SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Micnaha Ereyga Mooryaan ?.

Qore: Yusuf Gaduudow. 

Af-Soomaaliga Ereyga Mooryaan Micnihiisu waa Ceydh Maxeysato, laakiin maanta Micno kale ayuu yeeshey, kaas oo ka dhashey  burburkii dowladii dhexe ee dalka soomaaliya, waxaana weeye qof dilaa ah oo aan waxba ka xishoonayn,waxna dhaafeyn oo daroogaysan mooryaan Gobolada Waqooyi Bari ee dalka  soomaaliya waxaa looga yaqaan “Jirri” Gobolada Waqooyi Galbeedna waxaa looga yaqaan “Dayday”.

 

1.      Ma damqade:-

 

Wiil dhalinyaro ah oo 21 jir ah ayaa gabar ay deris yihiin jeclaadey wiilku ma aha wiil caadi ah waa wiil ku caan baxey dagaaladii ahliga ahaa ee ka dhacey dalka soomaaliya oo aan waligiis horey usoo arkin sharci iyo kala danbayn wuxuu ku garaadsadey waa la diley,waa la dhaawacey,waa la kufsadey,waa la afduubey,waa lagu duuley,waa la difaacey,waa la weerarey, yool baa haysta O’ bay ku jiraan waa la dhabar jabiyay, baad kaa ku dhacay raran baa lagu rogey iyo warar baas oo ceynkaas ah.

 

Wiilku waa wiil ku dhex jira xaaladaas yaabka leh iyo qaar kale oo kasii yaab badan, waxaase dhici kara amase ay tahayba, isagu intuu qabo aragti ka duwan taa aan soo sheegey oo qaabkan uu u nool yahay ay caadi u tahay hadii aan sawir guud ka bixiyo wiilkan muuqaalkiisa ma aha mid ku farax galinaya, guud ahaan waa guban yahay waa xayaysi labada indhood waa bur guduudan,haaraha oogadiisa ku yaal lama xisaabi karo ee gebigiisuba waa hambo xabadeed, Qaadka sigaarka qoriga iyo dhowrka qasnadoodba waa wehelka naftiisa.

 

Ninka sidaas u yaal waxay labadiisa waalid ula baxeen Cabdisalaam hadase looma yaqaan oo wuxuu leeyahay magacyo kale sida ‘ Ma nexe, ma dale,ma seexde,baqa diid,iyo Ma damqade  oo ah magaca uu ugu jecel yahay in loogu yeero, Wiilka magacyadaa iyo astaamahaa leh gabadhii uu jeclaa markii loo tagey oo loo sheegey in uu doonayo Ma damqade waxay tiri “Wiilku muxuu haystaa ?’’ isagoo suaashaa ka jawaabayana wuxuu yiri.

 

 

v    Aakahaygan Fanax da leh

v    Iyo faal surweynaha

v    Fartu leebka u dhow dahay

v    Amaankuna u furan yahay

v    Aniga iyo Faadumo

v    Labdaasi nagu filan’’

 

Intaa waxaa sii dheer labo barood oo leejo (Lacag baad ah) laga qaado oo aan anigu madax ka ahay iyo waliba mararka qaarkood oo aan howlgal la sameeyo si dhaqaale looga helo waxyaabo kalana wey jiraan mase doonayo in aan wax kasta daboolka ka qaado oo waa sir ciidan, Faadumo iyadoon ku qanacsanayn jawaabtii uu Ma damqade ka bixyay su’aasheedii ahayd Wiilku Muxuu haystaa? Ayay mar labaad tiri “Aduunyada Aqoon baa la isku dhaafee Horta wiilku Muxuu yaqaanaa??’’ Ma damqade markii loo sheegey suaashii labaad ee ka timid Faadumo Xageeda kuna saabsanayd heerka aqoontiisa aad buu u farxey maxaa yeeley waa ku kalsoon yahay aqoontiisa mana ahayn in uu jiro wiil kaga horeeyay xaga aqoonta sida ay isaga la tahay, waxaase la yiri Hadal qofna si kuu yiri qofna si u qaaday’’

 

Ma damqade oo ka jawaabin su’aashii Faadumo iyo dhaliishii saaxiibkii ayaa oday goob jog ahaa aad ula yaabey kibirka ka muuqda Ma damqade saaxiibkii ayaa xasuustey maanso uu tiryay Abwaan soomaaliyeed oo yiri.

 

Ø     Dadaal iyo aqoon bey dunida isku dhaaftee

Ø     Dammiinimiyo maandhow doqonimo ma fiicnee

Ø     Daan-daansi iyo kibir danbar lagama maalee

Ø     Inaad damisid mooyee fidmo looma duubtee

Ø     Waa in aad dadaashaa..

 

Odaygii oo intaa kusoo gabagabeeyay maansadii ayaa raaciyay Cabdisalaanow iga raali ahow waan kaa boobey hadalkee halkaagii kasii wado, Ma damqade oo ay wali ku taagan tahay su’aashii Faadumo oo ahayd Igaarku ama wiilku muxuu yaqaanaa?? Wendiintaa muhiimka ah intaanu ka jawaabin ayuu hadal u ceshey saaxiibkii oo ku yiri war sidu sidii maaha”  oo waa leys haystaa anigaa ku warami doona ee ha deg degine gaabso,Intaa dabaceed Ma damqade wuxuu faah faahin ka bixiyay heerka aqoontiisa wuxuu ku bilaabey hadalkiisii sida soo socota:-

 

Ø     Baastooladaha Waan Aqaan

Ø     Bambada gacanta Waan Aqaan

Ø     Bumbo Faalka Waan Aqaan

Ø     Aakaha Waan Aqaan

Ø     Kaarabiinka Waan Aqaan

Ø     Faal surweynaha Waan Aqaan.

 

M damqade Markii uu sidaas wax u sharaxey ayay faadumo si deggan u tiri ma diidani anigu hubka aqoonta u leeyahay oo aan la’aanteed la isticmaali Karin waxaase loo baahan yahay iney jiraan wax ilaaliya,kaa ilaaliya,kugu ilaaliya.

 

Nin baa laga sheegey “Dheg-dheer taan u dhigtayda ma aha” ee cabdisalaan aqoontii aan weydiiyay tan uu la gole yimid ma ahayn hadana waxba kama qabo in aan la wadaago nolosha laakiin hal shardi baa ku xiran shardigaas ma aha dahab ii gad ma aha aqal ii dhig ma aha yarad iga bixi,ee waa inuu cabdisalaan ka baxo waxa uu faraha kula jiro halka uu ka aaminey qorigana waa in uu qalinka ka aamino, Cabdiaslaan oo aad u faraxsan ayaa balan ku qaadey inuu sidaas yeelo isla goobtaa ayuu nikaaxii ka dhacey, qays cusubna lagu unkumey.

 

Hadaba Guntii iyo Gabagabadii Faaladan waxaa loo baahan yahay in aan la fogeyn dhalinyarada ee waa in la waaniyo, wax loo sheego oo loo tilmaamo qaab ay noloshooda ku maareyn karaan, laguna taageero si loo badbaadiyo iyaga iyo kuwii ku dayan lahaa intaba horaa loo yiri waa {Wuxuu rag u kaco Rabina aqbalo waa rumoobaan}

 

W/D  Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)

E-mail Yusufgaduudow@hotmail.com

Bososo,Puntland,Somalia

 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD