SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO

Xisbi Cusub oo lagu Dhawaaqay.

Khudbadii furitaanka Xafiiska 1aad ee Xisbiga UNNUG, Galkacyo


Ururka Nabadda iyo Nolosha Umadda Gayigeenna (UNNUG).

Bismillaahi Raxmaani Raxiim     

 Taariikh:- 13/10/2006. 

KU: Dhammaan Isimada iyo Cuqaasha  Puntland.                                             Fadhiyadooda.

KU: Dhammaan Culimaa’u diinka iyo aqoon yahanka Puntland.                         Fadhiyadooda.

KU: Dhammaan saxaafadda iyo warbaahinta  madaxa banaan ee

      dalka iyo dibaddiisaba.                                                                            Fadhiyadooda.

OG: Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland.                                                 Fadhiyadiisa.

UJEEDDO:- Furitaanka Xafiiska 1aad ee  Xisbiga UNNUG. 

Walaalayaal,

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca dhamaan aasaaseyaasha, xubnaha iyo taageereyaasha Xisbiga UNNUG waxaan mas’uuliyiinta iyo Bulshada sharafta leh ee caawa isugu timid munaasabaddaan ku salaamayaa salaanta qiimaha badan ee Ilaah inoo asteeyey waxaanna idin leeyahay Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu. 

Salaan kadib, waxaa mahad iska leh Ilaaha ina abuurtay inakuna mannaystay nimcooyinka aynu ku sugan nahay ee aan la soo koobi karin, waxaanna Ilaah ka rajaynaynaa inuu isu imaadkeenaan mid khayr ka dhigo, wixii khayrku inoo ku jirona ina waafajiyo, naxariis iyo nabadgalyona Rasuulkeenii suubbanaa dushiisa ha ahaato.

Walaalayaal,

Intaas kadib, jiritaanka Xisbiga UNNUG waxaa magaalada Gaalkacyo lagaga dhawaaqay 26/8/2006, caawana waxaa inoo suurtagashay inaynu furno Xafiiskii ugu horeeyey ee Xisbiga, ku dhawaaqista Xisbiga iyo furitaanka Xafiiskiisa 1aad oo labaduba ka dhacay magaalada Gaalkacyo  waa guul u soo hoyatay Puntland, Gobolka Mudug iyo magaalo madaxdiisa gaalkacyo, waayo arintaani waa arin sharci ah oo Puntland qiimo badan kusoo siyaadin doonta hadduu alle idmo, Gobol walbaana horumar iyo dib u dhac wuxuu dalka intiisa kale la wadaago isagaa diiwaanka loogu qoraa. 

Sida la wada og yahay Gobolka Mudug wuxuu Somaliya inteeda kale caan kaga yahay inuu ka hor baraarugo dalka intiisa kale, islamarkaasna Bulshowaynta reer Mudug iyagoo aan degmo degmo iyo qays qays kala lahayn  waxay sharaf iyo taariikho badan oo heer qaran ah ku heleen inay farta ku fiiqaan hadba meesha goldaloolada ah ee ummadda Soomaaliyeed cadawgoodu ka dagayo, sidaas darteed,  inkastoo aasaaseyaasha Xisbiga UNNUG aysan reer Mudug kaliya ahayn lana doonayo in Puntland oo dhan lagu baahiyo, haddana waxaa Gobolkaan nasiibkiisu siiyey in la isla qaatay in Xisbiga Gaalkacyo lagaga dhawaaqo Xafiiska ugu horeeyana laga furo. 

Walaalayaal,

Munaasabaddaan caawa waxaa loo sameeyey furitaanka Xafiiska 1aad ee Xisbiga UNNUG sidaasuuna Xafiisku caawa wixii ka dambeeya inooku furan yahay, Ilaahna  waxaan ka rajaynaynaa inuu ka dhigo mid wax san ku soo kordhiya Guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna Puntland, ujeedooyinkii loo aasaasayna ay noqdaan kuwo lagu guulaysto, waxaan kaloo jeclahay  anoo ka faa’iidaysanaya fursadaan qaaliga ah ee aynu caawa isugu nimin inaan ka hadlo laba qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah: 

  1. Nidaamka Xisbiyada badan waxtarka ay leeyahiin iyo badalkooda hadduu wadanka hal Xisbi iska haysto waxa dib u dhac ku jira.
  1. Inaan Bulshada reer Puntalnd iyo ciddii kaloo ay khusaysaba  halkaan u mariyo baaqyo ku saabsan marxaladda guud ee aynu ku sugan nahay, waana sidan iyagoo aan midba gaarkiisa uga hadlayno.

Haddaynu ku hormarno qodobka 1aad walaalayaal  Xisbi walbaa wuxuu leeyahay qorshe iyo siyaasad uu ku shaqeeyo iyo xubno dhexdiisa ku firfircoon, xukunkana mar haddaan Kitaabka alle wax laga fiirinayn ee dad caqligi iyo wax la qorqortay ay yahiin waxa wax lagu hagayaa  waa khasab in Xisbi kasta oo dal u taliya Bulshada qaar ka mid ahi ay ka biyo diidaan sida Xisbigaasi hawlaha dalka u maaraynayo, oo ay iyaga ula muuqato in si sidaas ka duwan hawlaha loo maareeyo. 

Sidaas darteed, haddaan Xisbigaas mooyee Xisbi kale jirin, dadkaas aan kor kusoo sheegnay fikirkoodu wuxuu noqonayaa mid cabursan, taasina waxay keentaa arimahaan hoos ku qoran oo dhamaantood Bulshada dib u dhac iyo khasaare u keeni kara kuwaasoo kala ah: 

  • 1.      In xubno badan oo dalka wax ku soo kordhin lahaa marka Xisbiga talada haya qorshihiisu u cuntami waayo meel kaloo ay taladooda ku soo gudbiyaana loo diido  ay fikirkoodii iyo wax qabadkoodiiba la aamusaan, halkaasna Bulshadu waxyaalo ay qabsan kartay kaga habsaanto,  ama arimo la maarayn karay haddii loo dhan yahay habsaanka kooxahaas dartiis loogu khasaaro.

  • 2.      In xubno iyo qayb Bulshada ka mid ahi marka fikirkooda la caburiyo oo kooxi talada iska marooqsato ay cadaawad qaadaan taasina ay u gayso inay dalka mucaarad hubaysan ku noqdaan,  ayna keento inay soo kaashaadaan qaaruumo iyo Dawlado dalkaas iyo dadkaas cadaw u ah, halkaasna laga dhaxlo fashil iyo burbur guud oo dalkaas ku dhaca sidii Somaaliya ku dhacday oo kale.

  • 3.      In kooxdaas cabursani aysan dagaal hubaysan qaadin balse nacaybka ka dhashay caburka ay qabaani uu ku xambaaro inay dalka sirtiisa u gudbiyaan umado cadaw ku ah Dalkaas, halkaasna ay ka dhalato khasaare guud oo qarankaasoo dhan ku habsada, sidii Ciraaq ku dhacday.

  • 4.      dhanka kale, in kooxda talada haysaa markay waayaan wax ka gees hadla ay ka baaqsadaan horumarinta dalka, islamarkaasna ay jeebka isaga shubtaan hantidii qarankaas wax loogu qaban lahaa, halkaasna ay Bulshadu kala kulanto dayac dhan kasta leh, sidii Mambuto seseseco waa Madaxwaynihii geeriyooday ee dalka hadda la yiraahdo Congo Dimoqaraadi iyo dadkiisii ku dhacday, ee dalkiisu ka mid noqday dalalka Aduunka ugu hodonsan dadkiisuna ka mid noqdeen dadka Aduunka ugu saboolsan, isna ka mid noqday xubnaha tirsan ee Aduunka ugu hantida badan, kadib markuu iska rartay khayraadkii dalka kaligi.

  • 5.      In kooxda talada haysaa iyagoo xeerinaya inay awood u heleen sii joogista Xafiiska ay dadka kala diriraan horumarka gaar ahaan dhaqaalaha, halkaasna uu dalku ku noqdo dal aan horumar lahayn sidaasna shacabkaasi ku noqdo shacab ku dul bakhtiya dusha khayraadkii dalkooda oo laga garbaduubay, sida dalka Itoobiya ee wabiyada, macdanta kala duwan iyo beeraha  Ilaah ku mannaysta haddana beeraleeydiisu arradka iyo cagacaddaanta la liitaan sanadwalbana gaajada loogu le’do, isla markaasna maanta dhalinyaradii Itoobiya ay Badda cas ee Soomaaliya iyo Yaman u dhexaysa boqol boqolka ugu dhintaan maalin walba iyagoo ka cararaya gaajo iyo caburin wada jira.

Walaalayaal,

Habsaanka iyo dib u dhaca ay leedahay kali talisnimadu hal mar lamasoo koobi karo, balse intaasaynu kaga gaabsanaynaa, haddana aynu fiirino waxa horumar lagu gaaro ama ay sababi karto hadduu dalku leeyahay Xisbiyo badan iyo siyaasad furfuran, iyadana waxaynu kasoo qaadanaynaa dhawr qodob waana kuwaan:

  1. Walaalayaal, markay dal ka jiraan Xisbiyo badan waxay keentaa in dadka ay ku jirto hanka siyaasaddu ku wada qancaan ka shaqaynta siyaasadda dalka oo qofkii Xisbi qorshihi ka biyo diidaa uu galo mid kaloo  uu ka door bido, taasina waxay keentaa in Bulshadu aysan la habsaamin wax fikir, cilmi ama xoog ah oo ay dalkeeda ku siyaadin karto.
  1. Hadday jiraan Xisbiyo badan waxaa khasab ah inay jiraan doorashoyin taasina waxay sababtaa inay Xisbiyadu u tartamaan horumarinta dalka iyo kor u qaadista adeegyada Bulshada iyadoo Xisbi walbaa  uga golleeyahay in dadku doorto marka tartanku yimaado.
  1. Xisbiyada badani waxay ilaaliyaan dhaqaalaha dalka oo hadduu Xisbiga talada hayaa ku jawr falo maamulka dhaqaalaha dalka  waxaa fiirsanaya islamarkaana ku ceebaynaya Xisbiyada mucaaradka ah, oo dantoodu tahay inay dadka nacsiiyaan Xisbigaas oo doorashada dhaw iyaga la doorto.
  1. Xisbiyada badani waxay kaloo fududeeyaan in Bulshadu si xor ah wax u tabcato oo aan dhaqaalahooda Dawladdu sharaysan, halkii Xisbiga kali taliska ahi dadka dhaqaalaha kala dirirayey.
  1. Markay jiraan Xisbiyo badan waxaa meesha ka baxaysa in mucaarad hubaysani dalka ka dilaaco, ama sirta qarankaas cadawga loo gudbiyo, waayo cid cabursani ma jirto.
  1. Nidaamka Xisbiyada badani waxay keenaan in dalku yeesho sir xafidan, isla markaasna loo tartamo horumarinta dalka dhankay doonta ha noqotee, waxaana tusaale arintaas u ah wadamada maanta horumarka gaaray ama dhaqaale ha ahaato ama cilmi ha ahaatee waa kuwa xaliyey khilaafkii gudahooda ahaa kana tanaasulay nidaamka kali talisnimada ah, kadib markay arkeen inaan wax dan ah lagu gaarayn kursi jeclaysiga iyo kali talisnimada.
  1. Xisbiyada badan oo marba mid talada qabto kuwana mucaaradka yahiin hadba kan mucaaradka ah waxaa u muuqata meesha Xisbiga talada hayaa arinta ka asiibay iyo meesha uu ka il duufay intaba, taasina waxay keentaa inuu isna markuu talada qabto intii kii hore ka il duufay toosiyo oo halkaas shaqadii ku noqoto mid ebyan oo qoloba qayb qabatay.

 Haddaan intaas ku soo koobno is barbar dhigga kalitalisnimada iyo talowadaagga, sidaad la socotaanba dalkeenu wuxuu ku jiraa xaalad qalafsan dhankii laga eegaba, waxaana cad in maamulkeenu uu gabay xilkii ka saarnaa mishkiladaha horyaal, waxayna u shaqaynayaan qaab aroor ma aragtonimo ah iyagoo isku maaweelinaya waxyaalo dhalanteed ah. 

Walaalayaal,

Shacabkeenuna wuxuu ku sifoobay shacab iska hurda oo aan meel lamarayoba ka warqabin, waayo waxaa lagu jiraa  xaalad qalafsan mana muuqdo dareen shacab oo arintaas la jaanqaadi karaa, qalayfkaasi wuxuu  isugu jiraa saddex qaybood oo kala ah, marxaladda ku saabsan khilaafka iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira oo hadda ay ka soo cusboonaadeen colaado  hor leh kuwaasoo la yimid tabo cusub oo aan horay u jirin, marxadda labaad waxaa weeye maamulkeena oo noqday mid fadhiid ah oo aan bulshada waxba ugu oolin islamarkaasna aysan muuqan wax ifafaale is badal ah oo uu soo wadaa. 

waxaana khatar loogu jiraa inay keento fashil guud oo inaku dhaca magac ahaan iyo maamul ahaanba, cabsida sadexaadna waxay tahay gumaysiga casriga ah oo dib loosoo abaabulay oo fara kulul inaku haya khatarna ku ah jiritaankeena oo dhan, kasoo ka imaanaya dalalka reer Yurub, Ameerika iyo wadamada dariskeena ah ee afrikaanka ah intaba. 

Walaalayaal,

Sidaad la socotaan umadda Soomaaliyeed oo mudda 16 sano ah ku jirtay dagaalo iyo dayac dhan walba leh oo Dawlad la’aantu keentay ayaa sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyey Ciidamo shesheeye oo dalkeena waxna joogaan waxna suxul duub loogu jiro siday ku imaan lahaayeen, Ciidamadaas oo la hubo in haddaan laga hor tagin ay raad xun ku reebi doonaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira wax dalka lagu sheegay aanse la hubin cidda lagu eedaynayaana aysan qirsanayn waa kuwa lagu eedeeyey qolyaha Maxkamadaha ee koonfurta Soomaaliya badankeeda gacanta ku dhigaye, kuwa labaadna waa kuwa dalka Itaabiya ee Puntland iyo meelo kaleba jooga oo la qirsan yahay gaar ahaan kuwa Puntland jooga, kuligoodna waxaa la hubaa inay yahiin tabcooyin iyo hagardaamo xun oo Dadkeenna iyo dalkeenna lala doonayo. 

Walaalayaal,

Shacabka Puntland ee sharafta leh waxaan la socodsiinaynaa in xaalku meel adag marayo, loona baahan yahay in indhaha si fiican loo furo, waxaanna soo jeedinaynaa in saddexda qodob oo aan kor ku soo sheegnay, midba gaarkiisa loola tacaalo, iyadoo loo kala qaadayo sidaan hoos ku qoran: 

1.      In maamulka Puntland lala xisaabtamo iyadoon cidna loogu darnaanayn cidna loogu roonaanayn ee ay arintu tahay kaliya cid wax loo dhiibtay oo lala xisaabtamayo,  xooggana la saarayo arimaha nabadgalyada ee gudaha Maamulka iyo tan xuduudaha ee hadda ay xiisaduhu ka taagan yahiin, laguna xijinayo arimaha Bulshada iyo wixii laga qabtay, xisaabtaas wixii kasoo baxana lagu camal falo. 

2.      Dalkeenu wuxuu ku jiraa 16 sano oo Dawlad la’aan iyo bur bur ah, maantana caqliga nadiifka ahi wuxuu inoo sheegayaa in la joogo wakhtigii ay Soomaalidu danteeda garan lahayd, iskana ilaawi lahayd waxyaalaha ay ku habsaantay, islamarkaasna caqli kuma salaysna dagaalo hor leh oo dalkeenna kasoo cusboonaadaa, balse haddii ay jirto cid wali hamuun u qabta dhiig Soomaaliyeed oo macne darro u daata oo sidaas weerar la’inooku soo qaado waa inaynu iska difaacnaa inagoon u kala harin, sidoo kale, waa inaynu ka fogaanaa wax dhib abuur ama colaad  ahi inay xageenna ka tagaan, waana inaynu ka shaqayno sidii Soomaaliya dhibkeeda loo xalinlahaa loona heli lahaa Dawlad hanata dalkeena oo dhan oo raali laga wada yahay. 

3.      Shacabka Puntland waa inay isha ku hayaan khiyaamada iyo dabinka shisheeyuhu u dhigayo Soomaaliya oo dhan, Soomaalina waa inaan dhankeena laga soo galin, waayo waxa Soomali ka dhexeeyaa waa wax aduunka oo dhan ka dhaca oo umad wax ka dhexeeyaan inay is qabato waa dhacdaa, balse ciddii rabta inay kuligeen ina mijo xaabiso waa in laga hor tagaa il dheerna loo yeeshaa. 

Walaalayaal,

Sidaas darteed, anigoo ku hadlaya afkayga, afka aasaaseyaasha Xisbiga iyo afka shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa Ciidamada ajnabiga ah ee jooga guud ahaan dalka Soomaaliya cidday doonaan ha ahaadeene inay nooga baxaan dalkayaga, waayo Soomaaliya dhib iyo dheefba iyadaa isugu filan, Ciidamadaas shisheeye hadday ku sii adkaystaan joogidda dalkayaga waxaan u sheegaynaa in shacabka Soomaaliyeed uu xaqiijindoono difaaca dalkiisa iyo diintiisaba qiimo kasta haku qaadatee, cid kasta oo Soomaaliya ku soo duushaana waxaa la hubaa inay khasaare kala laaban doonto. 

Ilaah waxaan ka baryeynaa inuu umadda Soomaaliyeed dhibka haysta ka dul qaado, taladana uu ugu dhiibo ciddii khayrku ugu jiro, islamarkaasna uu ka badbaadiyo khiyaamooyinka shisheeyuhu u dhigayo ee ay iyagu isaga hurdaan.

 

Wabillaahi tawfiiq. 

Maxamuud Xasan Aw- Aadan.
Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Nolosha Umadda Gayigeena (UNNUG).
Email:
awaaden@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD