SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha"

Kefedaha dalooliyo miisaanka dalabta leh, waa daryeel sida u yaal oo danyar loogu talagalay

waxaa hamiga iyo himilada ummadda Soomaaliyeed inteeda badan hadheeyey, rajo iyo yididiilo ayna mudo dheer filayn, waxaa usoo muuqatay sansaan loo arkay inuu soo afjarayo, dhibkii xanuunka badnaa ee dadka ku abuuray rajaxuma ayna dugsanayeen 20 sano ku dhawaad.

sansaankii dagaal ee badhtamihii sanadkan ka curtay muqdisho ayaa marqudha isu rogay oo ay kasoo dhexbaxday guulihii sida fudud looga gaadhay xamr ee cidlada loo dhigay qabqablayaashii dhiigmiiradka  ahaa ee ku mamay hantida iyo dhiiga shacabka.

waxayna filanwaa guushaasi ku noqotay bulshawaynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa muqdisho, iyagoo aan filayn in sidaa dhibka yar looga adkaan karo nimankii awooda badnaa ee hadana baadil doonka ahaa, dhinaca kale waxaa muuqatay in uu soo afjarmay khilaafkii mudada dheer inoo diiday degenaansho iyo dowladnimo toona, iyadoo  arkay in hadeer ay sheekadu isugu soo biya shubatay laba garab oo kala ah maxaakiimta iyo dawladii lagu soo dhisay Dalka Kenya, caalamkuna rajo fiican ayuumuujiyey, waxaana maxaakiimta lagu amaanay hawsha wanaasan ee ay qabteen.

inkasta oo dadka qaar ay arkayeen in raga hogaanka u ah maxaakiimta ay ku jireen qaarbadan oo fari ku godnayd, laguna tuhunsanaa inayna daacad ka ahayn wanaagsoomaaliyi hesho, ayaa hadana waxaa durbadiiba muuqatay dhaliilo aan la qarin karin oo ka muuqday maamulka maxaakiimta i.

1- Yaa maamula maxaakiimta.

taa jawaabteedu waxaa ay noqotay in ay halbeel ahi leedahay talada, awooda iyo go'aanka maxaakiimtaba, taas oo loo daliishaday  raga shuurada ugu badan oo hal hayb kasoo wada jeeda , - madaxda shuura oo qaarkood ay weli dulmi iyo tacadi ka wadaan meelo dalka ka tirsan, oo aan cidi eegin sida marka oo uu yuusuf indhacade ka taliyo, iyagoo arkana ay markiiba u hanqaltaageen inay khalkhal geliyaan meelo amaan ah sida Gobolka mudug oo kale ,

waxaa iyana shaki badan rumaysay duulaankii dhawaan ay maxaakiimtu ku qaadeen kismaanyo, halkaas oo ay weli ka taliyaan rag  kasoo jeeda beeshii la tuhunsanaa, isla markaa lagu soo rogay xukun kagaraa kii lagu xukumay meelihii kale eeay maxaakiimtu qabsadeen.

2- Si cadaalada maxaakiimtu u xukumeen dhulkii ay qabsadeen.

taa jawaabteedu waxay noqotay maya sababta oo ah, waxaa cadaan ah in aan dhinaca gobolka shabeelada dhexe cidiba eegin dhibka lagu hayo shacbkii deegaanka ulahaa.

tankale magaalada kismaanyo ayaa lagui dhaqay xaalad ka gaara tii meelaha kale lagu dhaqayey,  sida iyada oo dad shacab ah oo aan hubaysnayn lagu laayey, dumar iyo caruur xabsiyada loo taxaabay, calankii astaanta qaranka ahaa oo dablaqadsiiyey, midkalana laaga taagay, waxaa kale oo dhacday in weli magaalooyinka kale sida muqdisho iyo jilib oo ah duleedka kismaanyo lagu qayilayo si caadiyana uu u yimaado, laakiinse kismaanyo gebi ahaanba laga mamnuucay, taasi oo ka turjumaysa in magaalooyinka kale ay yihiin kuwo isku qadiyada kismaanyana ay tahay meel laqabsaday xukun degdeg ah na lagu soo rogay.

isku soo wada duub oo dhamaan arimahaasi way garabmarsan yihiin cadaaladii iyo shuruucda diinta islaamka ee ay sheeganayeen maxaakiimtu.

sheekaduna waxay u muuqataa,  bahal qori ismaris ayaa waxaa uu maqalay waxaa jira gobol islaama oo laga rabo wadaad diinta aad uyaqaan, waxaa uu markiiba ku fekeray walaahi waa fursad ee ka faa'iidayso, intuu qorigii ismariyey ayuu qof iska dhigay oo gadhweyn samaystay ,kitaab iyo khamiis iyo cimaamad weyna soo qaatay , kadibna wuxuu u yimi degmadii wadaadka u baahnayd aadna waa loogu soo dhaweeyey , ugu danbayntiina waxaa uu ku noqday bahalnimadiisii

bal illa akhri maanso ka tujumaysa bahalkaa  qori ismariska ah
 

Wax la yidhi guyaal hore
Bahal geed is-marisaa
Maqlay gobol Islaamoo
Wadaad gaasa baxay raba
Gadh intuu samaystuu
Kutub garabka soo sudhay
Soo gaadhyey beeshii

Hadba dadabta loo goo
Hadba goolal loo loog
Badhi iyo leg loo gee
Gallad loogu roonaa
Hoosna gaadhku kala socoy

Gahan gaha abaaraha
Sida weerka guuree
Hadba reer ku soo gaas
Hadba galab carraabaha
Masallaha gabboodkiyo
Hoos galbeedka soo dhigey
Gelin qudha maqnaan waa
Guryihii ku fara badey
Galgal iyo xasarad keen
Gacan dhaafna lagu arag

Gungunuuska beenta ah
Ku galgaley Quraankii
Guudaankii dhayi waa
Goosan lumay bariin waa
Lagu barey gaddiisiyo
Naan Geeddi Baabow
Nag gunaanadkeediyo
Garshada ku dheerayn
Misna gogosha loo badi

Isna laba gar-daaqii
Hadba taako sii gudub
Ganacsiga ku sii durug

Guul-darraa ka salaglee
Galab buu ka kacay meel
Gegi laysu soo baxay
Dadkii joogey goobtaas
Kadin geela weydii

Warka Geedi Baabbow
Gujo iyo faq hoosiyo
Isha laysku gaadhsii
Waa dad soo gubtoo jabay
Dhegahay gufaysteen

Sii garooc hankiisii
Gu'rin qaalinuu yidhi
Yaa godkiisa hoosiyo
Geysanaaya aakhiro?

Shirkii ruux garaaboo
Gacan taaga laga waa

Iyadana ka sii gudub
Kuye gacallayaalow
Boqol shilin ha lay guro

Goroddaa la wada lulay
Ku go' baana lagu yidhi.

Gonduhuu u sii degey
Kuye geed is-mariskii
Gini lagaca yaa hura?

Laga gaabsey hadalkii

Wuxuu yidhi galkiisiyo
Yaa kitaabka naga gada?

Gaw baa lawada yidhi
Go' boodhka laga tumey
La bannee gawaankii
Dadku galab carraabaha
Badhba gees u siigee
Raabe raabe loo guran
Golihii ku noqoy keli
Goobtaas la kala dhimey

Isna Geeddi Baallow
Galalkiyo khamiiskiyo
Garan gari kitaabkii
Ged kaluu u diga rogey
Miciyii gahaydhiyo
Daba goojinaysiyo
Gawsihii u sheellaa
Gibishii u duubnayd
Gashey saamihiisii
Gaaleemadii tuur
Gafi waa runtiisii

Dadku gacan macaannaa
Gobsanaa furfuranaa
Gacaltooyo badanaa
Gaarriyow shabeelkaas
Gabbal iyo galaal iyo
Maxaa gaasho loo qalay
Maxaa goobo loo shiray
Maxaa guulo loo qoray
Taariikhda guunka ah
Maxaa baalal loo gubey
Immisaa garaaddiyo
Billad gaara lagu tolay
Immisaa go'sharafliyo
Shaal guduudan lagu xidhay

jamaal suleimaan warsame (ustaadka)

ustaadmedia@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD