Guutada Cas
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii
Max’ed Siyaad Dalku wuxuu galay dagaal sokeeye, oo ku baahay dhamaan
Gobalada dalka, waxaana maalin walba aad arkeysaa waxyaabo la yaab leh oo
aad la anfariireyso oo la xiriira wax la yiraahdo Dowladnimada. Marka ugu
horeysa Dowladnimadu waa shay qaali ah oo aan la heli Karin, waayo waxaa
dugsada bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana maqaalkaan u soo qaatay
markii ay maalmahan dhagaheyga ka bateen, nin hogaamiye kooxeed ah oo leh
“Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyaaed in uu 24 Saacadood gudahood isaga
baxaa halka Fariisinka u ah Dowladda”. Hadalkaan ma ahan mid asluubeysan,
mas’uuliyiinta Dowladda ugu sareysayna weli hadal rasmi ah kama soo saarin
24-kii saac ee loo qabtay General Cali Madoobe. Maanta Cali Madoobey haddii
laga saaro Baydhabo waxaa muuqata in C/llaahi, Geedi iyo Shariif Xasan iyana
loo qaban karo saacado sida Cali Madoobe.

Cali Madoobe:
24 saac iyo Baydhabo uga bax! |

Shariif Xasan
12 saac iyo Baydhabo uga bax? |

Cabdullahi Yusuf
6 saac iyo Baydhabo uga bax? |

Cali Geeddi
3 saac iyo Baydhabo uga bax? |
Beri baan waxaan ka qaybgalay kulan ay
isugu yimaadeen jufo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed waxayna ka cabanayeen
raashin la gaarsiin waayey deegaanadoodii, wax la murmuro oo la doodo
aakhiritaankii waxaa lagu soo gebagabeeyay “Kalsoonidii, waxaan kala
laabanay Qaramada Midoobey”. Warkaas wuxuu igu noqday mid la yaab leh, waayo
Jufo maanta oroneysa Qaramada Midoobey ayaa kalsoonida kala laabanay waa mid
adiga qudhaada aad wax iska weydiin lahayd, sidoo kale aniga oo xafiiskeya
ku sugan ayaa waxaa ii yimid lix nin oo walaalo ah, waxay wataan warqad
qoraal ah oo ay ku sheegayeen war-saxaafadeed, markii aan warqaddii akhriyey
ayaa waxaa iiga muuqatay warqadda in qoraal ay nimanku ku sheegayaan in ay
Kalsoonida kala laabteen walaalkood ka weyn lixdooda, waxaan weydiiyey
todobadiina ma isku Hooyo iyo isku Aabbe ayaad tihiin?, waxayna iigu
jawaabeen “Haa”, waxaan u raacay “maxaad Kalsoonida ugala laabaneysiin
walaalkiin?”, “Walaalkeen wuxuu ku biiray siyaasi aanan wax taageero ah u
haynin, sidaa darteed ayaan war-saxaafadeedka ku caddeyneynaa in wixii dhib
ah oo uu keeno aan na loo raacan Karin” ayey yiraahdeen lixdii nin, waxaase
weydiiyey cidda ay iyagu taageeraan, mid baa hadalkii qaatay oo yiri “Hebel
ayaan taageernaa”, maxaa ka macno ah haddii labo Hebel la kala taageero,
ayaa ku celiyay mar kale, haddiiba mid iyagii ka mid ah ayaa qaatay oo yiri
“Hebelka aan anagu taageerno ayaa saxsan”, warqaddii ayaa ka qaaday hoosta
ayaana geliyay, habeen iyo maalinba way I soo wacayeen oo waxay igu
lahaayeen maad noo qortid waxaan kuu dhiibanay. Mudo mar ay ka soo wareegtay
ayaa mid ka mid raggii walaalaha ahaa wada kulanay, “xaalkiina ka warama”
ayaa ku iri, wuxuuna igu yiri “Ninyahow ceebteena ayaad asturtay, oo
maalinkii lhaddii aad soo bandhigi lahayd qoraalkaas, walaalkeen ayey
cuqdadi naga dhaxeyn lahayd, ee wax wanaagsan ayaad sameysay”. Dhacda ka
dhacday Magaalada Baydhabo ma ahan middii ugu horeysay ee Dowladda soo food
saartay, markii ay Dowladdu ku sugneyd Magaalada Jowhar waxaa dhacay
dhacdooyin ka xun taa, oo xitaa Madaxweynhii ayaa la aflagaadeeyay oo lagu
yiri “Waxaad tahay Odey Daarood Ciyaala-Suuq ah”, sidoo kale wasiiro ka
tirsan Dowladda ayaa la dharbaaxay oo qaarkood xitaa waxa la dhigay xabsiga.
C/llaahi
Yuusuf dhowr jeer ayuu ku celceliyey oo yiri” marnaba lagama yaabo in aan
marti u noqdo hogaamiye kooxeed, maantase C/llaahi iyo Dowladdiisaba waxay
marti u tahay hogaamiye kooxeed, wayxaabaha la yaabka leh, waxaa ka mid ah
in Siyaasiyiinta ama waxgarad inta shir isugu yimaadeen ayey mar kale waxay
ku celiyeen in General Cali Madoobe uu 24 saac gudahood isaga baxaa
Magaalada Baydhabo.
C/llaahi Yuusuf, maalintii la doortay waxa
uu sheegay in haddii uu wadi waayo Dowladda, uu faraha kala baxayo, isla
markaana uu dib ugu celin doono Baarlamaankii doortay, balse maanta waxaa
soo baxay saan-saankii uu C/llaahi horey u sheegay, waxaase is weydiin leh,
C/llaahi sidii uu u yiri ma ka dhabeyn doonaa oo Dowladda dib ma ugu celin
doonaan gacanta Baarlamaanka, mise waa afrikaan iyo caadadiiye waa uu ku sii
dheganaan doonaan, isagoo walibana ku jira gacanta hogaamiye kooxeed, waayo
ilaa iyo haatan Dowladdii la dhisay mudo haatan laga joogo labo sano, ma
jiraan wax muuqda oo ay qabatay, waxaana hareeyay sidoo kale khilaafyo u
dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareeya Dowladda. Soomaalidu waxay tiraahdaa (qofkii
waxa jooga karta, ayaa waxa soo socda fahma), marka C/llaahi, waxa haatan
jooga kama daboolna, waxa soo socdana Odey ayuu yahay, sideese shaarka
Aqoosiga Dowladnimo ku badbaadin karaa C/llaahi, waa su’aal ilaa iyo haatan
hoosta ka xariiqan, dadka wax uu kuurgalana waxay sheegeen in C/llaahi
wadiiqada Dowladnimo shaarkeed lagu badbaadin karo uu iska indha saabayo,
Talinta C/llaahi waxay u badatay heshiis uu la gaaro xoogga cusub ee soo
baxay waa Maxaakiimtee, hase yeeshee Madaxweyne C/llaahi, arrinkaas waxa uu
arkay mid lagu lalminayo Dowladdiisa, isagoo ka doorbiday gacan siinta
shisheeye iyo waxqabadkooda aan horumarka laheyn,
Dowladihii Talyaaniga soo maray ayaa waxay
mar magan u ahaayeen Kooxo isku magacaabay Guutada Cas (Birigato Roso)
maanta way ka xoroobeen kooxahaasi ee C/llaahi Birigaatada Soomaaliya ma ka
xoroobi doonaa.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com