siyaasadeed ee Beesha kuna wajihan Abuuritaanka Xisbi Siyaasadeed oo ay ku mideysan yahiin dhamman Beelaha Waamo

 Aden Boqow
Gudoomiya Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee  ku nool Yurub & Waqoyiga Amerika

La xiriir: Af-hayenka Ururka Muse Cawshaan
Email: WaamoUnity2002@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2006


»GABAYGA MURUGO & GABAYGA DHIBAABO | Doolaal
»Gabay: Taariikhda Duugga ah: | Abu-cali
»ABSHIR BACADLOW CIID MUBAARAK, MAXAABIISTA JEELKA...
»Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa Gaalo Nabadeeyay | Xasan
»GABAY: Cajaladahan lasoo duubayee noo cuntami waayey | c/naasir
»HADDAAN TOL WAAYEY MUSLIMNA MA WAAYEY! | eelay


»Qoraaladii iyo Gabayadii Jirdilka Sh. Maxamed Ismaciil

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD