SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada

Maxamed Xaaji Cadow: E-mail: mohamedadow@gmail.com

Muuqaalka hardanka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay in muddo ah ku cartamayeen kooxo cilmaaniyiin ah oo islaam siyaasi ah (in dawlad islaami ah ay hanato xukunka dalka) marna uusan ka mid ahayn mabaadii'dooda siyaasadeed ayaa waxaa dhalan rogay soo daahirida Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliya oo mirahoodii ugu horeeyay la beeray horraantii sanadkii 1991. Waxaa lagu doodi karaa in Maxaakiimta Shareecada ay ifka u soo baxeen bishii March sanadkii 1991 markii magaalada Muqdisho uu ka dhacay xukun xuduud ah oo lagu fuliyay nin la sheegay in uu galay denbi sino (macsiyo) ah oo xukunkii lagu fulinayay uu ka dhacay Beerta Daraawiishta ee ku dheggan taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Muqdisho ayadoo isu soo baxan ay ka qaybgaleen culimo ay ka mid ahaayeen Alle Ha U Naxariistee Sheekh Maxamed Macalin Xasan iyo Sheekh Ibraahim Suuleey inkastoo qadar gaaban markii ay socotay munasabada fulinta xukunka shareecada weerar gantaal uu la beegsaday wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa wixii loogu yeeri jiray "Mooryaanta" oo ka mid ahaa maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Waxaa sawir naxdin leh ahaa in maalintaaas ay cagaha wax ka dayeen oo ay si sharaf dhac ah u kala dideen culimo iyo caamo ka wada cararay gantaal uu soo riday wiil yar waxayna dhcdadan daliil u ahayd tabar darrida Islaamka siyaaasiga ah ee Soomaaliya oo uu aabe u ahaa Alle Ha U Naxariistee Sheekh Maxamed Macalin Xasan oo muddo ahaa maxbuus siyaasadeed ahaana caalim wax ku soo bartay Jaamacada Al Azhar ee wadanka Masar oo asagu ku dhashay diintana ku soo bartay gobolka Baay, gaar ahaan degmada Buurhakaba oo xitaa lahjadiisa ay si wayn uga dhadhamaysay marka uu akhrinayo Tafsiirka Qur'aanka iyo culuumta Axaadiista saamayanta uu ku yeeshay afka Maayga oo uu ku soo ababay kuna soo bartay culuumta diinta Islaamka.

Hadii dib loo jaleeco taariikhda Islaamka siyaasiga ah ee Soomaaliya wuxuu hanaqadaay sanadkii 1975 markii uu maamulkii Hantiwadaaga ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre uu soo saaray Xeerkii Qoyska oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen sinnaanta ragga iyo haweenka siiba xaga dhaxalka oo lid ku ah farintaanka Aayad Qur'aan ah. Waa markii uu Maxamed Siyaad Barre ku jeesjeesay Aayad Qur'aan ah asagoo khudbad u jeedinayay xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka oo uu yiri "Masnaa Wa Sulaasa, Wa Rubaaca 'Wal Jinni' ". Culimada ayaa ka dhiidhiyay xeerka Qoyska waxaana 10 ka mid ah culimada dil toogasho ah lagu fuliyay 1975. Sheekh Maxamed Macalin Xasan iyo culimo kalana waxaa loo taxaabay xabsi ay ku jireen ilaa dabayaaqadii sanadihii sideetamaadkii.

Hadaba ka dib dhacdadii Beerta Daraawiishta ayaa culimadii uu hormuudka ka ahaa Sheekh Maxamed Macalin waxay sii wadeen dadaalkoodii kamana rajo dhigin in ay hirgeliyaan shareecada Islaamka wuxuuna Sheekh Maxamed Macalin isku dayay in uu degmada Wardhiigleey ee Muqdisho ka ka hirgeliyo Maxkamad Islaami ah balse waxaa is hortaagay oo caraqaladeeyay qorshihiisa hogaamiye kooxeedkii geeriyooday Maxamed Faarax Caydiid.

Dadaalka hirgelinta Maxkamamdo Islaami ah wuxuu u wareegay dhinicii Waqooyi ee Muqdisho ee ay Muqdisho u kala go'aday ka dib "Dagaalkii Afarta Bilood" uuna ka talin jiray Cali Mahdi Maxamed waxaana Waqooyiga Muqdisho laga dhisay Maxkamada Shareecada Islaamka sanadkii 1994 waxaana madax ka ahaa Sheekh Cali Sheekh Maxamuud " Sheekh Cali Dheere" waxayna muddo laba sano ah xukunka shareecda ku dabaqday Waqooyigii Muqdisho. Haseyeeshe Maxkamadan cimrigeeda wuu gaabnaa waxayna la kulantay mucaaradad waxaana muuqeeda iyo maqalkeeda la waayay Maxkamadii Shareerada Islaamka ee Waqooyiga Muqdisho sanadkii 1996.

1997 ayaa wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Gen Maxamed Faarax Caydiid iyo Gen Maxamed Nuur Galaal waxaana murankan si loo xaliyo soo jeediyay fikradda ah in khilaafka beelaha ay xalliso Maxkamad Shareecada ah Sheekh Xasan Daahir Aways, oo hadda ah Gudoomiyaha Golaha Shuurada waxaana sanadkii 1998 dhidibbada loo aasay Maxaakiimta Islaamiga ah oo xafaadaha Muqdisho ku baahay oo beel beel u qoqoban, waxayna sanadkii 2001 maleeshiyaadka Maxaakiimta ku dhex milmeen oo ay ku biireen ciidamadii loo ururinayay dawladii uu madaxda ka ahaa Cadiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Carta, Jabuuti.

Markiii ay dhamaatay mudadii sharciga ahayd ee dawladii Carta ayaa waxaa mar kale dib loo soo nooleeyay maleeshiyaadkii Maxaakiimta waxaana sanadkii 2004 la dhisay Golaha Sare ee Midowga Maxaakiimta Shareecada Islaamka oo ay ku midoobeen Maxaakiimta beelaha oo Gudoomiye looga dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga.

Hanka iyo damaca Maxaakiimta Islaamiga oo marki hore ku koobnaa in la dabaqo shareecada Islaamka wuxuu is bedelay markii 18 February, 2006 degmada Dayniile ee duleedka Muqdisho looga dhawaaqay Isbahaysigi La Dagaalanka Argagixisada waxayna ku dhawaaqida Isbahaysigan horseeday in ay Maxakiimtu helaan shacbiyad aad u ballaaraan maadaama dad farabadani damiirkoda diiniga ah uu kiciyay ku dhawaaqida Isbahaysigi La Dagaalanka Argagixisada. Waxay aakhirkii ay Maxakiimtu gaareen guulo isdabajoog ah oo ay kula wareegeen Muqdisho, Balcad, Jowhar, Hiiraan, Galgaduud iyo qayb ka mid ah Mudug ayadoo ay ugu dambaysay magaalo ay la wareegaan Kismaayo oo ay la wareegeen September 24, 2006, waxayna hadda Maxaakiimta Islaamiga yihiin muran la'aan quwadda siyaasadeed ee ugu awooda badan Soomaaliya, waxayna haystaan awoood midaysan oo aysan weligooda helin jabahadihii iyo ururadii soo maray Soomaaliya intii ay bilowdeen daagaalada sokeeye ee Soomaaliya.

Hadaba waa su'aale hadii xaalka waaqiciga ee jira uu yahay sida la soo xusay hilinkee la haboon Maxaakiimkta Islaamiga iyo dawlada fadhigeedu yahay Baydhabo si loogu hagaago hilinka toosan?

Shaki la'aan dawlada fadhigeedu yahay Baydhabo ee lagu soo dhisay dalka Kenya ka dib 2 sanadood shir socday waxay haysataa nooc sharciyad ah xitaa haku timaadee qaab gurracan oo la soo dhoodhoobay. Ma aha koox maalin gudaheeda isku abaabushay oo cirka ka soo dhacday oo ay Maxaakiimtu iska dafiri karaan sidii hogaamiye kooxeedyadii qawlaysatada ahaa waxaana taas daliil u ah sida ay Maxaakiimtu uga warwareegayaan ama aysan weli ugu dhiiran in ay afka ciida u daraan oo dagaal toos ah la galaan dawlada iyo weliba labadii heshiis ee ay Khartuum, Suudaan kula soo galeen inkastoo ay dawladani tahay dawlad leh ceebo iyo cillado farabadan ayna ku socoto siyaasad aan waaqici ahayn oo aakhirkii u horseedi doonta in jiritaankeeda uu ku baaba'o. Haddaba si looga hortago masiibo ku soo food leh Soomaaliya oo hadii la dhayalsado u rogi doonta Soomaaliya Ciraaqda Afrika waxaa la haboon Maxaakiimkta Islaamiga iyo dawlada in ay talooyinkan qaataan:

● Dawlada waa in ay garwaaqsataa oo aysan dhayal u malaynin quwada Maxaakiimta oo aan ahayn koox wadata mabd'a siyaasadeed oo keliya balse ay diin ku barxantahay (waa halis baraxan) oo marka iyaga iyo dawlada la is barbardhigo ay Maxaakiimtu ka xoog badanyihiin dawlada-Maxaa u diidaya dawlada in ay gorgortan siyaasadeeed la galaan Islaamiyiinta Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Maxaakiimta oo xitaa Dastuurka wax laga bedelo hadiiba dalalka ay dawladahooda iyo fallaagada ama mucaaradka marka la isku fiiriyo ay dawladu xoog badantahay (Soomaaliya waa cagsiga) ay heshiis iyo wadahadal la galayaan fallaagada tabarta daran ee kaymaha ku dhex dhuumanaya. Tusaale ahaan Jabhadda Masiixiga ah ee ka jirta dalka Yugaanda oo magaceeda loo soo gaabiyo LRA ayaa ayadoo duurka meeraysanysa waxaa uu wadahadal u socdaa ayaga iyo dawlada Yugaanda-Maxaakiimtu kollay duurka kuma jiraan!

● Dawlada waa in ay garasho dheer yeelataa oo ay ogaataa cawaaqib xumada ka imaan karta in ay isku halayso ciidamo shisheeye ileen ciidamo shiisheeye Soomaaliya gacanta uma soo gelin karaan xoogna kuma maquunin karaan Soomaalida diidan hadiiba ay jiraan dad Soomaali ah oo ka soo horjeeda ha yaraadeen ama ha badnaadaane ayadoo la ogyahay in Maxaakiimtu si cad u diideen in ay Soomaaliya yimaadaan ciidamo shisheeye. Hore ayaa kumanaan ciidamo shisheeye ah oo ay horkacayso quwadda keliya ee caalamka ugu xooga wayn (Maraykanka) markii ay tageen Soomaaliya sanadkii 1992 waxaa hor istaagay oo carqaladeeyay koox yar oo aad uga taag darnayd Maxaakiimta maanta oo ku guulaystay in ay ka dhigaan hal bacaad lagu lisay hawlgal ay ku baxeen balaayiin doolar-"Timirtii horeba dab loo waa."

● Maxaakimta waxaa ayagana la gudboon in joojiyaan dafdafta iyo fudaydka siyaasadeed oo ay wax ka bartaan waayadi tagay oo casharradii taariikhiga ahaana ay dib u xasuustaan oo ay ku dhaqmaaan siyaasad qunyar socod ah oo xeeladysan oo leh baaraandeg , bisayl siyaasadeed iyo aragti fog ayna ka reebtoonaadaan falal argagixiso ama u hiilinta kooxaha iyo shakhsiyaadka sutida u haya argagixisada caalamiga ah ee ku hawlan halaaga naftooda iyo baabi'inta dad aan waxba galabsan ayagoo huwan magaca Islaamka ayna iska ilaaliyaan dagaallo ay la galaan dalalka deriska ah siiba dalka Itoobiya (Ha noqonina sidii ururkii Al Itixaad oo asagoo lullume ah rah is mooday oo asagoo Luuq, Gedo ka dhigtay Daarul Hijra sanadkii 1996 isku hawlay weerarro uu la beegsanayo ciidamada Itoobiya ) iyo weliba wax alla wixii keeni kara kacdoon qabiil ayna ciribtiraan raadadk cadaalad darrada ee muuqda iyo wixii qiil siinaya kuwa ka soo horjeedka Maxaakiimta. Waxaa tusaale ku filan arrinta Gobolka Shabeelaha Hoose oo cambaar u yeelay sumcadda iyo sharafta Maxaakiimta. Waa tallaabo loo qaaday jihada toosaan in ay Maxkamadaha kala wareegeen taariikhdu markay ahayd September 30, 2006 gobolka Shabeelaha Hoose maamulkii Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo in muddo ah si aan sharciyad ahayn oo xoog iyo dulsaar ku salaysan u maamulayay gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa si wayn loo dhawrayaa qaabka uu yeelan doono maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee ay Maxaakiimtu la wareegeen oo dhawaan la soo dhisi doono waaxyihiisa kala duwan sida uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii uu khudbad ka jeediyay xaflada wareejinta gobolka. Waxaa si wayn isha loogu hayaa in Maxaakiimta si cadaalad ah ugu wareejiin doonaan gobolka Shabeelaha Hoose dadka deegaanka ee u dhashay gobolka si la mid ah meelaha kale ee ay maxaakiimtu qabsadeen sida Jowhar, Balcad iyo Hiiraan oo maamulkooda lagu wareejiyay culimo u dhashay deegaanka.

● Waa in ay Maxaakiimtu lahaadaan garaad siyaasadeed oo la jaanqaadaya wakhtiga casriga ah oo ay Maxaakiimtu magaca iska bedelaan una bedeshtaan xisbi islaami ah oo siyaasadeed si ay ugu taabushaystaan marxaladaha xiga maraxalada hadda taagan si ay mustaqbalka ugu tartamaan doorasho ay ku baratamaan xisbiyo tiro badan. Ka Tusaala qaata doorashooyinka xisbiyada tirada badan ee dalka Iiraan oo lagu xukumo hab xukun diini ah. Yaysan marna ku seexan Maxaakiimta islaamiga in ay weligooda waarayaan waana in aysan maranba isa siinin oo is oran xukunka Soomaaliya waad hanateen. Ururada iyo xarakaadka siyaasadeed way bulmaan ayaatiina ma leh hadaan laga baaraandegin qaab-dhismeedkooda-waa hadii ay raabaan in ay badbaadiyaan aayaha iyo mustqabalka Islaamka siyaasiga ah ee Soomaaliya oo ay hormuudka ka yihiin Maxaakiimta-hadii kale waxay cagta saarayaan wadadii burburka.

--------------------

Maxamed Xaaji Cadow
E-mail: mohamedadow@gmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD