Ciidamo ka socday Maxaakiimta islaamiga oo
Dhoola tusk u sameeyey …
Waxaa shalay jidadka waaweyn ee Magaalada Muqdisho
lagu arkayey gawaari Tikniko ah oo ay saaran yihiin ciidamo ka socda Maxaakiimta
Islaamiga ah.
Ciidankaan oo ku labisnaa Tuutaha ciidamada lagu
yaqaano, waxaana goob kasta oo ay marayeen si weyn ugu soo dhaweynayay dadka
Soomaaliyeed, lamana garanayo sababihii ay shalay dhoolatuska u sameynayey,
balse warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaasi ay ahaayeen ciidamo uu tababar
ugu soo dhamaaday xerada Hiilweyne waxaa la filayaa in ay dhawaan hawlgal ka
sameeyaan Magalada Muqdisho oo la xiriira hub uruurin, halka ay warar kale
sheegayaan in ciidankaan loo diyaariyey sidii ay dalka uga difaaci lahaayeen
ciidamada Itoobiya ee maalin walba soo galaya gudaha dalka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Maxaakiimta islaamiga ah
Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa waxa uu sheegay dhawaan hubka yaala Magaalada
Muqdisho ay Maxaakiimtu uruurin doonaan, sidoo kale sheegay in wixii nabadgelyo
ah ay Maxaakiimtu damaanad qaadeen, isla markaana aysan ogolaan doonin cid dambe
oo hub ku dhex wata Magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale ee Dalka, balse lama
sheegin waqtiga uu bilaabanayo hawlgalka hub uruurinta.
Khilaaf u
dhexeeyey mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada oo la xaliyey…
Waxaa waayadan khilaaf u dhexeeyay Xeer ilaaliyaha
guud ee qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa
uuna khilaafkaasi ka dhashay qaabka ay u wada shaqeyn karaan labadaasi mas’uul.
Guddi ka kooban xubnood ayaa loo saaray inay
xaliyaan khilaafkaasi, waxaana shalay la soo afjaray wixii khilaaf ah ee u
dhexeeyay labadaasi mas’uul.
Sidoo kale waxaa guddi loo saaray khilaaf isna soo
kala dhex galay Wasiirka Cadalaada Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobey)
iyo Guddoo-miyaha Maxkamadda Sare, khilaafkaan oo la sheegay in uu ka dhashay
qaabka loo baarayo dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Cabdala Deerow Isaaq
iyo Kiisas kale oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Guddigaan ayaa la filayaa in maanta ay isa soo hor
fariisiyaan labadaasi xubnood iyagoo ka dhageysanaya waxyaabihii dhaliyey
khilaafkooda, waxaana guddigaasi ku jira Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dowladda
Federaalka Ahna wasiirka arrimaha guddaha Xuseen Caydiid.
Tacsi
Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Leicester, waxey tacsi u
dirayaan qoyski iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee
Wasiir kuxigeenki Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Dr. Mire Xaaji
Faarax iyo Duqi Magaalada Gaalkacayo Xuseen Jaamac Yabaq.
Jaaliyaddu waxa ay leeyihiin sabir iyo iimaan allaha ka siiyo qoyasaski
iyo eheladi ay ka geeriyoodeen, iyagana allaha ka waraabiyo janatul
fardowsa. Aamiin Allaha aqbalo.
Tacsiyada waxa diraya dadka kala ah: -
Maxamed Cabdixaliim Osman
Yaasiin Daahir Muuse
Axmed Mohamed Dhalacade
Faisal Abdalle Bidaar
Shiikh Cabdalle Mohamed
Jaamac shiikh Cusmaan
Maxamed Diiriye Laalac
Sharmaarke Cabdullaahi Buule
Abdifataax Guure
Cabdulraxmaan Xaaji Daarood
Cabdiwali Barre Adag
Cabdullaahi Suudi
Bashiir Maxamed Dayib
Warsame Maxamed Saciid
Cabdixakiim jaamac Jooje.
Dhammaan ummadda Soomaaliyeedna waxaanu leenahay allaha idinka sabir
siiyo.
By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Tacsi
1 Engr Mohamed abdi said (sagac)
2 mohamed salad said (bidhii)
3 c/rashid omar ismail (sanwayne)
4 ,muqtaar sicid yaasin (ciro)
5 yusuf aman shire (faatax)
6 yusuf Mohamed said (xanaf)
7 jamac omar mohamud (xanaan0)
8 iidle mohammed shire (alkha)
9 c/kaafi mire adan (cobol)
10 omar shire yusuf (sinyeerka)
11 ENgr mohamed suhuur (sujuur)
12 c/risaq ugaaska
13 , Mohamed mire jaamac (xaajiga)
Dhaaman dadkiisa oo ah arday wax ka barata wadanka hindiya waxay tacsi
tiiraanyo leh u dirayaan reer haaji farah geeridii ku timi marxuun
xildhibaaan mire haji farax and was vice minister finance waxaa leee
nahay ilaahay ha ka siiyo samir iyo imaan dhamaan qoyska reer xaaji
faarax gaar ahaan reer mire haaji faarax
Ilaahna waxaan uga baryeyna inuu janadii fardawso ka waraabiyo
Aamiin amin
By: Engr Mohamed abdi said (sagac) hydrabad India
sadaam1991@hotmail.com
|
Gacan ku dhiigle shalay lagu tooktay Fagaaraha
Dugsiga sare ee Booliska..
Waxaa maalintii shalay ahayd Fagaaraha Dugsigii
Sare ee Booliiska lagu tooktay gacan ku dhiigle Mahad Cusmaan Ugaas oo bishii
Agoosto magaalada Muqdisho ku dilay Marxuum la oran jiray Cabdi Aadan Siyaad (Ukurow).
Gacan ku dhiglahaan oo dhowr jeer dib loo dhigay
dacwadiisa ayaa aakhiritaankii waxaa loo saaray guddi garsoorayaal ah waxayna
iyana caddeeyeen in gacan ku dhiiglahaani uu dilay ninkaas ganacsada ah uuna u
dilay taleefanka Gacanta awgiis.
Xukunka qisaasta ah
oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa amniga goobta si weyn u
sugayey ciidamo ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaa markii labaad oo
fagaraasi lagu dilo gacan ku dhiigle dad horey u dilay.
Labo
mas’uul oo ka geeryootay Dowladda Federaalka
Waxaa maalintii shalay ahayd maydkiisii loo qaaday
Magaalada Nayroobi Wasiir ku xigeenkii Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Cabdi
Mire Faarax kaddib markii uu mudooyinkaan ku xanuunsanaa magaalada Baydhabo oo
xarun u ah Dowladda Federaalka ah.
Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa u geeyooday cudurka
Dhiig-Karka waxaa maydkiisa sii raacay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Federaalka, waxaana isla shalay lagu aasay magaalada Nayroobi, sidoo kale waxaa
Magaalada Baydhabo ku geeryooday ku xigeenkii xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka
AVV. Caraaye oo isna la sheegay in uu u geeryooday cudurka Dhiig-Karka.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Ayaa tacsi u
diray qoysaskii ay ka kala geeryoodeen labadaasi marxuum waxayna Allaah uga
baryeen in Janadii Fardowso ka waraabiyo.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Maydka
Wasiir ku xigaynkii Maaliyada oo Nairobi la keenay si loo baaro sababaha keenay
geeridiisa.
Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya la
keenay Subaxnimadii Jimacada maydka Marxuum Mire Xaaji Faarax wasiir kuxigeenka
Maaliyada oo xalay magaalada Baydhabo ee xarunta DFKMG ku geeriyooday
isbitaalka magaalada baydhabo ku geeriyooday .
Marxuumka ayaa waxaa ay qaraabadisu sheegeen inuu in muddo ah dhinaca wadnaha ka
xanuunsanaa oo aysan xaaladiisu ahayn mid caadi ah isagoo halkaasi la dhigay
balse dhaqaatiirdii joogtay isbitalka aya shegay inaysan wax daawo ah u qorin oo
uu dhintay ka hor inta aan la barin waxaana uu noqon mudanihii labaad oo ku
geeriyooday magaalada baydhabo kana tirsan golaha wasiirada tan iyo markii ay
dawladu dagtay magaalada baydhabo.
Ehelada Marxuumka ayaa waxay saxaafada u
sheegeen in baartaan dheeraad ah lagu samayn doono magaalada Nairobi isbtaal ku
yaal sabaha keentay geeridiisa iyadoo lagu wado in lagu aaso magaalada boosaaso
ee xarunta gobolka bari sida ay sheegeein dad ku dhaw dhaw marxuumka geeriyooday
.
Duqii Dagmada Galkacyo Marxuum Xuseen
Yabaq ayaa Jimcadii hiirtii hore ee waabariga ku dhintay Nairobi.
Waxaa Jimcadii hiirtii hore ee waabariga
magaaalada Nairobi isbitaal ku yaal ku geeriyooday duqii dagmada Galkacyo
Xuseen Jaamac Cabdi Yabaq oo in dhawaale ku xanuunsanaa magaalada Nairobi
isagoo magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka mudug mudu iminka laga joogu
bil iyo dhawr maalin laga soo qaaday .
Duqa Dagmada Galkacyo Xuseen Jaamac Yabaq ayaa
waxaa uu ahaa nin si wayn looga yaqaanay gobolka mudug isagoo tan iyo makii
la aasaay 1998kii waxaana uu si aad ah ugu dhawaa madax waynaha somalia
Mudane C/laahi yuusuf Axmed isagoo ka mid ahaa 1980skii ragii aas aasay SSDF
ee ka soo horjeeday dawladii somalia ee madax waynaha uu ka ahaa marxuum
Maxamed Siyaad Barre .
Waxaa oo ka mid ahaa markii oo dhacay
dagaalkii sokeeye 1991 ilaa 1998 dadkii sida adag ugu ololeeyay nabad ku soo
calinta gobolka mudug isagoo 1998 noqday gudoomiyaha dagmada gaalkacyo tan
iyo xiligaasina hayay waxaana junwry 15dii ee 2006 mar kale loo doortay
Duqa Degmada Galkacyo ka dib markii laga bilaabay.
Dunida ayaa waxaa uu uga tagay 2 xaas ah iyo 6
caruur ah oo uu dhalay oo 2 ka mid ahi ay yihiin gabadho halka 4ta kale ay
yihiin wiilal.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Faa faahin Somali Talk
Jaamacada
Nugaal: Dhisida Xarun Cusub 2006-2007
Intii ka dambeysey burburkii ku habsadey
Soomaalida 1991, waxa dhumey tacliintii hoose iyo midii sareba dhamaan dalka
oo dhan. Si dib loogu soo celiyo waxbarashada luntey waxa u guntadey dhamaan
dadka Soomaaliyeed kuwa dibada jooga iyo kuwa gudaha joogaba. Warqadan waxa
aanu kaga hadli doonaa dhisida xarunta cusub ee Jaamacada Nugaal ee ku taala
magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, Soomaaliya. Waxa kale oo aanu ku
qaadaa dhigi doonaa: taariikhda jaamacada, marxalada hada ku jirto jaamacada,
iyo hindisaha cusub ee lagu dhisi doono xarunta cusub ee jaamacada Nugaal....
Akhri...
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
13 October 2006
Qaramada
Midoobey oo ku baaqday inaan la celinin qoxootga Itoobiya.
======================
Qaramada
Midoobey oo ku baaqday inaan la celinin qoxootga Itoobiya.
Hay¢adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR ayaa
maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ugu baaqday talaadadii inuu
joojiyo celinta uu celinayo dadka ka soo qaxaya dalka Itoobiya ilaa iyo
inta laga hubinayo xaaladaha dadkaas iyo inay ku jiraan dad magangelyo
doon ah iyo in kale.
Baaqani wuxuu ka denbeeyay ka dib markii axaddii la soo dhaafay uu
maamulka Puntland gacanta u galiyay xukuumadda Itoobiya qiyaastii 1300
oo qof oo markoodii hore ka soo qaxay Itoobiya, halka 500 oo kale oo
soomaali ah ay iyaguna kaga xidhan yihiin magaalada Boosaaso, kuwaasoo
la doonayo in loo masaafuriyo gobolladii ay ka kala yimaadeen.
Waxaan maamulka soomaalida ka codsanay inay si ku meelgaadh ah u
joojiyaan dadka ay qasabka ugu celinayaan Itoobiya ilaa iyo intaan ka
hubinayno in dadkaas ay ka mid yihiin dad ay naftoodu khatar gali karto
oo magangelyo u baahan, sidaas waxaa tidhi afhayeen u hadashay Hay¢adda
UNHCR oo lagu magacaabo Jennifer Pagonis.
Maamulka Puntland ayaa billabay inuu masaafuriyo dadka ka yimaada
Itoobiya iyo gobollada kale ee Soomaaliya, ka dib markii uu madaxwaynaha
Puntland waregto soo saaray bishii Sebtember, taasoo uu uga dan-lahaa
sidii loo joojin lahaa dadka faraha badan ee u tahriibaya dhinaca Yeman
ee badankoodu Badda ku dhammaada.
Hase
yeeshee tallaabadan ay Puntland qaaday waxay dhibaatada u badan ka soo
gaadhay dadka qoxootiga ah ee magangelyo doonka u imanaya Puntland,
sidaas waxaa tidhi Jennifer Pagonis.
Hay¢adda UNHCR waxay sheegtay in qoxooti gaadhaya 2000 oo qof ay
toddobaad dhammaadkii hore u carareen dhinaca Kenya, kuwaasoo ka soo
cararay qabsashadii ay Itoobiyaanku qabsadeen magaalada Buurhakaba iyo
dagaalka laga cabsi qabo inuu ka qarxo gobollada Jubbooyinka ee dalka
Soomaaliya oo ay hadda gacanta ku hayaan maxkamadaha islaamiga ah oo
awood ku muquuniyay maamulkii Dooxada Jubba ee sannadihii denbe ka
talinayay gobollada Jubbooyinka.
Itoobiya oo ciidammo badan keentay Ogaadeenya iyo Hiiraan
Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa ciidammo aad u fara badan ku soo
daabushay nawaaxiga magaalada Feerfeer oo ku taalla xadka u dhexeeya
Ogaadeenya iyo gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Ciidammadan ayaa tiradooda lagu qiyaasay 3000 oo askari, kuwaasoo la
sheegay inay ku hubaysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka millatariga
iyo gawaadhida gaashaaman.
Ciidammadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegayaa inay dhoollatus ku
sameyeen buur lagu magacaabo Sariiraale oo ku taalla duleedka magaalada
Feerfeer. Waxay kaloo wararku intaas ku darayaan in ciidammo kale oo
Itoobiyaan ah oo 2000 oo askari gaadhaya ay ka soo kicitimaan dhinaca
degmada Balanballe ee gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku
soo jeeda dhinaca Ferfeer, lana rumaysan yahay inay ku soo biiri doonaan
ciidammada lagu soo uruuriyay nawaaxiga Feerfeer.
Waxaa
meel aan magaalada Feerfeer ka fogayn fadhiisin ku leh ciidammada
maxkamadaha Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ka hawlgala.
Isniintii ayay ahayd markii ay ciidammo Itoobiyaan ahi qabsadeen oo
muddo kooban haysteen magaalada Buurhakaba, hase yeeshee xukuumadda
Itoobiya ayaa ku andacootay inayna jirin ciidammo ka jooga gudaha dalka
Soomaaliya.
Safiirka Talyaaniga: Ciidamo ilaalo ha loo diro Soomaaliya iyo Itoobiya.
Safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mario
Raffaelli ayaa ku baaqay in ciidammo ilaalo ah oo caalami ah la geeyo
xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Ogaadeenya, si ay isha ugu hayaan in
ciidammada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay xadka isaga gudbaan,
sidaas darteedna ay u sii holciyaan khilaafka labada dhinac u dhexeeya.
Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa isniintii ku dhawaaqay in jihad lala
galo ciidammada Itoobiya eek u sugan dalka Soomaaliya, wax yar ka dib
markii ay ciidammada Itoobiya qabsadeen magaalada Buurhakaba oo 30 km oo
kaliya u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhka
ah ee Soomaaliya.
Waxaan filayaa in ciidammada ilaalada ahi ay xal u noqon lahaayeen
dhibaatada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidaas waxaa yidhi safiirka
Tayaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mario Raffaelli, oo tilmaamay
inaan baahi loo qabin in ciidammadan ilaalada ahi ay noqdaan kuwo
hubaysan, balse ay lagama maarmaan tahay inay noqdaan kuwo madaxbannaan
oo dhexdhexaad ah.
Wuxuu
kaloo intaas ku daray ciidammadan ilaalada ah ayna noqonin kuwo cudud
mllatari wax ku xalliya oo awood sheegta, balse ay noqdaan kuwo laga
keeno wadammo dhexdhexaad ah.
Wuxuu
kaloo sheegay in ciidammadan ilaalada ah ay soo diyaarin karaan dalalka
xubnaha ka ah ururrada arrimaha Soomaliya gacanta ku haya ee Jaamacadda
Carabta, IGAD ama kooxda uu Maraykanku sameeyay ee International Contact
Group on Somalia.
Raffaelli ayaa qaba in haddii ciidamadan ilaalada ah la geeyo xadka ay
hadhi lahayd eedaha ay is-dhaafsanayaan dawlada ku meelgaadhka ah iyo
Maxkamadaha Islaamiga, isla markaana la kala ogaan lahaa xaqiiqada iyo
boqobogaandhada.
13 October
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu
yahay 9820 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dugsiga Al-Nuur
ee Indhoolayaasha oo lagu qabtay maalinta Arragga iyo Maalinta Usha Cas...
Waxaa Dugsiga Al Nuur ee Indhoolayaasha lagu
qabtey labo xafladood oo mid ay ahayd maalinta Aragtida Aduunka oo ku beegneyd
12 Ocktobar iyo maalinta Usha Cas ayaa waxaa ka qeyb galay munaasabadaasi
qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntiiba halkaasi ka hadlay Ustaad
Ibraahiim Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur ee
magaalada Muqdisho si aad ah ugu dheeraadey qoraalka farta Brail-ka oo wax lagu
baro Indhoolayaasha taasoo laga joogo 200 oo sano “Waa nasiib daro in far soo
jirtey labo boqol oo sanno in ay maanta soo gaarto dalkeena”ayuu yiri ustaad
Ibraahim oo sheegay in aqoonyahano Soomaaliyeed oo wax ku soo bartey dibadaha
ayagoo indhaha la’ ayaa suurta geliyey in ay dalka ka furan Dugsi lagu barto
farta Brail-ka “Aniga waxaan ka mid ah dadka wax ku soo bartey dibadaha waxaana
maanta go;aansadey inan wax baro dadka indhaha la’ ayuu yiri ustaat Ibraahim oo
dadka ka qeyb galay Munasbadaas tusiyey sida loo qoro farta Brail-ka sidoo kale
dadka waxaa uu tusay kutub Quraan ah oo ku qoran farta Brail-ka oo uu ka
aqrinaayey Aayadaha Quraanka kaasoo si aad ah ula yaabeen dadkii ka soo qeyb
galay munaasabada maalinta Araga iyo maalinta Usha cas.
Inta ay socotey munaasabada ayaa ardeyda wax ka
barata dugsigaasi waxay dadka ku maaweelinaayey Nashiidooyin ka hadlayey
faaiidada waxbarashada.
Xafladaasi waxaa kaloo ka hadlay C/laahi sheikh
Maxamed Nuur asagoo qorey Buug ka hadlaaya farta Brail-ka iyo heerarka ay soo
martey iyo sida wax loogu baro caruurta, C/laahi sheikh waxaa uu sheegay in
sababta ku kaliftey buugaasi ay tahay si ugu kaalmeeyo dhinaca waxbarashada
wiilkiisa oo wax ka barta dugsiga Al nuur “waxaa igu qasbay inaan barto fartaan
si aan cunugeyga wax ugu tuso caruurta kalana wax ku baro” ayuu yiri C/laahi oo
u mahadceliyey dadka isku howshay furitaankii Dugsigaas.
Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka
Dugsiga Al Nuur C/ fitaax Maxamed Daahir oo si aad ah ugu dheeraadey heerarka uu
soo marey Dugsiga Al--Nuur iyo maalinta araga waxaa uuna sheegay in sababta loo
sameeyey maalinta araga ay tahay si dadka indhaha la’ ay u soo bandhigaan
waxyaabihii ay barteen iyo sidii kaalmo loogu fidin lahaa waxaa uuna u
mahadceliyey dhamaan Hayadihii Ganacsatadii gacanta ku siiyery furitaankii
dugsiga waxaa uuna sheegay in la furay 21 dii bisha 7- 2005 waxaa uu si gaar ah
farta ugu fiiqey Jaaliyada Soomaliyeed ee Magaalada Birmingham ee cariga
Igiriiska, shirkada Hormuud, shirkada Al- Towba, Muasasada Imaamu shaafici,
shirkada Jubba Air ways, shirkada Telecom Somaliya, Muslim/ AID UK iyo
shaqsiyaad kheyr jecel ee Soomaliyeed waxaa uu sheegay C/fitaax in ujeedooyinka
loo aasaasey dugsi uu yahay in la helo jiil indha la’ oo awood u leh inay wax
qoraan waxna akhriyaan,waxbarashadana si siman ula wadagaan asaagooda indha leh,
in la tababaro dadka indhaha la’a, inuu ku wacyigeliyo Dugsiga bulshada dadka
indhaha la’a hadii la diyaariyo loona tababaro inay baahidooda daboolan karaan
bulshadoodana wax u tari karaan.
XafladaAsi oo si heer sare ah loo soo agaasimay
ayaa waxaa lagu soo bandhigay qalabka wax lagu baro caruurta iyo waliba Usha ay
adeegsan karaan marka ay soconaayaan.
Halkudhigyada dugsiga ku dhegnaa waxaa ka mid ahaa
ku shugri nimcada araga ee ilaah kugu maneystey uguna Gargaar kuwa nimcadaasi ka
maqan tahay, Al Nuur aad SI asaagaaga ula jaanqaadid.
Cinwaanada dugsiga
indhhoolayaasha al nuur
Tel 002521-218433
Tel 002521-856308
Tel 002525-929781
Tel 002521- 511979
Fax:- 002521-216370
E-mail:-somliblind@hotmail.com
E-mail Amfarah231@hotmail.com
Web-site www.somaliblind.org
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
Gabdhaha Soomaaliyeed ee Woqooiga Ameerika oo
Deeq Gaarsiiyey Qaxooti Ku Sugan Muqdisho..
Dadka soo barakacay oo magaalda Mugdisho
loogu Qeebiyay Raashiin iyo lacag..
Boqolaal ruux oo ah dadka ku jira xerooyinka
qaxootiga magaalda mugdisho qaarkood kuna soo barakacay dagaaladii sokeeye ee
dalka ka dhacay iyo abaaro galaaftay duunyo waxay lahaayeen ayaa Khamiistii
fursad u helay inay gaarto raashiin isugu jira bariis, saliid, iyo lacago kaash
ah oo lagu talo galay inay kaga gudbaan dhibaatada ka haysata cunto la'aanta,
ayna ku afuraan.
Gabdho Soomaliyed ee ku dhaqan Waqooyga Amerika
ayaa iska xilsaaray inay gagaar dhaqaale u fidiyaan dad soo barakacay ee ku
jira xeryaha ku yaala gaar ahaan kuwa agoonta iyo kuwa da'da ah gargaarkaas oo
dhan 1500.Us una dhiginta sh.So lacag dhan 20.250 iyadoo gargaarkani ay u soo
wakiisheen Abwaan Abshir nuur faarax abshir Bacale oo tel:lr:002521-5959 70- ee
mudisho.
Abshir Bacadle oo qaybinaya lacagtii deeqda ahayd
Abwaan nuur abshir bacadle oo ay wehliyaan
xubno kale ayaa ugu horeen waxaa uu booqday lix kaam isagoo la kaashanayaa
horjooogayaasha kamaamkaas dabadeed waxay si gaar ah ugu xusheen caruurta
agoonta dadka liita, kuwa curyaanka, iyo kuwa da'da ah . dabadeedna waxaa
lixdaasi kaam si habsami leh ugu qeebayay gargaakaasi ay soo gaarsiyeen gaar
ahaan gabdhaha ku nool Waqooyga Amerika, ayna soo wakiisheeb Abwaan
Abashir Nuur faarax oo isaga ku sugan magaaldda
Mugdisho.
Dadka Khamiistii fursadaan gaargaaka helay
waxay ahaayeen agoon, dad da'da ah , indhoolayaal. Iyo kuwo liita, oo ka soo
barakacay guud ahaan Goboladda qaarkood iyo gudah dalkooda ayaa u badnaa dad
Oromo ah oo qaxooti ahaan ilaa 1977-dii ayaa si weeyn u soo dhaweeyay deqdaasi
wax ku oolka ah oo ay u fidiyeen gabdhaha soomaliyeed oo ku dhaqan dibada gaara
ahaan wadanaka mareekanka waxana ugu mahad ciliyeen gacantaan binaadaminada oo
ay fidiyeen walaalood waxaayna ilaaheey ugu bariyeen inuu badalkeeda uu ku siiyo
meel fudud.
Dadka
soo barakacay ee ku jira magaalada mugdisho ayaa haataan waxaa ka muuqda baahi
iyo macluul daran oo ay u wehliso nafaqo la'aan mana jirta cid si gaar ah u
daryeesha. Ha'yadaha gaargarka dhag jalaqa uma siiyaan baaqyada isdaba joog ah
ee loo soo jeediyo sidaa darteeda gaargaakaan oo maanta la gaarsiiayay lixdaasi
kaam xili lagu jiro bishii barakeesneed ee ramadan ayaa waxaa xaqiiqo ah in uu
culees weeyn oo saarnaa dadkaasi uu ka dabcindoono inkatoo aaan la'oronkarion
waxaa la daboolay baahida guud ee ka jirta xeredaasi ,waxayna qaarka mid ah
dadkii ay codsi guud u jeediyeen dadka soomaliyeed gaar ahaan Jaaliyaddaha ku
dhaqan dalka dibadiisa inay xasuustaan oo ay il gaar ah ay ku soo eegaan .
Oct 13, 2006