SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xiisada iyo xaalada siyaasadeed ee maanta dalku marayo oo ah meel halis ah

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916


Waxaa soconaya xadhig jiidad siyaasadeed oo ay ugu waaweyn yihiin dfkmg ah iyo golaha maxaakiimta islaamiga ah eek u sugan muqdisho iyo meelo kamida koonfurta soomaaliya ,hadaba shacabka umada soomaaliyeed oo mudo 16sano ah daalanaa maxaa u dana ? 

Hadaba si aanu wax uga ogaano arimahan iyo xaalada dhabta ah ee dalku marayo ayaan waxaan wax ka waydiiyey xeeldheerayaal siyaasadeed aqoona u leh dhibaatada fikirkooda looga bixi karo dhibaatada oo kala jooga magaalada muqdisho ,kismaanyo iyo baydhabo ,waxaana  ugu horayntii ku hormaray aqoon yahanka ,axmed calasow oo ku sugan magaalada muqdisho waxuuna hadalkiisa ku bilaabay . 

“””anigu hadaan fikirkayga cabiro waxaa ila haboon inay heshiiyaan maxaakiimta iyo dfkmg ah ,waxaana macquul noqon lahayd hadii ay heshiin lahaayeen in waxuun laga faa,iidi lahaa nabada maanta la haysataana ay ku fiicnaan lahayd in dowlad la helo waloow ay maxaakiimtu wax weyn qabteen ,sidoo kale waxaan dhaliilayaa dfkmg inta ay wadato ciidamo ethoipiyan ah inaysan taageero ka helayn shacabka soomaaliyeed ,calsoow ayaa fikirkiisii intaas kusoo afmeeray. 

Sidoo kale waxaa isna bal ka hadalaya xaalada murugsan ee dalku marayo aqoon yahanka xildhibaan ,c/qaadir firdhiye oo xubin ka ah masuuliyiinta baarlamaanka oo ku sugan magaalada baydhabo  ‘’’’’’’ waxaa wax laga xishoodo ah in dfkmg ah ay mucaaridaan maxaakiimtu waayo dowlada waxaa loosoo dhisay shacabka ,waxaana si dimoqraadiyad ah loogu soo doortay wadanka Kenya oo 2sano loo fadhiyey ,waatahay maxaakiimta ma xuma waxay qabteen wax loo baahnaa ,laakiin inay isu bedelaan waxyaalo aan loo baahnayn ilama haboona ,waxaana uu dalku ku badbaadi karaa iyadoo la teegeero dfkmg ah oo laga aqoonsan yahay caalamka si ay shacabka umada soomaaliyeed ay ugu talaabsadaan ama uga baxaan dhibka hada jira . 

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay aqoon yahanka ahna col,c/risaaq isaaq biixi oo ku sugan magaalada baardheere waxuu hadalkiisa ku tilmaamay waxaa jira dad huwan shaar qabiil iskana dhigaya dad diimeed hadaba waxaan ugu baaqayaa inay soomaali is taqaano loona baahan yahay in allaahu akbarta aan been laga sheegin waayo waxaan tusaale usoo qaadan karnaa gen,caydiid waxuu ahaa qabqable dagaal oo la dagaalamaya qabiil hadana allaahu akbar ayuu lahaa macquul ma tahay ,waxaan uga digayaa nimanka ku duulay deegaanada aysan lahayn waxaan u sheegayaa inaysan ku ledayn. 

Si kastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay ayaa ah mid u kala jaban xadhig jiidadka siyaasadeed ee dfkmg ah iyo golaha maxaakiimta .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD