SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis/St.Paul....

. Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed  oo goob fagaare ah laga taageeray....
. Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso sheekha ku xiran Hargeysa...

  • Waxaa warkaan ka qayb qaatay: Asad Caddaani, Yuusuf Maxamed, Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan iyo C/rizak koronto
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya Sidee u Ciideen....

Oct 24, 2006: Waxaa maanta oo salaasa ah si baaxad weyn looga ciiday dhawr dal oo dunida muslinka ka mid ,sida dalka Masar Suuriya iyo Iiraan iyo dalal kale iyada oo maalintii Isniinta ahaydna ay Ciideen dalal aad u tiro badan, haddaba sidee Jaaliyadda Soomaaliyeed uga ciideen dalka Suuriya.


Sawirka waxaa qaaday: Asad caddaani: SomaliTalk.com | Suuriya

 
Sida caadada ah Soomaalida ku dhaqan dalka Suuriya waxay kala qayb qaateen walaalahooda u dhashay dalka Suuriya farxadda ciida , oo si aad u qurux badan uu u  dhacday fantasiyaha ciidu , Soomaalida oo u badan laba xaafadood oo ku yaala magaalada dimishiq oo kala ah Masaakin oo ku taala badhtamaha Dimishiq iyo Tel ama Xornna oo ku yaala Daafaha magaalada dimishiq ayaa laga dareemayey goobaha lagu tukanayey salaatul ciidka.


c_xakim_g_jaaliyada_xurna_iyo_arday_quraan_akhriyaya | g_jxurna, c_xakiim,iyo_Shiikh_C_qani.JPG

 
Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya Maxamud Muuse Tarey.iyo Guddoomiyaha guud ee  Jaaliyadda  Fu’aad Maxmed ayaa kala qayb qaatay Soomaalida ku dhaqan dalka Suuriya farxadda ciida  waxaana laga dareemayey rayn rayn aad u badan iyada oo qof waliba dharkiisa ugu qurxoon soo la bistay, waxayna is dhaafsanayeen tahniyada ciidal fidriga.

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya Maxamud Muuse Tarey
Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya Maxamud Muuse Tarey

 
Sidoo  kale jaaliyada Xaafadaha Tel iyo xorna ayaa manta galinkii danbe xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo xubnaha jaaliyadda ugu firfircoon ,oo loogu talo galay dhamaan xubnaha jaaliyada gaar ahaana caruurta Soomaalida ayaa lagu qabtay xaafadaasi. Waxaana halkaas wacdi iyo waano ka soo jeediyey Shiikh C/qani Faarax Mursal oo ka hadlay Tarbiyada caruurta qiimaha ay ku fadhido iyo in loo baahan yahay waalidkastaaba caruurtiisa in uu ku dadaalo siduu ugu toosin lahaa ilmihiisa tubta toosan, ilaahayna ka baryo in uu caruurta u hagaajiyo.


shiikh_c_qani_oo_muxaadaro_jeedinay |  iyo dadka ka soo qayb galay

 
Waxaa isaguna xafladaasi warbixin ka soo jeediyey guddoomiyaha jaaliyadda qayb Tel iyo Xurna C/xakiin Xasan Jaamac oo ka waramay muddo koban oo ku siman sagaal bilood oo ay jaaliyada qaybta xurna jirtay in ay hawlo badan qabteen oo dhamaantood ku wajahan dhinaca tarbiyada , wuxuuna sheegay in ay jaaliyadani u taagan tahay  sidii ay tarbiyada caruurta aabayaashood badankoodu dibada ku maqan yihiin ee laysaga tagay iyaga iyo haweenka wax ula qaban lahaayeen.
 
Xafladan oo u jeedadeedu ahayd sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka Bulshada Soomaaliyeed ee xafadaaasi ku nool ayaa intaasi  waxaa la guda galay kadis iyo tartan caruurta lagu tarsan siinayo  , laguna guddoonsiiyey abaal marino.
 
Soomaalida ku dhaqan dalka Suuriya oo lagu qiyaaso ilaa shan kun ayaa waxa ay u badan yihiin haween iyo caruur, kuwaas oo isugu jira qoysas laga soo celiyey wadamada reer galbeedka iyo qoysas ka soo barakacay dalka soomaaliya, inta badan qoysaskaasi lama joogaan raggu, waxayna nolosha ka soo deberaan qurbaha fog.
 
Waxayna qoysaskaasi la kulmaan dhibaatooyin dhinaca caruurta ah , gaar ahaan dhinaca tarbiyada , siiba  wiilasha.
 
Asad Caddaani
Dimishiq Suuriya

Muslimiinta reer Minnesota oo camiray waddooyinka Farasmagaalaha Minneapolis si ay oogaan Ciida...

Waaberigii maanta (Isniin Oct 23, 2006) ayaa muslimiinta Minnesota waxa si aan kala har lahayn u soo camireen bartamaha magaalada Minneapolis (xarunta Minneapolis convention center) si ay u oogaan salaadda ciida, waxa ay ahayd muuqaal aad qurxoon oo muslimiintu gebi ahaan isugu hambalyaynayeen cibaadada bisha Raamadaan ee ay soo dhamayteen. Goobta salaada lagu tukanayey waxaa isugu yimid carruur iyo cirroole, rag iyo dumar, looma kala harin, ayadoo dadka wajiyadooda ay ka muuqatey farxad. Waxaana lagu qiyaasay taariikhda Minnesota in ciidani ay ahayd tii ay ka soo qayb galeen Muslimiinta ugu tirada badan oo hal goob isugu yimaada, dadkaas oo tirada ugu badan ay ahayeen Soomaali.

Sawirka hoose waa: Muslimiinta oo ka soo dareeray salaadii ciida, xarunta Minneapolis convention center

Sawirka: SomaliTalk.com | Minneapolis, USA | Oct 23, 2006


Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag oo Maanta looga Dabaal dagayo Munasaabada Ciidul Fitriga.
  
Dad weyne aad u fara badan oo raxan raxan ah, una socda Salaada Ciidal Fitriga kuwaasoo isuguna jira  rag iyo dumar iyo caruurba ba aadna u labisan ayaa saakay si weyn oga ciidey magaalada badhan ee gobolka sanaag.

Dadweynaha oo isi salaamayay isuguna  hambalyeynayey Munaasabadda ciida fidriga ayaa lagu arkayay wadooyinka waa weyn ee magaalada badhan , iyadoo Takbiirta salaada Ciida saaka laga maqlayay dhamaan Masaajida magaalada  Badhan iyo Goobo Badan oo kale.
 
Wadooyinka magaalada badhan ee gobolka sanaag  ayaa aad u  camirnaa iyadoo dadka badan kood  ay muujinayeen ku faraxsanaanta maalinta ciidda sidoo kale goobaha ciyaaraha caruurta lagu sameeyo ayaa aad u buux dhaafay waxaana ka muuqatay farxad sare caruurta iyo waliba dadka waawayn ba.

Magaalada badhan ayaan shalay dadka badankiisu uusan ka ciidin iyadoo shalay laga la ciidey dhamaan dunida muslinka iyo guud ahaanba gobolada soomaaliya magaalada badhan ayaa shalay laga soomanaa iyadoo ay xir naayeen dhamaan meherada ganacsiga magaalada badhan.
 
Isku soo wada duuboo si aan kala har la hayn oo ayaa maanta looga ciidey magaalada badhan ayadoo dadkii shalay ciidey ay maantana la ciidayeen dadka maanta ciidayay.
 
Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
Bososo,Puntland,Somalia

Qaabkii looga Ciiday Magaalada Nairobi iyo Sawirada Somali Talk ka soo qaaday Sir-Cali Muslim Club iyo khudbadihii laga jeediyay...

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa waxaana salaada ciida lagu tukaday xarunta wanyn ee lagu magcaabo Sir Ali Muslim Club iyadoo dhammaan dadka goobta salaada yimid ay ka muuqatay wajiyadooda faraxada ciidul Fidiriga . 

Goobta ciida lagu tukayay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay culumo badan oo ka tirsan dalka Kenya waxaana ka mid ahaa Imanka masjiada wayn ee la yiraahdo Jamia Masjid ee ku yaal farsa-magaalaha Nairobi Fadiilatul Shiekh Maxamed Saalax iyo waliba Shiekh Maxamed Cusmaan oo ka mid ah culumada Kenya ugu caansan kana soo jeeda qowmiyada somalida ee ku nool Kenya. 

Shiekh Maxamed Saalax ayaa Khudbadii ka jeediyay halkaasi ka dib markii uu salaada dadka islamka ah tujiyay isagoo khudbadiisa ku soo qaatay arimo badan waxaana ka mid ahaa arimaha uu ka hadlay in la sii wato cibaadada eebe hadii uu dhamaatay bishii ramdaan markaasina waxaa uu sheegay in loo baahan yahay shaqooyinka wan wanagasan ee muslimintu in ay yihiin kuwa loo bahan yahay in lagu saleeyo diinta oo markaasi laga dheeeraado wax kasta oo dhib ah.

Ciida maanta ayaa ahayd mid la isku khilaafay shiekha ayaa yiri '' dadka Kenya muslimiin joogta ayaa yiri ciidaan maanta waa mid ay leeyihiin somalida, laakiin ciidaan waa mid ka dhaxayso islaamka oo dhan maleh Somali, ma leh kikuyu ma leh carab ma leh hindi waxaa leh islaamka dunida waxaa laga arkay bisha magaalada Garissa ' ayuu yiri Shiekh Maxamed Saalax ' 


Sawirka: SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya, Oct 23, 2006

Dhanka kale Shiekh Maxamed Cusmaan oo ka mid ah culumada ugu waawayn Kenya kana mid ah imaamyada masjidka jamia ayaa waxaa uu ka hadlay siyaasada Somalia khudbad dheer oo uu halkaasi ka jeediyay isagoo yiri 'Shacabka soomaaliyeed 16 sano ka dib maanta waxay doonayan in lagu xukumo sharciga islaamka kaas oo ka saaray dhibkii ay ku jireen 16 sano' Sheikhu ayaa hadalkiisa isagoo si wata waxaa uu yiir '' Shaati ayaa la soo xirtay ayaan maqlaa marar badan kuwa sidaas leh idinkuba shaati xirta fiican sida maxaakinta oo kale'' iyadoo dadkii shiekha ku ag dhawa ay hal mar takbiir qaadeen hadalkiisa awgiis. 

Khudbada ka dib ayaa isla Goobtii masalaha ahayd Sheikh waxaa uu shir saxafadeed ku qabtay oo ay SomaliTalk.com goob joog ka ahayd, waxaana aan waydiinay warka ka soo baxay gudoomiyaha gobolka North Eastern Kenya ee lagu eedeeyay xubno ka tirsan baarlamaanka oo ka soo jeeda gobolkaasi in ay wadaan abaabul ciidan oo lagu taageerayo maxaakimta islaamiga ah ee soomaliyeed, isagoo uga jawabay '' warkaasi ka soo yeeray gudoomiyaha waa mid ka fog xaqiiqada xildhibaanada waqooyi bari Kenya arimahaas lagu eedey waa mid aan jirin balse waxaanu nahay dad isku af iyo isku diin ah oo walaalo ah marka waan ku farax sanahay guusha iyo khayrka ay gaareen shacabka somaliyeed ee aanu walaalaaha nahay. 

Waana markii ugu horaysay oo meel fagaare ah dalka Kenya oo idil laga taageero maxaakimta islaamiga ah ee soomaliyeed tan iyo intii ay la wareegeen kala danbaytii iyo sharcigii dalka Somaliya inta badan koonfurta bishii june 5teedii ka dib 4 bilood oo dagaal dhiig aan yareen ku daatay una dhexeeyay ciidmada maxaakinta islaamiga ah ee somaliyed iyo waliba maleeshiyadkii isbahaysigii labaxay dagaalanka 'argaggaxisada'.

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay sii dayso wadaadka ku xiran magaalada Hargaysa isagoo ugu baaqay in ay si dag dag ah u sii dayaan wadaadkaas waxaana uu yiri kan ku xiran Harygasa iyo kan ku xiran Kuba waa iskugu kay mid oo waa walaalahayn.  

Sawiradii ciida Nairobi hoos ka daawo.


 
 
Sawiradan waxaa qaaday: M.C.M. Bootaan | Naorobi, Oct 23, 2006

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk ,Nairobi ,kenya
Botaan1@hotmail.com

Garowe: Caasimada DGPL ee Garowe oo si wayn looga ciiday ciidii maanta.

Kumanaan kun oo dadwaynaha reer Garowe ah ayaa isugu soo baxay Salaadii ciida fagaaraha istaadiyowga Mire Awaare ee magaalada Garowe oo ah goobta salaadaha Ciida lagu tukado.

Dadwaynaha magaalada Garowe ayaa iyaga oo raxan raxan u soconayay watayna dhar quruxbadan oo ay si wayn ugadanayeen maalmihii ugu danbeeyay buuxdhaafiyayna goobaha ganacsiga iyaga oo munaasabada ciida darteed isu diyaarinaya in ay si wayn muslimiinta dunida ula qaybsadaan farxada ay ku jiraan muslimiinta maanta.

Fagaaraha istaadiyowga Mire Aware oo salaadii ciidan inta badan dadku ay ku tukadeen ayaa waxaa salaadii ciidan ee maanta ka dhacday Istaadiyowga kala qayb galay mas'uuliyiin badan oo ay ka midyihiin madaxwaynahe Kuxigeenka puntland Xasan Dahir (Afqurac), oo isagu ku booriyay dadwaynihii salaada tukaday in ay dalkooda difaacdaan iskana ilaaliyaan waxa ka soconaya koonfurta somalia ayna xirtaan albaabadooda oo uu ku sheegay in ay yihiin laba albaab ee waqooyi iyo koonfurt kuwaasoo haday xirtaan buuyiri shacabku iyaga oo kaashanaya dawlada in ay ka badbaadayaan dhibka katagan koonfurta somalia iyo dhamaan wixii qulqulatoyin ah.

Duqa Degmada Garoowe C/qaadir Cisaan (food-cadde) ayaa dadwaynaha reer Garoowe ku dhiiriya in ay nabadda ka shaqeeyaan maadaama ay Nabaddu tahay waxyaalaha ay barwaaqada ay haystaan reer Puntland ay ku gaareen ay tahay Nabadda oo ay ka shaqeeyaan.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo gaba gabadii soo gunaanaday salaadii ciida ayaa halkaasi ka sheegay arin ay dhamaan shacabku dhagaha u wata taagayeen taasi oo ah in uu suldaanku yiri anagu waxaanu nahay salaadiintii aaday Jabuuti, waxaanu jabuuti u aadnay Nabada Puntland, qofku waxa uu dhiso guri  ama maamul ma burburiyo, puntland salaadiin ayaa dhistay mana suurta galayso in ay salaadiintii dhisay Puntland ay hadana dib u burburiyaan taasina waa wax aan dhici karo suurtagalna maahan.

Suldaanka ayaa sheegay in si wada jir ah wax loo wada qabso islamarkaana lala shaqeeyo maamulka si maamulku uu u guto waajibaadkiisa  hormarka iyo nabadgalyada dalkana la xoojiyo, ugu danbayntiina suldaanka ayaa  ugu duceeyay dhamaan umada muslimiinta ah in ilaahay ka saaro dhibka  ciidan ciideedana uu ilaahy ku gaarsiiyo Barwaaqo iyo baraare.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

CIID MUBAARAK::::
SomaliTalk.com: Waxaan muslimiinta ugu hambalyayneynaa ciida barakaysan oo ah maanta.. Akhri..

»IIDAHA iyo SALAADAHOODA
»Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD