SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 1, 2006

  • Shirkada Daallo Airline oo laga mamnuucay in ay soo caga dhigato Puntland
  • Ciidamo ka socda Yugaandha oo shalay iyagoo lugta ku socda u soo dhaqaaqey..
  • Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey la wareegidii Maxaakiimtu la wareegeen Gobolka .
  • Xiisad la xiriirta rabitaanka Maxaakiimta oo weli ka jirta Maamulaka Puntland..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay oo dhan ku soo qulqulayey Magaalada ...
  • Golaha maxaakiimta islaamka ayaa si rasmi ah ula wareegay min baraawe ilaa iyo afgooye isku mar si nabad ah...
  • Ciyaarihii k/cagta ee lagu maamuusi jiray Ramadaan oo gabi ahaan suulay.
  • Afhayeenka Xisbiga Ramaas (RPP) oo ka  hadalay xaalada dalka iyo bayaan shalay ka soobaxay afhayeenka Xisbiga ramaas ee midowga Yurub.

Puntland: Shirkada Daallo Airline oo laga mamnuucay in ay soo caga dhigato Puntland

Digreeto uu Sabtidii  si rasmi ah uga soosaaray xafiiskiisa madaxwayne ku xigeenka ahna ku simnaha xilka madaxwayanaha ayaa waxaa lagu mamnuucay in shirkada duulimadka ee Dallo Airline aanay ka soo dagi karin garoomada diyaaradaha ee Puntland.

Digreetadani oo ku taariikhaynayd Sept 30, 2006 ayaa waxaa lagu sheegay in wixii maanta ka danbaysya aanay diyaaraddu ka soo dagi karin Puntland.

Qoraalkaasi oo saxaafadda la soo gaarsiiyay ayaa waxaa ku xusnaa in shirkaddu ay doonaysay in ay magaalada Baydhabo ka soo qaado  Cismaan Xasan Cali (Caato) islamarkaana keento magaalada Gaalkacyo si uu maxkamada islaami ah uga dhawaaqo.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxwayne ku xigeenka ayaan wax faafaahin intaa dheeraad ah laga sii bixin sababaha uu cismana xasan cali (caato) uu ugaga dhawaaqayo maxkamad islaami ah magaalda gaalkacyo in ay tahay in uu dagaal ku soo qaadayo iyo in kale lakin  waxaa laga mamnuucay in aysan diyaarada Daallo Airline aysan sinaba uga soo dagi karin garoomada puntland illaa amar danbe sida ku cad digreetada uu  soo saaray madaxwayne ku xigeenka.

Macada amarkan in ay ka danbeeyaan shirkado kale oo ay isku hayaan isticmaalka puntland maadaama ay shirkaduhu isku khilaafaan habka macaamiisha isla markaana ay kala duulimaad wanaagsanaadaan shacabkuna ay raacaan mida ay tan u arkaan.

Sidoo kalena waxaa jira shirkado duulimaad oo gacan saar lalah xukuumada puntland sida shirkada diyaaradaha ee Mudan Airline taasi oo aan suuq wayn ku haysan deegaanada puntland mararbadana ku fashilmatay duulimaadkeeda maadama aysan ahayn shirkada u madaxbanaan duulimaadkeeda taasi oo loo nisbaynayo in shacabku ay doortaan wixii iyaga u dan ah.

Shirkada Mudan Airline ayaa waxa si joogto ah u isticmaala madaxda federalka iyo kuwa puntland waana arin la is waydiinkaro waxa xiligan ku soo beegay in  Daalo Airline lagamamnuuco puntland iyada oo aan mararsiiyo laga dhigan karin keenista cismaan caato, maadaama uu cismaan caato horayba u yimid puntland isaga oo markaa ahaa wasiirkii  hawlaha guud iyo gaadiidka dawlada FKG ah ee soomaalia.

Hoos ka akhri xisbiga RPP oo ku baaqay inay is casiilaan madaxweynaha Puntland iyo Gaagaab.

A/rizak koronto
garowe puntland


Ciidamo ka socda Yugaandha oo shalay iyagoo lugta ku socda u soo dhaqaaqey..

Ayadoo maalmahaan si aad ah loo hadal hayey in Soomaaliya la keenayo Ciidamo ka socda Wadamada IGAD ayaa hadana warar soo baxaya wax ay sheegayaan in 500 oo Askari oo ka socota Wadanka Uganda ay ka soo dhaqaaqeen Magaalada Kambala ayagoo saaran Gawaari fara badan. Ciidanka oo wata Hub aad u xooggan ayaa la filiyaa in maalmo ku hakadaan Wadanka Kenya ayagoo uga sii gudbi doona Xero ku taala Xudduuda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya. Ciidankan ayaa tababar ku soo qaadan doonaa Xero ku taalla Wadanka Kenya ayaa waxa la sheegay in lagu barayo Afka Soomaaliga. Wararka aan ka helenay Wadanka Kenya waxa ay sheegayaan in Ciidamo aad u fara badan oo ka socda Wadankaasi shalay la soo dhoobay Xudduuda u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya waxaana la sheegay in Ciidankaas ay la socon doonaan dhqadhaqaaqa Ciidamada Maxaakiimta oo la sheegay in ay gaareenba Xuduuda u dhexeesa Kenya iyo Soomaaliya. Ciidamada Uganda ayaa waxa la sheegay in ay kuwa- jahan yihiin Gobalka Jubbada Hoose oo dhwaan ay la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga ah. Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in si aad loo soo dhoobay Xudduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ayadoo qaarkood la sheegay in ay ku jiraanba gudaha Wadanka soomaaliya. Maxaakiimta Islaamiga ayaa horay waxa ay u sheegeen in meel kasta kula Dagaallmi doonaan Ciidamad shisheeye oo la damacsan yahay in la keeno Soomaaliya, sidoo kale wadamada IGAD ayaa si aad ugu kala qaybsan keenista Ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ayadoo Wadamada Jabuuti, Suudaan, iyo Eratariya ay si aad uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda Wadamada IGAD halka Wadamada Kenyua, Itoobiya,iyo Uganda ay aad u danaynayaan in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda Wadamo IGAD

Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey la wareegidii Maxaakiimtu la wareegeen Gobolka .

Waxaa maalintii shalay ahayd Degmada Afgooye ka dhacday xaflad balaaran oo ay Maxaakiimtu kula wareegayeen Gobalka Sh/hoose oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta iyo maamulkii gobalkaasi, ayaa waxaa laga bixiyey aragiyo kala duwan.,

Qaar ka mid ah dadweynaha Gobalka Sh/hoose ayaa si aad ah u soo dhaweeyay la wareegistaasi, iyagoo ku tilmaamay mid baabi’ineysa su’aashii ka Taagneyd Gobalkaasi.

“Waa wax loo baahnaa in maxaakiimtu la wareegaan Gobalkaasi, balse waa lala so daahay” ayuu yiri Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Xuseen, oo sheegay in dad badani ay xandhuufta dib u liqi doonaan, kaddib markii ay dhamaatay wixii Maxaakiimta loogu marmarsiyoon jiray.

“Maxkamadaha waa in ay bulshada tusaan wax la taaban karo oo ah in gebi ahaanba gobalkaasi lagu wareejiyo dadkii lahaa” ayey tiri Faadumo Cali oo sheegtay in Maxaakiimtu ugu fadhiyaan sidii Dadweynaha ku nool Gobalka maamul mideysan si cadaalad ah loogu qaybin lahaa, gobalka Sh/hoose waxaa guddoomiye ku ahaa Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indh-Cadde), waxa uuna sheegay in si rasmi ah loogu wareejiyey Gobalka Sh/hoose Maxaakiimta Islaamiga ah.

Xiisad la xiriirta rabitaanka Maxaakiimta oo weli ka jirta Maamulaka Puntland..

Wararka ka imaanaya Gobalada hoos taga maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in ay sii korortay xiisaddii rabitaanka Maxaakiimta Islaamiga ah kaddib markii Magaalada Garoowe shalay ka dhacday muxaadaro ay ka soo qaybgaleen dadweyne taas oo ay Culum’udiinka dadweynaha ku baraarujiyeen taageerada Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sidoo kale wararka naga soo gaaraya gobaladaasi waxay sheegayan in gobaladaasi laga masaafurinayo dhallinyarada ka soo jeeda Gobalada Koonfureed kaddib markii looga shakiyey arrimo la xiriira Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dhinaca Kale Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa isna waxaa ka taagan xiisad la xiriirta taageerida Maxaakiimta islaamiga ah iyo kacdoonkii ka dilaacay Magaalada Muqdisho, waxa uuna maamulka halkaasi ka taliya uu xirxiray culum’udiin fara badan kuwaas oo la sheegay in lagu dhaqmo waxyaabo ka baxsan bini’aadannimada, sidoo kale magaalada Baydhabo ayaa iyana lagu xirxiray Culuma’udiin soo dhaweeyay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo la wareegay Halka lagu magacaabo..

Ciidamo aad u hubeysan ayaa maalintii shalay ahayd la wareegay halka lagu magacaabo Kalabeyr oo u dhow Magalada Baladweyne.

Ciidamada Maxaakiimta ee halkaasi la wareegay ayaa waxaa la sheegay in ay ka tageen Magaalada Baladweyne, waxayna halkaasi kula wareegeen saddex gaari oo Tikniko ah, iyadoo labo ka mid ah tiknikadii halkaasi ku sugneyd ay u baxsadeen dhinaca Dalka Itoobiya. Odoyaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Deegaanka Jawiila ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi oo ku tilmaamay beel beel ku soo duushay.

Sababaha ay ciidamada Maxaakiimtu u qabsadeen deegaanka Kalabeyrka ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii halkaasi dhowr jeer ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo qalqal iyo dhibaato geliyey dadweynaha deegaankaasi ku nool.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay oo dhan ku soo qulqulayey Magaalada ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in ciidamo aad u xoogan oo Itoobiyaan ah xalay oo dhan ay ku soo qulqulayeen Magaalada Baydhabo, waxaana Taleefishinada Caalamka qaarkood xalay si aad ah looga Daawanayey Taankiyada iyo dabaabaadka Ciidamada Itoobiyaanka ah wataan, iyagoo dhex lugeenayey gudaha Magaalada Baydhabo.

Dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo ayaa aad uga walwalsaana ciidamadaasi oo ay sheegeen inay qalqalgaliyeen Xaaladda Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Wadanka Kenya ayaa iyana la soo dhoobay xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo la sheegay inay adkeynayaan Xuduuda, maadaama ay Maxaakiimtu si aad ah ugu soo dhawaadeen, sidoo kale Ciidamo Yugaandheys ah ayaan iyana ka soo dhaqaaqay dalkooda.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Golaha maxaakiimta islaamka ayaa si rasmi ah ula wareegay min baraawe ilaa iyo afgooye isku mar si nabad ah...

Xaflad weyn oo manta lagu warejinaayey mamulka gobolka sh/hoose ee ka dhaceysay degmada afgooye oo lagu qabtey beerta shiikh sayid bin suldaan al nahyaan  

  • Sh:shariif sh:axmed “maamul in maamul lagu bedelo wax fudud maaha waxaan hor marineynaa armaha ciidamada iyo nabad galyada .waxaan ku xijineynaa garsoorka ,waxaan ugu dabamarineynaa arimaha maamulka gobolka ,dhamaan dadkii ka shaqeyn jirey gobolka mas.uuliyadii shalay saareyd weli waa saran tahay..

Xafladaan oo la soo gabagayeeyey ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas.uuliyiin ka socotey midowga maxaakiimta oo uu horkacayey gudoomiyaha gudiga fulinta sh/ shariif sh/ axmed ,xafladii Sabtidii oo ay ka hadleen mas.uulinta gobolka sh/hose oo uu ka mid yahay godoomiyaha gobolka sh/yuusuf maxamed siyad indhacade iyo ku xigeenkiisa xusen cali weheliye ( cirfo ) oo ahaa gudoomiyihii maamulkii dagmada afgooye oo sheegay in uu maamulkan qabtey bishii octobar 12 keedii 1995tii iyo gudoomihii gobolaka shabeelaha hoose sh.yuusuf maxamed siyad indhace ayaa waxey si cad u qireen labadooduba in laga bilaabo maanta (Sabti Sept 30, 2006) dhamaanba maamulkii gobolka sh/hoose si wada jir ah ugu wareejiyeen midowga maxkamadaha islaamiga. 

Indhacade ayaa ka war bixiyey waxqabadkii gobolaka intii uu maamulkiisa gacanta ku haayey wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in wixii ka halaaba iyo wixii u hagaagaba lagala xisaabtami doono midowga maxaakiimta islaamka wixii manta ka danbeeya. 

Waxaa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha gudiga fulinta ee midowga maxaakiimta sh/shariif sh/axmed oo uga mahad celiyey maamulkii gobola ee hore howshii ay qabteen iyo sida wanaagsan ee ay ugu soo wareejiyeen dhamaanba maamulkii ay ka hayeen min baraawe ilaa iyo afgooye isku mar wuxuuna xusay in ay ka aqbaleen xilka uu ku soo wareejiyey maamulkii gobolka , gobola sh/hoose wuxuu ka mid ahaa marki horaba golaha maxaakiimta isla markaana dad diidan in ay wada shaqeeyaan ay dacaayad ka abuureen maamulaka sh/hoose.

Sh:shariif sh:axmed “maamul in maamul lagu bedelo wax fudud maaha waxaan hor marineynaa armaha ciidamada iyo nabad galyada .waxaan ku xijineynaa garsoorka ,waxaan ugu dabamarineynaa arimaha maamulka gobolka ,dhamaan dadkii ka shaqeyn jirey gobola mas.uuliyadii shalay saareyd weli waa saran tahay ninkii aan la soo bedelin oo aan xilkii laga tirsan mas.uuliyadii isaga ayaa haaya .laakiin nin xilka laga tirsado wuxuu aadayaa meeshii loogu talo galo sidaas ayaan dhamaanteen mas.uuliyadii u wada qaaaynaa wabilaahi towfiiq.  

Sidoo kala waxaa halkaa ka mid ahaa dadki ka hadlay Dr cumar iimaan abuubakar oo ka mid ahaa golaha shuurada ee maxkamadaha islaamiga ah oo sheegay dadka ku dhaqan gobolka sh/hoose in looga baahan yahay in ay si toos ah iyo si dadban ba ula shaqeyaan maamulka cusub ee maxaakiimta islaamka ah. 

Masuuliyiita kala gedisan ee  gobolka oo ay ka mid ahaayeen maamulada ka jira gobolka sh/hoose  ayaa goobjoogayaal ka ahaa halkaa marka laga reebo gudoomiyihii dagmada baraawe cabdulaahi xalane dhuxulow oo isna lagu sheegay in uu ku maqnaa shaqo qaranku leeyahay ayaa waxey si rasmi ah ugu wareejiyeen golaha maxaakiimta islaamka maamulkii gobolka sh/hoose arintaa oo soo afjareyso hadalo ay dhibsadeen maxaakiimtu xaga safxaafada gudaha iyo dibada  oo ku saabsanaa muumul u sameynta gobolka sh/hoose kuwaas oo doonayey in maamulka gobolka loo gacan geliyo maxaakiimta sidaana la yeelay. 

Mas.uuliyiintii halkaa isgu timid ayaa waxaa kamid ahaa: 

  1. guddomiyaha gudiga fulinta sh:shariif sh: axmed
  2. godoomiyaha gobolaka sh/hoose sh: yuusuf maxamed siyaad ( indhacade)
  3. gudoomiye ku xigenka gudiga fulinta c/raxman maxamuud farax ( janaqow
  4. ku xigeenka madaxa amanka sh: mukhtar roobow abuu mansuur
  5. sh: maxamuud sh ibraahin suulay 

iyo kuwo kale oo farabadan  

Ciyaarihii k/cagta ee lagu maamuusi jiray Ramadaan oo gabi ahaan suulay.

 Inta badan goroomada kubada cagta lagu dheelo ee ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa haawanaya kadib markii golaha maxaakiimta soomaaliyeed ay mabnuuceen ciyaarihii lagu maamuusi jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tartamadaasi isboori ayaa waxaa isugu imaan jiray dadweyne aad u fara badan oo kala yimaado qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo u soo daawasho tagi jiray ciyaarahaasi oo runtii  dhalinta u ciyaaari jiray kooxo kooxo ama xaafado xaafado, iyadoo garoomadii lagu dheeli jiray kubada cagta ay iminka gabi ahaanba suuleen oo ay haawanayaan kadib markii gudiyadii isboorti ee soo agaasimi jiray ciyaarahaasi lagu wargaliyay inay joojiyaan ciiyaaraha inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee ramadaan, waxayna wararka qaar sheegayaan in qeybo ka ka mid ah maxaakimta ay dhalinta ugu hanjabeen in la xiri doono cidii lagu helo iyadoo ciyaareysa  kubada cagta in bishaan Ramadaan, gaar ahaan tartamada lagu maamuuso bisha Ramadaan oo kale.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Muqdisho laga mabnuuco ciyaaraha kubada cagta ee lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan taariiqda inta la og yahay, iyadoo golaha maxaakiimtu ay sannadkii la soo dhaafay dagaal adag la galeen shineemooyinak ku yaalo magalada Muqdisho, taasoo taageerayaal aad u fara badan ay ka heleen dadka ku dhaqan maagalada Muqdisho, hase yeeshee tani waxaad moodaa inay ka duwan yahay talaabadii ay taageerada ku heshay maxaakiimta sannadkii la soo dhaafay iyadoo ay jiraan dhalinyaro  fara badan oo canbaareynao go'aanka golaha maxaakiimta ee looga hortago ka qeybaglka ciyaaraha iyo daawashadoodaba.

Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdsiho somaliya
002521576666/002521653623


Garoowe: Afhayeenka Xisbiga Ramaas (RPP)(Haloo hogaansamo rabitaanka shacabka) oo ka  hadalay xaalada dalka iyo bayaan shalay ka soobaxay afhayeenka Xisbiga ramaas ee midowga Yurub.

Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (RPP) ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay xafiiskisa kagahadlay arimo badan  oo dalku maanta marayo.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku cabiray shirkii jaraaid oo uu shalay qabtay afhayeenka xisbiga ramaas ee u fadhiya midowga yurub C/naasir guure kaasi oo uu ugu baaqay in ay xilka iska casilaan labada masuul ee ugu sareeya xiligan dhanka siyaasada puntland  Waa sida ay hadalka u dhigeene labadaas masuul oo ay ula jeedeen Madaxwaynaha hada talada haya ee Gen: cade muuse iyo wasiirkiisa maaliyada maxamed cali yuusuf (gaagaab) oo ay ku sheegeen in ay hantidii umada ay iyagu gooni ahaan u lunsadeen islamarkaana ay Acoun dibedaha ah ku shubteen hantidii umadu ay lahayd waxayna sameeyaan musq maasuq aad u baaxdawayn ayuu afhayeenku ku yiri shirkisa jaraaid ee uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Garoowe.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay labadan mas'uul in ay iska casilaan xilka ay umada u hayaan maadama ay ka soobixi waayeen  xilkii loo dhiibtay.

afhayeenku waxa si aad ah ugu eedeeyay labadan mas'uul in ay noqdeen laba mas'uul oo isku xiran isku aragti ah halmeelna wax u wada wada islamarkaasna isu kashaday sidii ay dadka iyo dalka u bur burin lahaayeen hantidoodana ay u dhici lahaayen, waxana uu afhayeenku intaa ku daray inay hayaan documentiyo sir ah oo ku saabsan  in cade muuse iyo gaagaab ay lunsadeen lacago badan taasi oo aan wali la iswaydiin cida lacagtasi kumaqantahay.

Afhayeenku waxa uu yiri maadaama hada la ogaaday in  ay yihiin labadan mas'uul dadka noocaas ah waa in ay xilka u dhigaan shacabka  si shacabku  ay u doortaan qof u qalma madaxtinimada puntland islamrkaana u xajiya amaanadooda.

Afhayeenku waxa uu  yiri mas'uuliyiinta puntland qaarkood maba oga xilka loo dhiibtay iyo waajibaadkooda shaqo qaarkoodna maba oga waajibaadka shacabka kasaaran qarkoodna maba oga waajibaadka iyaga ay u hayaan shacabka.

Sidaa daraadeeda waa in ay xilka iska dhigaan mar hadiiba ay moogan yihiin waa jibaada shaqo waana in ay tashadaan shacabka puntland oo ay ka fakiraan cida madaxda u noqonaysa.

Si kastaba  waxaa in dhawaale isa soo taraya shirarka jaraaid ee ay sida gooni goonida ah u kala qabanayaan masuuliyiinta xisbiga Ramaas  kaasi oo loogu baaqayo in ay xilka iska casilaan Madaxwaynaha puntland iyo wasiirkiisa maaliyada (gaagaab).

Lamana saadaalin karo in ay masuuliyiintaasi ay u hogaansami doonaan iyo in kale rabitaanka shacabka maadaama ay horay u dayeceen xilkii loo dhiibtay oo aan waxba ka soo naasacadayn noqdayna kuwo ku tagri fala mar walba danaha umada reer puntland kana hor yimada rabitaanka shcabka.

Afghanistan: Qarax xoog badan oo ka dhacay Kabuul.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday 54 kalena dhawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii qof naftiis hura ah uu bam isku qarxiyay bartamaha kabul meel ay dadku ku badan yihiin dhamana dadkii ku dhaawcmayna waxaa  loola cararay ispitalka  si loogu daweeyo.

Qaraxan ayaa lala beegsaday irida hore ee wasaarada arimaha gudaha halkaasi oo ay aad ugu badan yihiin dadku isla markaana waxaa xiligaas ku sugnaa istafka wasiirka isaga oo wasiirka arimaha guduhuna uu xiliga qaraxu dhacayo uu ku jiray gudaha wasaaraadiisa.

Waa qarixi ugu danbeeyay  qaraxyo is xig xiga oo lala beegsaday caasimada Afghanistan ee Kabul sanadkan oo ay dadbadan ku waxyeeloobaan oo ubadan istaf.

Waaxda danbibaarista ee Afghanistan  ayaa sheegtay in qaraxani uu ahaa qarax ismiidaamin ah xili ay dadku marayeen wadada wayn ee wasaarada arimaha gudaha horteeda dadkuna ay isa soobuuxdhaafsheen madaxa waaxda danbi baarista ninka lagu magacaabo  Mr:Alishah Paktiawal  ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in aysan garanaynin cida sida cad uga danbaysay qaraxan isla markaana majirto cid cadaysatay qaraxna.

Waxana uu intaa ku daray iyada oo ay ugu wacan tahay in dadkii uu dhaawaucu ka soo gaaray lagkala geeyay ispitaalo kala duduwan taasina ay sababtay in lagu mashquulo marka hore iyaga balse waxaansamayndoonaa baaritaan ku saabsan  arintaasi dhacaday ayuu yiri Mr: Alishah Paktiawal.

A/rizak koronto
garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

Banaanbax ka Dhacay magaalada Nairobi
»Maaxkiimta oo si rasmi ah loogu wareeginayo G/Shabeelada
»Dadka Reer Imaaraad oo Zekeda ku bixiyey Inter-Netka..
»Saraakiil CIA iyo Wasiirada difaaca IGAD oo ku kulmaya..
»Jaamacadda Carabta oo sheegtay in uusan wax u..
»Dowladaha Yugaandha iyo Itoobiya oo sheegay in loo..
»Wafti ka socda Jaamacada Carabta oo Somalia tagaya..
»Kenya ''waa in la hubiya qaxootiga somalida ah ka hor inta..
»Maxkamadaha oo Hub ka dhigis kawada Gobolka J/Hoose
»Maxkamada Al-Bayaan oo ku hanjabtay in Baydhabo ay...
»Sargaal sare oo ka goostay ciidammada Itoobiya
»Khubaro ka digay in Soomaaliya ciidammo shisheeye loo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 30

»Gabar Soomaali oo 11 jir ah loogana shakiyey in gudniin lugu sameeyey oo Booliska Sweden qasab ugu direen Jiinokolojiyo

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD