SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...



Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso.. GUJI... .


JAMCIYAD NACAS QURUUMAADKA 

Mohamed-Deeq Abdi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Run ahaantii lamaan yaabin markii aan maqlay inay shaqaalaha qaramada midoobay ka baxeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Waxaanse aad ula yaabay cabashadii ay maxaakiimta Islaamiga ah ka sameeyeen iyo sidii ay uga xumaadeen. Sababtoo ah qaramad midoobay waxay qaateen go’aan ku habboon siyaasadda iyo mabda’a ay ku dhisan yihiin. 

Waxaana khaldka lahaa oo sababay in gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya laga baxo maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliyeed. Sababtoo ah maxaakiimta Islaamka ah ee Soomaaliya waxay soo celiyeen amaankii iyo nabaddii iyo kala danbayntii la waayay 16kii sano ee ugu danbeeyay. Waxay soo nooleeyeen rajadii dhimatay iyo amalkii ummadda Soomaaliyeed ee ay bohasha ku aaseen qabqablayaashii dhiig miiradka ahaa ee Alle iyo aakhiraba ka fogaaday. 

 Hawlahaas wanaagsan ee ay qabteen midoowga maxaakiimta Islaamka ah ee Soomaaliyeedna waa wax ka soo horjeeda siyaasadda iyo mabda’ad qaramada midoobay. Sidaas ayaan ku iri waxaa khaladka iska leh maxaakiimta. Waxaana lagu eedeeyay wanaag iyo kala danbayn sidii wanaagga iyo shafartaba loogu eedeeyay Nabi Luud (Scw) ee loo yiri;  

”Waa qolooyin is dhaahirinaya” 

 Waxaana aaminsanahay inay qaramada midoobay go’aankeedaas la daahday oo ay ahayd inayba goboladaas ka baxaan markiiba ay ogaadeen inay midoowga maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ku guulaysteen gacan ku haynta magaalada Muqdisho. Waxaan aad ula yaabanahay dulqaadka intaas la’eg ee ay sameeyeen qaramada midoobay. Laakiin waxay is lahaayeen waxaa markiiba soo rogaal celinaya dagaal oogayaashii lagaga guulaystay gacan ku haynta Muqdisho iyo goboladas ku hareeraysan. 

Waxaa la wada ogsoonyahay in shaqaalaha qaramada midooday laamaheeda kala duwan ee ka hawl-gala Soomalaiya, inta aan Soomaalida ahayn, ay degganyihiin hoteelada ugu qaalisan ee magaalada Nairobi. Oo ay walibana ku socdaan baabuurta ugu casrisan ee uguna qaalisan. Waxayna ku safraan diyaarad.Waliba saffaro aan macno lahayn oo aad u fara badan. Waxayna ka raacaan kuraasta ugu qaalisan diyaaradaha ee heerka koowaad. 

Haddaba waxay isweydiintu tahay, haddii midoowga maxkamadaha Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay amaankii sugeen. Fureena dekeddii iyo garoonkii diyaaradaha ee Muqdisho. Waddooyinkiina qashinkii ka qaadeen. Fureena jidadkii xirnaa. Billaabeenna hanti isu soo celintii. Fureen maxkamado ku dhisan caddaalad iyo sinnaan. Soona saareen go’aan ah in la daba galayo hay’adaha samafalka ah wax qabadkooda, lana hubinayo habkay u shaqeeynayaan iyo daacadnimadooda. Waa maxay waxa ay qaramada midoobay ka qabanayaan gobolada ay ka taliyaan midoowga maxkamadaha Islaamka ah ee Soomaaliyeed.?!!  

Jawaabtu waa waxba iyadoo kooban. 

Sababtoo ah danta iyo siyaasadda qaramada midoobay waa burburin iyo xasilooni darro loo gaysto degaanada xasiloon siiba dunida muslimka ah. 

Waxaan tusaale u soo qaataa markana damco inaan bulshada tuso farqiga u dhexeeya midoowga maxkamadaha Islaamka ah ee Soomaaliyeed iyo qaramada midoobay. In qaramada midoobay ay la mid yihiin sida nin Xafaar ah (Xabaale qode) oo jecel inay dadku dhintaan si uu godod badan u qodo oo uu lacag ku hele. Maxkamaduhuna waxay la midyihiin sida nin dhaqtar ah oo jecel inuu dadka daweeyo oo ay noolaadaan.  

Ma doonayo inaan ku dheeradao maqaalkan oo waxaan horay uga qoray siyaasadda qaramada midoobay buug yar oo Novel ah oon ugu magac-daray

”I AFDUUB” wuxuuna soo bixi doona dhammaadka nofember 2006 haddii uu Rabbi idmo. Laakiin waxaan uun doonayay inaan yar iftiimiyo siday u kala fogyihiin midoowga maxkamadaha Islaamka ah ee Soomaaliyeed iyo qaramada midoobay oo uu abwaan Sangub hadda ka hor ku yiri; 

Ninna kama dhexaysee jamciyad, nacas quruumaadka. 

Mohamed-Deeq Abdi-madar ”Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2006

»Xaqii oo xamar ka soo daahiray | Eng. C/Qaadir
»Garabdaarki Abkowgey ya Abootadey | A.M. Yusuf
»Dhibaarooyinka qaarada Afrika iyo isgaadhisiin xumada haysata (pdf)
»Xiisada iyo xaalada siyaasadeed ee  dalku marayo oo ah meel halis ah

»MAXKAMADAHA KISMAAYO;:: | Haldhaa
»Somalia ma waxay khatar ku tahay amniga xukuumada Washington
»XUSUUSTI Dr. SHEEKH MUXAMAD BIN CALAWI AL MAALIKI
»Dowladda iyo Geeddiga Socda (pdf)
»Kismaayo & kandhahaar !!!!  | Saahid
»Micnaha Ereyga Mooryaan ?. | Yusuf
»Saxiibo kasbo:- | C/fatax
»
Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose

»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi
.Maxkamadaha iyo Mustaqbalka Dalka (Faallo)..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD