SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXKAMADAHA KISMAAYO;
TUKUHU NASIIB UU CAANO KU HELO WUU LEEYAHAY
 LAAKIIN NASIIB UU KU CALFADO MALAHAN.
 

Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa”
Qoraa iyo Saxafi
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Waxaan muran ma doonto ahayn inay Midoowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ka guulaysteen dagaal oogayshaa Soomaaliyeed ee ummada Soomaaliyeed qayrkood iyo qoomahood ka reebay muddo 16 sanno ah. Waxaan kaloon iyana shaki iyo muran toona lahayn inay midowga maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed soo celiyeen amaankii iyo kala danbaytii magaalada Muqdisho iyo gobolada ku hareeraysan.  

Waxaan kaloon iyana muran ku jirin inay maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliyeed yihiin xoog jira oo tixgalintiisa leh. Miisaan iyo culaysna leh. Inay yihiin nasri iyo gargaar Rabbi oo ummaada Soomaaliyeed Ilaahay u soo diray. Inay yihiin dad ammaano iyo diin iyo Alle ka cabsi lagu tuhmayo. Taasina ay keentay inay shacabka Soomaaliyeed kaga kalsoonaadeen qabqablayaashii Alle iyo aakhiraba gooyay. 

Waxaan kaloon iyana muran iyo shaki ka taagnayan inay maxaakiimtu dagaal ana dhiig ku daadan kula wareegeen gobalada Jubbooyinka iyagoo ka adkaaday Isbahaysigii Dooxada Jubba oo ana anigu u aqaan Isbahaysigii dooxada Galgaduud.

Haddaba su’aashu waxay tahay oo uu shaki iyo muranba ka taaganyahay, intee in la ek bay maxakamadda Islaamka ee Kismaayo sii hayndoonta maamulka gobolada Jubbooyinka?!

Abigu ma qabo inay muddo badan sii haynayaan mamaulka gobolada Jubooyinka. Waxaana ku sababaynayaa dhowrkan qodob ee hoos ku yaalla. 

1.      Qaadka iyo shaleemooyinka mamnuuciddooda iyagoo aan ammaankii wada sugin, dadkii isku masaruufayayna aan wax mihnad ah u abuurin. 

Markaan taas leeyahay maahan inaan qaadka iyo shaleemooyinka u doodayo ee waxaan diidayay inay isku furaan furin dagaal oo horleh iyagoo dagaal kale ku jiray. Sida aannu wada ognahayna qaadku wuxuu inooga yimaada Itoobiya iyo Kenya oo aannu deris iyo colba nahay. Nagana haysta dad iyo dal soomaaliyeed. Marka siyaasadda qaadka ee waddamadaas waa mid qoto dheer oo aad looga baaraan degay sidii loogu burburin lahaa dhaqaalaha, caafimaadka iyo akhlaaqda ummadda Soomaaliyeed. Waxaana fiicnayd in ay maxkaamadda Kismaayana sidaas u ogaato oo iyaduna aad uga baarab degto, waqtigeedana siiso.

Tallabadasa waxay ahayd miday ku khaldameen mas’uuliyiinta maxkamadda  Islaamka eeKismaayo. Waana mid ay ka tallabsadeen midoowga maxaakiimta Islaamka ee Muqdisho 

2.      Awooq qeybsiga. Tanna waxay ahayd mid ay aad ugu khaldameen wayna ku guul darraysteen markii ay tix galin siin waayeen habka dhismaha qabiilka Soomaaliyeed. Waxayna hoggaankii ugu sarreeyay u dhiibeen hal qabiil oo waliba hal jilib oo hoose ka sii wada ah. Sida Sheekh Xasan Turki oo ah madax Maxaakiimta Islaamka ee Jubbooyinka iyo Axmed Sh Maxamed (Axmed Madoobe) oo ah guddoomiyaha gobolka Jubadda hoose iyo sii hayaha guddoomiyha gobolka Jubadda dhexe. Axmed-madoobe iyo Xasan-Turki waa ilmo adeer, waana isu seeddi. 

Markaan arrintaas durayo ama aan dhaliilayo igama ahan inaan qabiil ahaan ku nacxayo oo ana uga soo horjeedo oo aniguba waxaan la ahay ina adeer labadoodaba waana isu xignaa. Laakiin  waxaan diidayaa waa caddaalad-darrada ummadda loo horseedayo oo laguna sheegayo in caddaalad iyo sinnaan lagu soo celinayo gobolada Jubbooyinka oo muddo la il darnaa dulmi iyo caddaalad darro. 

Mar ay madaxda Kismaayo wareeysi siiyeen idaacadda BBC-da waxay sheegeen inaysan qaba qabiil waxba u fiirin ee ay u fiiriyeen haddab ninkii meesha ku habboon oo u qalma. Taasi ma xuma oo aniguba waan ku raacsanahay. Laakiin ma qabiilada kalaa laga waayay wax meesha ku habboon oo u qalma inay xilkaas qabtaan inta labadan nin ee ilmo adeerka ah isuna seeddiga ah ay kaligood isku koobayaan hoggaanka. Iskaba daa cid kalee waxaa madaxnimada Axmed-madoowe ee gobolka Jubadda dhexe ka hor imaanaya beesha cawlyahan oo isku wadday inay iyadu gacanta ku hayso gobolka Jubbada Dhexe. Maaddaama oo uu Axmed Sh Maxamed (Axmed Madoobe) uu ka dhashay beesha Maxamaed Subeer. 

Arrintu soow noqon mayso maansadii uu Yamyam 1970kii u tiriyay markuu dhashay kacaankii 21kii oktoobar ee sannadkii 1969kii, ee uu ku lahaa;- 

Maxaad ugu dhawaaqdeen, caddaalad aan laga dhabaynayn

Maxaad noogu dhalateen, kuwii hore ma dhaantaanee 

3.      Siyaasad yarida Xasan-turki. Sheekh Xasan-turki wuxuu ku hadlay oo idaacadaha u sheegay dhowr jeer erayo aan ku habboonayn siyaasadda iyo waaqaca maanta lagu jiro. Wuxuuna garan wayay inuu cadoowgiisa kala hormariyo oo intuu mid ka taqalusayo kan kalana dhoollaha u caddeeyo. Maahayn inuu puntland, Somaliland iyo dawladda ku meelgaraka ah ee tabarta daran ee Baydhabo fadhida afka la aado isagoon Kismaayo gacanta ku qaban oo aan xasilin. Taasina waa mid maangalka ka soo horjeeda. Islaamka iyo masaakiintana wax dan ah oo ugu jirtay ma ayasan jrin in iyadoo furin lagu jiro, furin kalana laysku furo. 

Anigu waxaan arkayaa haddii aan wax laga baddalin habka iyo siyaasadda manta ay ku maamulayaan madaxda maxkamadda Islaamka ee Kismaayo. Inay horseedayaan colaad iyo dagaal horleh oo deegaanka dillaaca. Waxaan kaloon aad uga baqayaa inay hoggaanka gobolada Jubbooyinka si sahlanku lumiyaan. Waxayan soomaalidu ku maahmaahdaa 

“Tukuhu ayaan ama nasiib uu caanaha ku helo wuu leeyahay, laakiin nasiib uu ku calfado malahan, oo markuu caanaha helo intuu qarka kaga istaago ayuu iska gambiyaa” 

Hoggaanka Xasan-turki ee Maxkamadda Islaamka ee Kismaayana waa sida tukuhaas oo nasiib uu ku calfado malahan. 

Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa”
Qoraa iyo Saxafi
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD