SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 12, 2006

  • Dowladda Itoobiya oo si weyn ula walwalshay ereygii ka soo yeerey Shiikh Shariif.
  • Midowga Afrika oo ka walwalsan in dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Eretereya loo wareejiyo..
  • Wafdi ka socda Maxaakiimta oo gaaray Magaalada Kismaanyo..
  • Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay degmada Jamaame..
  • Madaxwayne Kuxigeenka DGPL Xasan Dahir (Afqurac) oo haayadaha caalamiga ah ka codsay in ay keenaan shaybaarkii burburay ee Isbitaalka Garowe.
  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool bariga magaalada London oo deeq lacageed guddoonsiiyay maamulka Guddiga Taakuleynta Agoonta

Dowladda Itoobiya oo si weyn ula walwalshay ereygii ka soo yeerey Shiikh Shariif.

Waxaa heegan xoog leh la geliyay ciidamada Wadanka Itoobiya meel kasta oo ay joogaan kaddib markii maalintii doraad ahayd ay Maxaakiimtu ku dhawaaqeen jihaad lagu qaado dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiyaa ayaa waxa uu sheegay in ereyga Jihaad uu keeni karo in qaraxyo waaweyn ay ka dhacaan Dalka Itoobiya, waayo ayuu yiri ereyga Jihaad waxaa loo adeegsan karaa hadba sidii la doonayo, ha noqoto is qaraxin, ama dagaal ka fool ka fool.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku ekaan doonaan xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya si ay isaga difaacaan wax ugu yeeray kooxaha Mitidka ah ee ku sii badana Soomaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha  Golaha Maxaakiimta ayaa dhawaan iclaamiyey Jihaad ka dhan Dowladda Itoobiya kaddib markii Ciidamadeedu ay soo galeen deegaano ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegtay inay sidoo kale difaaci doonto Dowladda Taagta daran ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo. 

Midowga Afrika oo ka walwalsan in dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Eretereya loo wareejiyo..

Midowga Afrika oo ah urur ay ku mideysan yihiin 53 dowladood, xaruntiisu ay tahay  Magaalada Adis-Ababa ayaa waxay si aad ah uga walwalsan in dagaalkii u dhexeeyay Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya loo weeciyo Wadanka Soomaaliya, iyadoo la kala taageerayo Dowladda Federaalka ah iyo  Golaha  Maxaakiimta Islaamiga ah. Madaxweynaha wadanka Nayjeeriya Obasanjo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’isul Wasaare wadanka Itoobiya Miles Zenawi waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii wada hadal loogu dhameyn lahaa kooxaha isku haya Wadanka Soomaaliya, isla markaana faragelinta looga joojin lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo  Madaxweynuhu uu sheegay in loo baahan yahay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Xukuumadda lagu dhameeyo wada hadal, isla markaana loo hogaansamo qaraaradii ka soo baxay heshiiskii Khartuum ay ku wada yeesheen Dowladda iyo Maxaakiimta.  Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Obasanjo uu gaaro Dalka Ereteriya si uu kulamo ula yeesho Madaxweynaha wadankaasi, si uu isna uga dhaadhiciyo in uu joojiyo taageerada uu siinayo  Maxaakiimta Islaamiga ah. Madaxweynaha Obasanjo waxaa kaloo uu kulan la yeeshay xoghayaha Midowga Afrika Alpha Omar Conari, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii midowga Afrika u taageeri lahaa heshiiskii Khartuum, isla markaana Midowga Afrika uu dadaal u galo in Soomaaliya laga joojiyo faragelinta ay ku hayaan qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya. 

Wafdi ka socda Maxaakiimta oo gaaray Magaalada Kismaanyo..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Kismaayo gaaray wafdi ka socda Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu hor-kacayey Sheekh Nuur Baaruun Gurxan, waxaana safarkiisa ku wehliyey  Culuma’udiin, Waxgarad iyo Aqoonyahano, waxaana la sheegay inay u guurgalayaan Xaaladda magaalada Kismaayo iyo waxay bulshadu ka qabaan maamulkii dhawaan loo dhisay Magaalada Kismaayo oo ay cabasho ka keeneen beelaha halkaasi dega.

Wafdigaan ayaa waxay soo booqdeen Degmooyinka Afmadow iyo  Dhuubley oo ka wada tirsan gobalka Jubbadda hoose, waxayna kulamo la yeesheen odoyaal iyo waxgarad  halkasi ku dhaqan, iyadoo dadka halkaasi dhaqan ay si aad ah u soo jeediyeen hadafka iyo ujeedooyinka Maxaakiimta islaamiga ah, gaar ahaan hirgelinta shareecadda islaamka.

Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay degmada Jamaame..

Waxaa shalay Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Nasri farac labaad oo ay yeelaneyso looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay Culuma’udin, Waxgarad iyo Odoyaal ka socday Deegaanka Jamaame.

Maxkamaddaan oo laga furay Degmada Jamaame ayaa waxaa munaasabaddii lagu furayey ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Al-Nasri C/llaahi Abyan Nuur waxa uuna sheegay in wixii maant aka dambeeya Degmada Jamaame ay ku soo biirtay Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo sheegay in wadada shareecadda Islaamka lagu gaari nabad iyo horumar iyo waliba barwaaqo.

Sidoo kale waxaa ka hadlay C/rashiid Qorani oo isna yiri “Waa in ay shareecaddu kor ahaataa dadku ay ku hoos noolaadaan, waxaa kalloo ka hadlay Macallin Barrre oo ku hadlayey magaca Waxgaradka Jamaame isagoo sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Maxkamadda Al-Nasri faraceeda Jamaame, waxaa kalloo ka hadlay Sheekh Max’ed Abshir.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


GAROOWE : Madaxwayne Kuxigeenka DGPL Xasan Dahir (Afqurac) oo haayadaha caalamiga ah ka codsay in ay keenaan shaybaarkii burburay ee Isbitaalka Garowe.

Shir ay isugu yimaadeen dhamaan Golaha Xukuumada DGPL oo ka dhacayay xarunta madaxtoyada Puntland ee Garowe ayaa la isla sooqaaday sidii si dag dag ah loo helilahaa  qalabkii ka gubtay Isbitaalka Guud ee magaalada Garowe maalintii shalay ahayd.

Madaxwayne ku xigeenka DGPL Xassan Daahir Af-qurac oo hadal ka soojeediyay shiraaski ayaa ugu baaqay Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in ay dib ugu soo celiyaan qalabkii shalay Shaybaarka ka gubtay , wuxuuna sheegay in si deg-deg ah loogu baahan yahay in ay Hay’aduhu ay soo gudbiyaan waxyaalaha ay ku deeqayaan , maadaama ay arintu tahay xaalad bini’aadanimo oo maanta aan qof lagu qali Karin ama lagu dawayn Karin isbataalka oo gabi ahaanba ah mid xiran oo aan shaqaynayn loona bahaan yahay in wax laga qabto arinta shaybaarka. 

M/kuxigeenka oo laga sugayay balan qaad shab ah ayaa ka meer meeray in uu halkaasi kaga balan qaado sidii loo keeni lahaa shaybraa lakiin hadalkiisa ayaa u badnaa mid uu kaga codsanayo haayadaha caalamiga ah in ay iyagu marka hore xilka qaataan oo ay keenaan shaybaar balse ka xukuumada ahaan aan wali la  xaqiijin waxa kaga gudboon arinta shaybaarka gubtay shalay ee Isbitalka guud ee magaalada Garowe kaasi oo ah hadamid aan si wayn u shaqaynayn. 

Agaasimaha Isbataalka Garoowe Faysal Faarax oo halkaasi  warbixin kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Shaybaarka uu  Gabi ahaanba maanta yahay mid gubtay wax gubayna aan la garanayan balse loo aanaynayo in uu dabkaasi kakacay talaagad taalay shaybaarka oo dawooyinka lagu qaboojin jiray taasi oo aan ladamin sababtayna inay galaafato shaybraaka. 

Agaasimaha ayaa markaa kadib ka codsaday madaxdii halkaasi isugu timid in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan sidii loo soo celin  lahaa shaybaarkii isbitaalka  uuna markale shaybaarku u hawlgali lahaa sidii  uu shaqadiisa u sii wadan lahaa. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool bariga magaalada London oo deeq lacageed guddoonsiiyay maamulka Guddiga Taakuleynta Agoonta qeybta gabdhaha ee ku jira Soomaaliyeed ee ku jira xarunta umul Mu'miniin Caa'isha ee Degmada Xamarweyne

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan bariga magaalada London ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa US$ 4,100 soo gaarsiiyay xarunta Agoonta qeybta gabdhaha ee degmada Xamarweyne agagaarka wakaaladii xaaga korontada umadda divishanso dhabarka danbe ee dugsigii xaawo taako ee magaalada Muqdisho.

 

Deeqdan lacageed oo ay u soo marsiiyeen Md. Max'ed Sheekh Xasan oo mobile kiisa gacantu uu yahay 0022521511363 isaga oo joogo magaalada muqdisho , oo wakiil u ahaa jaaliyaddaas ayaa waxaa uu ku wareejiyay xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta agoonta Soomaaliyeed qeybta gabdhaha Max'ed Rashiid Sheekh Xasan oo isne mobilekiisa gacantu uu yahay 002521543242 muqdisho Somalia .

 

Guddoonsiinta deeqdan lacageed oo gaareysa $4,100 ayaa waxay ka dhacday xarunta agoonta qeybta gabdhaha ee degmada Xamarweyne, waxaana ay ku soo beegantay bisha Ramadan ee barakada iyo kheyrka badan, iyadoo loogu talo galay inay ku ciidaan gabdhaha agoonta ah ee ku jira xeradaas oo gaaraya 350 caruur ah oo ay da'doodu u dhexeysa 6 ilaa 14 sano jir.

 

Sidoo kale isla maanta waxaa caruurtaasi agoonta la guddoonsiiyay 350 joog oo dhar ah oo ay ugu talo galeen Guddiga Taakuleynta Agoonta inay kula ciidaan caruurta Soomaaliyeed maalinta ciidul fitriga ee foodda nagu soo haysa.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan bariga magaalada London ayaa guntiga dhiisha isaga dhigay, waxayna iska soo uruuriyeen deeqdan lacageed oo gaareysa $4,100, waxayna ugu talo galeen inay ku caawimaan caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah oo iyagu aanan haysan wax dhaqaale ah kaddib markii hay'adihii Alxarameyn ee maamuli jiray albaabada uu u laabay Mareykanka kaddib markii looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-qaacidah ee uu hoggaamiyo Osama bin Laden kaddib markii 11kii September 2001 uu qarax gilgilay daaraha ganacsiga ee New York.

 

Hadal kooban oo ay ka jeediyeen guddoonsiinta deeqdaasi xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta Agoonta Max'ed Rashiid Sheekh Axmed iyo wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga London ku nool Md. Max'ed Sheekh Xasan ayuu ka mahad celiyay Md. Rashiid deeqdan wax ku oolka ah oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed soo gaarsiiyeen walaalahood caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah, wuxuuna uga mahad celiyay dadaalka hagar la'aanta ah oo ay muujiyeen jaaliyadda, wuxuuna Ilaahay uga baryay in uu Ilaah ku karaameeyo sadaqadaasi ay baxsadeen, beddelkeedana Ilaahay agtiisa ka helaan.

 

Max'ed Sheekh Xasan wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga London oo isna munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ka hadlay kaddib markii uu wareejiyay deeqdaas ayaa yiri "Ilaah ayaa mahadda leh in ubad Somaaliyeed oo intan la eg oo Yatiin ah oo soo koraya ay maanta helaan deeqdan oo ay soo uruuriyeen walaalahooda Muslimiinta, isla markaana ay yihiin mustaqbal ifaya, wuxuuna si gaar ah mahad ugu celiyay dadka Soomaaliyeed ee ku tabarrucay deeqdan walaalahooda agoonta ah, waxayna deeqdan ugu talo galeen in munaasabadaha ciidda ay uga farxiyaan agoonta yaryarka ah oo waalidkood uu geeriyooday bishan Ramadan, wuxuuna si gaar ah mahad ugu celiyay dadkii isugu taxlujiyay in intan caruur ay meel isugu geeyaan, oo ay kafaala qaadaan tarbiyeyntooda iyo waxbariddooda, waxaana la dhihi karaa waxay guteen waajibaad ballaaran oo ka saarnaa bulshadooda iyo ummadooda, iyagoo dhisaya mustaqbal cusub iyo jiil soo koraya, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona horumarinta dalka, mustaqbalkana dadka, dalka iyo diinta anfici doona, wuxuuna wakiilka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Bariga Ingiriiska Max'ed sheekh Xasan uu codsi u jeediyay jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibaddiisa in wixii ay ku taakuleyn karaan ku taakuleeyaan jiilkan yar-yar ee yatiinka ah iyo dhammaan walaalaha kale oo ay baahida iyo macluusha ku hayso dalka gudihiisa.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com 

Muqdisho Somalia

002521576666

002521653623


Minnesota, Cayaaraha Ramadaanka

Waxa si habsami leh uga socda gobolka Minnesota cayaaraha kubada cagta loogu talagalay RAMADAANKA kariimka ah, iyagoo si aan caadi aheyn ay uga socoto badhtamaha magaalada Minneapolis. Waxa soo qabanqaabiyey dhalinyarada degan gobalka Minnesota.

Cayaarahaas oo aanu diin soo gudbin doono sida lookala badiyey iyo cida ay guushu raacdey dhamaadka. Waxa aan dhamaan u mahadcelineyenaa dhalinyarada iyagu ka qayb qaatey cayaarahan, si wacana u dhawrey edebta iyo kala dambeynta.

Reported by Somali Media, Zakariye Adan
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006


Munaasabad loo sameeyay furitaanka sanadkii Waxbarashada ee Jaamacada Niileyn

Waxaa habeenkii xalay ahaa xaflad isugu jirtay furitaanka sanad-dugsiyeedka 2006-2007 ee Jaamacadda Niiley faraceeda Muqdisho, Sagootinta Ustaad C/rixiin Cabdala oo ahaa madixii kormeerayay imtixaanaadkii laga qaadayey ardaydii ku jirtay jaamacadaasi iyo afur loo sameynayey marti ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Niileyn C/qaadir Macalin Max’ed Geeddi oo sheegay in Jaamacadda Niiley ay tahay Jaamacad muqo 50 sano iyo wax ka badan soo jirtay, iyadoo sanad kasta ay ka qallin jabiyaan kumaanan kun oo ku kala nool Daafaha Dunida, isagoo sheegay in Jaamacadda Niileyn ee Magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay Maamulka Ganacsiga, Xisaabaadka Ganacsiga, Dhaqaalaha, Caymiska, Culuunta Siyaasadda iyo Cilmiga Bulshada, Sidoo kale waxaa Jaamacadda lagu bartaa Daraasaadka Islaamka, Cilmu Nafsiga iyo Luuqadaha Carabiga iyo INGIRIISKA. Waxaa kalloo ka hadlay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya Cumar Aseyn Al-Axmed oo isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawa ka qaybgalo xaflad loo sameynayo Jaamacadda Niiley Faraceeda Muqdisho, sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. C/Rixiin Cabdala oo ah madixii kormeerayey imtixaanaadkii sanad-dugsiyeedka 20056-2007, isagoo ka yimid Suudaan, waxa uuna sheegay in nabadgelyada ka jirta Soomaaliya ay u saamaxeyso in qaybo kale oo ka tirsan Jaamacaddaasi ay ka furaan Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD