SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?.(Faalo)

 

Ergay sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in uusan marnaba Mareykanka Yeelahayn in ay Xukuumada Pyoung Yang ay sameysato Hubkeeda Nukliyeerka, ka dib markii Dawlada W/ Kuuriya ay  ku nawaaqdey Tijaabinta Hubka Sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka.

 

Madaxa ugu sareeya ee wada Xaajoodka dhinaca Hubka Nukliyeerka ee wadanka Mareykanka ee waqooyiga Kuuriya Ninka l;agu magacaabo Christopher Hill ayaa sheegay in ay labo Mid ay soo Gasho W/korea ku waas oo kala ah in ay sameysato Hubka Nukliyeerka ama in ay Yeelato Mustaqbal oolimaad oo ay dunidan ku noolaato W/koriya waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Mr Hill waxaa uu Carabka u dhuftay in hadii W/koriya ay sameysato hubka Nukliyeerka ay meesha ka baxayso in ay W/kuuriya sii ahaato dawlad Jiritaankeedu uu dhabyahay.

 

Hase yeeshee Mas’uulkan ma’uusan sheegin talaabada ay US ka qaadeyso hadii ay Pyoungyang Tijaabiso Hubka Nukliyeerka.

 

Mareykankuse waxaa uu doonayaa in uu mideysto wadamada Caalamka Badidooda si looga soo horjeesto Hubka ay Tijaabsaneyso W/kuuriya oo haatan xaaladiisa ay cirka isku sii shareertay.

 

Hase yeeshee sarkaal u fadhiya Mareykanka Qaramada Midoobay ninka lagu Magacaabo John Bolton waxaa uu shaaciyey in arintani ay ka Jirto kala qeybsanaan Baaxad leh oo u dhaxaysa wadamada Caalamka .

 

Japan iyo xaalka Hubka Nukliyeerka ee W/Kuuriya.

 

Japan waxaa ay Qal qaalo xoogan ugu jirtey war ka soo baxa Qamarada Midoobay oo mar uun Cunaqabteyn lagu saaro W/Kuuriya.

 

Iyada oo dhawr Jeer oo horena ka digtey xaalka Hubka Nukliyeerka ee W/Kuuriya waxaana ay sheegtay in ay sharci daro ay tahay in ay sameysato W/ Kuuriya Hubka Nukliyeerka .

 

Ra’iisul wasaaraha Japan Mr Abe ee haatan Talada la wareegay mar uu booqasho ku Marayey wadanka China ayaa waxaa uu sheegay in aysan Jirin sababo Baqo Gelin ah oo suurta gelin kara oo ay W/kuuriya u samaysato hubka Nukliyeerka, Hase Yeeshee Mr Abe oo siyaasadiisa ay ku waajahan tahay in la adkeeyo Dhinaca Milteriga Gaar ahaan wadankiisa ayaa sheegay in la helo Xoog Macquul ah oo la jaanqaadi Militeriga Caalamka oo wadankiisa yeesho.

 

Hase yeeshee Shinzo Abe waxaa uu Maalmaha soo socda uu sheegay in uu Booqasho ku aadayo wadamada K/Kuuiriya iyo China si uu u furo wadahadalo dhinaca Nukliyeerka ah ee wadanka W/qooyyiga Kuuriya.

 

K/Juuriya, China iyo Raashiya Maxay  ka yiraahdeen Hubka Nukliyeerka ee W/Kuuriya?.

 

 

Shiinaha oo xuduud la leh W/kuuriyey siyaasadoodana ay isu janjeerto ayaa sheegtay in Muhiim ay tahay in wada hadalo furto w/kuuriya si looga xaajooda Arinta Maalmahanba muranka Dhalisay ee Hubka Nukliyeerka .

 

Labada Wasiir ee Arimaha Dibada ee koonfurta Korea iyo Rusia Banki moon iyo Sergie Lavrov oo qadka Telefoonka kuwada hadlay ayaa labada ninba waxaa ay isku afgarteen in Haduu ay sii wado W/kuuriya Tijaabadeeda dhinaca Hubka Nukliyeerka ay sii murjineyso Xaalada haatan taagan ee hubka Nukliyeerka.

 

Macquul ahaansho ah in Cunaqabteyn lagu soo Rogo wadanka W/ Kuuriya Cunaqabateyn.

 

W/kuuriya waxaa ay sheegtay In sababaha ugu weyn ee ah Tijaabadeeda hubka Nukliyeerka waxaa ay tahay in ay il Naxariiseed ka weyday Mareykanka waxaana ay sheegtay in ay badatey Cdaadiska Mareykanka uu ku hayo W/kuuriya ay marba marka ka danbeysa sii laba laxaadsatey hase ,yeeshee haatan waxaa ay sheegeen Reer Waqooyigu in aysan doonahayn in mareykanka ay la jaan qaadaan siayaasadeeda ayna rabaan isu filnaansho dhinaca Milteriga ah.

 

Sida ay Iran Qabto ma’ahan W/kuuirya, Iran waxaa ay doonaysa in ay ku Horumariso hubkeeda Nukliyeerka dhinaca Bulshada , iyada oo walaaca mareykanka uu ka qabo Iran ay tahay in ay hadhow kolkii ay u ogalaato samesashadeeda Barnaamijkeeda  ay u xuubsiibato sidii Mas iyada oo kaga faa’iideysanaysa Hubkeeda awood Milteri.

 

W/Kuuriya waxaa ay Iyadu raad keedu haysaa sidii ay u heli lahayd Cudud Miletri oo Baaxad leh oo Miisaska wada hadala siyaasada Caalamka ay kaga soo shir tagto iyada oo lid ku ah America, waxaan shaki ku jirin in mareykanku uu la jiro K/kuuriya oo ay kala go’een waqiiyaga Mudo fara badan ka hor waxaana ay u aragta W/kuuriya Cadowgeeda ugu weyn ee Dunidan in uu yahay Mareykanka.

 

Mareykanka waxaa uu hordhigey Marar Fara bdan oo hore Qaramada Midoobay isaga oo ka dalbanaya in lagu soo rogo Cunaqabateyn W/kuuriya, waxyaabaha uu mareykanka iyo K/ Kuuriya uu ku soo eedeeyey waxaa ka mid ah dhoofinta Hubka iyada oo ay W/kuuriya hubka u dhoofineyso dhaqaalana ka raadsaneyso wadamada Dagaalada Sokeeye uu ka socdo.

 

Waxa ahayd 2002 markii ay Pyoung yang ay ka saartey wadankeeda Koox ka socota qaramada Midoobay oo baareysay in W/ Kuuriya ay sameysato Hubka Nukliyeerka,

Tan iyo markaas waqooyiga Koriya kama aysan nasan mana Joojin in ay samaysato Hubka sida daran wax u Gumaada ee Nukliyeerka.

 

Tan haatan taagan waa arin aad u daran waxaana ay sababi karta in la waayo Xal Macquul ah waxaana ay u muuqata in ay dhinac u dhacayso iyada oo uu mareykanku ka duulayo , Qori Xero kuma wada Heshiiso.

 

 Mohamed Ali (Dalmar).

Source Radio Midnimo

Mohamedali11@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD