Wararkii: Oct 11, 2006
- Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa in
ay afar goobood ka weeraraan..
- Mario Reffeli oo soo jeediyay in
Soomaaliya.iyo Itoobiya la kala dhex dhigo .
- Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo
lagu.wareejiey ciidam ka socda.
- Xuseen Caydiid oo sheegay in ciidamada
Dowlada ay u tageen Buur Hakaba…
- Dowladda Itoobiya oo beenisay inay
Ciidamadeeda ay gaaraan..
- Yuwere Museveni oo sheegay in Uganda ay
dhawaan soomaaliya..
- Dab wayn oo baa bi'iyay Shaybaarkii
guud ee Cisbitaalka Garowe:
- Maydadka 60 qof oo laga helay caasimada
Iraq ee Baghdad.
- Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu
xidh-xidheen.
Dowladda
Federaalka oo qorsheyneysa in ay afar goobood ka weeraraan..
Dawladda Federaalka ayaa waxa ay waddaa
qorshayaal ay ku dooneyso inay isku ballaariso qaar ka mid ah Gobolada dalka
kaddib markii inta badan Maxaakiimtu ay qabsadeen Koofurta Soomaaliya Ciidankii
isugu jirey Dawladda Federaalka iyo kuwa itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay
ahaayeen kuwo tijaabinaya awoodda Ciidamada Maxaakiimta iyadoo Dawladda
Federaalka ay ku tilmaantay tegistii Buur Hakaba mid ay ku doonaysey inay isaga
caabiso Maxaakiimta Islaamiga, warar ayaa waxaa ay sheegayaan in dalwdda
federaalka ay damacsan tahay in Maxaakiimta ay ka weerarto 4 jiho oo kala ah
Hiiraan, Mudug, Muqdisho iyo Bu’aale, Ciidamo isugu jira Soomaali iyoItoobiyahan
ayaa waxaa la sheegay inay u soo dhaqaaqi doonaan dhinaca kala Beeyrka. Si ay
gacanta ugu dhigaan Magaala Madaxda Gobolka Hiiraan ee Beled-weyne, waxaana
hoggaaminaya Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba Geed, Ciidamo kale oo isugu jira
Soomaali iyo Itoobiyahan oo uu hor kacayo Col.Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa
iyaguna ka soo dhaqaaqi doona dhinaca degaanka Gelinsoor oo ay ku sugan yihiin
Golaha Maxaakiimta Islaamiga, Ciidamo kale oo iyaguna isugu jira Somaali iyo
Itoobiyaan oo uu hor kacayo Wasiirka Gaashaandhigga Barre Aadan Shire Barre
Hiiraale ayaa iyaguna ku wajahan Magaalada Bu’aale iyadoo ciidamo ka socda
xukuumadda federelka iyo Itoobiyan ay u soo dhaqaai doonaan illaa Buur Hakaba
illaa ay ka soo gaaraan Garoonka Balli-Doogle. Dhinaca kale mas’uuliyiinta
Maxaakiimta ayaa wada diyaargarow adag oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay uga
hor tegi lahaayeen qorshayaashaas la damacsan yahay, waxaana maalintii shalay
ahayd ka ambabaxay magaalada Muqdisho ilaa iyo 40 tiknika ah oo u dhaqaaqay
dhinacaa iyo Degmada Jilib, sidoo kale ciidamo wata illaa 30 teknika ah ayaa loo
jiheeyay dhinacaa iyo Buur Hakaba iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee
Maxaakiimta Shiikh Shariif uu iclaaniyay Dagaal jihaad ah oo looga hor tagayo
Ciidamada Itoobiya ee soo galay gudaha Waddanka Soomaaliya
Mario Reffeli oo soo jeediyay in Soomaaliya.iyo
Itoobiya la kala dhex dhigo .
Mr. Mario Reffeli oo u qaabilsan Dowladda
Talyaaniga Arrimaha Soomaaliya oo dhaawaan soo gaaray dalka Soomaaliya isagoo
kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda
Federaalka ayaa sheegay in Xaaladda ka dhex taagan Maxaakiimta iyo Itoobiya ay
tahay mid kacsan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Ciidamo si deg deg ah
loo ka la dhex dhigo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wakiilku oo u waramayey Wakaaladda
Wararka ee Reuters ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay arrinka cakiran ee u
dhexeeya Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Itoobiya oo ay maxaakiimtu ku
eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya lagu xalin karo oo keliya
in ciidamo caalami ah oo nabad ilaalineed la dhex dhigo. “Haddii Ciidamo la
dhigo xuduuda u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa yaraan karta Qatar laga
qabi karo in Dagaal qaraari uu dhex maro Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Dowladda
oo ay Itoobiya garab siineyso”, ayuu yiri Marrio Reffeli oo intaa ku daray
“Waxaa laga maar-maar an in marka hore labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya
ay ku heshiiyaan arrinta ciidamo keenista haddii ay suurogal noqon karto”.
Reffeli ma uusan sheegin xiliga ay
suurogal noqon karto in ciidamo la kala dhex dhigo Dalalka Soomaaliya iyo
Itoobiya, wuxuuna kalloo sheegay in ciidamadaasi la noqon doonaan kuwo hub wata,
laalkiin aan wax dagaal ah ku shuqul laheyn.
Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo
lagu.wareejiey ciidam ka socda.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo
waxay sheegayaan in maalintii shlaay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ay
gacanta ugu jirtay maleeshiyo taageersan C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa lagu
wareejiyay Ciidamo Booliis ah oo ka socda deegaanka.
Waxaa maalmahan socday wada hadalo lagu
xalinayo dagaalkii ka dhacay garoonkaasi oo ay ku dhinteen 7 qof oo u badnaa
maleeshiyada deegaanka, waxaana wada hadalkaasi ka qayb-qaatay mas’uuliyiin ka
tirsan Dowladda iyo waxgarad ka tirsan Deegaanka, taas oo aaqiritaankii lagu
heshiiyey in lagu wareejiyo ciidamo ka socda deegaanka.;
Arrintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka
deegaanka oo ku tilmaamay mid isku soo dhaweyneysa Dowladda Federaalka iyo dadka
deegaanka.
Xuseen Caydiid oo sheegay in ciidamada Dowlada
ay u tageen Buur Hakaba…
Xuseen Max’ed Caydiid oo ah Ra’isul Wasaare ku
xigeenka dowladda federaalka ah ahna Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay
ciidamadii dhawaan tagay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidmadaasi ay
ahaayeen kuwo soo kormeerayay deegaankaasi gaar ahan dhinaca nabadgelyada iyo
noloshada.
Xuseen caydiid waxa uu beeniyay in ciidamada
dowladd ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah isagoo sheegay in wararkaasi ay
faafiyeen kuwo doonaya in ay qaldaan ra’yul caalamka.
Xuseen Caydiid waxaa kalloo uu sheegay in
ciidamada Dowladda ay sidoo kale tagi doonaan goobo ka baxsan Magaalada Baydhabo,
wuxuuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Dowladda
Federaalka si ay u soo celiso nabadgelyada iyo xasiloonada.
Waxaa la xaqiijiyey in ciidamo Itoobiyaan ay la
socdeen ciidamadii yimid Magaalada Buur-Hakaba, hase yeeshee Dowladda Itoobya
iyana waa ay beenisay waxay ku tilmaantay warar aan sal iyo raad toona laheyn
Dowladda Itoobiya oo beenisay inay Ciidamadeeda
ay gaaraan..
Dawladda Itoobiya ayaa si kulul u beenisey in
Ciidamo Itoobiyan ah ay qabsadeen Magaalada Buur Hakaba, waxayna Itoobiya
hadaladaas ku tilmaantay inay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn “Ciidamo
Itoobiyahan ah kuma jireen gudaha Dalka Soomaaliya, Ciidamadeenuna waxay ku
sugan yihiin Xuduudda Itoobiya ayay tiri Af-hayeenka arrimaha dibadda ee Dalka
Itoobiya, Salamon Abeebe”.
Dawladda Ibootiya waxay sheegtay in loo baahan
yahay in gacan la siiyo Dawladda Federaalka maadaama aysan lahayn awood ay
isaga celiso Maxaakiimta.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Dawladda
Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti
Maxamuud Cali Yuusuf, waxayna isla soo qaadeen arrimihii ugu danbeeyay ee ka
dhacay dalka soomaaliya, gaar ahaana is bedelkii ka dhacay Magaalada Muqdisho,
waxayna isku aragti ay ka noqdeen in gacan la siiyo Dawladda Frderaalka.
Ciidamo ka gadooday Barre Hiiraale oo dib ugu …
Ciidamo uu hor kacayo Col.Barre Aadan Shire
Barre Hiiraale oo ah Wasiirka Gaashaan dhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya
ayaa soo gaaray tuulo ku dhow degmada Saakow oo ka mid ah Gobolka Jubada
Dhexe.Ciidankan oo ku hubaysan illaa iyo dhowr iyo labaatan Teknika ah ayaa
waxaa la sheegay inay ku soo wajahan yihiin Degmada Bu’aale oo ay ku sugan
yihiin Ciidamada Maxkamadaha.
Wararka aanu ka heleyno Degaanadaas ayaa waxaa
ay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhex galay Ciidamadii Barre Hiiraale iyadoo
qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in aan waqtigan loo baahnayn wax dagaal ah.,
halka qaar kalena ay Barre ku eedeeyeen in mudadii uu Gobolka Jubada Hoose uu
ku sugnaa uusan waxba ku soo kordhinin danaha Beesha ha noqoto dhinca teknida
iyo dhinaca hormarka iyagoo intaa raaciyay wixii dhaqaale ahaa ee ka soo xaroon
jirey Gobolka Jubada Hoose ay ahaayeen kuwo uu ku jtakri falay Barre nafsad
ahaantiisa.
Qaar ka mid ah Ciidamadan oo dib ugu laabtay
degmada Baar dheere ayaa bulshada halkaa ku dhaqan waxay u sheegeen in waqtigan
aysan haboonayn Dagaal, maadaama uu barre horey isaga soo baxay,Kismaanyo warku
waxaa uu intaa ku daray in Barre Hiiraale uu gurmad ka sugayo dhinaca Dawladda
Federaalka.
Yuwere
Museveni oo sheegay in Uganda ay dhawaan soomaaliya..
Madaxweynaha dalka Uganda Yuwere Museveni ayaaa
shaaca ka qaaday in
dalkiisu uusan dan gaar ah ka laheyn balse uu rabo in uu taagro buuxda siiyo
DFGM si dhibta looga baxo ayna ciidamo diri doonaan Museveni ayaa sheegay in
Ciidamada dalka Ugandha ay rabaan in ay caawiyaan dawlada federaalka si ay
dawladu u yeelato ciidan nidaamsan oo wax ka qabta Fawdada ka jirta Soomaaliya.
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Ugandha Yuweri Museveni ayaa waxa uu yimid
markii uu kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Jabuuti.Maxamuud
Cali Yuusuf isaga oo u waday fariin ka socotay Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar
Geelle.
Museveni ayaa waxa uu sheegay qolooyinka ka soo
horjeeda DFGM in ay yihiin kuwo aan rabin in ay dhibta ka baxdo Soomaaliya oo
mudo ka badan 16sano ku jirtay Dawlad la,aan. Madaxweynaha Ugandha Yuweri
Museveni ayaa eedayn dusha uga tuuray Golaha Maxakiimta islaamka isaga oo ku
eedeeyey in ay rabaan in ay xoog kula wareegaan Soomaaliya oo dhan taas oo ka
hor imaanaysa buu yiri heshiiskii Nairobi lagu saxiixay iyo kii u danbeeyey ee
Kharthuum.Yuweri Museveni ayaa sheegay in arinta Soomaaliya lagu xalin karo in
la garab istaago DFGM Dawlada Soomaaliyana ay wado waan waanta ay kula jirto
Xooggaga ka soo horjeeda ee ah Maxaakiimta Islaamiga ah kuwaas oo gacanta ku
haya dhul balaaran
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
Garowe:
Dab wayn oo baa bi'iyay Shaybaarkii guud ee Cisbitaalka Garowe:
Dab xoog badan ayaa ka kacay xarunta Shaybaarka
isbitaalka guud ee magaalada Garowe kaaso gabi ahaanba baa bi'iyay shaybaarka.
Dabkan ayaa xalay ka kacay shaybaarka xili
habeenimo ah saacadana lagu sheegay in ay ahayd markii uu dabku ka kacayay
Talaadadii 11:40 habeenimo xiligaasoo la sheegay in ay ahayd xili shaqaalaha
isbitaalka badiba ay ka maqnaayeen oo ay u hurda tageen gurahooda balse ay
joogee bukaanka iyo tiro yar oo ka mid ah shaqaalaha ku qornaa xiliga habeenkii
ah oo aad u yar kuwaasoo aan si dag dag ah u damin dabkii waxana uu dabkaasi
sababay in uu gabi ahaanba baa bi'iyo shaybaarkii iyo dhamaan wixii agab yaalay
oo lagu shaqaynay kaasoo shaybaarka ka dhigay hada mid aan shaqaynayn oo ah
bilaa shaybaar.
Dabkan ka kacay shaybaarka ayaa waxaa sababay
kicitaankiisa Talaagad lagu qaboojin jiray dawooyinka la dhigayo shaybaarka ee
ay isticmaalayaan bukaanaka talaagadaasoo aan la damin xalay sidaasna looga
tagay taasina ay sababtay in uu dabkaasi ka kaco shaybaarka guud ee isbitaalka
Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Xili sii horaysay ayaa shaybaarka Garowe
maamulka puntland u aqoonsaday in uu yahay shaybaarka qaranka balse maamulku
waxba kuma siyaadin shaybaarka hadana waxaa soo food saartay arin u baahan in si
dag dag ah wax looga qabto sidii uu shyabaarku markale u hawlgalilahaa
shaqadiisiina uu u sii wadan lahaa.
Si kastaba Maamulaha Isbataalka Guud ee Garoowe
Mr. C/risaaq Jaamac Taraag ayaa sheegay in uu dabku kacay tallaagad gaas ah oo
lagu qaboojin jiray dawooyinka loo isticmaalo shaybaarka , dabadeedna intii la
isku dayayay in la damiyo dabka uu gabi ahaanba uu dambas noqday Shaybaarka
islamarkaasna uu waxyeelo u gaystay sadexdii qol ee uu Shaybaarku ka koobnaa.
Mr. C/risaaq wuxuu
sheegay in ay baaq u dirayaan masuuliyiinta maamulka Puntland iyo Hay’adaha
Samafalka iyo Jaaliyada dibada kaa soo ay kaga codsanayaan in si deg-deg ah
(emergency) loogu keeno dhammaan qalabkii Shaybaarka oo la isticmaalayay muddo
16 sano ah maamuluhu waxa uu sheegay in aan hada isbitaalku sidaas u sii
shaqaynkarin bilaa shaybaar la'aan hadan si dag dag ah loogu gurman isbitaalka
oo buu yiri ay dadbadan ku xirnyihiin meelo kala duwan looga yimaado
shaybaarkan oo ah mid aad iyo aad casri u ah ayaa hada ah mid bur buray.
Madaxwayne
kuxigeenka Puntland oo saaka booqday isbitaalka qaybtiisa shaybaarka ee gubatay
ayaa halkaasi ka soo jediyay hadalo loo macnaysatay in shaybraaka arintiisa loo
bandhigo haayadaha.
Si kastaba waxaa
maalinta bari ah loo balamay shir looga arinsanayo xaalada soo foodsaaratay
shaybaarka qaranka kasi oo ay isugu imaanayaa dhamaan xukuumada Puntland
shirkaasi oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe.
Baghdad: Maydadka 60 qof oo laga helay
caasimada Iraq ee Baghdad.
60 qof maydkood ayaa laga helay magaalada
caasimada u ah Iraq ee Baghdad sida ay shaaca ka qaadeen ciidanka Boliska
dalkaasi Iraq.
Sidoo kalena qaraxyo is xig xiga ayaa ka qarxay
dalkaasi saacadihii ugu danbeeyay.
Qarax gaari lagu soo rakibay aya ku qarxay meel
u dhay masjid ay dadka Suni yiintahai ku cibaadaystaan waxaana ku dhimata sida
la rumaysan yahay 11 qof.
Qaraxan ayaa yimid maalin kadib markii maalin
ka dib markii qarax baabuur oo kale uu meel suuq ah oo isla caasimadda Baqdaad
ka tirsan ku diley 10 qof oo kale.
Waxaa la rumaysan yahay in dad kabadan 300,000
ay isaga bexeen guryahoodii iyaga oo baqaya in wax yeelo ay ka soo gaarto is
miidaaminta ku badanaysa dalkaasi Iraq.
Waxa aad u batey rabshadihii u dhaxeeyey
Shiicada u badan waddanka Ciraaq iyo Sunniyiinta mudada dheer soo xukumaysay
dalkaasi Iraq.
60 ka qof oo dhamaan tood ah Rag ayaa Saraakiil
ka tirsan wasaaradaha Gaashaandhigga iyo tan Gudaha ayaa sheegey in lixdanka qof
ee hadda boolisku heley laga soo urushey meelo kala duwan oo ka mid ah
caasimadda Baqdaad 24 kii saac ee la soo dhaafay.
Inta badan ragan la helay maydadkooda ayaa la
sheegayaa in laga toogtay Madaxa.
waxaa kaloo la xaqiijinayaa in dhamaan ragan
maydadkooda la helay oo ay boolisku intaas ku dareyaan in dadkaas la toogtey
dhammaantood gacmaha iyo lugaha inta laga xirey oo intii aan la dilin la
jir-diley oo weli ay calaamadihii jir-dilku jirkooda ka muuqdaan intoodabadana
laga toogtay madaxa.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Barnaamijkii Radio
Xoriyo
10 October 2006
Dagaallo lagu naafeeyay gumaysiga Itoobiya.
Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu
xidh-xidheen.
Ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaallo ka
billaabay Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay
arrimaha Soomaaliya.
======================
Dagaallo lagu naafeeyay gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo lagu jabiyay ciidammada
saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaaladaasi waxay u dheceen sidatan;
25/09/06 Dagaal ka dhacay Far-hareeri, oo ka
tirsan gobolka Doollo, waxaa cadowga lagag dilay 5 askari, 8 kalena waa
lagag dhaawacay.
27/09/06 dagaal ak dhacay Uubataale, oo isna
ka tirsan gobolka Doollo, waxaa cadawga lagaga dilay 3 askari, 5 kalena waa
lagag dhaawcay.
05/10/06 dagaal mir ah oo CXO ku qaadeen kuwa
gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Bambaas, oo Jigjga ka
tirsan waxaa ciidammada caga-jiidka ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay in ka
badan 15 askari, tiro kaloo badana waa lagaga dhaawacay.
04/10/06 tuulada Daaru-salaam oo gobolka Nogob
ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari.
05/10/06 Dhadhame oo ka tirsan degmada Baabili,
dagaal mir ooy CXO ku qaadeen waxay ciidamada gumaysiga u gaysteen khasaare
lixaad leh. Ka dib markii ay u adkaysan waayeen dagaalada is-badaba jooga ah
ee ay CXO ku hayaan waxaa ciidammada gumaysiga ee deegaankaas ka baxsatay 30
askari.
05/10/06 Laasoole, oo degmada Shilaabo ka
tirsan, waxay CXO ku qab-qabteen koox dabaqoodhi ah waxayna halkaas kaga
qaadeen 9 qori, ka dibna way iska sii daayeen.
30/09/06 waxay maxaabiis aad u tiro badan ka
baxsatay jeelasha ku yaalla magaalooyinka Fiiq iyo Xamaro, walina ma hayno
magacyadooda.
28/09/06 Ciidamada Wayaanaha ee fadhigoodu
yahay degmada Sagag waxaa ka waashay 3 Askari. Waxay sidoo kale halkaas ku
toogteen laba Askari, arrintaasoo keentay isku dhac dhexdooda ah, iyagoo u
kala jabay saddex qabiil oo kala ah Tigree, Oromo iyo Axmaaro, ilaa iyo
hadda waxay u kala fadhiyaan seddexaas qaybood.
Dad rayad ah oo ay ciidamada cadawgu
xidh-xidheen.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ay caado u
tahay inay dadwaynaha rayadka ah ka aar-goosteen marka lagu waxyeelleeyo
goobaha dagaalka, ayaa dadwayne rayad oo aad u badan ku xidhxidhay meelo
kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah;
28/09/06 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya
magaalada Bullaale ee gobolka Jarar ku xidhxidheen dadka kala ah:-
1- Gurey Sheekh Ibraahin
2- Gurey Xasan Cali
3- Cabdi Mahdi
4- Xasan Dhibe
5- Axmed Maxamed Ibraahin.
Laga soo billaabo 03/09/06 waxay ciidammada
gumaysiga Wayaanuhu magaalada Jigjiga ku xidhxidheen dadweyne ay tiradoodu
kor u dhaafayso 500 oo ruux.
03/10/06 magaalada Dhuxun oo ka tirsan gobolka
Nogbeed, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba'an ugu gaysteen labada
gabdhood ee kala ah:- Bishaaro Wali iyo Fatxa Cali.
20/09/06 waxay ciidammada gumaysigu
Sabati-xeedho oo Dhagaxbuur ka tirsan ku kufsadeen gabdh lagu magacaabo;
Hinda Daahir Maxamed.
Dhinaca kale wuxuu wariyaha RX noo soo sheegay
in shir in muddo ah u socday saraakiisha ciimadammada gumaysiga Itoobiya la
soo gabagabeeyay, isla markaana ay ka soo baxeen qorshayaal ay ka mid yihiin
in;
Dadka reer guuraaga ah la isgu geeyo degaano
cayiman, si ay xakamayntoodu u sahlanaato iyo in raashiinkii ay qaybin
jirtay hay�adda samafalka ee SCF ay kala wareegto hay�adda qoxootiga Qaranka
ee Itoobiya oo ah hay�ad uu gumaysigu iska leeyahay, taasoo ciidammada ka
taageeri doonta sidii ay raashinka ugu adeegsan lahaayeen cabudhinta iyo
cadaadiska dadwaynaha tabaalaysan.
Ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaallo ka
billaabay Soomaaliya.
Boqollaal ka mid ah ciidammada Itoobiya oo ku
hubaysan gawaadhida dagaalka ayaa isniintii weeraray oo qabsaday magaalada
Buurhakaba, ka dib markii malleeshiyo soomaaliyeed oo Maxkamadaha gacan saar
la lahayd ay halkaas iskaga baxeen.
Hase yeeshee ciidammadii Itoobiyaanka ah ee
qabsaday Buurxakaba ayaa la sheegay inay haddana si degdeg ah magaalada uga
baxeen, iyadoo ayna cidina kula dagaalamin, ka dibna ay magaalada dib ugu
soo noqdeen ciidammadii soomaaliyeed ee markii hore haystay.
Wariyayaal ku sugan magaalada Baydhabo ayaa
sheegay inay magaalada dhexdeeda ku arkeen ilaa laba boqol oo aksari oo
Itoobiyaan ah iyo baabuur waawayn oo jiidaya qoryo culus.
Madaxda midowga Maxakamadaha ayaa shir
albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaalada Muqdisho wax yar ka dib
markii ay cidammada Itoobiya duullaanka ku qabsadeen magaalada Buurxakaba,
waxayna ku dhawaaqeen in Jihaad lala galao ciidammada Itoobiya.
Midowga Maxkamaduhu wuxuu xukuumadda Itoobiya
ku eedeeyay inay dalka Soomaaliya soo galisay cidammo aad u tira badan oo
ilaa iyo 35 kun oo askari gaadhaya, isla markaana ay ciidamadaasi qabsadeen
meelo Soomaaliya ka mid ah, wuxuuna dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqay inay
isu diyaariyaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen gumaysatada Itoobiya.
Midowga Maxkamaduhu wuxuu beesha caalamka ka
codsaday inay xukuumadda Itoobiya ku qanciyaan inay iskaga baxdo dalka
Soomaaliya, isla markaana ay joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha
Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay
arrimaha Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan
ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna dawlada ku
eelgaadhka ah iyo golaha maxakamadaha ugu baaqay inay adkeeyaan qabsoomida
kulanka Khartuum.
Kofi Annan ayaa xaaladda Soomaaliya ku
tilmaamay mid sii cakirmaysa, wuxuuna tilmaamay inay habboon tahay in laga
shaqeeyo qabsoomida kulanka Khartauum, si fashil looga badbaado.
Annan ayaa ku boorriyay labada dhinac inay soo
nooleeyaan balanqaadyadii ay horay u sameeyeen markii ay isla gaadheen
heshiisyadii ay hadda ka hor ku yeesheen magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Dhinaca kale wuxuu dalalka Soomaliya dariska
la ah ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyaabah sii xumayn kara xaaladda
Soomaliya ka jirta. Wuxuuna ku taliyay in la ilaaliyo xayiraadda xagga hubka
ah ee Soomaaliya saran, isla markaana tallaabo laga qaado cid kasatoo oo ku
xadgudubta.
Hase yeeshee Kofi Annan ayaa sheegay inaanuu
waxba kala soconin in ciidammo Itoobiyaan ahi ay ka dagaallamayaan dalka
Somaaliya, iyadoo warbaahinta caalamka oo dhami ay sheegeen duullaanka ay
cidammada Itoobiya isniintii ku qaadeen magaalada Buurhakaba iyo joogitaanka
ay joogaan ciidda Soomaaliya.
10 October
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9820 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Munaasabad
loo sameeyay furitaanka sanadkii Waxbarashada ee Jaamacada Niileyn
![](we10.jpg)
Waxaa habeenkii xalay ahaa xaflad isugu
jirtay furitaanka sanad-dugsiyeedka 2006-2007 ee Jaamacadda Niiley faraceeda
Muqdisho, Sagootinta Ustaad C/rixiin Cabdala oo ahaa madixii kormeerayay
imtixaanaadkii laga qaadayey ardaydii ku jirtay jaamacadaasi iyo afur loo
sameynayey marti ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa
ugu horeyntii halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Niileyn C/qaadir
Macalin Max’ed Geeddi oo sheegay in Jaamacadda Niiley ay tahay Jaamacad muqo
50 sano iyo wax ka badan soo jirtay, iyadoo sanad kasta ay ka qallin
jabiyaan kumaanan kun oo ku kala nool Daafaha Dunida, isagoo sheegay in
Jaamacadda Niileyn ee Magaalada Muqdisho ay ka kooban tahay Maamulka
Ganacsiga, Xisaabaadka Ganacsiga, Dhaqaalaha, Caymiska, Culuunta Siyaasadda
iyo Cilmiga Bulshada, Sidoo kale waxaa Jaamacadda lagu bartaa Daraasaadka
Islaamka, Cilmu Nafsiga iyo Luuqadaha Carabiga iyo INGIRIISKA. Waxaa kalloo
ka hadlay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya Cumar Aseyn Al-Axmed oo isna
sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawa ka qaybgalo xaflad loo
sameynayo Jaamacadda Niiley Faraceeda Muqdisho, sidoo kale waxaa ka hadlay
Dr. C/Rixiin Cabdala oo ah madixii kormeerayey imtixaanaadkii
sanad-dugsiyeedka 20056-2007, isagoo ka yimid Suudaan, waxa uuna sheegay in
nabadgelyada ka jirta Soomaaliya ay u saamaxeyso in qaybo kale oo ka tirsan
Jaamacaddaasi ay ka furaan Soomaaliya
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Qoraal dheer iyo sawiro oo ka so
baxay xafiiska gudoomiyha golaha safalaka & horumarinta somaliyeed
oo uu ku saxiixnaa sh : axmed maxamed suleemaan oo na soogaarey ayaa
waxaa ay ahaayeen sidaan ,
![](webi8.jpg)
Somali Relief &
Development Council
المجلس الصومالي
للأعمال الخيرية والتنمية
Tel: 854155,
235646, 930773: Mobile: 577471, 552755, 506308
Email:
kaalmeeye@hotmail.com
Web:
www.samafale.com
Ref: G.S.H.S/26/06
Date: 09 / 10 /2006 16/ 09 /1427.H. Muq.Somalia.
Wejigii labaad ee xiridda biyaha
ee webiga Shabeelle oo la soo gebagebeeyay
Ilaahay fadligiisa waxaa lagu
guuleystay in la soo gebogebeeyo wejigii labaad ee xiridda biyaha
webiga Shabeelle , waxaana lagu guuleystay maalintii jimcaha
6/10/2006 in la xiro halkii ugu darneyd ee webigu ka goostay oo
aheyd buqda Moyko, taasoo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada
Jowhar , waxaana xiritaanka biyahaas qeyb weyn ka qaatay Golaha
Samfalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo gacan ka helay maamulka,
ganacsatada,,dadweynaha & Hay’adaha gobolka qaarkood
Haddaba mar haddii lagu guuleystay
xiritaanka Buqda Moyko , waxaa loo baahan yahay arrimaha soo socda
:-
- In kaalmo lala gaaro dadkii
waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda , dadkan oo ka barakacay
guryahoodii , dalaggii beeruhuna ka go’ay.
- In la hagaajiyo jidadkii ay
gooyeen biyuhu , kuwaas oo burbur lixaad leh soo gaaray, waxaana
ugu horreeya jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Magaalada
Jowhar.
- In la carro tuuro meelaha laga
yaabo in ay biyuhu mar kale ka goostaan, si looga hortago
fatahaado cusub iyadoo xilligii roobkuna soo dhaw yahay.
Dhanka kale mashruucii tabarrucaad
ururinta ahaa ee ay qabanqaabisay Shirkadda warbaahint Horn Afrik
taariikhdu markii ahayd 22/09/2006, taasoo lagu yaboohay lacag dhan
$27,075 waxaa ilaa hadda lacagtaas ka soo xerooday lacag dhan
$18999.25 oo u dhiganta 70 % lacagihii la ballan qaaday,waxaa kaloo
la soo gaarsiiyey Golaha alaabooyinkii la yaboohay oo ay ka mid
ahaayeen Cirbadaha kaneecada , Maro kaneecooyin , Faleebooyin iyo
Timir , taasoo dhammaan la gaarsiiyey goobihii dhibku ka dhacay.
Haddaba waxaa ka mid ahaa
shirkadihii ama Hay’adihii dowrka weyn ka qaatay bixinta
tabarrucaadkaas wixii ay yabooheenna bixiyey:-
-Dahabshiil , Global Money
Transfer, Jubba Airways, Africa Muslim agency , Nadwa Al –shabaab
Alcaalamal Islaami(WAMY) , Shirkadda S company, shirkado iyo
shakhsiyaad kale oo bixiyay lacagihii ay ballan qaadeen.
Waxaa kaloo jira lacago kale oo soo
gaaray Golaha oo aan horay loo yaboohin taasoo gaaraysa :$8500 ,Waxaana
ka mid ah shirkadaha lacagahan ku deeqay :-
-Shirkadda Hormuud : $ 5000 -
Xawaaladda Amaana : $1000
- Ganacsatada daawada : $ 1500
– qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jarmalka
: $850
Isu geyn lacagaha u soo ururay wax
ka qabadka dhibaatada Fatahaadda webiga Shabeelle ilaa hadda waa : $
27,299.25
Baaq
Golaha Samafalka & Horumarinta
Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay
is kaalmeeyaan , maadaama lagu jiro Bisha Ramadaan ee Barakaysan,oo
ajarka camalka wanaagsan la labalaabaayo.
Haddaba ciddii afurinaysa dad
sooman ama dhiibeysa Zako( fidri ama Zakada Maalka) Goluhu wuu soo
dhoweynayaa , wuxuuna u balan qaadayaa in uu gaarsiiyo ciddii loogu
talagalay, ogaadana qofkii qof sooman afuriya wuxuu leeyahay
ajarkiisoo kale, sida uu caddeeyay Nebigeenna suubban (NNK) .
Mahad celin
Golaha samafalka & Horumarinta
Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinaya Shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku
tabarrucay kaalmadii loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatada
fatahaadda webiga Shabeelle.,iyo warbaahinta qeybta lixaadka leh ka
qaadatay hawshan,sidoo kale Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa maamulka ,
iyo dadweynaha gobolka Sh/Dhexe oo intii tabartooda aheyd ku
dadaalay wax ka qabadka arrintaas.
Goluhu wuxuu ka codsanayaa dadka
aan weli bixinnin tabarrucaadkii ay yabooheen iyo kuwa doonaya in
ay ka qeybqaataan tabarrucaadka in ay soo dedejiyaan waxa ay
bixinayaan , kuna soo hagaajiyaan acounada Goluhu ku leeyahay
shirkadaha xawaaladaha .
Cid kastoo walaalahood kaalmeysana
waxaan ugu duceynaynaa inuu Alle u kaalmeeyo ,uuna ugu bedello wax
ka kheyr badan wixii ay baxsadeen, Aamiin .
Guddoomiyaha Golaha
Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed
Sh Axmed Maxamed Suleymaan
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006
Maxkamadaha oo ku
Baaqay iska difaacida Maamulka Tigreega
»Mudaharaadyo
rabshado wata oo ka dhacay kismaanyo
»Maxkamadaha
oo ka hadlay raashinka dhacay...
»Duqa
degmada dongorayo iyo kuxigeenkiisa oo la doortay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Oct 8
Saxaafada Denmark oo
sii wada Sanad ka dib Aflagaadada Rasuulka (SCW)
Nin Soomaali
Bantu ah oo Maraykanka ku Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay
Waxana uu dhaawacay hooyadood, arrintaas oo ka dhacday Magaalada Louisville,
Kentucky..
Akhri Warbixinta...
Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada
xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa |