SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BISMILLAAH

XUSUUSTI Dr. SHEEKH MUXAMAD BIN CALAWI AL MAALIKI

Maanta ama shalay oo kale 15ki bishan Ramadaan ee sanadki tagay 1425H ayaa waxaa geeriyooday eoo mudan in la xusuusto Assayid Imaam sheekh Muxamad Calawi Almaliki oo ka mid ahaa culumada ugu waawayn dalka Sacuudiga bal dunida islaamka oo dhan. Wuxuu sheekhu gaaray 63 sano waxaanay ahayd geeridi ugu naxadinta badnayd ee indhawaalahan soo marta reer Makka oo ahayd sheekha fadhigiisa bal Reer Sucuudi bal Caalamaka islaamka oo dhan. Wuxuu sheekhu geeriyooday aroor Jimca ah isaga oo sooman waxaana janaazada sheekha lagu qiyaasay inay ku tukadeen dad gaarayay ilaa 2 milyan oo qof, inkabadan ilaa boqol kuna waxay soo dhigeen iilka iyagoo ku dhinac aasay qabrigi Ayaydi ummul mu'miniin Siyadat Khadiija bint Khuwaylad Radiyallaahu canhaa Zawjadi Nabiga Sallallaahu calayhi wasalam.

Sheekhu wuxuu ahaa silsilad cilmi soo jiitamaysay mudo ka badan 600 oo sanadood taasoo ay awoowaaashiisi oo idil ahaayeen culumadi ay ardadu ugu soo qasdi jireen barashada cilmiga sharciga islaamka faniydiisa kala duwan. Wuxuu Sheekhu dhaxlay majliski cilmiga ee Aabihi sheekh Calawi Al Maliki oo ahaa sheekhi makka casrigi uu noolaa wuxuuse duruufo awgood u wareegay aqalkiisa oo xaqiiqatan noqday Jaamacad cilmi oo ay ka soo baxaan ardo aan xad lahayn. Wuxuu sheekhu ugu horaynti wax ka bartay aabihi oo uu ka aflaxay, kadibna wuxuu u qasday culumada caalamka islaamka gaar ahaan Masar iyo Shaam. Wuxuu sheekhu ka baxay Jaamacada Azhar Ashariif halkaas oo uu ku qaatay shahaada PHDa qaybta shareeda islaamka, wuxuu cimrigiisi oo dhan ku bixiyay barashada cilmiga iyo baristiisa ilaa laqabkiisi laga dhigay "Khaadimul Cilmi".

Wuxuu sheekhu ka tagay aathaar ama raad cilmi ah oo isugu jira mu'asasaad, madaaris, ardo iyo kutub uu alifay. Waxyaalaha lagu garto qadarka qofka caalimka ah waxaa ka mid ah raadka uu reebo gaar ahaan ardaydiisa iyo mu'alafaadkiisa. Wuxuu sheekhu alifay kutub ka badan oo gaaraysa ilaa boqol kitaab oo isugu jira kuwa daabacan iyo kuwo aan wali la daabicin, kutubta sheekha qaarkood waxay noqdeen muqararaad lagu dareeseeyo Jaamacadaha dunida islaamka qaar kamid ah. Dhamaan jawaanibta sharceeda islaamka oo dhan ayuu sheekhu gacan ka gaystay sida Fiq-higa, Xadiithka, Tafsiirka, Usuusha iyo radinta bidcada iyo ahalkeeda oo la oran karo waa qaybaha ugu kulul uguna muhimsan ee uu sheekhu siiyay ihtimaam dheeri ah. Wuxuuna sheekhu ka alifay kutub dhawr ah, qaybi haba ka magac dheeraadaan qaybaha kalee sida kan la magac baxay "Mafaahiim Yajib An Tusaxax" ama "Adakhaa'ir Al Muxamadiya". Way jidhaa in dadka qaar ay isku dayeen in ay dhaleeceeyaan kutubtan aan xusnay waxayse ku qarqismeen hirarki waawaynaa ee dhexrogmayay kutubti sheekha waxaanay u siyaadsheen shuhro iska daa inay gaaraan qasadkoodi ahaa waxyeelada ama qarinta xaqa uu sheekhu qaawiyay. Gabay carabi ah ayaa micnihiisu ahaa: (Fadli la qariyay haduu Eebe fidinaayo : Fursad wuxuu u yeelaa lisaan xaasid feejine). Waxaa la yiraahdaa taariikhda fikirka iyo fidinta dacwada ee dalka Sacuudiga ma soo marin mudo dhaw nin lamid ah Dr. Sheekh Muxamad Al Maaliki marka laga eego dadka raacsan ee ka aflaxay iyo kuwa ka horjeestay, markasta oo uu sheekhu alifo kitaab ama jeediyo cashar waxaa siyaadi jiray cadadka dadka raacsan sidoo kale waxaa firfircoonaan jiray dadka ka horjeeday.  

Ardada Dr. Al Maaliki ka qaaday cilmiga ee uu barbaariyay qaarkood waxay ka mid yihiin culumada ugu waawayn dunida islaamka ee marjica u ah maanta sida:- Al Xabiib Cumar bin Xafiid, Assayid Cali Al Jafri, Sheekh Assayid C/lah Fadcaq, Sheekh Ibrahim Shucayb, Sheekh Usama Mansy, Sheekh Muxamad Al Caydaruus, Sheekh Calawi bin Cabaas, Sheekh Axmad bin Baaz iyo dhamaan awlaada sheekha oo ah lix sheekh oo macrruf ah. Culumadan uu midkasta yahay buur gooni ah marka laga eego xaga cilmiga iyo camalka waxay daliil cad iyo markhaati muuqda u yihiin qadarka Sheekhooda Dr. Sheekh Assayid Muxamad bin Calawi Almaaliki.

Shacabka Sacuudiga iyo arliga Xijaaz oo dhan ayaa gilgishay aroorti la baafiyay geerida Sheekha wuxuuse Sheekhu ka geeriyooday qofkasta oo muslim ah waayo wuxuu ahaa nuur iyo cilmi dhexdeena socda iyo xiddig lagu hanuuno, wuxuu Sheekhu qabjabiyay munxarifiinta iyo ahlubidica is mooday inay hanuun haystaan iyagoo ka gacan maran. Allaha u naxariisto Dr. Sheekh Muxamad Calawi Almaaliki.

Faysal Cali
awfaysal@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD