SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO

Garabdaarki Abkowgey ya Abootadey

A. M. Yusuf© ¦ wayeel@operamail.com


Soomaaliyaan u dagaalammeynaa, dalkeenna ballaaran u daafacaynaa;
kuwa dulmaayaan la doodgeleynaa. Dabaylka mawdku intaw i daadihin,
hilibka duud* cunin, deebna aw naqan--durriyaddaada deb loo ma aasee;--
kuwa dambaan u dariiq falaynaa: kufriga soo degaan diida leenahay.
.
(Shiiq Axmed Wacdiyow: "Kufridiid")

* duud: dhase, dire, tixri, tirxi, dirxi, dixiri; aboor.


________________________________________

HORUDHAC

Garabdaar waa aqoon iskaa aad u yeelahaysid, annaad ka barahayn dugsi ama meel kaleeto. Waa hibo Ilaaheey aw musbaaxdiisa ugu nuurihaayo addoomadiisa jawyiya kuwoora aw hee la raboodo--wax dadka kale dhammaantiis ne aw mugdi ka gilihaayo. Qofka iska leh hibada garabdaar, waxaa loo yaqaannaa uurkummaanle ama uurkubbaalle: Waa wadaad aw Ilaahay garabdaar ugu yaboohay oo weli ba ne u buubi karo dhulaan dhaweyn sida Makkah ama Madiinah oo kale, Siyaarada Biyooleey, Siyaarada Shiiq Boqolsoom, arlo kale oo ku taal meel carrada jiriddeedaa aanan inta bo ku aallin ... iwm. Hashoo taako meel ii jirto na allaa ka dhigee, ogaaroo anigu u haadi karaayiyaa? Muggaan yaraay se, dad waxaan arkaayay bareekida u mudaayay inay ahayday, day hee, "aawliyo buubeeysay". Eebbow na cafi. Dembi se kuma laheyn; saan u filaayo. Maasha, wax buubi karaayay asii shimbir na ka weynaay, walcankoori uyuki dhalay ay haddoo ka maqli jireen, "wadaaddo iney buubi kareen lagu sheegaayay". Ma ogideeda se. Saas awadeed na, dayuurada ya wadaaddadi iney isku kihi jireen, aan anigu wiligay u soo qabaayay tanya waagaas laga soo billaabo, lagu na keeno maalinka maataa. Macbuudka Weyn ee "maanyada moosay" aa ku caalimma. Waalidki an i dhaleen se, waxay si aad ah u rumaysnaayeen in uurkubbaalluhu juray, uunka na aw ka walax ahaay.

In aw juro garabdaarku iyo in kale, adigaan kuu deeyhaa; waxaad rabtid na ka aamin--taasu an iima taal. Warrankaygu se, biriga wax shaqula kuma laho dagaalooge maalin gashow, dayuurad cir ya caad ku tolan, Addis Abeba ama Nayroobi loogu sii bitihaayo, iyo wadaaddo usugi, dagaaloogihi, buubsahaayo aanan sina uga heri doonin--wadaaddada na Ilaaheey halgankoora ha ku kalkaalo. Illey se, waxaan kaaga hadli rabaa duul wada dhashay asii arladi ku kala haaday:

B. kuwo "h´aad" oo kale ay naqdeen--h´aad, h´aadda. magac dhedigeed: haadda waa meeshoo qatar badan ay taallo; ama waa jirroolahoo bukaan ah oo gacal baansado ama jeenanihaayo aanan sokeeyaha ba ku lahayn; ama waa qof cidlaawe ah, qof kuwii dad u xigay bo ay deyrsheen--horta af Soomaaliga saas ma iila kasee, mase sarihi, iyo siimanki dheerdheeraay ee Xamarcadde aw kaala dumay? Maandhaay ama maandhehey, halna hee heyga xanaaqin; waa kula kaftamowhaayaa e!

T. kuwa na haad kalaa u buxay--faraj aa u furmay--cabburki yey ka baxeen oo leeyr caafimaad aa haddoo u dillaacday.

J. halahoo kale ne, sidi nafti loogu keenaayey, ruuxiyaa ba ka haaday. Waa la dilay; diya na laga ma dhiibin. Looma na aarinee, dammoohee!

Sheekadaydu, maantay, waxay ku saabsan tahay saraayadi (basiiradi) Gabyow, shiiqoo horeybo u sii sheegay waxyaal, kuwaas oo wisinkaan hadda la joogo la arkowhaayo, asii aanan la arki jirin, demenki usugi naftirkiisi aw noolaay. Ka warran hee! Wixi shiiqaas nuurka loo saaray, hase ahaatee awsan indhihiisi ba saarin; si aad wax un uga ogaatid, aashaaha u sii akhroo warrankaygaan jidka (xaqa) ku joogo.

Anigoo ahaay cunug yar, lix jir oo kale, duqdoo abootadey ahayday, hiindadey habarti dhashay, aa maantoo iiga sheekeeysay aftaham la lahaay Shiiq Gabyow. Cawo jeeddo, xabbadka muufayga ahaay ama kis hamuu ahayday oo sarrir macsaro lagu biifaayay inta aanan weli la ii soo aqoolin kahor; ayeeyadey aa waxay iiga sii sheekey jirtay islaawyadi, imaamki, ugaasyadi, malaaqyadi, shiiqi, xerti, culumadi, caamadi, Suufidi, xawaalihi, siyaaradi, macallamki, kuttaabti, mawlumaalki, xubeerki, qawleygi, laashimki, Axmed Bitteey, Meeymuun Biyoow--iyo, si gaara, afmaalladi arooska, umusha, iyo igaarta dhalatay faanka ku beerdhebi jireen. Afmaalki la dhahaayay Cali Macalim, nin guud weyn lahaay oo filaygu na madaxisa berka midig uga surnaay oo soo marsaday shanleey caddayday, subeeci tarashyo lahayday, suun maqaar ahaay oo weynaay, iyo toorreey seddex-gees ahayday, iyo usugoo weli kuu soo illaday kobo shammag ahaay. Ninkoo joog ya jammaal na Alle siiyay aw ahaay. Ee hal coda aw lahaay! Qaraaxadiisi jirriirocada badnayday aa wili dhegaheygi haddaan ka dhex yeerowhayso:

"Maaahooooow, hooooow, heelleeeeey wayaaaaa hibilooooow ooooow
Alif Qur'aan dhigan waaye; argax waa nin kala jabay
Hal ne waa qamiislow*; hal na waa qarabaxlow*
Hal na qulucda ina buuxsadow is qammaamudaayaa heeeee eeeee"

* quraanka toddobo jallaad aw ka kooban yahay. Toddobadoora na waxa la kala siiyay magacyada usbuuca. Waxaan maqli jiray wadaaddo is weydiihaayeen: "Subici intaw idiin maraa?" Jawaabtu na waxay middood naqahaysay, "Jimco, Sibdi, Axad, Isniin, Talaado, Arbaco, ama Qamiis". Waxa aw ka hadlayaa sida derjada wadaaddadu isu dheer yihiin in ay afmaalladu na sidaas oo kale kala yihiin. Mid waa qalin jibiyay, mid meel dhaxo aw maraa, mid na waa qarabaxlow, mid kale ne waa eberkiis.

* qarabax: waa loox (illaayo biriga la joogo waa la isticmaalo) dawaad (qad, anqaas) iyo qalin aa wax lagu la qoraa. Qarabaxu waa loox aad u yar oo qorowga lagu baro ilmaha weli awsan madaxooru higaadda si raayso u qaba karin.

* sadarka u dambeeyo waxa aw ka hadlaa nin isu ekeysiihaayo wadaad wax yaqaan asii, run ahaantii na, aan xabbo na kuu kaseynin.


Cunugaas yaraay aw adoogiis na dhintay usugoo wili muluq ahaay, saasna ay dadku "Agoonki"ugu koofaari jireen--lix jirki, hadda da'diisii waa tomman jibaarantay. Dhaxalki aw abootadiis kala herey aw na rabaa in aw maanta adiga kaaga sheekeeyo, kuu na faahfaasho; si aad adigu na ugu sii sheegtid ama ugu sii awaashid ilmahaaga: "igaar yar oo facoora oo kale ahaay in aw laabtiisa ku soo haayay maanso, tanya waqti maanta laga joogo nus qarni iyo weliba jajab iga sii dheh!" In aw korka ka barto maansadi badneyday, maxay abootadiis ugu dhibeysay cunuggaas agoonka ahaay? Ad hee xey kula tahay?

"Maandheheey cindigaaga gili dhaqanki abkaagi hore. Muggoo inaad u baxsatid na, laga yaabee." Abootadey Xaliimo isla milaygi ay saan ii waanihasay, foolkeera murug aa u dabooshay sidi caadki cirki oo kaleeto. " Waxaan rabaa inaad ku maansatid ama ku waano qaadatid haddii kalahaadki horey loo sheegay aw kugu soo hordhawdo."

Agoonka aan ku sheegay waysla anigee qof kale haw qaadan. Aan ber kale kaaga jeedsiiyo ujeeddadi abootadey Xaliimo: duqdu waxay jecleyday muggoo un, haddii bo aw Alle igu simo, inaan gadaal u xasuusdho warranki Abkowgey Shiiq Axmed Gabyow. Hiinddooyeey! Iidi ba, abootadey, xabbana ma arkinee, ogaaw. Dadka wax arkay aa bo an ya adigaa hee, ma og tahay? Dhaxalki, dhaqanki abkeey, kuwi ugu fiirada dheeraay aan birigi kis yar kaaga sheekeeyaahe iga mahiibso. Inaad adna ku sii dhibtid mulqaantada wili yaryar, aan akhristow kaa tuugi lahaay--halahoo wada baarriya na Ilaahay ku sii; ha na ku deeyo. Ibidkaa ha yareysan dhashaada. Ha yasin ilmahaada oo hays dhihin xabbo na wili kuuma gartaan. Ilmaha intey wili yaryar yihiin u sheekeey: Haddii kale, sidi igaarki eebowgey Maxaad Geeddi, RW Cali Maxamed Geeddi, ay dhaqan-ku-dheel wada naqa doonaan; ama soohdinti abkood dhigay ay berberki Xabashiinidi uga taraari doonaan. Saas na waa laga roon yahee Ilaaheey ha na ammaansado:

Cunug aad intaas la soo kaceysay, ood la soo kufeysay in aw gaal kaa raaco, wax laga xummaado, walleen ma ahoo? Walleen taasu ciil ku gilimeyso? Gacantaadi oo ku goysay oo kale, walleen maaha? Igala her. Aan shibiska ... aan iska deysdho warkay ... Waa ku ciilkaas!

Walleen anigi kuma hordhaban igaar la dhaho RW Cali Maxaad Geeddi, iyo ari aji mid sheeganahaya ee boowow layee ina Yey waa Madaxweynihii Baydhabo Jannaay, iyo lankoo ly arraaw Xariif Xasan (xas ha loo galee), Biyatooniga Bakhaarka Daafida Amxaarada. Miday yihiin ama Tigrooni ama Soomaali, nimankaas, anigaa kuu kala og. Mahaan hoose waxa aan kuugu soo bandhigaa mid ka mid ah maansadi uurkummaanle. Shiiq Axmed kama warramaynin ammuur waagiisi taagneyday; balse waxa aw af Soomaali qeexan ku muujiyay waxyaabo dhici lahaay geeridiisi ka dambow. Gabyow waxa aw yiri, kuuma sheegoo:


Sanayaal haddii la joogo
Soomaaliweyn aa la saxiixi doonaa.
Soomaaliweyntaas saddex safay naqa doontaa:

° Saf inta seerada* gooyaan, ay suunleey* caano ku maali doonaan
° Saf na sarahaa lagu saamidi* doonaa
° Saf na uyugoo leh "Soomaaliyeey!" ay nafta silac ugu suuli* doontaa!

SAAMIDI

* saamidin: ilaalin, gaarhayn, waardiyeyn; koofiyadcas--bodyguard.

Rabti Xamar ahaayday, sidi dagaalooge badan aw mooryaan (jirri ama dayday) isugu meegaari jiray, horta wili ma xasuusataa? Mase horba waa iska illawday? Ama sida madaxweynaha naf-la-caarigaa ee gaariga gaashaaman ama guri derbiyadiisa la adkeeyay, ilaalintiisa na aad loo xoojiyay; iyo sida maxeeysatada Itoobiya aw isugu heeraaray usugoo ka baqowhaayo Soomaali, weliba na Soomaalida uga sii kalsooni badan Zenaawi, iyo Kibakiga afka yuuban. Ee odaygi Cabdullaahi Yey ahaay waa ku nafjecelidaas! Nafeey nin ku jecel bo, ku waay. Ar hooy dhaha, walleen sagaaro nama barato. Yaaw sheegaa dilki -- dhici, boobki, beenti, baaddi, leejo, isbaaro, kufsigi, munkarki, makrigi, mukulaal-madow, mooryaanti, Qanyare, Shiiraar, Suudi, Xabeeb, Waal, Xaaraankunaax, Beebe, Xaabsade, Madoobe, Caato, Caydiid, Qeybdiid, Ilqeyte, Hiiraale, Filinish, Cabdishufti, iyo bahalladi kale aanan meehaan lagu soo koobi kareynin magacyadoori oo dhan--ar yaw sheega in aw Eebaheey naga korshay. Madaaficicdi, Bii-Teen, iyo Hoobiye dambo na inaan laga cabsooheyn, yaw sheegaa hee Md Cabdullaahi Yuusuf? Ad bo kaaly oo madaxiisa gili. Soomaali ka cabsahaayo Soomaali kale, in aw walaalkiis kale ciseeyhaayo maahee, agtaanya, Maxkamaduhu meeheey joogaan, laga ma yaqaanno hadaan la joogo oon kula hadlowhaayo. Ha ku sheegin. Tu kale na waa wax dhammaaday: Qof ku fakahaayo ma juro, ina qof kale nafta ka siibo. Qofki qof isku dilo, usuga na waa la dilaa. Guri na isku qufuli maayo: barxaddi Barmuudo aa dirin malliiqaa ii taal; cawo gashow na, rabtaas aa waagu iigu beryaa. Baabbuur gaashaaman na isku awdi maa. Guri na isku dhex qamiiri maa. Eebbaheey aa na i saamidi doono; ka sukow ne eebbow Shariif--Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamka -- Allaaha ne ha iiga yaallo. Midowga Madaxaakiimta Islaamiga ne, madaxdoora iyo magcoora bo Eebeheey ha raajiyo. Cadowgoora na, meel walbaw joogo, ha jabo! Uyugaa i saamida.

I. SUUNLEEY

* suunleey: waa dhiil yar oo caanaha lagu shubto oo siddo, gar, harag ah iska leh--suun, xirig maqaar ah.

Xildhibaannadi qaarkood, midkood ba qool suun ah aw Tigrooni ku hogaamiyo, maahee, ma jiro midkood iskiisa isu garqaadi karo. Haddoo "suunleydi" aw Gabyow sheegay, dhiil kama wedin. Waxa aw ka hadlaayay shay ma ahayn ee waa shaydaanka Baydhabo ay hib ka tiri: Waa xildhibaanno kusheeg, waa wasiirkusheeg, iyo waa madaxweyne kusheeg, iyo duulka biriga la arkowhaayo oo qoolalka (mareegta) na u leh--sida eeyihii aw Amiin Caamir noo masawiray oo kale. Eeyuhu, xildhibaannada qaar, Amxaarku duulka aw ku soo direy na ka dabo boxboxleeyhaayaan amase qaniinaayaan. Gees kale minii laga dammoodo, suunleeyda bal isla haddana dhiishi oo kaleeto u arag: waxa ay kuu qaaddo ba waa dhaay yar asaanan lagu na hee dheregaynin: Dhulkoori ballaaranaay oo barwaaqada badnaay, iyo nimcadi Fardowso ay ku doorsahaayaan kis yar oo aan waari doonin, ee ka warran hee? Adduunka na ka dhuuntoora, aakhira na ka dhincoora. Allow aanan ifka eeynimo ku noolaanin; aakhiro na qoololki naareed qoorta la ii gelin.

II. SEER

* seer: soohdin, jiidda kala qeybiso laba walxood sida lammo dal ama lammo degmo, lammo gobol iwm.

Ka warran hee, haddii si furcaddiya aaw RW Cali Maxamed Geeddi noogu sheegay in ay jirin shacab Soomaaliyeed ooy Amxaaro gumaysato. Soohdin daleed, mid dadeed, iyo mid diineed ee Soomaali iyo Tigrooni kala sooci karto na ma jirto. Itoobiyo waa walaasheen nala dhalatay waaye: aw rabaa in aw na yeelsiiyo ina Maxaad Geeddi. Iigaarku, waa ku caqligaas. Fuurbonimada in aw Amxaarka ka soo bartaan u qabaa. RW Cali maahan nin yaqaan seerihi Abkeen dhigay mahaw ku yaal? Ilmanimadiisi, duqoo abootadey Xaliimo oo kale ahayday, sheekooyin run wehellaa madxiisa kuma milaalin.


III. SUULI

* suuli: waa musqul; maro suuf laga sameeyay oo gaduudan; dabargoyn!

Qashinkii adduunka, maalin gashow, aa dhulkaanyi loo soo raraa. Musqushi adduunka aa carrigeenni laga dhigtay. Meel kastood mar is tiraahdidi, calan gaduudan aa ku mudan: meehaan qatar waaye oo qashin bu'eed (qashin niyukiyaar) aa lugu duugay ee ka dheeraaw; rabtaan beer miinaa lagu abuuran ee kor ka mar oo haw dhawaan. Soomaalidi cudurro awsan Ilaahay ku jarribin, baahi, iyo geeri aa muf ka siiyeen. Sarihii dhulkaa la dhigay, dadki dhulka la gelshay--Soomaalidi runta aheed wax suulay (dhinteen ama seerihi gooyay) iyo wax silicsan oo "Soomaalinimadi wili u qabo baahi" aa ka hereen--shacab iyo Maxkamado meelo badan aw silic ka haysto. Saas ay tahay aa RW Cali Maxaad Geeddi aw hadda ne milif (maro) gaduudan madaxaanya ka kor taagay: Adduunki oo dhan aa bo nooga cabsoohaayo sidi inaan haysanno hub bu'eed ee ka warran! Adduunki dhammaay aa bo naga kala rooray. Argagixsaan naqannay. Inta Ilaahay taqaan asii gaal ya Amxaarka na neceb waa argagixiso. Dagaaloogeyaashi arladi baaba'sheen, uyuka Ilaahay na kama cabsaheenin, Soomaali na ceymi maheyn; sidaas awadeed na, adduunku na kuma sheegyn in ay ahaayaan argagixiso. Shiiqyaal unuka naga mid ah na suuli (maro, calan) aa korkooda laga taagay: taasu ma qof moog aa juro ee Seerihi Abkeey weli ba maanta ku dhex nool? Walleen igaarki walaalkey, Cali Maxaad Geeddi, mo ohoo hee waxa dhibkaas geysahaayo? Mase waa laysu ceebqaraa? Wax kaleeto bo yeelkadood, caasinimo intaas la'eg, anigu qof na ka qaraabokiili maa. An ceeb, iyo cadaab ma fadaaw, ma rabooy, ma doonahayo, dee dooni mayo. Ari eeboobow, ina Yeyow, ninkaygaan aniga ah, suuli ay gaaladu ku saxarooto noqon maayo uu.
.
.
A. M. Yusuf© ¦ wayeel@operamail.com
Garaacay: 13.10.2006 12:19:00

LA SOCO QEYBAHA SOO SOCODA ...


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD