Cabdullaahi Yuusuf &
Tobonka Oktoobar.
Yaa Badan Laba Sanno iyo Afar bilood
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa maalintii shalay
ahayd ay kuu beegneed sanad Guuradii 2aad ee ka soo wareegtay habeenkii la
doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, shir socday muddo laba sano ku dhawaad,
kana dhacay dalka Kiinya.
Cabdullaahi 1978kii ayuu
ka mid ahaa saraakiil af genbi la damacday Maxamed Siyaad Barre balse markii
dambe dhicisoobay, Cabdullaahi wuxuu markiiba u cararay dalka Ithopia
halkaasoo uu ka bilaabay halgan siyaaseed oo uu ku doonayay inuu ku af
gembiyo Maxamed Siyaad, Cabdullaahi muddo markii uu waday halggankaasi ayaa
markii dambe waxaa loo taxaabay xabsi ku yaala Dalka Itoobiya, isagoo
Xabsigaas ku jira ayaana Siyaad Barre xukunkii laga tuuray, waxaana
xilligaas bilowday Dagaalo sokeeye oo u dhaxeeyay beelaha soomaaliyeed.
Cabdullaahi markii
Xabsigii laga soo daayay wuxuu durbadiiba tegey Magaalada Nayroobi oo
xilligaas ay ku badnaayeen beesha uu ka dhashay, mar uu la shireyna wuxuu ku
yiri “Sidee ku soo ceshenaa sharaftii Daarood,” Dad baa shirkii ka yiri “Waa
inaan ku soo ceshanaa anagoo adeegsanayna arrimaha siyaasadda”
Cabdullaahi isagoo
qoslaya ayuu yiri “Su’aashaas kama ayadan jawaabin”, intuu jeebka gacanta
geliyay ayuu Xabbad A.K.47 ah jeebka ka soo saaray lsagoo kor u taagaya
xabbaddii ayuu yiri “Sharafta Daarood middaas ayaan ku soo ceshan karnaa”
Sacab baa u dhacay, wuxuuna sii raaciyay waxaan idiin sheegayaa inaan
waddankan Madaxweyne aan ka noqon doono hase yeeshee middan dambe aad baa
loola yaabay, markaasaa guuxii dadku wuxuu ahaa war ninku ma waalan yahay
uma jeedo miyaa waxa ku hor gudban?.
Qoraal aan dhawaan
akhriyay ayaa wuxuu ahaa xiligii uu Madaxweynaha dalka ka ahaa Aadan Cadde
ayaa waxaa dhacday in marka Aadan Cadde uu Dadka qaabilayo wuxuu siin jirey
qofkaas Toban Daqiiqo., Talaado kasta ayay ahayd qaabilaado, haddaba
maalinkaas qaabiladda waxaa ku jirey Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas ahaa
Kabtan, markii uu u galay Aadan Cadde ayuu wuxuu ku yiri “Maxaad dooneysaa
oo aan ku qabtaa,? Kabtan Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxa uu yiri “Waxaan
doonayaa inaad iga dhigtid taliyaha Ciidamada Soomaaliyeed”, Madaxweyne
Aadan Cadde wuu yaabay fadhigii ayuuna ka sare joogsaday isagoo ku leh
“Banaanka iiga bax”, Cabdullaahi markiiba banaanka ayuu u baxay hase yeeshee
Madaxweybe Aadan Cadde kama uusan harin oo waxaa uu fiirinayay illaa inta uu
ka mirqo Cabdullaahi Yuusuf, isagoo madaxa haysta ayuu dib u soo laabtay
Aadan Cadde, markaas ayaa dadkii meesha fadhiyay oo qaabilaadda sugayay
kuwaasoo weydiiyay “Madaxweyne side wax u jiraan”? iyagoo sii raaciyay
“Madaxweyne Dadka marka aad qaabilayso 10 daqiiqo kama badsan jirin laakiin
ninkan waxaad siisay 30 daqiiqo, maxay tahay caddaalad daradaas”?, Markaas
ayuu Aadan Cadde ugu jawaabay Ninkan Kabtanka ah daqiiqadahaas dheeraadka ah
waynu wada murmaynay, wuxuu I weydiistay wax madaxayga ka weyn oo ah isagoo
Kabtan ah buu wuxuu I yiri iyadoo Janaraalo joogaan iga dhig Taliyaha
Ciidamada.
Waagaas ayuu Cabdullaahi
Yuusuf uu hankiisu weeynaa, marka ha la yaabin haddii uu beeshiisa ku yiri
Waddanka ayaan Madaxweyne ka noqonayaa, taasoo arrin uu muddo dheer ku
riyoonayay, hasa yeeshee waxay riyadiisii rumowdey 10kii Oktobar 2004tii.
Cabdullaahi waxaa
doortay xil dhibaano laga soo xulay beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna helay
aqlibiyad aad u badan, isagoo helay 189 cod, waxayna codadkaasi ay kala
ahaayeen 57 Hawiye, 55 Digil iyo Mirifle, 45 Dir, 22 Daarood, 10na Beelaha
Is bahaysiga, meeshaa waxaa kaaga soo baxaya in beesha hawiye ay tahay
beeshii ugu badneed ee doorata Cabdullaahi Yuusuf, maada ay Barlamaanka ku
lahayd 62 kursi, nin aanu saaxiibo nahay ayaan weeydiiyay isla markaana ay
isku beel yihiin Cabdullaahi Yuusuf, in Beesha Daarood ay siiso 22 Cod,
wuxuuna igu yiri “Cabdullaahi anaga ayaa idinka naqaana”.
Waxaa xaqiiqa ah
marxaladdii uu dalka ku jiray markii la dooranayay cabdullaahi Yuusuf ay u
saamaxday inuu helo cododkaas waayo markii la is fiir fiiriyay ayaa waxaa la
yiri Ninkan Millateriga ah ayaa wax ka qaban kara Ummadan bahalowday,
haddiise maanta ay dhacdo doorasho xor ah in la tartansiiyo Cabdullaahi
Yuusuf iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa la hubaa in Shiikh Shariif uu
heli lahaa aqlabiyad badan, waayo Cabdullaahi labadii Sano ee uuu
Madaxweynaha ahaa waxba uma qaban bulshada Soomaaliyeed, halka Shiikh
Shariif uu muddo 4 Bilood ah ku Islaaxiyay Muqdisha oo ahayd halka ugu
dhibka badaneyd Soomaaliya iyo Gobolada ku dhow dhow, Nin Profeser
Ameerikaan ah ayuu mar uu ka hadlayay heshiiska u socda Xukuumadda iyo
Maxaakiimta inay waxay ka soo baxayaan ayaa yiri “wax jira iyo wax aan jirin
ayaa isi soo hor fariisiseen, marka shirkaasi waxba kama soo baxayaan”.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com