SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kismaayo & kandhahaar !!!! 
Sahid maxamed yusuf
USA,VA
 
Runtii kismaayo waxay muhim u tahay sida magaallada kandhahaar muhim ugu tahay dalka afqaanistaan !!! dalkaas ooy haatan haystaan ciidam shisheeye markii islaaminyiintii haystay ay dayaceen in ay kasbadaan quluubta dadkii deganaan !!!
runtii dooni mayno in maxaakiimta laga qaniino halkii kuwii ka horeeyey laga qaniinay,sida uu ahaa xadiiskii nabiga {qofka mumiunka ah hal god laba mar lagama qaniino } sidas ama si la mid ah auu yiri.
ikhwaanii maxaakiimta islaamiga ah ee ka curatay wadanka soomaaliya waxaa la isku raacay in ay aheyd mucjizo allah samada ka keenay ,oo naga qaaday warlords-kiisa 16 sano na gumaysanaayey!!!.
Haddaba waxaan doonaynaa in aysan noqon neecawda maxaakiimtu  mid si sahal ah u feyrta macanaa u baabada, ama haddii aan si kale u iraahdo mid noqota sidii ay ku danbeysa kandahaar!!!.
Intii la riday taliskii maxamed siyaad 1991 waxaa magaallada kismaayo aheyd mid ay ku loolamaan warlords aad u fara badan,waxaanse ka soo qaadan karnaa maamulkii inta yar jiray ee kornayl axmed cumar jees,kii ka danbeeyey ee janaraal moorgan iyo kii ugu danbeeyey ee isbahaysiga dooxada jubba ee uu madaxda ka ahaa kornayl Barre hiiraale oo bishii hore dhamaadkeedii ka caraabay magaallada kismaayo.
Haddaba waxaa maanta gacanta ku haaya magaalladaas istaraatiijiga ah golaha maxaakiinta soomaaliyeed ,waxaana u rajeynaynaa in ay 100% ay ka fiicnaadaan maamulladdii soo maray magaaladaas ,maadaama ay ku abtirsanayaa dhaxalkii nabi maxamed nnkh ee ahaa in loo soo saaray Raxmad in uu u yahay adduunweynaha.
Waana tii uu saxaabigii weynaa ee Ribci ibnu caamir uu Rustamkii Roomaanka la hor istaagay markii la weydiiyey maxay muslimiintu u socdaan?
wuxuu yiri Ribci:[ allah ayaa na soo saaray si aan uga bixino intuu doona ee  addoomadiisa ah  cibaadada ay u gudanayaan addoomada la midka ah oo aan u saarno in ay Allah kaliya caabudaan iyo in aan dadka ka saarno dhibka adduunka ay ku jiraan ee aan u saarno adduunka waasicnimadiisa iyo in aan dadka ka saarno caddalad darada madaxdooda oon u saarno cadliga ilaahay] Haddaba haddii maxaakiimtu ay dhaxalkaas raacayaan waa hubaal in ay ka fiicnaan doonaan maamuladda adduunka jira oo dhan.
Maxaan maxaakiimta ka doonaynaa:
waxaan ka doonaynaa in aysan marnaba ku mashquulin qolofta mooska ay uu daadagaan lubiga mooska oo ah inta cad ee macaan ee nuxurka leh ee la cuno.
haddii aan wadaadada kula hadlo afkooda waa in ay awliyaatka umuurta siday u kala muhiimsan tahay ay u kala hormariyaan.
haddii aan ku  sii cadeeyo qodobkayga tusaalooyin waqtigan la joogo:
A) In aysan ku mashquulin in ay sigaarka dadka ka reebaan ama ay jaadka u diidaan guud ahaan ,baan ka wadaa laakiin inay caddaadiyaan ooy meelaha qaarkood loo diido sida wadamada qaarkood ay ula dagaalamaan, ama dadka la baro dhibaatada uu jaadka leeyahay ama sigaarkuba. marka hore ku bilaaba in aan sigaarka lagu cabin meelaha dadweynaha iskugu yimaadaan sida baabuurta dhexdooda,xafiisyada dhexdooda,iskuuladda dhexdooda. haddii la heli karo waa in calaamdaha sigaar laguma cabi karo lagu dhajiyaa baabuurta ,iskoolada ,xafiisyada xawilaada, jaamicadaha,isbitaaldda ,waxaan arrimahaas idinka caawin kara red cross ama world health organazation , iyo hay,ad kasta oo samal fal ahaan idiinla joogta.
Karbaash miyaa lagu bilaabayaa sida aan idinka maqlaayey maya tusaaleyn ay ka wada qeyb qaataan dadweynaha,wax sheegid muddo sanad iyo ka badan kadib markii la barto karbaash hala bilaabo, maxaayeelay waxaa la idiin soo diray samaaxa ee la iima soo dirin kuwa qalafsan,siduu Nabigu yiri nnkh:[ waxaa la ila soo diray diin xaniifa ah oo samaaxo leh... alxanafiyatul samxaa] ama sidaas oo kale ayuu yiri. Nabigu waxuu kaloo ku yiri xadiis caan ah : [ fududeysta oo ha isku adkeynina, bishaareysta oo hakala cararina] xagee ka marteen axaadiistaas. sidoo kale xadiiskii caanka ahaa uu Nabigu yiri :[ Diintu waa naseexa,yey u tahay nabiyoow,allah iyo kitaabkiisa iyo Rasuulkiisa, madaxda muslimiinta iyo muslimiinta oo idil] xadiis saxiix ah waxa wariyey muslim waana xadiiskii tamiim ibnu aws.
Ikhwaanii aaway naseexadaas ma karbaash baad ka hor mariseen !!! diinta xuduud lee ma han, xuduudu waxay timid markay dadku barteen diinta !!! horta bara.
B) Shaneemooyinka runtii haatan sidaan u naqaanay ma ahan, waa buulal yar yar oo aad u wasakh ah oo kuraas xun xun oo dhiqle iyo baranbaro dareerayso oo mugdi ah oo urka iyo wasaqda aadan banaanka ka fiirin karin oo cariiri ah, oo la dhigay TV yar oo lagu shidaayo aflaam wixii la doono ( sex & violence) iwm taas in ay xaaraan tahay la isma weydiinaayo in la mamnuucana waa lama huraan xataa marka laga fiiriyo xagga caafimaadka ( hygyne) se isku daya in aad u fasaxdaan waqtigaan xaaliga ah ruuxii awood leh in uu furto shaneemo weyn sida tii kismaayo ama theater nadiif ah isla markaasna la saaro jansuura( censorship) taas waxaa si fiican uga jawaabay guddoomiyaha cusub ee gobalka markuu yusuf garaad weydiiyey waxa ay ka yeelayaan shaneemooyinka wuxuu ku jawaabay markii aan u helno awood aan ku maalmulno oon ugu sameyno kala shaandheyn(cencership) waan furi doonaa.
C) khamriga iyo dhilonimada waa xaaraan waana waajib in aan la muujisan,Alxamdulilaah Soomaaliduna ma muujisato badankeeda kuwa isku daya in ay duyuusnimadaas muujistaana dadweynahaa u jeeda.
D) garoomada kubbadda cagta waa lagama maarmaan in aan dadka loo diidin se in la habeeyo oo salaadaha lagu oogo ,waqtiyo gaar ahna loo sameeyo. ku dara farda fuul ,miisaan qaadis,toogasho barasho,legdinta,tennis,dabaal iwm soo xasuusta xadiiskii nabiga [ bara caruurtiina dabaasha iyo toogashada] ama kii uu ka qeyb galay labadii kooxood ee saxaabadda ee toogashada isku baxaysay ee uu ku yiri: [ tuura ,fardahana fuula in aad tuurtaan baanan ka jeclahay in aad fuushaan] maanta tuurid baa la isku dhaafay atomic bomb,cruise, tomhawk,hoobiye,Baazuuke iwm
Maxaan looga baahan yahay maxaakiimta in ay sameeyaan haatan:
Runtii waxyaalo fara badan ayaa looga baahan yahay se aan qaar ka ugu muhiimsan wax ka sheego intii tabartayda ah:
A)marka ugu horeysa in amaanka sugaaan, nabad galyadu waa qaali wax kasta ayadaa ka horeysa waa in ay ku guuleystaan sidii xamar loo nadiifiyey oo kale.
waa in ay nadiifiyaan haddii isbaarooyin weli ku hareen jubooyinka oo idil.
sidoo kale waa in ay dadku ku dhex mushaaxi karaan jubooyinka ayagoon ka baqeynin ruuxna ilaa ilaahay mooyee iyo waraabi ay xoolahooda uga baqdaan.
ammaanku ma ahan in la xasuuqo dadweynaha sidii u caanka aheyd warlords-kii ka horeeyey oo qaarba kuwii ka horeeyey ay xasuuqayeen taas oo ka dhigtay gobolka jubooyinka midka soomaaliya ugu xasuuqa badan.
Ilaa haatan wax dhibaato ah ma aanan maqlin oo kismaayo ka dhacay xoogaa rabsho abuur ah oo la jiray taliskii la riday oo ka dacwoonayaa qaad la joojiyey mooyee iwm. waa la yaab dadkii la xasuuqi jiray ayaa haatan ka dacwoonaya in jaad naftooda u daran ay rabshado u dhigaan !!! waa u caadi dadka in ay mar walba wax tabanayaan bal jaad iyo xasuuq yaa daran haddii la is weydiiyo.
B) in ay dhisaan maamul kala danbeyn leh oo si caadil ah loogu qeybsado oo loo wada dhan yahay oo aad uga tayo roon kuwii hore ee macmalka ahaa ee aan ku dhisneyn cadaalada ee ku dhisnaa cadaalad darada.
waa in la furaa maamulkii degmooyinka, munishiibiyadda,maamulkii amaanka sida maxkamadaha,xabsiyadda booliiska iyo xabsiyadda qarankaba. si kale haddii aan u iraahdo waa in ay maxaakiimtu soo celiyaan nololshii hay,adaha dawladda oo idil sida dhanka caafimaadka ,ammaanka,waxbarashada. taas oo muhiin ah in si cadaalad ah oo loo dhan yahay loo abuuro loona qeybsado.
C)Nadaafadda magaalooyinka iyo caafimaadka deg dega ah faaydhawrka( hygyne) in dadweynaha lagu booriyo nadaafadda sida qashinka oo meel lagu aruuriyo oo aan meel kasta lagu tuurin ,lana helo hay,ado maal galiya sida ganacsatada iyo ha,adaha samalfalka iwm.
D) in la furo centero ama degmooyin xaafadaha oo lagu hanuunsho dadweynaha laguna baro islaamka dhaqankiisa  ooy ka baxaan duruuso joogto ah oo isku jira duruus islaami ah iyo kuwo faaydhowr ah oo saameynaaya caafimaadka dadweynaha siiba haweenka uurka leh iyo daryeelkooda( MCH) kuwaas oo mararaka qaarkood loo adeegsanaayo maqal iyo muqaal ,ay ka mid yihiin waxyeelooyinka Sigaarka iyo jaadka, gubista geedaha iyo xaalufinta deegaanka oo waayadaan danbe caanku noqotay gobollada jubooyinka oo ka mid ahaa gobollada ugu barwaaqeysan wadanka soomaaliya oo haatan la xaalufiyey iwm!!!!! kuwaas oo lagala kaalmaysan karo ha,aydda samalfalka iyo gacansatadaba.
E)In dib loo furo ilhii dhaqaalaha sida garoonka diyaaradaha iyo dekadda weyn ee caanka aheyd loona sameeyo maamul adag oo caadil ah !!! laguna tirtirsiiyo ganacsatada iyo maalqabeenada in ay maal galiyaan isla markaasna ay badeecadahooda kala soo degaan ayadoo loo fududeynaayo arrimahoodaas iyo canshuuraha oo laga dhimaayo !!! sidoo kale waa in dib loo furaa warshaddii hilibka ay kismaayo caanka ku aheyd iyo tii sokorta ee mareerey !!!! taas oo wax badan ka qabanaysa ilaha dhaqaalaha ee gobolka jubooyinka ( jubbda hoose iyo dhexeba).
 
                Waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa la dardaaran aan la dardaarmaayo golaha maxaakiimta guud ahaan oo leeyahay yaan mar labaad god la idinka qaniinin aysan xaaladdu noqonin Kandahaartii labaad amaba Kaabuulshii !!!
Dadweynaha aad maamuleysaan waa wallalihiin waa in aad u dhimrisaan , wax u sheegtaan,jeclaataan,u naxdaan,tusaaleysaan,u duceysaan... Sidii Nabiga nnkh [ ilaahoow reer Daws soo hanuuni].
  • Waxaan isbarbardhigayaa wiil yar oo lagu karbashay tin uu si u xiirtay iyo ninkii reer baadiyaha ahaa ee ku kaadshay masjidkii nabiga nnkh markay saxaabaddii ku soo kal boodeen ayuu ku yiri Nabigu scw [ tartiiba ha ku kala go,nina kaadidiisa ha dhameysto kadib baaldi biyo ah ku shuba meesha uu ku kaadshay], riwaayadd kale waxay leedahay la idiima soo saarin kuwa wax dhiba ee waxaa la idiin soo saaray kuwa wax fududeeya !!!! ama sidaas oo kale ayuu yiri
Ninkii reer baadiyaha ahaa waxaa laga sheegay ilaahow aniga iyo maxamed kaliyah u naxariiso !!! Maxaakiimtaay bal ila fiiriya markaad karbaash la baxaysaan maad wax sheegid ka hormarisaan ... anigu timo la xiiro waxa uu nabigu reebay oon garanayaa dhoorka oo ah in qeyb timaha ka mid ah la xiiro qaarna la daayo oo la isku ekeysiiyo sheydaan se afro la reebay ma arkin sidoo kale food la dheerayey ma arkin !!! akhristoow maxay maxaakiimtu dadka ku karbaashaan bal ha la ii sheego food dheer wax diiday ma arkine mise waa dacaayad !!! u maleymaayo nin dhoor leh in uu soomaaliyo joogo xageyna bayba joogaan !!!.
  • waxaan kaloo idin xasuusinayaa sheekadii ku soo aroortay suuratul AL-nisaa ee raggii saxaabadda ka midka ahaa ee nabigu sahanka gaallad u diray ee uu ka hor yimid nin mar dhaw soo islaamay oo islaamkiisa qarsanaayey ,markaas ayuu markuu arkay uu salaamay[ assalaamu caleykum] waxay u maleeyeen in uu isku qarinaayo salaantaas markaas ayey dileen oo arigiisiina ka soo kaxaysteen !!!  canaantaan ayuu allaah ku soo dejiyey:
[ kuwii allaah iyo rasuulba rumeeyayow haddii aad dhulka socotaan oo Allah dartiis u baxdaan hubsada oo ha ku oranina midka idin salaama Mumin ma tihid,adinkoo raadinaaya dhalanteed adduun allaah agtiisa ayey qaniimo(xoolo) badan taalaa!!!
sidaas oo kale( sida ninkaas u cusbaa) baad aheydeen markiinii  hore , allah baa idinku manaystay ( gargaaray) Islaamka ee hubsada!!!...] 4:94
kuwa badan oo maxaakiimta ka mid ah ayaa sigaarka buufin jiray ,jaadkana barjeyn jiray,tintana dhoor sameysan jiray haddiiba ay jirto,anigu waxaan xasuustaa labo macallimiin oo islaamka i bari jiray oo ruux ka cilmi badan islaam ahaan soomaaliya uusan jirin oo midna lagu imtixaanay in uu garka iska xiiro midna uu allah ku imtixaanan in uu sigaarka buufiyo...sidaas oo kale ayaad aheydeen ee allah baa nicmadiisa idinku manaystay ... waa digniin ay aayad quraan ah na fareyso ee yaa ku cibra qaadanaaya... ku cibro qaata kuwa karbaashka la baxayoow !!!!!
  • Waxaan kaloo tusaalaha ugu danbeeya ku soo qaadanayaa xijaabka iyo sida uu ugu fiday soomaaliya, mana aha wax ku fiday karbaash ee wuxuu ku fiday Gabdh fahamtay aayada Quraanka ah oo qalbiga kaga dhacday oo ayadoo cabsanaysaa jilbaabkii qaadatay ,islama markaasna ayadoo ka naxaysaa ugu yeertay wallaasheed, hooyadeed, habaryarteed, eedadeed,dariskeeda iwm.
waa xijaabkii 20 sano ka hor gabdhaha wata la oran jiray akhwaanul muslimiin oo iskoolada laga eryi jiray ayagoo suraawiil qaba se qaatay shaati gacma dheera ah!!!
markay jidka marayaana il xun oo cadheysan lagu fiirin jiray ayaa cimrigeenu nagu simay in uu caado u noqdo soomaaliya oo dhan oo xataa haweenkii siyaasiyiinta ahaa ee baarlamaanka ku jiray ay xijaab ku dhex mushaaxayaan!!! xataa lagu qasbay tii qayileysay in ay indho shareer gashato marka ay banaanka u baxayso.
Bal ii sheega ma karbaash ayuu xijaabku ku fiday !!! may wuxuu ku fiday gabar cabsatay oo Alaah qowkiisii maqashay oo hooyadeed iyo wallaasheed u gudbisay!!! Haweenay 70 jir ah oo jilbaab wadata ayaan ku iri eedo goorma ayaad xijaabka gashatay waxay tiri lix sano ka hor !!! markaas ayaan ku ceshay ka waran asaga iyo gareyskii ama guntiinadii aad xiran jirteen markaas ayey tiri alxamdulilaah waan qaawaneyn!!!!
sidoo kale gabar yar oo 18 jir ah ayaa waxay daawatay fanaaniintii waaberi oo Riwaayad dhigaaya waayo waayo oo madax qaawan !!! markaas ayey tiri naagahani ma amxaaraa markaas ayaa lagu yiri maya ee waa fanaaniintii soomaaliya waa heblo iyo heblo markaas ayey tiri been ha ii sheegina Naag soomaaliyeed oo weyn sidaan iskuma qaawineysee !!!! subxaanalaah ma ayadaaba aragtay alatuubo !!!!
Bal akhristoow 20 sano kadib xijaabka Soomaaliya sidee noqon doonaa si fudud uga jawaab dheh Dhaqan caado ah oo ruuxna inkiri doonin.
Haddaba ma karbaash buu ku fiday!!! karbashka dhiga qalinka qaata maxaakiimtoow.
waxaan ku soo gaabinayaa kismaayo yeysan noqonin kandhahaar!!!!
Waxaan khalday waa nafteyda iyo sheydaan ,wixii aan saxayna waa mina fadli laah wa raxmatihi.
                                              fii amaani laah
 
Sahid maxamed yusuf
USA,VA

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD