SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Somalia ma waxay khatar ku tahay amniga xukuumada Washington iyo dabaheeda geeska Africa??!!

                (Somalia xuduud lama laha wadanka pakisntan) 

W/Q:Ibraahim Daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

       Ku dhawaad 16 sano oo dhibaato iyo jahwareer  ay shacabka somaliyeed  ku jireeyn,haba loo kala badnaadee dhibka intiisa badan waxa uu ka socday koonfurta somalia,dhawaantan is badalka ka dhacay meelo badan oo ay ka talin jireen hogaamiyaashii dagaalka, maxaakimta islaamkana ay gacanta ku dhigeen, markii la’eego is badalka noocaan ah waa mid  cadowgeena uunan ku farxeeynin.

    Dhawaan dood uu soo qaban qaabiyay machadka Enterprise ee xaruntiisu tahay wadanka mareekanka  waxa looga hadlay is badalada cusub ee ka soo cusboonaaday geeska Africa gaar ahaan wadanka Somalia iyo faafitaanka maxaakimta islaamka gobalo badabn oo Somalia ah.

     Midowga maxaakimta islaamka oo dagaal ba’an kaga guulestay hogaamiyashii dagaalka ee isku baheestay ladagaalanka diinta iyo ehelkeeda,waxa cadowka islaamka ee uu hormuudka u tahay xukuumada Washington, ka soo yeerayay hadalo muujinaya cadowtinimada ay u qabaan diinta islaamka.

     Sida uu ku doodayo  Mauro De Lorenzo oo ka mid ahaa dadkii soo qaban qabiyay  shirkii machadka Enterprise ka dhacay waxa uu yiri “fowdada iyo kala danbeyn la’aanta Somalia ka socotay tan iyo markii ay Somalia dowladii ka talinaysay ay meesha ka baxday, Somalia waxa  noqotay meel gabaad u ah kooxaha argagixisada balse June ,2006 waxay guul gaaray koox islaamiyiin xagjir ah oo la baxay midowga maxaakimta islaamka gacanta ku haya caasimada iyo meelo badan oo koonfurta Somalia ah”

      Waxaa xusid mudan   Wadamada geeska Africa oo intooda badan aanan jecleen maamul ka dhasha wadanka Somalia sida uu horay u cadeeyay madaxwaynihii hore ee Kenya Mio, wadamadan  waxa ay gacan ka helaan wadamo ay ka mid yihiin USA,England,iyo xulafadooda xarumo ciimado ayayna ku leeyihiin intooda badan, waxa ay gacan siin jireen hogaamiyashii dagaalka oo ay u arkayeen in danahooda u fulinayaan sidii dhacday February isla sanadan markii hogaamiyaashii diin la dirirka ee meesha laga saaray, ay sirdoonka mareekanka ka helayen lacago la doonayay in lagu soo qabto dad xukuumada Washington ay u arkaysay in ay danaheeda geeska Africa ka soo horjeeda isla markaana.iftiinka diineed ee geeska Africa lagu burburiyo.

     Sida uu sheegayo  Mauro De Lorenzo “taageerada dowlada Washington ay u fidisay hogaamiye kooxedyadii xaruntooda ay aheed magaalada mogdisho, waxay ay arinta ka dhigtay mid walaacsan,iyo in ay xoogeestaan islamiyiinta xagjirka ah ee la baxay maxaakimta islaamka waa sida uu hadalka uu u dhigay,xukuumada washngton waxa a il gaara ku haysaa isbadalad ka soo if baxay wadanka Somalia balse waxa uu is waydiiyay maxkamduhu makuwa ku dhisanaa awooda khabiilooyinka mise waa mid taageero ka hesha uruka Alqa’ida isagoon wax jawaab ah ka bixin”

    Dadka somaliyed waa dad  100% muslim ah,balse aanan wax maamul ah heesan ku dhawaad 16 sano, sidoo kalana cadowga Somalia meel walba oo uu joogo marnaba kuma farxayo isbadal ku dhisan islaam iyo wixii u dhow.

   Waxa ay xukuumada Washington is waydiisa meeshii laga soo abaabulay qaraxyadii 1998-dii  ka dhacay wadamada Kenya iyo Tanzania ee safaaradaha mareekanka lagu burburiyay,balse waxa ay farta mar walba ku godaan wadanka Somalia,oo ay aaminsan yihiin in loo soo maray lagana soo abaabulay.

    Ken Menkhaus oo ah barfasoor cilimiga siyaada ka dhiga Davidson College ee dalga mareekanka kana mid ahaa ka qeeb gaalayaasha dooda waxa uu yiri “ururka Alqa’ida waxay adegsadeen islaamiyiin xagjir ah Somali ah,1998-dii wixii ka dhacay Darussalam iyo Nairobi waxa laga soo abaabulay wadanka Somalia iyadoo  Kenya xuduubkeeda laga soo tilaabay,  markii si  guud loo fiiriyo xaalka  Somalia iyo  isbadalada hada muuqda, waxa ay dhibaato ku yihiin amniga guud ee wadankeena iyo danaha geeska Africa aanu ka leenahay, maalmulada maxakimta ee ku  dhisan jihaadka iyo asal racnimada waxa ay Somalia ka dhigi karaan meel gabaad u ah ururka Alqa’ida”.

    Dhanka kale markii la’eego sida ay mareekanka u arkaan madaxda sarsare ee midowga maxaakimta,waa mid kala duwan isku sina ogama hadlaan arimahasi markii la’isku soo qaado,tusaale ahaan Sh. Xasan Dahir xukuumada Washington liiska argagixiso ay soo saartay kadib qaraxyadii ka dhacay New York 11/septembar sanadii 2001 ayuu qeb ka yahay,waxa kaloo ay Sh. Xasan Dahir ku eedeeyaan falal argagixiso in uu caalamka ka galay,Sh. Xasan Dahir mar uu ka hadlayay waxa uu yiri “qabsashada midowka maxaakimta ee xukunka Somalia macnaheedu maahan in aanu dowada Washington ku nahay khatar”,arinta walaaca ay u arkaan ameerikaanku, waa hadalka kasoo yeeray Sh. Xasan ee sheegaya in uu dhiso doono dowlad islaami ah oo ku faafi doonta geeska Africa xitaa caalamka oo dhan.

   Ken Menkhaus oo dooda qeeb wacan ka qaatay waxa uu cadeeyay “Hadalada  uu sheegay xasan daahir waxa ay keeni karaan dhibaato baahsan oo saameeysa geeska Africa tusaale ahaan,gobalka somalida ee itoobiya ay gumeesato oo ay ka dhacaan kacdoono ay maxaakimtuna gacan ka geesato,sidoo kalana dowlada masiixiga ah ee itoobiya wax ay noqonaysaa mid loo cabsi qabo,SH. Sharif waa shaqsi dhax dhaxaad ah, marka la eego hadaladiisa ku wajahan dowlada Washington, waana shaqsi lala hadli karo marka loo eego xasan daahir oo kale,intasi waxa uu raaciyay isagoo shaki ka muujinaya,dilal iyo qaraxyo ka dhacay kudaha Somalia in ay ka danbeeyen maxakimta islaamka, kii ugu danbeeyana waxa uu ahaa isku daygii dil ee lagu doonayay in madaxweyne yufus  lagu qaarijiyo”

     Dowlada taagta daran, ee ay taagerto xukuumada itoobiya waxa ay awood ilaa hada u yeelan la,dahay in ay ku baahdo guud ahaan Somalia,waxayna dhaafi la’dahay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo,waxayna dowlada dadaalo badan ku bixinaysaa, sidii ciidamo shisheeye loo geen lahaa Somalia si looga caawiyo arimaha aminiga iyo hub ka dhigista.

    Mar arimahan aya ka hadlaysay haweneyda geeska Africa u qaabilsan wasaarada arimaha dibada ee dowlada Washington magaceeduna uu yahay  Eunica Reddick waxa ay tiri “waanu ka hortageena argixisada geeska Africa, koox wadanka ka dhigaysa meel gabaad u ah argagixisada ma ogalaan doono,iyaado maxaakimta ula jeeda,xiligan waxa loo baahan yahay waa amni iyo maamul siyaasadeed oo ku dhisan cadaalad iyo dimoqraadiyad,shacabka dhibaateysan waxaanu u ku caawindoonaa wixii nolasha lagama maarmaan u ah,arimahaas waxan kala kaashan doonaa dowladaha Norway iyo Sweden,mar ay ka hadlaysay maxakimta iyo dowlada TFG, ayay tiri waxan boorinayna in ay sii wadan wada hadalka labada dhinac ooga socda wadanka Sudan”

   Markii ay maxaakimtu awoodeda soo if baxday,caasimadiina ay gacanta ku dhigeen,meelaha qaarna ay sharciga islaamka ay ku soo rogeen sida in la joojiyo qaadka cunidiisa iyo iibintiisa,xirida shaleemooyinka,iyo arimo kale oo cadowga islaamka ay u arkaan in ay qaldan yihiin waxa soo baxday hadalo oranaya maxaakimtu waa daalibaantii Somalia,iyo hadalo la mid ah balse arintas waxa si daacadnimo ay ku jirto ooga hadlay Gerard Prunier oo mar ahaa maamulaha machadka daraasaadka ee wadanka France isagoo yiri “maxaakimtu maahan sidii daaliban,arimaha ay sameeyen waa arimo u baahna in wax laga qabtaa,maxaakimtu xuduud lama laha wadanka Pakistan,wuxuu cadeyay mareekanak in ay ku fashilmeen arimaha geeska Africa markii sirdoonka mareekanka ar taageero siiyeen dagaal oo gayashii Somalia,maxakimtu waa kuwo ku dhisan awooda khabiilada”

  Markii ay soo baxday in ciidamo la keenayo Somalia arintaasna ay hormuud u aheed xukuumada itoobiya,maxaakimtu islaamka waxa ay gacan ka helaan wadmo ay cadow isku yihiin dowlada itoobiya,waloow midowga maxaakimta ay gaashaanka u daruureen in diyaaradu hub u sida maxaakimta islaamka,madaxda maxaakimtana wxa ay booqashooyin ku kala bixiyeen wadamo carbeed qaarkoodna taagero u balan qaaday arintan waxa ka hadlay shirka inta uu socday  David H.Shinn oo mar safiir dowlada Washington oga ahaa wadanka itoobiya waxa uuna yiri “xaalada gobalga geeska Africa ee murugsan waxa gacan ween ka geestay dowladaha dariska la ah Somalia iyo kuwo dano gaara leh,wuxu tusaale ahan u soo qaatay xukuumada casmara in ay taageero siiso maxaakimta islaamka iyadoo cadowtinimo ay kala dhaxeeyso xukuumada Adis abab,Sudan iyo Masar ayuu ku sheegay in ay iyagana maxakimata taageeran,liibiyana waxa uu ku sheegay in ay doonayso in ay meesha ma muuqato .Saudi Arabia ayuu ku sheegay in arimo diineed ay u taagerto,dhawaantana waxa ku soo birtay dowlada imaradka oo casumaad u fidiyay godoomiyaha golaha fulinta ee maxakimta islaamka sh shariif sh axmed”..

    Arimaha Somalia wayadan danbe waxa ay noqdeen kuwo aad loo daneenayo kadib markii awood caalamka oo dhami uu la yaaban yahay ay soo bidhaantay,waxa meesha ka baxay wad tashigii lala yeelan jiray hogaamiyasha dagaalka,balse waxa la yaab noqonaysa markaad mashaqo hadalo aan loo fiirsan oo ka soo yeeraya dowlad sheeanaysa awooda caalamaka, cabsi ayaan ka qabnaa  iyo hadalo lamid ah cabsidan la sheegayo maxaasidnimaa mise waa rag iska celis?

    Gudaha wadanka mareekanka waxa ku nool kumanaan Somali ah sidoo kalana waxa maalin kasta wadanka mareekanka gaara qaxooti Somali ah ku dhawaad boqol iyo konton kun (150.000) oo qaxooti ayaa la filayaa in mareekanka ay gaaraan mareekanka dadkiina sidaa ayaad mareekanoow u guraysaa maxaakimta islaamkana waad ka cabsanaysa.

  Guntii iyo gaba gabadii waxan arintan wax ka qoray aana ka soo turjumay website marekaka uu leeyahay waxana igu kalifay in aan soo tarjumo waxa ay tahay dad badan in ay ogaan arimaha somaliada iyo cadowga maalinba meel ku shiraya.

  Salaamaat minkuli aafaat.

  W/Q:Ibraahim Daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

          Nairobi-Kenya

 +254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD