SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Wararkii: Oct 17, 2006

  • Taliyaha Ciidanka DFKMG ah Cali Madoobe oo 24 saac Baydhabo inuu kaga baxo lagu amray.
  • Ka dib Geeridii Duqa Degmada Galkacyo oo laga arinsanayo sidii loo dooran lahaa Duqa Degmada
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo gaaray Dalka Sucuudiga iyadoo Gudoomiyaha Golaha shuurada maxaakimtuna joogo halkaasi.

Taliyaha Ciidanka DFKMG ah Cali Madoobe oo 24 saac Baydhabo inuu kaga baxo lagu amray.

Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayan in xiisad ay ka taagan tahay magaalad abaydhabo ee xarunta KMG ah ee ay dawlada somalia iminka ku sii shaqayso ka dib markii uu halkaasi gaaray taliyaha ciidanka booliska somaliyed Gen. Cali Madoobe looyaan oo ka tagay magaalada Nairobi maalintii axada galinkii danbe.

Taliyaha Ciidanka booliska somaliya Cali Madoobe ayaa waxaa ay ku eedeenayaan qaar ka tirsan siyaasiyinta iyo xildhibanada beelaha D&M inoo ka danbeyay layntii 4tii bishii September ka dhacay magaalada Baydhabo garoonkeeda ee lagu dilay 7 dhalin yaro maleshiyaad ah oo joogtay garoonka Baydhabo.

Arintaasi iyadoo ay taagan tahay ayaa waxaa markii oo ku laabay baydhabo Gen Cali Madoobe cirka isku shareertay arintii hore iyadoo xarunta oo ka dagay baydhabo ay isku xeereen maleeshiyaad ka amar qaata Aadan Saransoor oo ka mid ah hogaanka RRA-da intaasi ka dib ayaa waxaa shalay oo isniin ahayd magaalada baydhabo ka dhacay kulan ay ka soo qayb galeen Raisul wasaaraha somalia Cali Maxamed Gedi, Wasirka arimaha Gudaha Xuseen Caydid, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed Ibraahim Xabsade iyo Xildhibano ka tirsan D&M iyadoo kulankooda saacado ka dib wax war ah aan laga soo saarin ayaa waxaa magaalada baydhabo shir saxaafadeed ku qabtay Aadan Saransoor oo shaaca ka qaaday in taliyaha booliska somalia in uu ka baxo magaalada baydhabo iyo gabi ahaanba deegaanda ay ka taliyaan isagoo hadalkisa sii wata ayaa waxaa uu yiri '' Mas'uuliyiinta beelaha D&M waxay isku aragti ka yihiin in Cali Madoobe uu 24 saac gudaheed uu isaga baxo magaalada Baydhabo, maadaama uu geeystay xasuuq ka dhan ah dadka deegaanka'' .

Deegaanka oo dagan yahay Cali Madoobe ayaa si adag amaankeeda loo adkeeayay iyadoo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dawlada somalia gaar ahaana kuwa madaxtooyadu ay ilaalo ka yihiin xaruntiisa iyadoo sidoo kale ilo wareed ay sheegayan in ciidamo Ethipoian ah ay ku sugan yihiin aaga uu taliyuhu joogo arrintaan ayaa timid iyadoo madaxwaynaha DFKMG C/lahi Yusuf Axmed uu ka maqan yahay dalka somalia isagoo jooga magaalada Adis Ababa.

Ka dib Geeridii Duqa Degmada Galkacyo oo laga arinsanayo sidii loo dooran lahaa Duqa Degmada

Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa wararka ka imaanayo ay sheegayan in magaaladaasi shir ay yeesheen golaha deegaanku ka arin sadeen geeridii Duqa Degmada Marxuum Xuseen Jaamac Yabaq oo mgaalada Nairobi ku dhintay maalintii miaca ahayd

 Kulankaan ayaa waxaa soo abaabulay wasiirka dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyga Puntland Cali Cabdi Awaare waxaana soo xaadiray 22 ka mid ah 27ka oo ka kooban yahay golaha deegaanka Galkacyo iyagoo si wada jir ah halkaasi marka hore tacsi uga diray dhamaan qoyskiisa iyo cidii tiqiinay Yabaq .

Mr Awaare Wasiirka dawladaha hoose iyo horminta reer miyaga Puntland ayaa waxaa uu shaaca ka qaday in 12ka bisha November la qabanayo doorashada Duqa Degmada Galkacyo isagoo ku baaqay inta ka horeeayso in la diyaariyo musharxiinta iyo waliba arimaha la xiriira .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo gaaray Dalka Sucuudiga iyadoo Gudoomiyaha Golaha shuurada maxaakimtuna joogo halkaasi.

Sharif Xasan Sheikh Adan oo in dhawaale ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimda Kenya ayaa waxaa uu gaaray dalka Sucudiga magaalada Jidaha isagoo uga sii gudbaya magaalada barakaysan ee Maka al mukaramaha si oo u guto cimarada bisha ramadaanta 10ka danbe ee ah mid suno ah oo Nabi Muxamed SCW wasalam samayn jiray .

Gudoomiyaha ayaa waxaa la socda dhawr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka somalia oo iyagu ka sii raacay magaalada Nairobi ilo wareed aan helnay ayaa waxay sheegayan in gudoobiyaha cimarada ka dib oo shirar iyo kulama kala duwan la qadan doono masuuliyin ka tirsan boqortooyada suciidga isagoo kala hadlayo arimaha somalia.

Dhanka kale Dalka sucuudiga ayaa waxaa ku sugan iminka Gudoomiyaha Golaha suurada maxakinta islaamiga ah ee somaliyeed Shiekh Xasab Dahir Aweys waxaana isna oo halkaasi u tagay gudashada cimarada lama oga ka dib cimarada in ay kulmi doonaan labada gudoomiye oo iminka kuwada sugan dalka sucuudiga .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Faa faahin Somali Talk | Oct 17, 2006

Geeddi: “Wadaad Xume Hore ayuu u tilmaamay Siyaad Barre, maantana...
»Culima’udiinka Bay iyo Bakool oo u hanjabay DFKMG
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Zenawi u soo jeediyay in..
»Waaxda Warfaafinta Maxaakiimta iyo Bahda Saxaafadda oo
»Ra’isul Wasaare Geeddi oo la filayo in uu Diinsoor kula kulmo
»Sheekh Muudey oo ka warbixiyey la wareegida Idaacaddii..
»Hay’adda Danwadaag oo Deeq gaarsiiyey Dad soo barakacay
»Shariif Xasan oo iska casilay wada xaajoodka inuu u ahaado
»Bare Hiiraale oo ciidamo wata oo degaanka Saakow gaaray.
»Sheekh Cabdi Xasan: "Midowga Maxaakiimta waxaan ka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 16

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD