SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ha I Wareerin

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Oct 4, 2006


Dal markii ay ka badato dhibaatada waxay dadaal u galaan wixii ay ugu bixi lahaayeen dhibaatadaasi, haddaba markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay erey si aad ah looga yaqaan raas casayr illaa raas kambooni kaasoo ah HA I WAREERIN, ereygaasi oo sii xoogaystay wixii ka danbeeyey sanadkii 1999kii.

Ereygan waxaa marka hore aad u isticmaali jirey haweenka ka gacnacsada dharka, wuxuuna markii hore ku bilowdey Gabar doonaysay inay iibsato dhar kana iibsato Gabar kale markii ay isku af garan waayeen beecii ayaa tii lahayd dharkii inta sheygii qabatay ayay indhaha uga dhifatay iyadoo leh “Naa ha I wareerine lacagta kugu hartay si tar tartiib ah isaga bixi”

Markii hore anigu waxaan u haystay in haweenka ka ganacsada dharkaasi oo xaafadaha kale ugu geeya gabdhaha ay saaxiibada yihiin ama kuwa kaleba inaysan wax faa’iido ah ku qabin, waxaanse gadaal ka ogaaday in faa’iido sidaa u buurneyn ay ku qabaan, tusaale Gabadha dhiibaysa dharka ha I wareerinta, waxay dharka ay soo qaadday ay ku soo qaadday ha I Wareerin, taasoo iyadu sii siisa illaa soddomeeyo kale oo ha I wareerin ah iyadoo toddobaadkii ka qaadaysa toban kun qofiiba, markii la isku daro soddonkii qof waxaa halkaa ka soo baxaya lacag ay isaga sii bixin karto ha I wareerintii markii hore ay ku soo qaadday, xaafad keliya kuma ekee xaafado kale ayay tagee si ay ugu qaybiso dharkii ha I wareerinta ahaa.

Ha I wareerintu waxa ay socotaba waxay afka la soo gashay dadka ka ganacsada alaabada jiifka kaddib markii uu yaraaday guurkii duruufo dhaqaale aawadeed, haatan marka aad Gabar guur ku heshiisaan waxaa Bilooyinka hore ee farxadda ama shahru casalka waxa labada qof ee is qabta ay ku heshiiyaan inuu jiifkoodu noqodo ha I wareerin.

Waxaa la soo siiyaa labo armaajo, oo midi tahay dharka midna alaabta, sidoo kale waxaa la soo raaciyaa labada sariirood ee jiifka, wuxuuna heshiisku noqonayaa inuu bishii iska bixiyo laba boqol oo kun shilin soomaali ah oo u dhiganta 13 doolar, marka qofka ayay ku xiran tahay inuu alaabtaasi haysto dhowr bilood kaddib Marka uu dhamaado waqtiga loo qabtey waxay labada qof ku heshiinayaan in noloshooda caadiga ahayd ay maareeyaan haddii ay dhigan lahaayeen laba Joodari iyo haddii kale.

Waxaa dhacday Qiso yaab badan oo ku saabsan ha I Wareerinta, nin baa wuxuu ku guursaday alaabo ha I wareerin ah, markii uu laba bilood qabay haweeneydaas ayaa maalintii dambe isku dhaceen ninkii iyo xaaskisii, waxaa lagu heshiiyay in la kala tago, haweeneydii ayaa waxaa ninkii ku tiri xaq ayaan u leeyahay in alaabta qayb la iga siiyo,maadaama aan kala tagayno” Ninkii ayaa ku jawaabay “Waa run marka nin iyo Haweeney ay kala tagayaan in Haweeneydu qayb ku yeelato alaabta guriga, Ninkii wuu sii watay hadalkii wuxuuna intaa raaciyay “Naa heblaayo alaabta dad baa iska leh, waxaanan ku soo qaaday ha I wareerin”, Naagftii baa inta yaabtay waxay ku calaacashay “Allaa ma maantuu alaab ha I Wareerin ah igu Arroosay, allaa anaa dhintay”.

Deriskii baa arrintaa ku soo baxay markiiba Gartii ayaa la galay, waxay derisku ogaadeen in albaata lagu Arroosay ay tahay ha I wareerin, waxaana lagu yiri haweeneydii “Naa walaaleey raali noqo, duruurfta dalka ka taagan ayaa sidaan ah hana la yaabin haddii ha I wareerin lagugu Arroosay, laakiin wixii xuquuq oo kale oo aad ku leedahay waan kaaga qaadaynaa ninka”, sidaa ayay haweeneydii Gartii ku qaadatay, alaabtii kirada ahayd ee ha I wareerinta ahaydna dib loogu celiyay ninkii lahaa.

Ninka iska leh alaabta ha I wareerinta faa’iido ayuu ku qabaa, maxaa yeelay hadduu toban alaabo uu kala siiyo shan qofood oo min laba boqol oo shilin oo u dhiganta 13 Doolar waxaa bishii uu halkaas ka helayaa Melyan shilin soomaali ah, marka qofka noocaan oo kale ah wuxuu la mid yahay qof uu Guri u kireysan yahay, laakiin dhibaatada jirta waxa ay tahay iyadoo qaaditaanka alaabta iyo soo celinteeduba ay dhibaato ka soo gaarto taasoo mararka ay dhacdo inay Ja- jabto ama Garaafooyin ay soo gaaraan.

Ha I wareerintii waxay ku biyo shubatay Gawaarida Qurxoon, waxayna xoogaysatay markii la furay dekeddii Muqdisho halkaasoo laga soo dejiyay gawaari fara badan oo ah noocii ugu dambeeyay ee caalamka, ninka ganacsadaha ah ee la soo degaya baabuurtaasi wuxuu ku xaraynayaa Garaash, wayna ka duwan tahay ha I Wareerintaan tii hore, qofka doonaya gaari waxa uu bixinayaa kala bar oo bar lacagta uu ku fadhiyo gaariga, kaddibna bishii ayuu iska yer yeereynayaa, tusaale gaari karoola ah oo jooga 15OO DOOLAR ayaa waxaa bixinaysaa 75O Doolar iyadoo inta soo hartayna aad bishii u bixinayso boqol boqol Doolar.

Isku soo wada duuboo ha I Wareerintan waa casharo aan ka baranay 16-kii Sano ee duruufaha adag lagu jirey, dhinaca kalena waa faa”iido qarsoon oo ay dadku ka helayaan ganacsigan ha I wareerinta ah

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com



Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD