SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Saxiibo kasbo:-

W/d: Abdifitah Ahmed abbas

Saaxiibadu, waa xubin aduunka iyo aakhiraba muhiim ku ah waxaana loo baahan yahay in la illaaliyo saaxiibada aad haysato iyo in aad abuurato kuwo cusub intaba.

Saaxiibnimada bini,adamku waa in ay leedahay Qadarrin, daacadnimo, xafidaad, kaalmo, ku dayasho, iwm. waxaana muhiim ah in aad ka fiirsato marka aad abuuranayso saxiib wanaagsana aad abuurato "barasho-cusub".

Haddaba sidee baad ku yeelan kartaa ama ku kasban kartaa saaxiib wanaagsan, bal akhri oo ku dhaqan wixii kaa anfaca qoraalkan hoos ku qoran:-

1.- Ha murmin, ogoow jidka ugu fiican eed ku kasbi karto saaxiibo inuu yahay muranka inaad ka dheeraato.

2.- U muuji xurmo ra,yiga ruuxa/Qofka kale hana ku dhihin qofkaas waad geftay.

3.- Hadaad gefsan tahay gareyso "ha noqon macangag aan gartiisa qaadan oo isla quman mar waliba.

4.- Ku isticmaal hadal macaan iyo dabeecad wanagsan iskana jir carrada iyo isqaad-qaadka.

5.- Waydii su,alo lagu jawaabi karo "haa" sida hadaad doonayso inaad wax u sheegto oo uu ku qanci karo.

6.- U dhaaf sheekada qofka kale "adigu ha noqon mid sheekada macaansada oo kaligii waqtiga qaata wax kasii ruuxa kale haddalka ama inta badan isaga sii waqtiga-hadalka.

7.- Qofka kale hamoodo in fikraddu tiisa tahay. waxaan ula jeedaa haduu jiro ruux kaasoo horjeeda u sharrax qorshahaas taladana isaga u daa go,aan ka gaaristeeda waqtigaas.

8.- Isku day si daacad ah inaad ka fiirisid arrinka dhinaca qofka kale ka arkaayo. hana is tusin in arrinta aad adigu wadato ay ka saxan tahay tan ruuxa kale wato.

9.- Tixgali fikradaha qofka kale una muuji rabitaalkaaga. waxaad doonayso ruuxa u sheeg adigoo tixgalinaaya fikradiisa.

10.- Ku isticmaal dabeecadaada wanaagsan, sida sharafta, raganimada, geesinimada iwm. si aad u kasbato saaxiibo fiican.

11.- U matal fikradahaada sida riwaayadaha oo kale, waa in ay leedahay fikradu Ujeeddo, meel ay ka bilaabato iyo meel gaba-gaba ah, hana ku jireen qeybo farxad galin gara ruuxa.

12.- Gaarsii arinka meel aan laga soo noqon karin, arrinta aad doonayso marka hore adigu soo bislee kaligaa kadibna ruuxa uga dhaadhici illaa uu ka gaaro meel qancisa.

13.- Keen talooyin wanaagsan hana soo saarin ammaro. ha noqon mid yeesha sida ammar la bixinayo, kusalee nooc talo ah oo idinka dhaxaysa.

14.-Ka hadal gafkaaga intaadan qofka kale dhaliilin. adigu marka hore ka dood waxaas kaligaa "naf ahaantaada".

15.- Ha ka fiiqin wajiga qofka kale. haddii ay jiraan wax ad kaga fiiqi karto sharafta ruuxa kale ha ka fiiqin wajiga ruuxa kale siday doontaba ha ahaatee.

16.- Ku tilmaan qofka kale sifo wanaagsan, wuxuu ku da,daali doonaa iay ka muuqato sifadaas wanaagsan ee aad ku tilmaantaye.

17.- Jeedi talooyin asluub leh, hana soo saarin ammaro mutaxan xilliga kasbashada.

18.- Bixi qiimeyn daacad ah, adigoon ka leexan runta ama xaqiiqda.

19.- U dhaaf qofka kula nool ha ku dhaqmo dabeecadiisee, haduu leeyahay nooc ka badalay dabeecadada ha u arkin mid khaldan.

Abdifitah Ahmed Abbas

Islmabad pakistan

tell 00923456221426

  abdifitahahmedabbas@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD