SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Condaleezza Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo!

 

Condaleezza Rice oo muddo aan sidaasi u dheereyn madaxweyne Bush u magacaabay xoghayahiisa arrimaha dibada waa haweeney midabkeedu madow yahay,”hadaad Soomaali tahay dhinacaas naxariis ha ka sugin” ee waxaad ogaataa iney tahay haweeney diintaada iyo dalkaaga cadow ku ah. Waa haweeney isku heysata iney tahay tan adduunyada ugu cilmi badan,in badan cimrigeedakamid ahina waxey ku dhumisay  siyaasada awood sheegashada ku dhisan ee dowladeeda caalamka ku wareerisay. Waa haweeney aan weli guursan sida la sheegayo. Haweeneydani tan iyo muddo aad u fog iyadoo xirriir hoose iyo mid siyaasadeedba la leh reer Bush-ka ka taliya Mareykanka ayey hadana dafirtaa iney mararka qaar ka hoos baxdo waxyaabaha u baahan ka qabashada u baahan sidaas oo ay taheyna waxey go’aamisa waxkasta oo dhib u horseeda dowlada ay matasho.

 

Condoleezza Rice waa haweeney aamisan waxa Bush aamisan yahay ee diinta masiixiyada Islaamkunaa yahay cadowgooda koowaad ku yihiin. Inkasteey sida Bush u fudeyd badneyn kuna hadlin hadalo siyaasad ahaan ku habooneyn hadana waxaan shaki jirin iney kasii xagjirsan tahay Bush-yar ee waalan.

 

Hadaba maqaalkan waxaa igu kalifay inaan si deg deg ah ku qoro markaan arkay warar ku qornaa website-yada oo sheegayey in haweeneydaasi ka codsatay nimanka cigaalada dheer inaaneey wax taakuleyn ah siin maxaakimta Islaamiga ah ee dhawaan ka hanaqaaday dalka Soomaaliya, haweeneydani waxey sheegtay wararkuna kasoo wareeriyeen iney maxkamaduhu is balaarsigooda ay tahay waxey ku sheegtay in dalkaasi argagaxiso hoy u noqon karro. Hadaba dalkeena inkastoo argagaxisada sharciyeysan ee dagaal oogeyaalka ah gacanta u galay haweeneydan iyo dowladey matashana ku masruufiyeen sidey u leyn lahaayeen culimadeena. Ma waxey dooneysa inta yar ee hartay in la sii dhameystiro? Shaki kuma jirro in qorshaha dowladeeda ee ka dhanka ah waxa ay ku sheegaan argagaxisada aan Soomaaliya ka marneyn hadaanu hadda aheyn hadafka koowaad ee looga sii taqalusi karro culimada.

Adigoon meel kale aadin tusaale waxaa kuugu filan qowleysatadii labaxday ”La dagaalanka argagaxisada” iyo sida loogu silciyo culimada aamisan caqiiqada dhabta xabsiyada maamulada la baxay Soomaaliland  iyo Puntland oo ay Amxaaradu naas nuujiso. Hadaba haddii haweeneydani aamisan tahay in carabi kaalmo ku sheega xunta ay naga jari karaan ama yeelayaan waxa ay iyadu tiraahdo, Waxaan u sheegayaa dhowr erey waa tan hore ee carabi addigey Illaahey kuu aamisan tahaye, annagu uma aragno iney dad yihiin hadeyse yihiin Falastiin bey wax u qaban lahaayeen. Lubnaan oo indhahooda shanta yihiin baa dagaal maalin cadeey lugu qaaday kuna fiirsanayeen qaarkoodna sheegeen in Xisbullaah ay mas’uul ka tahay waxa dalkooda qabsaday.

 

Midda xigta inkastoo Soomaalida Islaam sheegato Qabiilkuna kala geeyey hadana Illaahey baan aaminsanahaye waxaad nagu heyso nugu soo daa! Carabina wax noomatirin iney na dulmiyeen mooyaanee ugama baahnin bariis iyo baasto. Waxaanse ku afjarayaa qoraalkan gaaban, Haddaad carab u taliso ogow annagana in Illaahey noo taliyo”  

 

Ikraam Cali-kaar

ikraam@journalist.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD