SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay Maamulka J/Hoose
 
Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay Maamulka gobalka Jubada Hoose, ka dib markii ay kala wareegeen Ururkii xoogga ku haystay muddo ka badan 7 sanno. Maxaakiimtu waxay sheegeen in beelaha dega gobalka ay u dhan yihiin maamulkaas oo kulli ay raali ka yihiin. Nasiib darrose waxaan ku jirin oo laga qadiyay asalkii dhulka (Native) kuwaasoo ah Baajuun iyo Jareer, waxayna quud darraynayeen in mar uun illaah u keeno wax caddaalad ah oo cadkooda siiya, rajada ugu wayn waxay ahayd maxaakiimta oo runtii tan iyo intii ay dalka kasoo baxeen ahaa nuur lagu diirsday.Waxaa wax qaybiyay dad aan dadka iyo dhulka kala aqoon oo ka soo hayaamay carro fog sida Kilinka Shanaad.
 
Xasan Turki waxuu ku dhashay meel u dhaw Qabridaharre, maantana isagaa uga xaq yeeshay Baajuun iyo Jareer J/Hoose. Ilaahow adaa caadil ah oo xaqsoor ah banii-aadam kuwii wax la bidaba warkood daa.  Xasan Turki muddooyinkii la eryoonayay ee lagu daray Liiska Argagixisada waxaa saldhig u ahayd deegaan Baajuun oo ah dad lagu yaqaan Ehlu diin, dagaal la'aan iyo martisoornimo. Baajuun waa dadka aasaasay magaalada kismaayo magacuna waxuu kasoo jeedaa luqadooda (Kisii= ceel; Maayo=biyo) waxay taxan yihiin laga bilaabo Kismaayo ilaa Xuduudda Kenya. Waxaa looga tagay qori maydan qaadan oo dagaalkii is xasuuqa kama aydun qayb galin. Sidoo kale Jareer wayn waa dadka ugu cufan oo beeralay ah kasoo bilow Bu'aale ku gee Kismaayo ayagaa taxan oo sidii koronkorta urursan, iyagana waxaa looga tagay dagaal-ooge muuqda malihidin, mana haystaan tikniko iyo baaruud  wax gumaadda.
 
Haddaba Maxaakiimta waa inay dib isugu noqdaan oo qolo walba wixii ay dalkeeda ku lahaydahay siisaa, haddii kale caddaaladii laga filayay amase laga arkay waa naaqus. Tixgelin gooniya waa in lasiiyaa dadka ehlu nabadeedka sida Baajuun, Jareer iyo Banaadiriga. Maxkamdohow yaan la idinka raacin dadkaas dulman oo galti dhulkeedii ka boobtay.
 

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD