Ra’isul
Wasaare Geeddi “Wadaad Xume Hore
ayuu tilmaamay Siyaad Barre,
maantana...
Siminaar socday mudo 14 Maalmood oo
kor loogu qaadayey aqoonta
Garsoorayaasha Soomaaliyeed ayna ka
faa’iidaysanayeen xubno garsooreyaal
oo ka kala socday Maamul Goboleedka
Punt-land, Muqdisho, Shabeelaha
Hoose iyo Degmooyinka hoos yimaada
Gobolka Baay ayaa gebagebadiis
Raysul Wasaare Geedi khudbad
taabanaysay dhinacyo kala duwan ka
jeediyey.
Siminaarkaan oo ahaa kii labaad ee ay soo qaban
qaabiyeen Gudoonka sare Maxkamada DFKMG iyo xubno aqoon durugsan u leh casharada
ay bixinayeen oo ka tirsan isla maxkamada sare ayaa ugu horeyn waxaa hadalo
kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFKMG Avv; Yuusuf Cali Haaruun
wuxuuna ka warbixiyey casharadii ay qaateen oo isugu jiray Dumintii Sharciga,
Shareecada Islaamka, Nidaamka Garsoorka, Isbar bardhig Shareecada Islaamka iyo
Qaanuunka Ciqaabta, Shuruudaha xulashada Garsoorka, Xeerka Ciqaabta iyo Xuquuqda
Haweenka oo gebagebadii si rasmi ah looga dooday.
Cali M. Geedi |
Maxamed S. Barre |
Raysul wasaare Geedi oo la hadlayey xunihii
garsoorayaasha waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay “ Gudoomiyaha ayaa ila
socodsiinayey hawlaha Siminaarka, mana filayn in Garsoor Soomaaliyeed oo intaan
la eg ay joogaan dalka, waxaadna ogaataan inuu Axdiga ku qoran yahay garsoor
madax banaan oo aan la caburin karin , mana jiridoonto in Wareegto madaxweyne
lagu kala bedeli doono, waxaanu joognaa xiligii la unkaayey Soomaaliya, cadow
badan oo dibada iyo gudahana waa uu jiraa, taasina waxaan ku wajahaynaa sidii
looga gudbi lahaa inagoo kaashanayna shacabka Soomaaliyeed, ayuu yiri Raysul
Wasaare Geedi isagoo hadalka siiwata waxaana uu intaa ku daray“waad og-tihiin
inaga iyo kooxda aan is hayno, waxaa maalmahaan badatay in caalamka laga gedo
inay nabad keeneen, waxaana u sheegaynaa in badeecad shati la’aan ah la
gadikarin, waxay keeneen waxaan u aragnaa Xizbi Shaati Qabiil soo gashtay,
shacabka hore uma ogayn dhibaatada ay u keeneen laakiin hada ayey ogaadeen” ayuu
yiri Raysul Wasaare Geedi.
Raysul Wasaare Geedi waxaa kale oo uu soo hadal
qaaday inuu hore u tilmaamay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre markii uu xukunka
hayey kaasoo ahaa Wadaad Xumo, laakiin markii uu sheegay lama fahmaynin ayuu
yiri waayo “wadaad xumo waa kan deriskiis iyo qaraabadiisa ay baahan yihiin,
isagana dheregsan, kaasina wadaad ma ahan”.
Mar uu ka hadlaayey arimaha garsoorka waxaa
yiri “ Garsoorku waa Tiirka aan ku tashanayno, waana hadafka dowlada, walina si
hagaagsan uma dhaqaajin oo waxaa inoo buuxa xabsiyada, iyadoo sababo kala duwan
ay inoogu xaniban yihiin dhaqaajinta garsoorka”. Sidoo kale Raysul Wasaaruhu
wuxuu ka hadlay arimaha haweenka iyo xuquuqdooda wuxuuna sheegay inuu
xuquuqdooda ilaalindoono, laakiin wuxuu yiri “waxaa soo baxay gabdho aad u
dheereeya”, waxaa warkaan noo soo diray Weriyaheena Max’ed Macallin (Allman).
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u soo
jeediyay inay si dhaqsi leh..
Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf Axmed oo si dhaqsi
leh ugu ambabaxay Dalka Itoobiya ayaa xalay la kulmay Ra’isul Wasaaraha Dalka
Itoobiya Miles Sanawi waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii Dowladda
Itoobiya ay gacan u siin laheyd Dowladda Federaalka ah.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday Dowladda Itoobiya sidii ay
ciidamo ugu soo diri lahayd Gudaha Dalka Soomaaliya, si looga hortago waxa ugu
yeeray kooxo argagixiso ah oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu
sheegay inay caqabad ku yihiin nabadgelyada wadamada geeska Afrika.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuu kalloo Dowladda Itoobiya ka codsaday
saanad milatari oo looga hortago is balaarinta Maxaakiimta islaamiga ah.
Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu kulan la yeesho Madaxda Golaha
Ammaanka iyo Nabadgelyada Qaaradda Afrika oo uu ka codsan doono in ay Soomaaliya
u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Wadamada Geeska Afrika, sidoo
kale waxaa la filayaa in uu u soo jeediyo in ay dadaal u galaan sidii
cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya si ay u fududaato in ciidamo
soo galaan Soomaaliya.
Culima’udiinka Bay iyo Bakool oo u hanjabay Dowladda Federaalka
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Culuma’u-diin ka
tirsan Gobalada Bay iyo Bakool ay soo saareen qoraal ay Dowladda uga digayaan in
ay Soomaaliya soo geliyaan ciidamo Itoobiyaan ah.
“haddii mar kale aan ku aragno deegaanadeena ciidamo Itoobiyaan ah waanu la
jihaadeynaa” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi oo Dowladda Federaalka ah looga dalbaday
inay si dhaqsi leh ku sii daayaan culima’udiinka u xir xiran ee ka soo jeeda
Gobalada Bay iyo Bakool.
“Dadweynaha Bay iyo Bakool si wanaagsan ayey u soo dhaweeyeen Dowladda, mana
ahan in loogu bedelo xarig iyo caga-jugleyn” ayaa lagu yiri qoraalkaasi oo u soo
jeediyey dadweynaha gobalada Bay iyo Bakool in ay ka digtoonaadaan kala qaybinta
lala doonayo in Gobalada Bay iyo Bakool lagu soo geliyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo
la doonayo in lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee mudada 16-ka sano ah Dowlad
la’aanta ahaa.
Waaxda Warfaafinta Maxaakiimta iyo Bahda
Saxaafadda oo kulan wada yeeshay..
Waaxda War-faafinta iyo Dacwada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo xubno ka socday
Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa shalay kulan ku wada yeeshay
xarunta Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho, waxaana
kulankaasi la iskula afgartay in mudo loo ogolaado Bahda Saxaafadda si ay uga
soo baaraandegaanq 13 qodob oo dhawaan waaxda warfaafinta ee Maxaakiimta
Islaamiga ah u soo badhigeen Bahda Saxaafadda.
Sheekh C/raxiim oo ay shir jaraa’id wada qabteen C/qaadir Walaayo oo wakiil ka
ahaa bahda warbaahinta ayaa sheegay in ay aqbaleen codsi ay u soo gudbiyeen
wakiilada bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la xiriirtay in ay ka soo tashadaan
13kaasi qodob ee ka soo baxay golaha maxkamadaha islaamiga oo loogu tala galay
in ay talo ka dhiibtaan masuuliyiinta warbaahinta. Sheekh C/raxiim Cali Muuday
ayaa isagu sheegay in ay aqbaleen in Hay’adaha Warbaahinta fursad loo siiyo ka
tashiga qodobaasi, isla markaana ay soo bandhigaan wixii ay dhaliilsan yihiin,
maadaama uu yiri aysan go’aan kama dambeys ah, isagoo sheegay in wixii ay Bahda
Saxaafaddu la imaadaan ay horgeyn doonaan Golaha fulinta ee Maxaakiimta
Islaamiga ah, kaddibna loo gudbin doono golaha Shuurada, waxa uuna Sheekh C/raxiim
beeniyay eedeymo horey uga soo baxay ururka Saxafiyiinta aan Xuduuda laheyn ee
fadhiguusu yahay magaalada Paris ee dalka France.
Ra’isul Wasaare Geeddi oo maanta la filayo
in uu Diinsoor kula kulmo Barre Hiiraale..
Warar hoose oo aan ka helnay Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geeddi maanta la filayo in uu gaaro degmada Diinsoor oo ka tirsan
gobalka Bay.
Sababaha uu Ra’isul Wasaruhu halkaasi u tagayo ayaa lagu sheegay labo waxyaabood
oo midda hore lagu sheegay inay tahay dhameynta khilaaf sababay in uu dib u dhac
ku yimaado maamul u sameyntii gobalada Bay iyo Bakool, sidoo kale warar ayaa
waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu degmadaasi kula kulmi doono wasiirka
Gaashaandhiga Barre Hiiraale oo isagu waayadan Ciidamo ku uruurinayey deegaano
ka tirsan Gobalka Gedo, iyadoo qaar ka mid ah maleeshiyadiisuna ay gaareen
Magaalada Saakow oo ka tirsan Gobalka J/dhexe, waxaana la sheegay in Ra’isul
Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga halkaasi ku kala war-qaadan doonaan.
Dhawaan ayaa Dowladda Federaalka waxa ay taakuleyn ciidan siisay Barre Hiiraale
si uu duulaan rogaal celis ah ugu qaado Magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose oo
dhawaan maleeshiyadiisu ay isaga soo carareen kaddib markii ay halkaasi gaaren
ciidamo ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Sheekh C/raxiim Muudey oo ka warbixiyey la
wareegida Maxaakiimtu ay la wareegeen Idaacaddii Afrikada Bari...
C/raxiim Cali Muudey oo ah madaxa Dacwada iyo Warfaafinta Maxaakiimta Islaamiga
ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababihii ay Maxaakiimtu u xiraan idaacadda
Afrika Bari, oo uu lahaa Bashiir Raage Shiiraar oo isagu ka mid ahaa raggii
aasaasay isbahaysigii Burburay ee argagixiso la dirirka isku magacaabay ee
dagaalka la galay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna sheegay Sheekh C/raxiim
in idaacaddaasi ay baahineysay war aan wanaagsaneyn oo wax u dhimi kara
nabadgelyada ka dhalatay Magaalada Muqdisho.
Sheekh C/raxiim ayaa sheegay in sababaha ay idaacaddaasi ay u xireen ay tahay in
ay baahin jirtay warar been abuur ah oo iska horkeenaya ummadda Soomaaliyeed,
isagoo tilmaamay in wararka ay baahin jirtay ay yihiin xaqaa’iqa ka dheer, sidoo
kale waxa uu sheegay Sheekhu in maamulkii hore idaacaddaasi horey looga
cirdeeyay oo loo dhiibay maamul aan waxba kala hubsan isla markaana waxay rabto
sheegta.
Hay’adda
Danwadaag Relief & Development Organization oo Deeq gaarsiiyey Dad soo barakacay
oo ku jira Xerada Boqol-ka Buush ee Boosaaso..
Updated | Oct 16, 2006
Hay’adda
Danwadaag Relief & Development Organization ayaa waxa ay deeq gaarsiisay dad soo
barakacay oo ku jira xerada 100-ka Buusha ee Magaalada Boosaaso ee Maamul
Gobaleedka Puntland.Hay’adda gaarsiisay deeqdaan dadkaas soo barakacay ayaa
fadhigeedu waxa uu yahay dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Leicester City,
waxaana deeqdaan guddoonsiiyay wakiilka Hay’addaasi ee Soomaaliya Maxamuud
Max’ed Xaaji, waxaana ka Guddoomay Odoyaal ku jiray xeradaasi oo uu horkacayey
Xaaji Siciid Cabdalla, sidoo kale Deeq waxbarasho oo isugu jirta Buugaag iyo
Qalamaan ayaa la gudoonsiiyey arday ku jirtay Dugsiyo ku yaala Magaalooyinka
Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, sidoo kale Hay’adda Danwadaag waxay Barnaamij lagu
afurinayo dadka Masaakiinta ah ka bilowday Xerooyin ay ku jiraan dadka soo
barakacay ee Magaalada Muqdisho, ma ahan markii ugu horeysay oo ay deeq noocaan
oo kale ah gaarsiiso dadkaas
Qof ka mid ah dadkii helay Deeqdaas ayaa yiri” Waxay noogu soo beegantay waqti
aan u baahanay” Hayadaan oo ah Hayadii ugu horeysey oo Deeq intaa la eg
gaarsiisey Gobolo ka tirsan dadka oo ay ku sugan yihiin dad dhibaateysan ayaa
masuuliyiintooda waxay noo sheegeen in ay sii balaarin doonaan Deeqdan isla
markaana ay gaarsiin doonaan Gobolada dalka
Haydan oo ah Hay’ad ay leeyihiin dad soomaali ah ayaa waxay kaloo noo sheegeen
in ay ka qayb qaadan doonaan Dhinaca waxbarashada oo ah mida ugu muhiimsan
maadaama caruurta aysan haysanin Tashiilaadkii ay uga baahnaayeen waxbarashada
Boqolka Buush ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku jira dad farabadan oo ka soo
barakacay Gobolada Dalka waxaana dhowr jeer xeradaas dhibaato ka soo gaartey Dab
qabsadey waxayna Haya’da sheegtey in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka
haysta Qoxootigaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia
oo iska casilay wada xaajoodka inuu u ahaado gudoomiya u dhexeya DFKMG Ah iyo
Maxkamadaha Islaamiga
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi kenyua
Shariif
Xasan Shiekh Aadan Gudoomiyaha Baarlamanka DFKMG ah oo ku sugan magaalada
Nairobi ee Caasimada kenya ayaa shaaca ka qaaday in oo iska casilay
gudoominta waftiga dawlada somaliya dhanka maxaakinta wada hadalka la leh ka
dib cadaadis ka yimid raisul wasaaraha somaliaya Cali Maxmed Geedi.
Arintan ayaa si aad ah u soo baxday ka dib
markii maalintii sabtida ahayd magaalada Nairobi ee caasimada kenya ay wada
hadal ku yeeshen maxakinta islaamiga ah ee somaliyeed iyo waliba dawlada
somaliya xunno ka tirsan oo uu magacaabay gudoomiyaha baarlamanka in ay si
KMG ah ula sii shiraan inta laga gaaryo kulanka wayn ee lagu balan sayahay
30ka bishan inoo dhaco xubnahaas ayaa waxaa kala hogaaminayay C/rixaan Ibi
iyo waliba Xildhibaan Dhuxulow taas oo uu raisul wasaaragha somalia Mr Gedi
ka biya diiday oo uu shegay in aysan matalinayn somaliya dawladedda .
Kulankii Nairobi ka dhacay maalintii sabtida
ahayd galinakii danbe ayaa waxaa lagu soo wada qaaday in 26ka bishaan aan ku
jirno magaalada Baydhabo e Xarunta KMG ah ee dawlada somalia ay ku shiraan
xubno ka tirsan maxaakinta islamiga ah e somaliyed iyo dawlada labada gudi
ee u qaabilsan arimaah hishiiskii khartuum dhawridiisa iyadoo sidoo kale la
isku afgartay in magalada muqdisho lagu kulmo kulanka baydhabo ka dib si loo
sii abna qaado wada hadalka taas oo ay ku gacan sayreen dawlada madax ugu
sareeyo Rw geedi .
Gudoomiyaha baarlmanka somalia Mr Sharif Xasan
ayaa waxaa inuu dawlada somalia u matalo wada hadalka khartum u magacabay
madax waynahs somalia C/lahi Yusuf Axmed ka dib markii dhawr jeer oo is daba
taal uu baqday shirkii khartuum balse iminka is casilaadiisa ayaa u mooqaada
mid dhabar jab ku ah wada hadalka u dhexeeya dawlada somalia ee ka talisa
magaalada baydhabo iyo nawaaxigeeda iyo waliba maxaakinta islaamiga ah ee ka
arimiya koonfurta somalia inteda badan.
Gudoomiyaha
Isbahaysigii ka talin jiray kismayo Bare Hiiraale ahna wasiirka Gaashaandiga
oo ciidamo wata oo degaanka Saakow gaaray.
Wararka naga soo gaarayo gobolada Jubooyinka
ayaa waxay sheegayan in Ciidamo uu horkayo Gudoomiyhii hore ee isbaysigii
dooxada juba ahna wasiirka gaashaandhiga dawlada somalia Bare Aadan shire
bare hiiraale ee ka arimin jiray magaalada Kismaayo ee dakada ah ee ku
xarunta u ah gobolka jubada hoose ayaa ay sheegayan in ay gaareen deegaanka
Saakoow iyagoo weerar ku ah magaalada kismaayo u ay iminka ar arimiyaan
maxakinta islaamiga ah ee somaliyeed ka dib markii ay la wareegeen magaalada
wareegid aan dhiig ku daadan .
Bare hiiraale ayaa ciidamadiisu ka soo jaan dhaqaajiyen magaalda Baar dheere
ee gobolka Gedo isagoo doonayo in oo mar kale gacanta ku dhigo magalada
kismayo oo uu ka arimin jiray ilaa 1999 --2006 mudu 7 sano ah ayaa waxaa oo
doonayaa in mar kale oo magaalada ku soo laabto iyadoo dadka u dhashay
gobolkasina ay ka soo horjeedaan ku soo labashadisa iyagoo tageero wayn u
moojiyay maxaakinta islamiga ah e somaliyed ee gobolada koonfurta somalia
inta badan ku haya gacanta .
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iminka iyadna ka
soo baxay ciidamo fara badan oo ka mar qaata maxakinta islaamiga ah ee
somaliyeed kuwaasi oo doonaya in ay magaalada ka difacaan dhaman cidii
weerar ku soo ah
Saacad waliba waxaa ka taagan gobolka Jubada Hoose cabsida dagaal ee ay
qabaan dadka ku dhaqan iyo diyaar garoowga ay wadaan ciidamada maxkamadaha
magaalada Muqdisho.
ugu danbaytii dadka ku nool gobolkaasi ayaa waxay cabsi ka qaban in dagaal
uu halkaasi ka dyano dhex mara ciidmada bare iyo maxakinta islaamiga ah ee
somaliyed oo iyagu magaalada ku soo celiyay nabad iyo xasilooni ka badan tii
hore ay ugu jirtay sida ay noo shegen dad ku sugan magaalada oo aan la
xiirnay maalmo yar ka hor.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi kenya
Sheekh
Cabdi Xasan Cumar: "Midowga Maxaakiimta waxaan ka codsaneynaa inay na
siiyaan gaadiidkii aan ku howlgeli lahayn"
Guddoomiyaha
Maxkamadda Islaamiga ee degaanka Arjantiin oo ka tirsan Degmada Kaaraan
Sheekh Cabdi Xasan Cumar ayaa ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee
degaankaasi oo ka mid ah degaanada ay sida weyn u saameeyeen dagaaladii
ka dhacay magaalada Muqdisho.
gudoomiyaha dagmada arjantiin Sheekh Cabdi Xasan Cumar
"Taariikhdu
markay ahayd 5/8/06 ayaa la furay Maxkamadda Islaamiga ah ee Arjantiin,
waxayna mudadii ay jirtay ku guuleysatay inay wax ka qabato caqabadooyin
dhowr ah oo heystay dadka degaankaas" ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda
Islaamiga Arjantiin oo intaasi raaciyay "Howlgalada aan sameynay waxaan
ku guuleysanay inaan qabano 180-ruux oo degaanka ka geystay dembiyo kala
duwan".
Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Arjantiin waxaa kale oo uu sheegay in
falalka ugu badan oo ciidamada nabadgelyada Arjantiin degaankaasi ka
suuliyeen uu ugu weyn yahay muqaadaraadka sida Xashiishka, wuxuuna
sheegay Guddoomiyuhu in bishan Ramadaan gudaheeda ay qabteen kooxo
burcad ah oo ku guda jiray falal kala duwan, kuwaas oo uu sheegay inay u
gudbiyeen Maxkamadda Degmada Kaaraan oo ay iyagu hoos tagaan.
Mar uu ka
hadlayay Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Arjantiin halka ay
taakuleynta ka helaan iyo qaabka ay ugu suurtagasho howlahooda ayuu
sheegay in gudashada waajibaadkood ay hortagaan yihiin dhowr caqabadood,
sida: Maxkamadda oo aan lahayn xabsi ay ku xirto maxaabiista ay soo
qabato, Gaadiid la’aan ka heysata sidii ay ugu suurtageli lahayd inay si
dhaqsi ah ku gaaraan goobaha ay ku sugan yihiin burcadda.
"Midowga
Maxaakiimta, Ganacsatada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ka
codsaneynaa inay na siiyaan gaadiidkii aan ku howlgeli lahayn" ayuu yiri
Guddoomiyaha oo sheegay in asaaska Maxkamadda Islaamiga Arjantiin ay ku
timid rabitaanka dadka degaanka oo qaati ka istaagay xaaladaha
nabadgelyo xumo ee uu degaanku hore u soo maray.
Sheekh
Cabdi Xasan Cumar Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga Arjantiin waxa uu si
faahfaahsan uga hadlay taariikhda degaanka Arjantiin, isagoo xusay in
degaankaasi u dhaxeeyay laba maamul oo mid kastaba doonayay inuu isagu
canshuur ka qaato, balse dadka degaankaasi ay si weyn uga hor yimaadeen
in labada dhinac midkood uu halkaasi ka taliyo, wuxuuna xusay in
degaankaasi ka qeyb qaatay isbedeladii ka dhacay magaalada Muqdisho si
buuxdana u taageeray Maxaakiimta Islaamiga ah.
Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@Hotmail.Com
Muqdisho Somalia
002521576666
002521653623
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct
16, 2006
Dugsiga Al-Nuur
ee Indhoolayaasha oo lagu qabtay maalinta Arragga iyo Maalinta Usha Cas...
Waxaa Dugsiga Al Nuur ee Indhoolayaasha lagu
qabtey labo xafladood oo mid ay ahayd maalinta Aragtida Aduunka oo ku beegneyd
12 Ocktobar iyo maalinta Usha Cas ayaa waxaa ka qeyb galay munaasabadaasi
qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntiiba halkaasi ka hadlay Ustaad
Ibraahiim Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur ee
magaalada Muqdisho si aad ah ugu dheeraadey qoraalka farta Brail-ka oo wax lagu
baro Indhoolayaasha taasoo laga joogo 200 oo sano “Waa nasiib daro in far soo
jirtey labo boqol oo sanno in ay maanta soo gaarto dalkeena”ayuu yiri ustaad
Ibraahim oo sheegay in aqoonyahano Soomaaliyeed oo wax ku soo bartey dibadaha
ayagoo indhaha la’ ayaa suurta geliyey in ay dalka ka furan Dugsi lagu barto
farta Brail-ka “Aniga waxaan ka mid ah dadka wax ku soo bartey dibadaha waxaana
maanta go;aansadey inan wax baro dadka indhaha la’ ayuu yiri ustaat Ibraahim oo
dadka ka qeyb galay Munasbadaas tusiyey sida loo qoro farta Brail-ka sidoo kale
dadka waxaa uu tusay kutub Quraan ah oo ku qoran farta Brail-ka oo uu ka
aqrinaayey Aayadaha Quraanka kaasoo si aad ah ula yaabeen dadkii ka soo qeyb
galay munaasabada maalinta Araga iyo maalinta Usha cas.
Inta ay socotey munaasabada ayaa ardeyda wax ka
barata dugsigaasi waxay dadka ku maaweelinaayey Nashiidooyin ka hadlayey
faaiidada waxbarashada.
Xafladaasi waxaa kaloo ka hadlay C/laahi sheikh
Maxamed Nuur asagoo qorey Buug ka hadlaaya farta Brail-ka iyo heerarka ay soo
martey iyo sida wax loogu baro caruurta, C/laahi sheikh waxaa uu sheegay in
sababta ku kaliftey buugaasi ay tahay si ugu kaalmeeyo dhinaca waxbarashada
wiilkiisa oo wax ka barta dugsiga Al nuur “waxaa igu qasbay inaan barto fartaan
si aan cunugeyga wax ugu tuso caruurta kalana wax ku baro” ayuu yiri C/laahi oo
u mahadceliyey dadka isku howshay furitaankii Dugsigaas.
Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka
Dugsiga Al Nuur C/ fitaax Maxamed Daahir oo si aad ah ugu dheeraadey heerarka uu
soo marey Dugsiga Al--Nuur iyo maalinta araga waxaa uuna sheegay in sababta loo
sameeyey maalinta araga ay tahay si dadka indhaha la’ ay u soo bandhigaan
waxyaabihii ay barteen iyo sidii kaalmo loogu fidin lahaa waxaa uuna u
mahadceliyey dhamaan Hayadihii Ganacsatadii gacanta ku siiyery furitaankii
dugsiga waxaa uuna sheegay in la furay 21 dii bisha 7- 2005 waxaa uu si gaar ah
farta ugu fiiqey Jaaliyada Soomaliyeed ee Magaalada Birmingham ee cariga
Igiriiska, shirkada Hormuud, shirkada Al- Towba, Muasasada Imaamu shaafici,
shirkada Jubba Air ways, shirkada Telecom Somaliya, Muslim/ AID UK iyo
shaqsiyaad kheyr jecel ee Soomaliyeed waxaa uu sheegay C/fitaax in ujeedooyinka
loo aasaasey dugsi uu yahay in la helo jiil indha la’ oo awood u leh inay wax
qoraan waxna akhriyaan,waxbarashadana si siman ula wadagaan asaagooda indha leh,
in la tababaro dadka indhaha la’a, inuu ku wacyigeliyo Dugsiga bulshada dadka
indhaha la’a hadii la diyaariyo loona tababaro inay baahidooda daboolan karaan
bulshadoodana wax u tari karaan.
XafladaAsi oo si heer sare ah loo soo agaasimay
ayaa waxaa lagu soo bandhigay qalabka wax lagu baro caruurta iyo waliba Usha ay
adeegsan karaan marka ay soconaayaan.
Halkudhigyada dugsiga ku dhegnaa waxaa ka mid ahaa
ku shugri nimcada araga ee ilaah kugu maneystey uguna Gargaar kuwa nimcadaasi ka
maqan tahay, Al Nuur aad SI asaagaaga ula jaanqaadid.
Cinwaanada dugsiga
indhhoolayaasha al nuur
Tel 002521-218433
Tel 002521-856308
Tel 002525-929781
Tel 002521- 511979
Fax:- 002521-216370
E-mail:-somliblind@hotmail.com
E-mail Amfarah231@hotmail.com
Web-site www.somaliblind.org
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
Oct 14, 2006