SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Badbaadiyayasha Geeska Africa "maxkamadaha"

cali jamac diiriye 
cafa52@hotmail.com 

Runtii garan maayo magac aan u quuro maxkamadaha lakin aan dhaho badbadiyaasha geska africa

Waxan wada ognahay xaladi somaliya ilaa 1969kii 2006 marxaladihii ay soo martay  marba heer  waxay kubilaabatay dowlad jaair ah kaligii talis ah oo arxan daran dagaalo udhexeeya jabhado iyo dowladii  bur bur dagaalo sokeeye qabiil qabiil reer reer   jufo jufo ilaa ay gadhay ilmo adeer iyo ilmo adeer waxa lawada socday ilaa iskaalsooyinka ama sharabaadka ilaa xeerada salkeedi waxay gaadhay magalada muqdishu iyo waliba magaalooyinka u dhow ee k/somaliya melaha aduunka laisku habaaro waxana sidaas kadhigay qabqable oo eedeeda haba yaraate aan cidna lawadaagin waa meelaha ay dadkii intii wanagsayd qaxiyeen ina  lalaayey waa nimankii  naftii ilahay  kadhigay 100 geela ama qisaasta gaarsiyey majin jaad ah ama xabad sigaar ah waa nimanka markay dadkii noolaa dhameyeen gaaray in ay qabuuraha kalasoo baxaan kuwa dhintay oo waliba lacag kudalbaday <madaxfurasho>wa meeshii aan ku arkay reerdhan oo kakooban 10qof oo inta beertoodii loogu yimi laga dhacay oo waliba intaas loogama harine a yagii kashaqeeyaan oo lagu shaqeyo dhamantood waa meeshi qofkii dila sheikh ama aqonyahan loo yaqaanay halyey tuugana loo aqonjiray baari mooryaankana geesiqabiil qabqablahana halgameqabiil   aduunowba maxay belo somartay mudisho  waa yaab waxan xasuusta malin lawaydiiyey ninqabqable dagaal ah oo lagu  yiri imisa qof ayaad maalintii dilikartaa bal fiiri wuxu kujawaabo waa  saxaafad waxa waraysanaya wuxu yiri <yaa waxay kuxirantahay rasaastaad haysato >waxay kutusaysaa in rasastu kaqalisanayd nafta dadka oo yacni rasaasta ku yar awgeed ayuu intaas kabadan udiliwaayey moyee waxba mareebeen imanka alle kaqaad suukaba qaadye

waxan kale oo xasuusta malin lawaydiiyey qabqable kale suaal ah mudane maanta waxad dishay ilaa 5o qof sow arin xun mahan dhagayso wuxu kujawabay shaydaankasi wuxu yiri >yaa horta xaa loosheeg sheegaa mugaan 50 dilo beledkaan waxaa joogo kuwo kale oo maalintii boqol dila aniga xaan dilay 50 asaa labuunbuuninaa>waxan taagna ayadoo niman kayimi kilinka shanaad o.n.l.f ay kagadanayaan xamar hub tikinko ah markaas ayaa layiri hala tijaabiyo waxa layiri bada halagu tijaabiyo waxa yiri o.n.l.f lakin waa laga diiday oo waxa layiri halagu tijaabiyo xaafada reer hebel waana lasameeyey 23qof aya kudhimatay

waxan xasuustaa qiimaha lagu kala gato wadaadada somaliyeed ilaa 100doolar gacanta hore gacanta danbena ilaa 150 doolar 1000birta eithopia 

waxa lagaray heer dadka misan lasaaro weight +shilings =money   waxa lagaray heer qofku markuu subaxdii kabaxayo xaafada uu sii dardaarmo wayo in uu soo nabad laabto waxay ahayd 10%wax kayar  waxan xasuustaa maahmaahdii mooryaanta xamar caanka kunoqotay ee dhahaysay  <ama marxuun ama marqaan ama isbitaal martiini meel ka,aal >oo lamacna ama dhimo ama jaad hel ama isbitaal kujir waxba kama dhexeyaan waa say qabeen alaahu akbar  tilkal ayaamu nudaawuruhaa bayna naas

waxan xasuustaa ayadoo isbaaro lakala siistay 15000$ doolar si official ah oo dadaalintii joogto si  caadi ah  waxan xasuustaa dad ayagoo nool lasoo gado kafantooda oo waliba lawaydiiyo sizekooda loona sheego waqtiga ay dhiman doonan oo waliba laga qaado lacagta kafanta eheladooda  waxan aan shegay waa waxdhacay oo aan buun buunin kujirin bil xaqiiqa hadaad cadayn rabto waa lagu haya inshalah waxan diyaarinaya buug arimahan oo si sugan iniikusoo daabici doona inshalah

hadaba sidaad lasocotaan arintan aan soo sheeegnay qofkasta oo somali ah waa isku dayey in uu xaliyo lakin manoqon manta kahorow mid lagu guulaysto

maxa guusha keenay  ma ogtahay akhristow  in cudur aanu daawo lahayn ilaa la ogaado wuxu yahay  hadaba cudurkii ina hayey waxa lahelay dawadiisi 2006  hadaba qofkasta maskaxdiisa waxa kusoo dhacaya oo muxu ahaa cudurku  anaa idiinka jawabaya oo leh cudurku wuxu ahaa shayadiin madax adag  waan garanay oo sow tii layiri shaydaan hadii laga acuudu bilaysto waa baxa intee lahayn acuudu bilaahi mana tagi jirin waa sax lakin acuudi bilaahi hadaan qofmuwaxida oran samaynteedu mabadna  marka cudurki waxa lagu daweeyey acuudu bilahi iyo gacan bir ah  jawaabtiina waxay noqotay in markay maqlan wadaado in ay habeenkii xitaa kusasaan manshalah  hadaa min fadli rabii

waxa muqata in kacdonkani ahaa mid barakaysan ama rumayso ama harumaysan waa ayad ninki iman leh rumaysto bal ufiirso markii sheikh xasan dahir aways uu joogay galguduud oo uu laha waxan rabna in aan geeska africa kuxukuno diinta islamka markaas ogow xitaa 50 nin mahaysan qofkastana waa kuqoslayey  miyeysan layaab ahayn in maanta riyadaasi rumowday alahu akbar  waxan leeyahay dadka reer koonfureed iyo waliba somali oo dhan war dur-durkaan sam sam ka caba oo qofkastoo katirsan qoyska cabsii  si uu inoo kabaxo shaydaankii lafaha inakagalay ee qabiilka ina baray iyo waliba cudurada aan laga bogsoon

waxan kusoo gabagabaynaya  war hadaadan adigu fidinayn diinta islaamka fadlan kuwa fidinaya amaan hakaheleen hadii kale  wale jahanma ayaa kucunaysa gooraan fogayn

wadaadada waxan leeyahay ikhwani dhulka nabadu kajirto  halgu dadaalo in aan xabadi kadhicin sida s/land iyo p/land hadii kale waxa dhici karta in dadka qaybtii inika aamin baxaan

guul inshalah  

waa walalkiin  cali jamac diiriye 
cafa52@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD