Baraka hooyadii labaad ee
Rasuulka calayhissalaam.
Waxaa soo diyaarisay Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Ilaahay ayay mahad
badan u sugnaatay maanta diinteenii af kasta ayay ku qoran tahay, iska daa
waddamada muslimiinta ahee, maktabadaha reer galbeedka waxaa daadsan ama ka
buuxa buugaag diinteena ka hadlaysa, boqolaal waxaa jira websiteyo ah oo ka
hadlaya diinteena muqaddaska ah, iyada oo si fiicana loo kala dhigdhigayo oo
lagu kala tartamayo faafinteeda, marka iftiinkii looga baxaayay mugdiga maalin
kasta ayuu inoo sii bidhaamayaa ama ifayaa, si uu iftiinkaasi inoo soo gaaro waa
in aanu haddaba ku koobnaan hal sheekh ama hal buug ee aanu wax badan akhrinaa,
culumo badana dhegaysanaa.
Qofka Muslinka ah
wuxuu dhashaa isaga oo arday ah,oo aan waxba ogeyn, gaajo iyo haraadna u qaba in
wax loo sheego oo la hago, wuxuuna dhintaa isaga oo arday ah oo weli u baahan in
la hago iyo in wax loo sheego, nasiib xumo waxaadse weli moodaa in aysan dadka
Soomaaliyeed weli sida ay diintu tahay aysan u fahmin, gaar ahaan culumadeena
qaarkood kuwaas oo ah kuwii na hagi lahaa oo wax noo sheegi lahaa,tusaale yar
waxaa noogu filan Shiikh Abu Mansuur inta la waraystay, markii uu lahaa ma naag
ayaa wax ii sheegi karta ama ma naag warkeeda ayaa wax ka soo qaad leh, isagoo u
jawaabayay wasiir dawlaha wasaaradda warfaafinta ee dawladda ku meel gaarka ah
war ay sheegtay iyadoo ku hadlaysay dabcan magaca dawladda ku meel gaarka ah,
Subxaanallaah ninkaas magaca Sheekha wata sow mugdi iyo xilligii jaahilnimada
kuma noola weli, haddii naag warkeeda wax ka soo qaad lahayn sidee ayuu haddaba
warkiisa wax u noqon karaa? ileen naag la´aantii ma noolaadeen mana noolaan
karee, waxaan oranaynaa Sheekha, sow Caa´isha Allaha ka raalli noqdee mey ahayn
haweenaydii cilmiga laga doonanayay lagana baranaayay,mas´alooyinkana la
weydinaayay?
Haweenka sida raggu
uu diinta ugu soo halgamay ayay iyaguna ugu soo halgameen, rasuulka
calayhissalaam iyo asxaabtiisii Ilaahay raalli ha ka noqdee, waxaa gadaashooda
ku jiray oo wax la waday haweenkoodii, haweenka iyo ragga waa labo isku baahan
oo aan kala maarmeyn, waxa lagu kala fiican yahay oo kaliya waa taqwada Rabbi,
Rabbi qur´aankiisana waa uu ku caddeeyay meelaha ay raggu masuulka uga yihiin
haweenka iyo sababaha ay ugu yihiin, taana micneheedu ma´ahan in ragga lagu
dhibaayo ama haweenka lagu liidayo balse waxaa meesha ku jirta xikmad Rabbaani
ah.
Aanu u soo noqono
dulucda qormadeena taas oo ah naag ama haweenay sharaf, qiimo iyo tusaale u ah
qof kasta oo muslin ah, waxay nafteeda u hibaysay korintii iyo daryeelkii,
rasuulkeena
Muxammad Ilaahay nabad iyo naxariis badan korkiisa ha yeelee, markii uu agoonka
ahaa, markii uu rajada ahaa, markii u guursaday, markii uu halganka adag ku
jiray ee Ilaahay subxaanahu watacaala u dhiibay ama la yiri gaarsii addoomadayda
nuurkan diinta islaamka si ay uga baxaan mugdiga oo cadaab kulayl badan uga
badbaadaan iyo ilaa iyo intii uu Allah ka oofsanaayay.
Baraka rasuulka
ayay hooyo dhab ah u noqotay ka dib markii uu hooyadiisii waayay iyadoo
fulinaysa dardaarankii Aamina bint Wahaab hooyada dhashay rasuulka
calayhissalaam, taariikhda Baraka iyo xiriirkii hooyanimo ee ay la lahayd
rasuulkeena calayhissalaam waxay u baahan yihiin boqolaal buugaag in looga
sheekeeyo, waxaanse isku dayaynaa in aanu iyado kooban halkan ku soo qorno.
Ilaa iyo hadeer
lama oga sida ay gabadhii yarayd ee la oran jiray Baraka ee reer Abasiinya
(Ethiopia ), ay ku timid suuqyadii lagu kala iibsan jiray carruurta, aabaheed
lama yaqaan magaciisa, hooyadeedna lama yaqaano magaceeda, boqolaal carruur ah
oo Baraka la mid ah ama carab ha noqdeen ama cid kale ha u dhasheene ayaa lagu
kala iibsan jiray suuqyadii carbeed, oo aan la garaneynin ehelkooda iyo meesha
laga soo bililiqaysatay ama laga soo dhacay.
Ilmo kasta
nasiibkiisa ayuu lahaa, mid ayaa ku dhacaayay ama iibsanaayay gacan habaar qabta
oo aan naxariis iyo bani´aadamnimo lagu arag, wuxuu doono ka yeelaayay ilmahaas
yar ee uu iibsaday, cid ka celinaysa iyo mid dan ka lehna ma jirin, haseyeeshe
carruur fara ku tiris ah ayaa nasiib lahaa oo u gacan galaayay kuwo Ilaahay u
naxariistay oo uu naxariistiisa ku shubay, carruurtaas fara ku tiriska ah waxaa
ku jirtay Baraka oo ahayd addoontii ugu nasiibka badnayd ee la iibsado
xilligaas, waayo waxay u gacan gashay aabihii dhalay rasuulkeena Ilaahay
korkiisa nabad iyo naxariis ha yeelee, Cabdullaahi ibnu Cabdimudhalib.
Baraka waxay ahayd
gabadha keliya ee u shaqaynaysay Cabdullaahi ibnu Cabdimudhalib markii uu
guursaday Amina bintu Wahaab rasuulka hooyadiis , markii Aamina la guursadayna
waxay sidii uu ninkeeda oo kale u dhaqaalaysay oo ula dhaqantay gabadhii ay ugu
timid gurigii ninkeeda ee Baraka.
Markii ay ka soo
wareegtay labo toddobaad guurkii Cabdullaahi iyo Amina ayaa Cabdullaahi aabihiis
Cabdi Mudhlib u yimid wiilkiisii si uu ugu daro safar u socday markaas Siiriya
oo baayacmushtar ahaa, Aamina aad ayay uga naxday in ninkeeda laga kaxeeyo
waliba iyada oo aroos ah, waxayna tiri ! waa arrin yaab leh, sidee ayuu ninkayga
iiga tagi karaa aniga oo weli aroos ah oo cilaankii ama xinnihii gacantayda
saarnaa weli iga muuqdaan?! Baraka waxay tiri iyadoo arrinkaan ka hadlaysa
sidatan
Markii uu
Cabdullaahi naga dhaqaaqay oo aabihiis raacay, ayaa waxaa wax xoog leh gaareen
wadnihii Aamina, markaas ayay Aamina murugo daraadeed la suuxday oo dhulka ugu
dhacday, markii aan arkay Aamina oo suuxsan ayaa xanuun iyo naxdin daraadiis la
qayliyay anigune, markaas ayaan iri," Alla marwadaydiiyeey ." markaas ayay
Aamina indhaha furtay oo i eegtay iyadoo ilmaynaysa, iyadoo hadalku dhib ku
yahay ayay itiri ." Baraka i qaad oo i gee sariirtayda, Aamina muddo ayay
sariirta ka soo kici weyday, cidna lama hadli jirin dadkii soo booqan jiray ilaa
ninkii weynaa ee sharafta badnaa soddoggeed Cabdul Mudhalib mooyaane.
Baraka waxay tiri,
labo bilood markii ay ka soo wareegtay maqnaanshihii Cabdullaahi ayaa maalin ii
yeertay Aamina wejigeeda waxaa saarnaa farxad iyo nuur waxayna itiri ." Alla
Baraka waxaan ku riyooday riyo yaab leh, markaas ayaa ugu jawaabay, marwo waxaan
rajaynaya in ay noqoto riyo kheyr leh, markaas ayay Aamina tiri, waxaan ku
riyooday calooshayda oo wax nuur badan ka soo baxeen, nuurkaas oo buuraha,
bannaanada iyo boholaha Makka oo dhan iftiimiyay, markaas ayay Baraka tiri,
marwo ma waxaad dareemaysaa in aad uur leedahay? markaas ayay Aamina ku
jawaabtay haa Baraka! laakiin ma dareemayo waxyaalaha ay dareemaan haweenka
uurka leh, markaas ayay Baraka tiri, waxaad dhali doontaa ilmo barako iyo
caafimaad leh, oo wax wanaagsan nagu soo biirin doona.
Intuu uu ka maqnaa
Aamina ninkeeda waxaa ka guuray farxadii iyo niyad ay u hayso nolosha, laakiin
Baraka ayaa kaalmo iyo garab la dul taagnayd, markastana waxay isku dayaysay in
ay uga sheekayso oo ka mashquuliso murugada haysa sheekooyin ka baabi´iya
murugada Aamina, haseyeeshe murugada Aamina waa sii kordhaysay uun.
Cabdul Mudhalib
ayaa u yimid maalin maalmaha ka mid ah Aamina una sheegay in ay magaalada ka
baxdo oo dhinaca buuraha Makka aado si ay uga badbaaddo dagaalka la sheegay in
uu doonaayo in uu soo qaado nin amxaaro ahaa oo la oran jiray Abraha oo
xilligaas waddanka Yemen gacanta ku haayay, ninkaas wuxuu damacsanaa in uu
Kacbada baa´biyo, haseyeeshe meeshii uu wax ka baabi´in lahaa isagaa ku
baaba´ay, oo Ilaahay kor ahaaye shimbiro baabi´iya u soo diray, arrintaas ku
saabsan ninkaas amxaarka ah waxaa aad uga sheekaynaysa suuratul Fiil.
Aamina waxay u
sheegtay seeddigeed in aysan haynin tabar ay uga baxdo magaalada Makka murugo
iyo tabar daro daraadeed.
Habeen iyo maalin
Baraka waxay ag fadhiday dhinaca Aamina, waxayna tiri iyadoo arrintaas ka
hadlaysa,"waxaan seexan jiray lugaha sariirta ay Aamina ku jeefto, waxaana
markasta maqli jiray oo hurdada iga kicin jiray, hadallada ay Aamina ku qarwi
jirtay sida magaca ninkeedii ka maqnaa Cabdullaahi, waxaan isku dayi jiray in
aan niyada u dhiso oo iraahdo iska seexo marwo"
Markii ay ka soo
noqdeen safarkii Siiriya uu u raacay Cabdullaahi ayaa Aamina loo soo sheegay in
saygeedii Cabdullaahi uu jidka ku soo dhintay, Baraka oo arrintaan ha hadlaysa
waxay tiri
"Markii ay Aamina
maqashay warka xanuunka badan, dhulka ayay ku dhacday, anigana waan iska
agfariistay, iyadoo xaaladdeedu ahaa mid nolol iyo geeri u dhexeeya, cid aan
aniga ahayna lama joogin Aamina, habeen iyo maalin waxaan u ahaa sidii dhaqtar
oo kale, oo waan u gargaari jiray, ilaa iyo markii uu ka dhashay wiilkeedii
Muxammad, habeenkii barakaysnaa ee uu Muxammad dhasahay wuxuu ahaa habeen la
iftiimaya amarka Alle dartiis.
Umulisadii Aamina waxay ahayd Ashifaa, Cabdu Raxmaan binu Cawf Ilaahay raalli
ha ka noqdee oo ka mid ahaa 10kii saxaabo iayaga oo nool jannada loogu
bishaareeyay hooyadiis, qofkii ugu horeeyay ee dhabta saara markii uu dhashay
rasuulka calayhissalaam waxay ahayd Baraka, ka dibna waxaa ay Aamina adeeg ama
farriin u dirtay rasuulka awowgiis Cabdu Mudhalib ka dibna u qaatay wiilkii uu
awowga u ahaa Kacbada, wuxuuna sameeyay farxad daraadeed xaflad oo wuxuu qalay
xoolo.
Intii uu Muxammad
Calayhissalaam ku maqnaa oo dhan baadiyaha Makka u dhaw si ay u nuujiso
naaskeeda Xaliima Sacdiya waxay Baraka la joogtay Aamina oo habeena ma seexan
meel aan Aamina agteeda ahayn, markii uu shan sano jirsaday nabiga ayaa lagu
soo celiyay hooyadiis, taas oo ku soo dhowaysay wiilkeeda jaceyl iyo hilow fara
badan, Barakana waxay iyadana ku soo dhowaysay rasuulka farxad iyo rayrayn iyo
xiiso fara badan oo ay u qabtay.
Markii uu rasuulku
lix sano jirsaday ayay hooyadiis go´aan ku gaartay in ay soo siyaarato ama soo
booqoto qabrigii aabihiis Cadullaahi oo Madiina ku aasnaa, waxaase safarkii
Aamina ka soo horbaxay oo ka celiyay Baraka iyo rasuulka calayhissalaam awowgiis
Cabdul Mudhalib, haseyeeshe go´aankii Aamina wuxuu noqday mid aan la beddeli
karin.
Subax hore ama
aroor hore ayay ka ambabaxeen Muxammad calayhissalaam, Amina iyo Baraka
magaalada Makka iyagoo afka saaray waddadii aadaysay Madiina, si ay murug iyo
war war oo dhan uga dhawrto wiilka yar ee Muxammad, Aamina uma sheegin oo wey ka
qarisay meesha ay u socdaan, markii ay 10 maalmood jidka ku sii jireen ayay
gaareen magaalada Madiina, Muxammad calayhissalaam waxay hooyadiis ku dhaaftay
oo ay tiri ha idinla sii joogo abtiyadiis ilmo Binu Najaar si ay ugu sahlanaato
booqashada qabriga ninkeeda.
Muddo toddobaadyo
dhan ayay maalin kasta Aamina ku sii socotay meeshii uu ninkeeda Cabdullaahi ku
aasnaa, tiiraanyadii iyo murugadii haysay waa ay ku sii kordhaayeen.
Markii ay dib u soo
laabteen si ay Makka ugu soo noqdaan ayaa intii ay jidka ku sii jireen Aamina
xanuumsatay, xummad ama qandho aad u darana qabatay, meel geeri go´an ah ama
cidla ah oo la yiraahdo Al Cabwa oo u dhexaysa Makka iyo Madiina ayay dageen oo
iska fariisteen maadaama jirradii Aaamina sii kordhay, goor ay habeen bar ama
saq dhexe oo madow ama mugdi tahay ayuu mar qura xummadii Aamina cirka isku
shareertay waxayna Aamina cod tiiraanyo leh ugu yeertay Baraka, Baraka iyadoo
arrintaas ka hadlaysa waxay tiri: waxay Aamina dhegta iigu sheegtay cod daciif
ah ama liita, Alla Baraka adduunkaan si dhaqso ayaan uga socdaa, wiilkayga
Muxammadna waxaan uga tegaya gacantaada, wuxuu waayay aabbihiis, hadeerna wuxuu
waayi doonaa indhihiisa oo shan ah hooyadiis, hooyo u noqo, weligaana dhex ama
cidla´ ha uga tegin, Baraka iyadoo hadalkii sii wadata waxay tiri, "markii aan
maqlay hadalladii Aamina, wadnahaygu wuu dilaacmay waxaana bilaabay in ay iska
baroorato, markii uu maqlay Muxammad calayhissalaam oohinteydii ayaa inta uu
naxay degganaansho la´aan ku dhacday oo bilaabay in uu isagana ooyo, wuxuu isku
tuuray laabtii hooyadiis markaas ayuu ku dhegay oo diiday in uu sii daayo ama ka
fuqo, xanuun daraadiis ayay Aamina la taahday, neeftii ugu dambaysayna
neefsatay, weyna aamustay, aamus aan aamus ka dambayn, oo naftii ayaa ka baxday.
Baraka wey iska
barooratay, waxaana iskugu tagay argaggax iyo murugo, waxayna gacmaheeda ku
qodday god ay Aamina ku kaasto, waxayna sheegtay in godkii ay qodaysay ay qoyeen
ilinteedii faraha beeshay ee indhaheeda ka daadanaayay.
Markii ay Aamina
aastay ayay Baraka wiilkii agoonka ahaa hadeerna rajoobay dib ula soo noqotay
Makka, markaas ayay Muxammad farta ka saartay awowgiis Cabdumadhalib, iyadana
halkaas ayay rasuulka calayhissalaam kula nooleed oo ay ku xanaanaynaysay guriga
Cabdul Mudhalib.
Markii labo sano ka
dib uu geeriyooday rasuulka calayhissalaam awowgiis Cabdul Mudhalib ayaa waxaa
mas´uulkii nabiga la wareegay adeerkiis Abu Daalib haseyeeshe gargaarkii Baraka
weligiis ma dhammaan oo meel kasta uu rasuulku ku noolaa wey la joogtay oo kula
nooleed ilaa uu ka guursaday Khadiija Ilaahay raalli haka noqdee.
Markii uu u
wareegay rasuulka Ilaahay nabad iyo naxariis korkiisa ha yeelee gurigii
xaaskiisa Khadiija bint Khuwaylid, Baraka waa ay raacday oo kama harin, waxayna
tiri Baraka iyada oo arrinkaas ka hadlaysa " Ilaa iyo maalintii ay rasuulka
hooyadiis dhimatay weligey kama aanan ag tegin isagana igama ag tegin ama isku
meel ayaanu ku nooleyn"
Maalin maalmaha ka
mid ah ayaa rasuulku calayhissalaam ku yiri Baraka "Hooyo !(wax aan hooyo ahayn
rasuulku weligiis Baraka uguma yeerin!) hadeer waxaan ahay nin guursaday
laakiin adiga weli ma´aadan guursan, maxaad ka oran lahayd haddii qof uu guur
kaa codsado ama ku weydiisto? Baraka inta ay rasuulka calayhissalaam eegtay tiri,
"weligey kaama ag dhaqaaqaayo, oo ma hooyaa wiilkeeda ka tagta.
Rasuulka Ilaahay
raalli haka noqdee ayaa inta uu dhoola caddeeyay madaxa ka dhunkaday Baraka,
ayuu inta uu dhinaca xaaskiisii u jeestay ku yiri “tani waa Baraka hooyadaydii
labaad, waxayna ka mid tahay qoyskeena” markaas aya Baraka Khadiijo eegtay
Khadiijana tiri Ilaahay raalli haka noqde tiri “Barakaay noloshaadii oo dhan
waxaad siisay xanaanaynta iyo daryeelka Muxammad, hadeerna waxaanu jecel nahay
in aanu kuu abaal gudno, waan ku baryaynaa naga oggolaw in aad guursato inta
uusan gabowgu kaa guulaysan ama aadan gaboobin”
Baraka ayaa markaas
tiri yaan guursadaa haddaba marwooy? Khadiija ayaa markaas tiri “waxaa jooga
Cubeyd ibnu Zayd oo reer Madiina ah wuxuuna doonayaa in uu ku guursado, iga
oggolow”
Baraka waa ka
oggolaatay codsigii Khadiija oo waa ay guursatay Cubeyd ibnu Zayd, waxayna u
raacday Madiina iyo dhulkiisii, waxayna u dhashay wiil wiilkaas oo loo bixiyay
Ayman, wixii maalintaa ka dambeeyay waxaa Baraka loogu yeeri jiray umu Ayman (hooyadii
Ayman) innnaguna waxaan Baraka ugu yeeraynaa umu Ayman
Waa inoo qaybta
danbe iyo halgankii Umu Ayman iyo soo if bixii risaalada islamka
Waxaa soo diyaarisay Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2006
|