SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BURBURKII QABYAALADA IYO SOO BIXITAANKA MAXKAMADAHA XOREEYNTA SOMAALIYA

Liibaan Ali Qaalid3@hotmail.com

Alaa wayn awood ninkuu ladoonaa leh.
 
Soomaalida ayaa kumaah maahda "BIYO SACABADAADA AYAA LOOGA DHERGAA" waxaan soomaali iyadu u istaagin oo aysan qabsanin cid u qabanaysaa majirto oo shisheeye ah dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka soomaaliya.
 
Hadaba waxyaabaha keenay in aan nafsadeena soomaaliyeey ku kalsoonaan wayno oo isu aamini wayno waa wax inbadan laga soo shaqeeyay oo layiraahdo MASKAX DHAQID.waayo gumaystaha reer galbeedka ee SAAN CADAALAHA ama cadaanka ahaa waxa uu dalkeena joogay 170 (boqol iyo todobaatan sanadood).waxa uuna intaa ladagaalamayay diinta iyo dhaqanka soomaaliyeed isagaana iska dhaadhiciyay oo ku yeeshay saameeyn ah in dadku isaga waa SAANCADAALAHA ee ay aaminaan oo talo saartaan u arkaana in aysan la aantii noolaan karin,waxna qabsan karin sida madaxwaynuhu hada aamin sanyahayba.
 
Hadaba tani waxay dhalisay in mudo dheer uu dalkeena ka curan waayo halgan QUUDDHSI DIID AMA GUNIMO DIID AH,waxa hadaba ilaahay qadaray in uu dalka u kaco marlabaad halgan kii axmed guray oo kale ah oo uu wado CAALIM SOOMAALIYEED SAYID MUXAMED CABDULLE XASAN axmed gurey iyo sayidkuba waxay ahaayeen culima udiin ka xoreeyay dadkooda iyo dalkooda GUNIMO waxay bareen dadka diinta islaamka oo aan ogoleeyn dulmi iyo in dadka ilaahay laga dhigto adoomo dad gaara ushaqeeya oo caabuda halka ay ilaahay ka caabudi lahaayeen,waxaa xusidmudan mar gaaladu ay waydiiyeen sayid maxamed cabdulle xasan ilaahay haka raali ahaado oo janadiisa hageeye "SAYIDOOW KA WARAN HADAYNU HESHIINO OO DAHAB IYO LACAG AAN KUSIINO ADIGA IYO JIFADAADANA AAN HORMARINO OO LONDON IDIN DAJINO DALKA SOOMAALIYANA MARKAAD WAXBARATAAN IDIIN DHIIBNO TALADIISA SARE?"
 
Waxa uu ugu jawaabay"ILAAHII ABUURAYBA NINKII GARAN WAAYAY SIDAAN ANIGU ULA AAMINTAMO WAYLO AMA KAAGE!!!" wakaa ragii raga ahaa ee soomaaliyeed gablan talo aduuneey maxay galaba heer joogtay,maantana madaxdii soomaaliyeed waxay baryaysaa oo laga haysataa gaalooy noo imoow oo gaaladu ay iska diidantahay.
 
Waxaad ogaataan taariikhda soomaaliyeed inama soomarin kacdoon aan wadaado iyo culimaa udiin wadin marwalba culimadaa hogaaminaysay,ahmed gurey,sayid maxamed cabdulle xasan,dhanka waxbarida sheekhyusuf alkawneeyn raximahulaah, sheekh uways, bushadaba cidii wax uqabatay danta guud waxay ahaayeen wadaadada islaamka ee soomaaliyeed.
 
S.Y.L hadayna wadaado ku tiirsanayn meel magaarteen,shacabka soomaaliyeed waligoodba wadaadadooda iyo diintooda ayaa hormar iyo u ahaa mid ay kuliibaanaan.
 
Ogaada hadaba xiligii laga soobilaabo sayidka waxaa jiray dad gumaystuhu dilooday oo uu kusameeyay maskax dhaqid kuwaasoo aminsanaa in gumaystaha SAANCDAALAHA AHI sii joogo dalka oo dhaqalaha dalkana dhoofsado dadkana dusha ka rarto sida dameeraha.dadsoomaaliyeed oo aan rabin dadka iyo dalka soomaaliyeed hadana soomaali kula ah ayaa jira oo gumaystuhu yeeshay xiligaa waxay kasoo horjeedeen dhaqdhaqaaqii DARAAWIISHEED ee diniga ahaa ee sayidka waxayna oran jireen waa qabiil eeka carara.sida maanta maxaakiimta inoo kacday dawladu uga soo horjeedo iyo qabqablaheedu.
 
Waligeedba waxa jira beelo iyo jifooyin gaara oo soomaaliyeed oo ku sifoobay gaalo kaalmaysiga waxay raacsanaayeen in dalka talyaani sii joogo,ingiriis,itoobiyaan,kenyaati intaba way rabeen,haday dalka kabaxaana in talada iyo xukunka iyaga lagu wareejiyo.waxaana heerkan gaarsiiyay jileeca ay u jilceen afkaaraha gaalka doolka ku yimid gayiga soomaaliyeed iyo aqoonta diinta oo ku yar awadeed madama gaalku uu intaa 170 sanadood faafinayay fikirkiisa iyo maskaxdhaqid.
 
                 waxa taagan maanta
 
Maanta waxaad arkaysaan oo marqaati cad aan u wada nahay,in dalkeena mudo 16 sanadood ah ay kajirtay dawlad la aan,waxaana dalka oo dhan kala googooyay oo kala qoqobay dad kushaqeeya mabaadiida guracan ee shisheeye oo mid waliba isleeyahay gaalku adiga wax hakaa dhigo ahna wakiil shisheeye oo gaalo.
 
Midi waxa uulabaxay dawlada somaliland,midina puntland,midi kismaanyo,midi jawhar,midi madiino,midi baydhabo,ninba meel buu sheegtay asaga oo aan doonaynin inta kale soomaaliya ilaa qaryadaa yaroo uu haysto mooyee,waxa fikirkan kadanbeeyaana waa shisheeye gaalo ah oo isagu waxani maha maskaxdiisa waa wakiil.
 
          QABQABLAYAASHII DAGAALKA EE SII DABASHAYDAY WAXAY NOOGU YEEREEN
 
Horta kuligood waa isku wada mid hal afkaar bay kawada duulaan oo ah in dadka loogu yeero qabiil hadana qabqablayaashu ama gaalo u adeegyadu isma rabaan dhexdooda,shacabkana marabaan in uu dhibka kabaxo oo ay soobaxdo cid kasaarta dhibaatada.madaxwaynuhu isagaa ugu wayn qabqablayaasha waxa uuna uga qaaday koobka qabqablanimada ku xeel dheeri u adeega shisheeye iyo gaalo marka way ixtiraamaan,kii laga adkaadaana waxa uu utagaa isaga oo ku ooyaa aabow layga soo adkaa ileen waa ibliisyo abahoode.kii hada u danbeeyayna shaydaan bare hiirale ayuu ahaa oo kasoo firdhaday nuurkii ilaahay ileen nuurka ilaahay iyo shaydaan meel mawada galaane.
 
muuse suudi,qaybdiid,bare hiiraale,cade muuse intaba waxay ku hadleen hadal loo soo wada dhiibay oo isku mid ah waana hal hadal oo ah qabiil baa naqabsanaya iyagoo isleh kacdoonka diiniga ah ee umada soomaaliyeed uwada dhantahay dalka oo dhana qabanaya haloo arko qabiil oo sidaa kaga hortaga.waxay soomaaliyeey inoogu yeerayaan 16 sanadood iyagoo ina gumaysanayay oo inoo diidanaa in dalkeenu mar uun yeesho hal maamul in hada aan qabiil dib ugu noqono qabiil bay inoogu yeerayaan waxayna ogayn in shacabka soomaaliyeed u ciil u qabo qabiilna ka gudbeen.
 
                                  BARE HIIRAALE IYO KISMAANYO
 
Bare hiiraale,waxa uu ugeeystay beeshiisa sade dhawaac aan waligood kasoo haraynin ceebtiisa iyo taariikh xumadiisa kadib markuu degaanka jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaanyo dadkii u dhashay kuduulay oo uu kadhigay 3 mid uu dilay iyo mid uu qixiyay iyo mid uu adoon sado oo baado mudo 7 sanadood ah,maha wax laga sheekeeynkaro,haday ahaan laheed dil,dhac,kufsi iyo barokicin buuxda waxa uu kusameeyay dad soomaaliyeed oo muslimiin ah oo jooga dagaankoodii ay u dhasheen iyo guryahoodii,waxa uu xiriir lasamaysta,seeraar iyo goobaale oo ay labaxeen dooxada juba hayeeshee ilaahay waa qaadir ee waxa seeraar iyo goobaale fahmeen oo raaceen  xoogaga soomaaliyeed ee diinta wada iyo maxaakiimta waxayna kabaxeen xisbigii qabyaaladeed eeshaydaan ee gaalo raacayada ahaa.
 
bare hiiraale iyo jifadiisa waxay kacaroodeen sidee seeraar iyo goobaale diinta uraaceen,waxayna jeclaysteen in uu halkaa kasii jiro gumaysigii 7 sano socday.bare hiiraale in uu hada dooxada jubo kusheego qabiil markii horana uu oran jiray qabiil maha ee waa doxada juba dawmaha garna maha ee waa hadal nin shaydaan seejinayo aduunkiisii iyo aakharadiisii.
 
Hadaba waxaa foolxuma buuxda ah in magalada kismaanyo oo shalay bare hiiraale dulmi layimid oo ceebeeyay  jifada uu kasoo jeedo maha in marlabaad uu gardaro cad ugu soo abaabulo hab qabyaaladeed fidno dagaanada jubooyinka asagoo iska dhigaya sidii nin dagaan uuleeyahay laga qaaday taasoo umada soomaaliyed uwada jeedo dulmiga cad ee qaawan.beesha sade hada way kunool yihiin kismaanyo waana dad soomaaliyeed cid u diidi kartaana majirto cid hada iyaga godob u haysata oo dhibkooda rabtaana majirto dadkuna waa walaalo,marka in hada loo dagaalamo calashaan baraa jagadiisii laga qaaday waa qasaare iyo lugooyo cad muxuu bare u hayay beeshe sade oo aan godob iyo dulmi cad ahayn waxaan leeyahay dib halaysugu noqdo soomaalidana hasoo xusuusinana 21kii sanadood iyo 7 sanadood ee kismaanyo umad kaasii jeeda layskuma soo jeediyo oo laysma tustuso hadaad wax kasaysaan.
 
 
MAXKAMADAHA IYO SOOBIXITAANka nuurkii ilaahay.
 
Waxaa maanta inoo soobaxay dhalinyaradeenii soomaaliyeed oo diinta xanbaarsan rabana inay dalkeena kasaaran,dhibaatada ay kuhayaan kuwa u adeegaya shisheeyaha,oo raba inaan qabiil adoon ugu ahaano anagoo heli kara in soomaali oo dhan walaalo ku ahaato diinta iyo dalka ka dhexeeya ee ilaahay siiyay.muraadka wadaada maxaakimtu waxa uu yahay in dalka oo dhan laga hirgaliyo maamul shaqeeya,ayadoo laga tuurayo maamulada inoogu yeeraya qabyaalada ee aan ogoleeyn in gobolada soomaaliyeed isu furnaadaan oo umadu hal ahaato oo waxwada qabsato lahelana xukun mideeya.
 
maxkamaduhu siday sheegyaan wakiilada gaaladu waa qabiil waa runtood laakiin waa qabiil diin wada qof soomaaliyeed oo aan qabiil ahayn miyaa jira? waa qabiiladii soomaaliyeed oo diintooda usoolaabtay oo isku duuban qabiil kamaqani majiro.hadiise qabiil laga xumaanayo sow garnoqon mayso markaa in laga cararo dawlada baydhaba fadhiga oo qabiil lagu soodoortay!!! ninka kudoodaya qabiil weeye maxkamadaha hadana raacsan dawlada fadaraalka ee taagtadaran sow maha munaafaq soomaali inay israacdo oo dawlad dhab ah yeelato diidan.dawladan waa wakiil gaalo qabiil baana lagu dhisay waxa diidan fikirkaa guracan ee raba in umada soomaaliyeed ee walaalaha ah aan qabiil lookala saar saarin waa maxaakimta. waxa raba in dalka dhibka kabaxo ayadoon shisheeye iyo gaalo lookeensan waa maxaakiimta,waxa dhaqankeenii iyo sharafkeenii soo celinayaa waa maxaakiimta,wax hor istaagi kara majiro waayo nin qori usoo qaatay diinta ilaahay yey dalka ka hirgalin oo soomaali xoroobin waa khasaaray aduun iyo aakhiraba wadaadaduno waa hirar isdaba jooga oo wax hor istaagi kara oo ubabac dhigi karaa majiro waayo soomaalidu waa dad islaama 100% mana yeelayaan wadadadaada iyo macalimiinta ilmahaaga quraanka u dhiga kaalaysoo dilee yeeli mayso soomaali.
 
GUNAANAD
 
Waqtigii qabiil lagu awrkacsan jiray dhamaa,cid qabiil lagu soo jiidan karaa oo soomaali ahi majirto,waxaan rabnaa dalka in uu midoobo oo helo nidaam iyo kala danbayn meel kasta oo hada laga qaaday dagaal ooye qabiiliste ah oo gaalo wakiil u ahaaba waxaa dadkii soomartay neecaw qaboow nabad galyo iyo nasasho qalbiga ah.waxay rabaan ibliiska iyo ilmihiisu waxaan ula jeedaa cabdulaahi yusuf iyo dagaal oogayaasha in ay shan iyo toban sano oo danbe aan kusii jiro dhibka ay nagu hayaan dhal ibliis balse waxaa beeniyay xoogaga aan laloodinkarin ee wadaniga ah muslimka ah ee maxaakimta soomaaliyeed oo dhawaan qaban doona guud ahaan soomaaliya kuna soo celin doona ilaahay idamkiis sharafkii iyo kala danbayntii iyo karaamadii umada soomaaliyeed lagu yaqiinay burburka kahor.
 
Liibaan Ali Qaalid3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD